Wakiil Q/ Midoobey ah oo wada
hadal la leh DKMG
W/Q.Abdi Wali Ibraahim Aadan (Garyare)
Garyare20@hotmail.com garyare@msn.com
Shirka Dib u Heshiisiinta Soomaalida ee ka socday Kenya
ayaa la shaaciyay in si rasmiya dib loogu billabi doono Muddo Toddobaad ah,
sida laga xigtay Guddiga Fududaynta IGAD.
Diyaar garoow xoogan ayaa socda oo lagu doonayo in dib
loogu billaabo Wajiga Saddexaad ee Shirka oo in muddo ah hakad ku jiray,
Waxayna IGAD sheegtay inay ku gudo jirto Hanaankii ay ku keeni lahayd Nairobi
Odayaasha Dhaqanka ee ku maqan Gudaha Somalia, taasoo ay sheegeen inay qaadan
karto Muddo Toddobaad ah.
Wajiga Saddexaad ee Shirka ayaa arrimaha ugu waawayn ee
looga hadli doono waxay noqon doonaan Awood Qaybsiga Beelaha, Waxaana lagu
salayn doonaa wax Qaybsiga Beelaha habka 4.5, iyadoo Siyaasiyiintuna ay ku
daba fayli doonaan Beelahooda taasoo meesha ka saaraysa Isbahaysiyadda ku
dhisan Danaha siyaasadeed ee abuurmay intii uu shirku socday.
IGAD waxay ka codsatay Beesha Caalamka inay gacan ka
gaysato socodsiinta Wajiga Saddexaad ee Shirka oo ay horyaalaan Qodobo
Xasaasiya isla markaana u baahan in Soomaalida gacan lagu siiyo sidii ay meel
isaga dhigi lahaayeen Khilaafaadka Siyaasadeed ee ay 14 sanno ee la soo
dhaafay ku kala irdhoobeen, Waxay IGAD sidoo kale Soomaalida Laf ahaanteeda
ka codsatay inay dhistaan Nidaam Dawladeed ay isku raacsan yihiin si ay u
helaan Taageeradda iyo Kalsoonidda Beesha Caalamka.
Guddoomiyihii Degmadda Baladwayne, Aadan Garaase ayaa
shalay soo gaaray Magaaladii uu Madaxda ka ahaa kadib markii ay soo daayeen
Ciidamadda Ethiopia oo in muddo ah uu xirnaa, iyadoo aan wax dacwad ah lagu
soo oogin.
Aadan Garaase oo saaka meel fagaare ah kala hadlay
dadwaynaha Reer Baladwayne ayaa sheegay in baaritaan dheer oo lagu sameeyay
kadib ay Ethiopia ogaatay inaysan waxba ka jirin waxyaabihii lagu xiray,
Wuxuuna sheegay in Xarigooda ay ka dambeeyeen dad warxumo Tashiil ah oo
doonayay inay iska horkeenaan dadka Reer Hiiraan iyo Ciidamadda Ethiopia.
Aadan Garaase waxa uu sheegay in intii uu xirnaa si
wanaagsan loola dhaqmay isla markaana lagu hayay Dhismo labo dabaq ah oo ku
yaalay Godeey, Wuxuuna sheegay in kaliya loo diiday in Soomaalidu ay soo
booqato Laakiin hab dhaqanka Ciidamadda Ethiopia waxa uu sheegay inuu ahaa
mid aad u wanaagsan.
Aadan Garaase waxa uu sidoo kale sheegay in Ethiopia ay
isla soo afgarteen inay meel uga soo wada jeestaan Kooxaha Mayalka Adag ee
Argagixisadda, Wuxuuna qiray Garaase inuu u sheegay Ethiopia in Baladwayne ay
joogaan Kooxo Wadaado ah oo Mayal adag kuwaasoo uu ballan qaaday inuu ka tir
tiri doono Deegaanadda uu ka taliyo.
<><><>
Dadkii Soomaaliyeed ee shalay dib looga soo celiyay
Libya ayaa sheegay in loola dhaqmay si ka baxsan Bini’aadanimadda. Isla
markaana lagula kacay Jirdil qaarkood naafeeyay.
