SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK -WARAR 

April 20, 2004

Baaq nabadeed oo Ku Jihaysan Laas-caanood

Anagoo ah Odayaasha magaalada Toronto ee dalka Canada, waxaanu dareenkayaga u gudbiney Garaad Cabdi-Qani Garaad Jaamac iyo Garaad Cali Buraale Xasan oo labaduba jooga Laascaanood. Waxaan u bandhigney aragtida aanu ka qabno xasilooni darrida ka ka jirta deegaanka sida hoos ku cad, nuxurkiisuna yahay saddex arrimood :

Joojinta Dagaalka, xallinta khilaafka iyo dhibkii dhacay, iyo wacyi gelin mustaqbalka ah.

Waxaanu ka codsanay inay is doontaan, hoggaamiyaan xal raadinta, iskuna tashadaan, iyaga la kaashanaya odayaashooda iyo waxgaradka ah ee labada reer. Dhulbahantaha dhex-dhexaadiyana u noqoto waxaaga wax laguugu dar.

Garaadu waxay noo sheegeen inay intii karaankooda wax ka qabanayaan arrintan. Garaad Cabdi Qani isagu wuxuu si gaar ah carrabka ugu dhuftay oo yidhi, "Labada reerba muddo badan ayay ladnaan iyo nimco ku jireen, waxaana loo baahan yahay iney ilaashadan, Ilaahey idinkii, Nabaddana waa la gaadhayaa."

Sidoo kale Garaad Cali Buraale Hassan wuxuu yiri, "Maanta sheeydaan baa si fiican u shaqeysanaya, waanu ku dadaaleynaa sidii loo heli lahaa nabad waarta."

Murtida hadalada Garaadadu waxay ula jeedaan, "xataa haddii lagaa gar daran yahay, xusuusnow Nabadda iyo Nimcada Allaah ku siiyey." Iyadoo meelo badan lagala hadlay Garaadada waxaa loo baahan yahay in la sii xoojiyo.

BAAQAYAGIINA WAA SIDAN

Allaah wuxuu Qur'aanka ku yidhi, " Inna-Allaaha Ya'muru Bil-cadli Wal Ixsaani Wa-itaa'i Dil-qurbaa Wa-yanhaa Cani-lfaxshaa'i Walmunkari walbaqi, Yacidukum Lacallakum Tadakaruun". Aayaddan waxaa maalin kasta oo Jimce ah lagu soo gabagabeeya khudbadda Jimcaha, waxaana u sabab ah ahmiyadda ay leeyihiin arrimaha Allaah subxaanahu Wa-Tacaalaa uu kaga hadlayo. Tafsiirka Aayadda si kooban waxa weeye: Allaah wuxuu farayaa in la sameeyo Caddaalad, Ixsaan, xidhiidhinta qaraabada, wuxuu reebayaa Faaxishooyinka,Munkarka, iyo Dulmiga. Allaah Wuu idin Waaninayaa Haddaad Tihiin kuwo Waano Qaadanaya.

Looma baahna inaanu ka sheekayno waxa ay isu yihiin iyo waxa ka dhexeeya labada beelood (Reer) ee la sheegayo inay ku kala safteen tuulada Daba-Taag. Waayo, maahmaah Somalidu leedahay ayaa odhanaysa sidan, " Nin Ragi Waa Og-yahay, Nacasna Loo Sheegi-maayo".

Waxaanu si aad ah uga xun nahay inaan degdeg loo xallin fidnadaas, heerka ay hadda gaadhay ee dagaalka ah, iyo sida ay u muuqato inay lugaha u sii fidsanayso, haddii aan la helin xal degdeg ah iyo xilkasnimo. Sidaa-awgeed, waxaanu baaq u soo jeedinaynaa kana codsanaynaa in dagaalka si degdeg ah loo joojiyo dhammaan qaybaha halkan hoose ku taxan:

Garaad Cabdi-Qani Garaad Jaamac iyo Garaad Cali Buraale Xasan

Madax Dhaqameedyada Kale: Garaadada, Salaadiinta, Ugaasyada, Cuqaasha, iyo Nabad-Doonnada

Culimada Diinta

Odayaasha, iyo wax Garadka

Indheer-Garadka, iyo Aqoon-Yahanka

Hooyooyinka Xuqquqda badan ee Sharafta Mudan (HAWEENKA)

Jaaliyadaha Dibedaha ee ka soo jeeda labada beelood: Si gaar ah, waxaanu iyaga uga codsanaynaa inay iyagoo gacmaha is haysta ay wadajir uga wada qayb qaataan qaboojinta iyo xallinta dhibaatada

Dhallinyarada: Mustaqbalkoodu ku Xidhan Yahay Nabadda, Degganaanta, iyo Xasilloonida

Dhallaanka: Af Baradka ah iyo Kuwaan weli Af Baran ee aan Wax Dembi ah Lahayn

Ubadka aan Weli Dhalan ee ku Jira Uurka Hooyo, iyo

Cid Kasta oo Kaleba

Sida Hadda Loo Dhaqmo:

Marka uu qofi fal dambiyeed dil ah geysto, halkii bulshada oo dhammi u arki lahayd inuu yahay falkaasi mid ku kooban qof keliya, haddaan markaa la caddayn cid kale oo ku wehelisey, waxaa dhacda in bulsho ballaadhan la eedeeyo (Qabiil). Qabiilka la eedeeyey kama gilgisho arrinkaas ee wuu oggolaadaa eedda, waxaana u daliil ah inuu la shir yimaaddo liis dheer ku qoran yihiin dad uu ku doodayo in hore looga dilay si uu ugu xisaab qaato.

Sida Loo Baahan yahay In Loo Dhaqmo:

In bulshada oo dhammi, reerka uu ka soo jeedo ka wax dilay, reerka uu ka soo jeedo ka la dilay iyo reeraha kale ee deegaanka oo dhammi u wada arkaan fal dembiyeed ku kooban qof keliya. Sidaadarteedna, aan loo baahnayn in la qanciyo reer ama la ciqaabo reer kale. Balse, ay waajib tahay meeshana taallo in si sharci ah loo ciqaabo ama loo cafiyo qof dembiile ah, isla markaana si sharci ah loo qanciyo ama heshiis lagu samirsiiyo oo lagu bogsiiyo qoyskii uu ka baxay qofka la dilay.

Waxa ay nala tahay in loo baahan yahay in si degdeg ah loo qaado tallaabooyinka soo socda:

TALLAABADA KOOWAAD:

In si degdeg ah oo shuruud la'aan ah loo joojiyo dagaalka sii fidaya ee ka bilawday Daba-Taag. Wixii ilaa iyo hadda dhacayna laga soo qaado ayaan darro dhacday

TALLAABADA LABAAD:

Waa xallinta khilaafka, fidnadii arrintu ka dhalatay, iyo dhibkii dhacay oo dhan. Waa in bulshada la fahamsiiyo dembiga qof, laba, ama dhawr qof geysato aysan sinaba u ahayn wax bulsho ballaadhan oo weyni geysatay. Waa in si buuxda loo hubiyaa in arrintaasi dadka ka dhaadhacday ilaa heer aysan dib dambe u dhicin in qofna uu rogrogo (Contemplate) talo xun uu qof aan dembi lahayn wax ku yeelayo.

TALLAABADA SADDEXAAD:

WACYI GELIN MUSTAQBALKA : Adduunyada meelna kama jirto in marka qof dembi geysto cid kale loo raaco. Qofka fal dambiyeed la yimaadda isaga ayaa si buuxda u leh masuuliyadda falka uu geysto, ma bannaana in loo raaco Aabbihii, Walaalkii, iyo Ubadkiisa. Innagu marka aynu Muslim nahayna dulmigu si adag ayuu inooga reebban yahay. Bulshada waa in la fahamsiiyo in shayga la yidhaahdo 'Aarsiga" ama aano qabiil oo wax loo dilaa uu khalad weyn oo xaq darro ah yahay. Waa la asiibay markii Aarsiga " Revenge" lagu tilmaamay Caddaalad Indho La' ama Caddalad Bahal Ah (Wild Justice). Dhaqanka xun waa in laga guuraa, haddii la doonayo in dhibaatada laga baxo. Haddaan sidaa la yeelin waxa sii soconaya dulmiga meertada ah " (Cycle).

Somalidu meel ay joogtaba marka ay la soo gudboonaato dil xaq darro ahi, bal dib ha uga fiirsto sida caadada iyo dhaqanka u ah ee ay ku doonto xalka. Waxaa la gudboon inay ka guurto dhaqanka xun.

Waxaanu aad ugu mahad celinaynaa waxgaradka ilaa hadda isu xil-qaamay qaboojinta iyo wax ka qabashada shiddada ka aloosan Daba-Taag iyo inta kale ee isu xilqaami doonta hawshaas haddii Allah uu idmo. Waxaanu Ilaahay ka rajaynaynaa in si degdeg ah loo soo afjaro dhibaatada lana soo celiyo Nabbaddii, Xasilloonidii, iyo Walaaltinimadii.

Odayaasha Baaqa Saxeexay, Waxaa ka mid ah,

  • * Xaaji Cabdi Cali Cabdi
  • * Maxamuud Xasan Sancad
  • * Cabdulqaadir Axmed
  • * Dr Yuusuf Sulayman Sancad
  • * Maxamed Faarax Sandheere
  • * Sulaymaan Cabdi Gedle
  • * Xasan Cabdi Jiir
  • * Cabdulqafaar Cali Wadaad
  • * Xasan Cabdi Xaaji Muuse
  • *Mustafa Cabdi Sancad
  • *Cabdirisaq Farah Diriiye
  • *faysal Axmed Garmagaate
  • *Axmed Xidig
  • *Maxamuud Farah
  • *Faysal Cisman Idiris

ALLE HA INALA GARAB-GALO

kala xiriir: Abdulkadir Ahmed abdul.a@sympatico.ca 

Faafin: SomaliTalk.com | April 20, 2004

Muqdisho iyo Maridda Waddooyinka 
Isbedelka ku yimid Muqdisho dagaaladii kaddib Guji

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
Habnololeedkii saxaabadii Rasuulka ...

kaah

BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri

 

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD