Culumaa'udiin Arimo Nabadeed u Tagay Deegaanka Xeraale oo
Dib ugu Soo Noqday Magaalada Galkayo.Somalitalk
pl(Galkacyo): Waxaa magaalada gaalkacay shalay
soo gaaray culumaa'udiinkii isu taagay nabadeynta beelihii dirirta ba'ani
ay ku dhex martay deegaanka xeraale oo katirsan gobolka galgaduud, Culimada
ayaa socdaalkooda kula soo kulamay labada beelood guurtidooda taasi oo ay
ka dhaadhiciyeen xabadjoojinta ladoonayo in lagu soo af jaro khilaafka
labada beelood.
Culimada ayaa saxaafada u sheegay in labada beeloodba ay
isla garteen in xabada la joojiyo loona gudbo wadahadlka nabadda, waxaa
kale oo ay intaasi ku dareen in si weyn laagu soo dhaweeyey aragtidan
nabadaynta.
Arintan nabdaynta ayaa ka danbeysey kadib markii halka
lagu magacaabo Heemo oo kutaal duleedka gaalkacayo ay shir ku yeesheen
culuymada iyo masuuliyiin sar sare oo pl kasoctay.
Sheekh Max'ed Sh Abdulaahi
Baardheere ayaa sheeegaya in arintan ay tahay wax aan idhagha laga qarsan
karin mudana in wax laga qabto.
Culumada ayaa shir ay ku soo
gorfeynayaan heshiiskan qabandoona maalmaha fooda nagu soo haya. waxaana
lafilayaa in uu noqdo mid mira dhala.
Sahro Sh Maxamed (Siglan)
sahrosiglan@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | April 25, 2004
Puntland oo Mamnuucday Baasaboorka Kenya
qofkii lagu arko isagoo wata Baasaboor Kenyan ah
isla markaana doonaya inuu soo galo ama ka baxo L waxaa loo aqoonsan doono qof
Argagixiso, sidaas waxaa...
Guji 24/4
Boosaaso
oo Markale Lagu Gubey 41kg oo Xashiish ah iyo Khamri
Mukhaadaraadkaas oo lagu qabtay hawlgal ay
fuliyeen Guddiga Faafreebka iyo Ciidanka Booliska ...Guji
7/4