Axmed Ilji ayaa sheegay in lagu hayay Xabsi ay aad u
liidatay Nadaafadiisu iyo Noloshiisu, Wuxuuna sheegay in la siin jiray wax ka
yar Haaf Baasto ah Maalinkii taasoo ay aad u adag tahay in Qof bini’aadam
ah uu ku noolaado, Wuxuuna sheegay ninkan oo ka mid ahaa afar qof oo ka
badbaaday dooni ay ku dhinteen dhawr iyo Soddon qof oo Soomaali ah in mararka
qaarkood ay Ciidamadda Libya ku garaaci jireen Ulo xoog badan.
Axmed Xasan Cilmi Axmed Sambuus oo isna ka mid ahaa
dadkaasi Soomaalida ah ee dib loogu soo celiyay Muqdisho ayaa sheegay in
dhaawacyo ay soo gaarsiiyeen Askarta Libya intii uu ku jiray Xabsiga uu
xanuunkoodii dareemayo illaa iyo hadda, Wuxuuna eeda wixii gaaray dusha ka
saaray Safiirka Somalia u fadhiya Libya oo uu ku tilmaamay nin naxariis daran,
Waa sida uu hadalka u dhigayee.
Dadkan shalay la soo celiyay oo tiradoodu gaaraysay 104 qof
waxay dhamaantood isku aragti ka noqdeen in Safaaradda Somalia ay ku leedahay
Libya ay dayacday doorkii uga aadanaa inay wax u qabato Soomaalidda ku xir
xiran Libya, Waxayna dhamaantood sheegeen in qaab ehelnimo ahuu safiirku
xabsiga uga dayn jiray dadka ku jira, iyagoo xittaa sheegay inuu ka hor
istaagay Taleefoono uu Hogaamiyaha Libya uga talagalay inay Ehaladooda kula
hadlaan oo uu sheegay inaan loo baahnayn xilligan.
Fardowso Cali oo ah gabar Soomaaliyeed oo ka mid ahayd
dadka shalay la soo celiyay ayaa iyada oo oynaysa ku tilmaantay wixii ay
Libya kula kulantay dhibaato ka wayn middii ay Somalia uga carartay, Waxayna
sheegtay in loola dhaqmi jiray si ka baxsan Islaanimadda.
C/kariin Maxamed Xaaji oo isna Soomaalidaasi ka mida ayaa
sheegay inay lahaayeen Saacado Jirdil ah iyo Saacado Orod ah, Wuxuuna sheegay
in lacago loogu talagay in la siiyo marka loo celinay dalka uu jeebka ku
ritay Ina Ilkadahab Safiirka Somalia u fadhiyo Libya, Wiilkan oo ay ka
muuqdeen dhaawacyo waawayn ayaa sheegay inay Ciidamadda Libya jirdil u
gaysteen isla markaana lug iyo gacan ka jabiyeen xilli uu isku dayay inuu
baxsado.
<><><>
12 qof ayaa inta la ogyahay Cudurka Shuban Biyoodka ugu
dhimatay Toddobaadkan meelo kala duwan oo Somalia ka mida.
shan ka mida dadkan ayaa la xaqiijiyay inay ku kala
dhinteen 3 Isbitaal oo ku yaala Muqdisho, Waxaana hawl wadeenadda
Isbitaaladaasi ay sheegeen in dadkaasi la keenay Isbitaaladooda iyagoo gaaray
heer aan waxba laga qaban Karin.
2 ka mida dadkan ayaa iyaguna ku dhintay Isbitaalka Afgooye
oo dhawaan dib loo furay, Waxaana labadan qof oo midi haweeneey tahay ay
dhinteen kadib markii ay muddo labo saacadood ah yaaleen Isbitaalka Afgooye
oo gabi ahaanba ay ka go’een Faleembooyinkii la suri lahaa dadka uu soo
ritay Cudurka Shuban Biyoodka.
wararka aan ka helayno Gobalka Shabeeladda Dhexe ayaa
iyaguna sheegaya in Shanta qof ay cudurkaasi ugu dhinteen deegaano kala duwan
oo ka tirsan Gobalkaasi, Waxaana dadkan shanta ah la sheegay inay siyaabo
gaar gaar ah ugu dhinteen guryahooda kadib markii ay in muddo ah ku fuuq
baxayeen iyadoo aan la gayn goob Caafimaad.
