SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK -WARAR 

April 20, 2004

Jaamac Khaliif, Musharaxa Madaxweynaha Soomaaliya, oo Soo Saaray baaq nabadeed oo ku wajahan Reer Laascaanood

Jama Hassan Khalif Jama Hassan Khalif

Baaq- Nabadeed oo Kusocda Shacabka kunool Gobolladda Sool, Sanaag iyo Hawd , Gaar ahaan Dagaaladda naxdinta leh ee kasocda Magaaladda Laascaanood iyo agagaarkeeda.

Anigoo Kuhadlaya Magacayga iyo magaca dhamaan Ummadda Soomaaliyeed ee nabadda jecel , yaqaanana dhibta dagaalku leeyahay ayaan waxaan soo jeedinayaa arimahan:

1. In shuruud la’aan la joojiyo xabadda kasocota dadka hilbo-wadaagta ah dhexdooda

2. In Tallaabo deg deg ah ay kaqaadaan Odayaasha Dhaqanka , Culimaa’udiinka, Aqoonyahamiinta, Haweenka, iyo cid Alla cidii aragti Nabad jacayl kujirto sidii loo baadhilahaa , loona dhamayn lahaa waxyaabaha Dagaalka hurinaya.

3. In laqabto oo laysugu tago cid Alla cidii nabadda diida waayo Ilaahay ayaa ina leh hadii labo qolo oo Islaam ahi is disho dhexdhexaadiya , Tii diidana isugu taga.

4. Marlabaad waxaan farayaa Odayaasha Dhaqanka inay kadigtoonaadaan Eexda , Qabiilka, Eagaana wanaaga Ummadda ayku dhaqayeen Mudadii dheerayd ee Dawlad la’aanta wadanka ay kajiray.

Ugu danbayn Waxaan Ilaahay Uga Baryayaa In dagaalkaa Ilaahay Qaboojiyo , cidii waddana Xaqa iyo wadada Toosan Alla Tuso.Aamin Aamiin Aamiin.

Waxaana Mahad usoo jeedinayaa wax garadka Ku hawlan Nabadda ee kuguulaystey in Sool iyo goboladda Sanaag iyo Hawd ay kabadbaadeen colaad balaadhani kadhacdo.

Jama Hassan Khalif

Musharaha Jagga Madaxweynanidda Soomaaliya ee Shirka kasocda Kenya.

jamakhalif@hotmail.com  

Khudbadii Jaamac Khaliif uu Ka Jeediyeye Minneapolis [may 2003] 

Faafin: SomaliTalk.com | April 20, 2004

Muqdisho iyo Maridda Waddooyinka 
Isbedelka ku yimid Muqdisho dagaaladii kaddib Guji

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
Habnololeedkii saxaabadii Rasuulka ...

kaah

BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri

 

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD