SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MUQDISHO
WARARKA: BOOSAASO | HARGEYSA | MUQDISHO | NAIROBI | QURBAHA | XORIYO
April 25, 2004

WARARKII MAANTA: APRIL 25

. Kenya oo Puntland kala xaajooneysa Muwaadiniinteeda
. Sideey u arkaan Qab Qablayaasha Dagaalka Go’aankii IGAD
. Xildhibaanadda DKGM ee Bay iyo Bakool oo bilaabay barnaamij nabadeed
.
Tiradda Dadka uu soo ritay Cudurka Daacuun Calooluhu oo sii kordhay
.
Qiimaha Basiinka oo Somalia kor u kacay

W/Q.Abdi Wali Ibraahim Aadan (Garyare)
garyare20@hotmail.com garyare@msn.com garyare20@yahoo.com

Kenya oo kala xaajoonaysa Punt Land in Muwaadiniinteeda ay kala soo baxdo Deegaanadda uu Maamulkaasi ka taliyo,

Maamul Gobaleedka Punt Land ayaa billaabay inay diiwaan galiyaan Muwaadiniinta Kenyanka ah ee ku sugan deegaanada hoos tagga Maamulkaasi,

Wasiirka Warfaafinta Punt Land, ayaa sheegay inay u qabteen Muddo Toddobo Maalmood ah dadka Haysta Baasabooradda Kenya inay isu soo diiwaan galiyaan si loogu daad gureeyo Dalkoodii, Wuxuuna sheegay in illaa iyo hadda dadka la soo xiriiray ay u badan yihiin Shaqaalaha Hay’adda Samafalka iyo Shirkadaha Ganacsiga, kuwaasoo uu sheegay inay ku xareeyeen goob gaar ah oo lagu haynayo tan iyo inta ay uga imaanaysa Diyaaradii qaadi lahayd,

Wasiirku waxa uu sheegay in Kenya ay soo codsatay in Muwaadiniinteeda loo qabto waqti ay uga daad gurayso Deegaanadda Punt Land, Wuxuuna sheegay inay arrrintaaasi iskula afgarteen Labada Dhinac kulan Nairobi ku dhex maray Wasiirkooda Arrimaha Dibadda iyo Wasiir Ku Xigeenka Arrimaha Dibadda Kenya,

Wasiirku waxa uu sidoo kale sheegay in Ciddii aan imaan Goobta lagu xaraynayo Dadka Kenyan-ka ah ay ka qaadi doonaan tallaabo Dhinaca Sharciga ah, Wuxuuna sheegay inaysan wax gor gortan ah ka gali doonin Go’aankooda ay ku mamnuuceen Baasaboorka Kenya,

Tallaabadan ay Punt Land ku mamnuucay Baasaboorka Kenya ayaa daba joogta mid la mid ah oo ay Kenya ku mamnuucay Baasaboorka Somalia, Waana Maamulkii ugu horeeyay ee qaata Tallaabadan Geesinimadda leh ee muujinaysa in Soomaalidu ay wali awood u leeyihiin inay ka jawaabaan Ficiladda lagu sharaf dilayo, iyadoo Maamulo kale oo ay ka mid tahay Dawladda Ku Meel Gaarka ah ee Somalia, iyo Somali Land-na la filayo inay qaataan Go’aano la mid ah kan ay Punt Land qaadatay,

Puntland oo Mamnuucday Baasaboorka Kenya

Kenya oo Mamnuucday Baasaboorka Soomaaliga

<><><>

Qiimaha Basiinka oo Somalia kor u kacay,

Qaabka Loo Qoro Wararka, Faalooyinka iyo Ra'yiga

Qiimaha Basiinka ayaa Suuqyadda Somalia ka gaaray Heerkii ugu sareeyay ee muddooyinkan uu gaaro inta la ogyahay.

Sayladaha lagu iibiyo Shidaalka ee Somalia ayaa waxaa ku sii yaraanaya Basiinka, iyadoo Fuustadii Basiinka ahna Maanta la kala siisanayay Qiimo Gaaraya 150 Dollar halka maalmihii la soo dhaafay Fuustada Basiinka ah la kala siisan jiray 125 Dollar.

Kor u kaca ku yimid Qiimaha Shidaalka ku yimid ayaa lala xiriirinayaa kadib markii aysan Muddooyinkan ku soo xiran Dekadaha Macmalka ah ee Muqdisho Maraakiib Wadda Basiin, Waxaana Shirkadaha Shidaalka ee Somalia qaarkood ay sheegeen in Dhibaatada Basiin yariddu ay saamaysay Caalamka oo dhan, Laakiin aysan ahayn wax ku kooban Somalia oo kaliya, sidaas darteedna waxay sheegeen inay dadaal ugu jiraan Sidii ay wax uga qaban lahaayeen Sicir Bararka ku yimid Basiinka, iyagoo iskaashi kala yeelanayaa Shirkadaha Caalamiga ah ee Shidaalka.

Basiinka oo markiisii hore Fuustadda la iibin jiray 85 Dollar ayaa muddooyinkan waxa uu ahaa mid kor u socda oo maalin maalinta ka dambaysay ay wax ku kordhayeen Qiimaha la iibiyo Shidaalka, iyaddoo sare u kaca Basiinkuna ay saamayn ku yeesheen Gaadiidka Dadwaynaha ee u kala goosha Gobaladda Somalia,

Muqdisho iyo Maridda Waddooyinka 
 

<><><>

Sideey u arkaan Qab Qablayaasha Dagaalka Go’aankii IGAD ee Shirka Soomaalidda Yididiilada Galiyay,

Hogaamiye Kooxeedyadda Soomaalida ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay Qoraal uu shalay Nairobi ka soo saaray Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Kenya, Stephan Kolonzo Mosiyooko,

Gen Maxamed Siciid Xirsi Moorgan oo Xalay kula soo xiriiray Shabakaddan Taleefoonka Guurguura ee Sattelite-ka ayaa sheegay in dhinacooda aysan ku laaban doonin Madasha Shirka Kenya, Wuxuuna wax lala yaabo ku tilmaamay in Kenya oo mamnuucday Baasaboorka Soomaaliga in dalkeeda lagu soo galo ay haddana u yeeranayso Soomaalidii. Isagoo sheegay in labadaasi arrimood aysan is qaban Karin sidaas darteedna looga baahan yahay Dawladda Kenya inay ku ekaato Mawqifka ay Soomaalida isaga cayrisay,

Mar la waydiiyay Moorgan waxa ay yeelayaan haddii Beesha Caalamka ay qaadato Mawqif ay ugu aqoonsanayso Dagaal Oogayaal diidan Nabada Somalia, waxa uu sheegay inaysan jirin cid iyaga wax ka qaadi karta, "Waa la yaqaanaa halka aan joogno ciddii tallaabo naga qaadaysana waan soo dhawaynaynaa ee hanoo timaado," sidaana waxaa yiri Moorgan oo isu muujiyay inuu kalsooni wayn ku qabo inaan Tallaabo laga qaadi Karin xittaa haddii arrintooda loo gudbiyo Golaha Ammaanka, Wuxuuna Dhinaca Kale Kooxaha ku haray Shirka ku tilmaamay la haystayaal aan ka bixi Karin Kenya,

Shariif Salaax oo isna u hadlay Ururadda Bulshada Rayidka ah ayaa sheegay in Go’aan kasta oo ay IGAD soosaarto uusan wax Nuxur Siyaasadeed ah soo kordhinayn, Wuxuuna ku macneeyay Hadalka Mosiyooko mid Soomaalida la isaga horkeenayo, inkastoo uu sheegay inuusan shaqsiyan waxba ka qabin haddii Shirka si deg deg ah lagu soo gabagabaynayo,

Xasan Qalaad oo isna madax ka ah Gobalka Hiiraan ayaa sheegay in Qoraalka uu Soo saaray Mosiyooko uu sii fogaynayo Xalka Somalia, Wuxuuna sheegay in Shirku uu la socon la’a yahay Faragalinta Dalalka IGAD,

Laakiin Shacabka Soomaaliyeed ayaa iyagu fikrad ka duwan tan Hogaamiye Kooxeedyadda ka bixiyay Go’aanka IGAD, Waxayna sheegeen in haddii laga dhabeeyo Go’aanadaasi ay keeni karaan Nabad ka aslaaxda Somalia, Waxaana Ra’yi Uruurin ay samaysay Shabakaddan ay muujinaysaa in inta badan Shacabka ay Rajo Wanaagsan ka muujinayaan Geedi Socodka Shirka, inkastoo Qaarkood ay u arkaan Shirka inuu yahay mid ay yar tahay Natiijadda laga fili karo mar haddiiba xalka laga sugayo Qab Qablayaasha Dagaalka ee ay Somalia u afduubnayd 14 ka sanno,

Hadal Qoraal ah oo uu dhawan soo saaray Wasiirka Arrimaha Dibadda Kenya, Kolonzo Mosiyooko ayaa looga dalbaday Odayaasha Dhaqanka iyo Hogaamiye Kooxeedyadda inay ugu dambayn ku yimaadaan Kenya 30 bishan, iyadoo 6-da May-na uu billaaban doono Wajiga Saddexaad ee Shirka, 13-ka May ayaa qoraalkaasi lagu cadeeyay inay billaaban doonto wax qaybsiga Beelaha oo ku salaysnaan doonta habka 4.5, iyadoo doorashada Madaxwaynahana loo cayimay inay dhici doonto inta u dhaxaysa 14-ka illaa iyo 17 ka June, halka Kowda Luulyana qoraalka Mosiyooko lagu sheegay in la caleemo saari doono Dawlada Soomaaliyeed,

Xisbiga BJP oo u Sharaxay PM Advani ,oo ah Ninkii Burburiyay Babri Misjid India
 

<><><>

Xildhibaanadda Baarlamaanka Ku Meel Gaarka ah ee ka soo jeeda Gobaladda Bay iyo Bakool ayaa sheegay inay ka billaabi doonaan Gobaladda ay ka soo jeedaan Barnaamijyo Dib u Heshiisiin ah,

Xildhibaanaddan oo Tiradooda lagu sheegay 41 ayaa gabagabadii Shir ay lahaayeen 3 Maalmood waxay ku sheegeen in Deegaanadooda oo Ehel u noqday Dagaal Sokeeye ay lagama maarmaan tahay in laga shaqeeyo Sidii loo Nabadayn lahaa, Waxayna sheegeen inay dhawaan u diri doonaan Gobaladda Bay iyo Bakool Ergo Nabadeed oo Bulshadda ka dhaadhiciya inay ka shaqeeyaan Nabadda iyo Dib u Heshiisiinta, iyagoo dhinaca Kalana Ethiopia ku eedeeyay inay Masuul ka tahay Hurinta Colaada Bay iyo Bakool,

Xildhibaan Cabdi Isaaq Ibraahim "Boon’’ oo gabagadii Kulankaasi la hadlay Saxaafadda ayaa sheegay inay dhawaan si rasmiya u gada gali doonaan Ajandayaashii ay shirkooda iskula afgarteen, WUxuuna Xildhibaanka oo arrimahaasi ka hadlaya Yiri:-

Xildhibaanadan waxay sidoo kale Rajo Xumo ka muujiyeen Shirka Kenya oo ay sheegeen inay yar tahay waxa laga fili karo inay ka soo baxaan, Waxayse sheegeen inaysan diidanayn Hanaanka ay IGAD soo bandhigtay in shirka Lagu maamulo.

Dawladda Ku Meel Gaarka ah ee Somalia, oo markii horaba lagu soo dhishay Habka Awood Qaybsiga Beelaha ee 4.5 ayeey xubnaheedu inta badan isu bahaystaan Beel beel, taasoo laga yaabo inay caqabad ku noqoto socodsiinta Shaqada Qaranka ee laga rabo Xubnaha Dawladda,

Culumaa'udiin Arimo Nabadeed u Tagay Xeraale

<><><>

Tiradda Dadka uu soo ritay Cudurka Daacuun Calooluhu ayaa ku soo badanaya Isbitaaladda Magaaladda Muqdisho, iyadoo Lix Caruur ahna ay u dhinteeen Maanta oo kaliya Cudurkaasi,

45 qof oo u badan Haween iyo Caruur ayaa la dhigay 12 kii Saacadood ee ugu dambeeyay Isbitaaladda Xayaat iyo banaadir ee Magaaladda Muqdisho, Waxaana dadkaasi qaarkood laga dayrinayaa Xaaladooda Caafimaad,