Cudurka Shuban Biyoodka oo si xawli ah ugu sii faafaya
dalka ayaa waxaa xilligan dhibaatadiisa u sii dheer iyadoo aysan jirin Hay’addo
Samafal oo gacan ka gaysta keenista Faleembooyinka iyo ORS-ta, Waxaana
Isbitaaladda dalka Qaarkood ka dhamaaday Faleembooyinkii taasii sii cuslaysay
qatartii jirtay, halka Isbitaaaladdda Qaarkoodna ay Daawaddu gabaabsi ka
tahay.
<><><>
Mixewell Gaylor, Wakiilka Qaramadda Midoobay ee Somalia
ayaa wadahadalo kula leh Muqdisho Masuuliyiin ka tirsan Dawladda Ku Meel
Gaarka ah ee Somalia, iyo Qaybaha Bulshadda Gobalka Banaadir.
Kulan uu shalay la yeeshay Gaylor xubno ka tirsan labada
Gole ee Dawladda Ku Meel Gaarka ah ayeey warar ku dhaw sheegayaan in la
iskula soo qaaday eedayntii uu dhawaan u jeediyay Hay’adaha Qaramadda
Midoobay Madaxwayne C/qaasim. Waxaana xubnaha labada gole ay hordhigeen
Gaylor dalab ay ku doonayeen in Dawladdu ay si gaar ah ula socoto halka ay
maraan Kaalmooyinka loogu talagay Somalia, Laakin Mr Gaylor ayaa la
xaqiijiyay inuu dalabkaasi ku gacan sayray, isagoo u sheegay Xubnaha Labada
Gole inaysan Dawladdu la socon Karin Hawlaha Qaramadda Midoobay oo sharci
ahaan aysan dalalka ay ka hawlgalaan hay’adaha Qaramadda MIdoobay xaq u
lahayn inay la socdaan dhaq dhaqaaqyadda hay’adahaasi.
Gaylor ayaa la filayaa inuu caawa la kulmo Madaxwaynaha
Dawladda Ku Meel Gaarka ah, C/qaasim Salaad Xasan, Waxaana la filayaa in go’aano
rasmiya ay iskula gaaraan kulankaasi labada dhinac.
Dawladda Ku Meel Gaarka ah ee Somalia, ayaa dhawaan ku
eedaysay Qaramadda Midoobay inay ku takri fasho dhaqaalaha loogu talagalay
Somalia.
<><><>
Ugu yaraan Sideed qof oo CIraaqiyiin ah ayeey Ciidamadda
Maraykanku ku dileen Xaafadda Jawlaan oo ka tirsan Magaaladda Faluuja.
Taankiyadda Maraykanka oo ay kor ka taageerayaan
Diyaaradaha Dagaalku ayaa si xun u duqaynayay Muddo 45 daqiiq ah gudaha
Xaafadaasi, Waxayna wararku sheegayaan in Dadka Xaafadaasi ay si wayn isaga
difaaceen Ciidamadda Maraykanka ee doonayay inay gudaha u soo galaan
Xaafadaasi.
Sarkaal u hadlay ciidamadda Maraykanka ayaa sheegay inay
dagaalkaasi ku baacsanayeen Koox ay sheegeen inay shalay galinkii dambe soo
weerareen Xabsi ku yaalay Galbeedka Baghdad, Waxaana dagaalkan shalay uu
meesha ka saaray wadahadal u socday Dadka reer Faluuja iyo Ciidamadda
Maraykanka.
Iska hor imaadyadda labada dhinac ayaa waxaa ku dhintay 700
oo Ciraaqiyiin ah iyo ku dhawaan Boqol Askari oo Maraykan ah, Waxaana iska
hor imaadyadaasi ay keeneen inay Ciidamada Maraykanku u bareeri waayaan inay
gudaha u galaan Faluuja.
W/Q.Abdi Wali Ibraahim Aadan (Garyare)
Garyare20@hotmail.com garyare@msn.com
Faafin: SomaliTalk.com | April 21, 2004
Muqdisho
iyo Maridda Waddooyinka
Isbedelka ku yimid Muqdisho dagaaladii kaddib Guji
Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com