Prof Cismaan Dufle, Wasiiru Dawlaha Caafimaadka ee Xukuumadda Ku Meel Gaarka ayaa walaac ka muujiyay korarka dadka uu soo ritay Cudurka Daacuunku, Wuxuuna sheegay in saamaynta xilligan ee cudurku ay tahay tii ugu xumayd ee abad la arko inta la ogyahay, isagoo sheegay in Maalin kasta isku cel celis ahaan uu ku dhaco Daacuunku 60 qof,

Dufle waxa uu sheegay in illaa iyo hadda aysan wax Gurmad ah ka helin Beesha Caalamka Laakiin ay kula tacaalayaan Cudurkan Dadaal ay sameeyeen Soomaalida Laf ahaanteedu, Wuxuuna Sheegay inay waydiisteen Beesha Caalamka Kaalmo Bini’aadanimo, Laakiin aysan illaa iyo hadda wax Jawaab ah ka helin,

Cudurka Daacuun Caloolaha oo si xawliya ugu sii faafaya Somalia ayaa Maalin Kasta waxaa u dhinta Tiro dad ah, iyadoo ay Daawooyinka lagula Tacaala Daacuunkuna ay ku sii yaraanayaan Muqdisho,

<><><>

 Kacdoonka Ciraaq oo isku badalay in Badda laga weeraro Xulufadda Ciraaq qabsatay,

Weerarkii ugu darnaa ee noociisa oo kale aan wali lagu arkin ciraaq ayaa shalay ka dhacay Basra kadib markii doomo waxyaabaha qarxa lagu soo rakibay lagu soo weeraray Dekadda Magaaladaasi oo Xudun u ahayd Dhoofinta Shidaalka CIraaq, Waxaana la xiray gabi ahaan Dekadaasi,

Doomahan oo Tiradooda lagu sheegay 3 ayaa waxay ku soo xirteen Dekadda Basra, waxayan Ciidamadda Ingiriisku isku dayeen inay baaraan Doomahaasi, Laakiin markiiba waxay la arkayk Qarax wayn oo Dekadda Gil gilay, Waxaana dab qabsaday Haamihii Shidaalka ee Dekadaasi yaalay, iyadoo Sidoo kalana ay ku dhinteen Labo Askari oo ka mida Xulufadda Ciraaq qabsatay,

Shacabka Ciraaq oo wali wada Kacdoonka ay uga soo horjeedaan Duulaanka lagu qabsaday Dalkooda ayaa la soo baxaya habab Cusub oo ay ku waxyeeleeyaan Danaha Xulufadda uu Maraykanku horkacayo ay ka leeyihiin Ciraaq,

WARARKII UGU DAMBEEYEY EE ADUUNKA KA AKHRI: WORLD.NEWS

W/Q.Abdi Wali Ibraahim Aadan (Garyare)

garyare20@hotmail.com garyare@msn.com garyare20@yahoo.com 

Faafin: SomaliTalk.com | April 25, 2004 

Culumaa'udiin Arimo Nabadeed u Tagay Xeraale
Culimaa'udiinkaas oo hadda ku soo laabtay magaalada Galkacyo ayaa sheegay in... Guji 25/4

Puntland oo Mamnuucday Baasaboorka Kenya
qofkii lagu arko isagoo wata Baasaboor Kenyan ah isla markaana doonaya inuu soo galo ama ka baxo L waxaa loo aqoonsan doono qof Argagixiso, sidaas waxaa... Guji 24/4

Boosaaso oo Markale Lagu Gubey 41kg oo Xashiish ah iyo Khamri
Mukhaadaraadkaas oo lagu qabtay hawlgal ay fuliyeen Guddiga Faafreebka iyo Ciidanka Booliska ...Guji 7/4

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
Habnololeedkii saxaabadii Rasuulka ...

kaah

BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri



XAAFID QUR'AAN cFatax
Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


Wuxuu ku Qadeeyaa Qaadka, Wuxuuna ku Casheeyaa Ciidda, Oolyadana wuu ku Qubeystaa: Waxa uu ku nool yahay magaalada Muqdisho, magaciisuna waa... Guji...

 

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD