April 19, 2004
Xiriiriyaha Hawlaha bini’aadamo ee
Qaramadda Midoobay Mixewall Gaylar oo ku sugan Magaaladda Baladwayne ee
Gobalka Hiiran ayaa kala hadlaya Odayaasha Deegaanka sidii la isaga kaashan
lahaan Suggidda Ammaanka shaqaalaha Samafalka,.
Gaylor oo shalay gaaray Baladwayne ayaa
kulan uu maanta la yeeshay qaybaha kala duwan ee Bulshadda Gobalka Hiiraan
waxa uu kala hadlay sidii loo illaalin lahaa Nabadgalyadda Shaqaalaha Hay’adda
Samafalka, Waxaana uu kulankaasi kaga dhagaystay qaybaha kala duwan ee
Bulshadda warbixin ku aadan Xaaladda Ammaanka ee Gobalka.
Ugaaas C/laahi Ugaas C/raxmaan oo ah oday
Dhaqameed si wayn looga tixgaliyo Gobalka Hiiraan ayaa kulankaasi kadib u
sheegay Saxaafadda inay kala hadleen Gaylor sidii Qaramadda Midoobay ay
Hawlaheeda Gobalka u kordhin lahayd, Wuxuuna sheegay in inkastoo uu Gaylor
aqbalay codsigooda uu haddana wal wal ka muujinayay Ammaanka Gobalka oo uu
sheegay in meelaha qaarkood aan la isku halayn Karin.
Socdaalka Mixewell Gaylor ee Magaaladda
Baladwayne ayaa yimid xilli ay Dawladda Ku Meel Gaarka ah ee Somalia, eedayn
kulul u jeedisay Qaramadda Midoobay iyo Laamaheeda Gargaarka, Waxaana uu
shalay ku sheegay Madaxwayne C/qaasim shir jaraa’id oo uu Muqdisho ku
qabtay inay qarashaadka caalamku ugu talagalay Somalia ku bixiyaan Madaxda
Hay’aduhu Hawlo u gaar ah iyo Tamashlaynta iyaga iyo Caruurtooda.
<><><>
Dallada Culumadda Soomaaliyeed ayaa qaylo
dhaan xoogan ka soo saartay Olole ay sheegtay in lagu Kirshtaamaynayo Dadka
Soomaaliyeed.
Guddoomiye Ku Xigeenka Dallada Culumadda
Soomaaliyeed, Shiiq Nuur Baaruud oo ka hadlayay Shir Jaraa’id oo uu maanta
ku qabtay Muqdisho ayaa sheegay in hay’addo sheeganaya Samafal ay
billaabeen inay Buugaag ka hadlayay Diinta Masiixiga u qaybiyaan Iskuuladda
Dalka Somalia, Wuxuuna si gaar ah farta ugu goday Hay’addaha Swiss Church
ee Fadhigeedu yahay Magaaladda Marka.
Shiiq Nuur Baaruud waxa uu ka digay in laga
ganacsado Buugaagtaasi iyo dhamaan Agabka kale ee ay ku cad yihiin
Calaamadaha Kirishtaanku, Waxaana uu sheegay in Soomaalida lagu yaqaano inay
yihiin dad ad adag oo aan iibsan Diintooda iyo Damiirkooda sidaas darteed
waxa uu sheegay inuusan filayn marnaba in Diinta Islaamka oo ah tan kaliya ee
Somalia ka jirta la badalo.
Intii uu Shirkaasi Jaraa’id socday waxay
Culumaa’udiinka Soomaaliyeed soo bandhigeen Qalab kala duwan oo uu ka mid
yahay Bible-ka Diinta Masiixiga, Alaabo ay Caruurtu ku ciyaaraan oo ay ku
qoran yihiin erayo Af Ingiriisi ah oo la macno ah Dhoolo Caddee Ciise Waa Ku
Jecelyahaye, Smile, Jesus Loves You, Waxaana looga digay Caruurta iyo
Waalidiintoodaba inay ku kadsoomaan waxyaabahaasi lagu badalayo Caqiidadooda
Saliimka ah.
<><><>
Dawladda Ku Meel Gaarka ah ee
Somalia, Golaha Samata Bixinta Qaranka iyo Kooxda G-8 ee uu hogaamiya Qanyare
ayaa qoraal ay ka soo saareen Nairobi waxay ku dalbadeen in Shirka Nairobi
gacanta loo galiyo Soomaalida.
Qoraalkan oo ay soo saareen saddexda dhinac
kadib markii ay shir Saacado socday shalay ku yeesheen Nairobi ayeey ugu
dambayntii iskula garteen in Shirka Kenya looga badbaadin karo fashil ku
yimaaada haddii Shirguddoonka laga dhigo Soomaali, isla markaana ay IGAD iyo
goobjoogayaasha Caalamiga ahi yeeshaan oo kaliya fududaynta Tasiilaadka
lagama maarmaanka u ah socodsiinta Shirka, Waxayna sheegeen in IGAD mudadii
ay hogaaminaysay Shirka ay dadaal badan muujisay Laakiin ay jiraan Qaladaad
ay galeen.
Hadal gaaban oo ay dhinacyadda shirkan
yeeshay siiyeen Saxaafadda waxay ku sheegeen inay Qoraal Rasmiya u gudbiyeen
Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Kenya, Waxayna sheegeen in sidoo kale ay
waydiisteen Wasaaradda inay ka noqoto go’aanka ay dalkeeda uga mamnuucday
Baasaboorka Soomaaliga oo ay sheegeen inay u muuqato tallaabo lagu kala
goynayo Kooxaha siyaasadda ee ku sugan Nairobi iyo Taageerayaashooda
Kooxahan shalay shiray oo baaqi ku ahaa
muddooyinkii ugu dambeeyay Madasha Shirka Soomaalidu ka socday ayaa
cabashooyinka ay gudbiyeen waxay u muuqataa inay wax xoogaa yaraatay Rajadii
ay ku qabaan Shirka Soomaalida uga socday Kenya.
<><><>
Gudoomiyaha Golaha Abaabul Qarameedka,
Maxamed Cumar Xabeeb “Maxamed Dheere” ayaa ka laabatay go’aankii uu kol
hore Deegaanadda uu ka taliyo uga mamnuucay Xirashadda Indhashareerka.
Maxamed Dheere oo ka hadlay Shir Jaraa’id
oo uu ku qabtay Muqdisho ayaa sheegay in ka laabashadda go’aankiisa uu ku
mamnuucay Indhashareerka ay timid kadib markii ay cabashooyin badan uga timid
Culumadda Soomaaliyeed, Wuxuuna u Mahad Celiyay Dalladda Culumadda
Soomaaliyeed iyo Urur Diimeedka Ahlu Sunna Waljameeca oo uu sheegay inay u
faah faahiyeen waxa ay Diintu ku qabto Indhashareerka.
Maxamed Dheere waxa uu sheegay inuu
xaqiiqsaday in Indhashareerku uusan ahayn Waajib Diiniya balse uu yahay
dhaqan Dumarka Islaamka lagu yaqaabo, sidaas darteedna waxa uu sheegay inuu
dib uga laabtay go’aankii uu ku Mamnuucay Indhashareerka, Wuxuuse sheegay
in taxadar dheeriya ay ka muujin doonaan dadka xirta Indhashareerka oo sida
uu sheegay ay suuragal tahay inay ku soo gambadaan Kooxo Argagixiso ah.
Go’aankan cusub ee uu Maxamed Dheere
qaatay ayaa lala xiriirinayaa kadib markii Maalmihii la soo dhaafay uu Kulamo
gaar gaar ah kula lahaa Muqdisho Culumaa’udiin ay Ehelo yihiin iyo Waxgarad
kala duwan, Waxaana si gaara arrintan cadaadis ugu saaray Ganacsade Abuukar
Cumar Cadaan oo uu marti ugu yahay Muqdisho Hogaamiye Kooxeedkan.
<><><>
Wararka ka imaanaya Dhulalka la haysto ee
Reer Falastiin ayaa sheegaya in Ciidamadda Isreal ay Toogasho ku dileen nin
Falastiiniya oo weerar ku soo qaaday Fariisin ay ku leeyihiin Waqooyiga
Marinka Gaza.
Dilka ninkan ayaa yimid Maalin kadib markii
ay Dagaalyahanadda Xamaas weerar ku qaadeen Deegaanadda la dajiyay Yuhuudda,
Halkaasoo ay la beegsadeen dhawr gantaal oo ah nooca Gacanta laga rido,
Waxayna wararku intaasi ku darayaan inaysan jirin cid wax ku noqotay
Weeraradaasi ay Xamaas ku qaaday Deegaanadda ay Yuhuuddu degaan.
Dhulalka Reer Falastiin waxaa ka socda
Maalintii saddexaad Baroordiiqda loo samaynayo Geeriddii Hogaamiyahii Xamaas,
Dr C/casiis Al-Rantiizi, Waxaana maanta iyo shalay aan la furin dhamaan
goobihii Ganacsiga ee Magaaladda Gaza.
<><><>
Xukuumadda Cusub ee Spain ayaa xalay ku
dhawaaqday inay Muddo 15 Maalmood ah ugala baxayso Ciidamadeeda ka jooga
Dalka Ciraaq.
Ra’iisul Wasaare Jose Luis Rodriguez
Zaperto oo horay u shaaciyay in Ciidamadda Spain ay ugu dambayn ka soo bixi
doonaan Dalka Ciraaq Bisha June ayaa sababta soo dadijisay go’aankiisa lagu
macneeyay kadib markii uu Maraykanku diiday in Qaramadda Midoobay ay door
muuqda ku yeelato Arrinta Ciraaq iyo iyadoo ay sii socdaan Dagaaladda looga
soo horjeedo Xulufadda qabsatay Ciraaq.
Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Spain, Micheal
Moratinous ayaa xiriir uu Khadka Isgaarsiinta kula yeeshay dhigiisa Masar,
Axmed Maahir waxa uu ku sheegay inay go’aansadeen inay ugala soo baxaan
Ciidamadooda Ciraaq muddo 15 Maalmood gudahood ah, Wuxuuna hoosta ka xariiqay
inaysan sugi doonin Qaraar ka soo baxa Qaramadda Midoobay.
Aqalka Cad ee Maraykanka oo ka jawaabayay
hadalka ka soo baxay Spain ayaa laga soo xigtay inay sii wadi doonaan
Iskaashiga ay Spain kala leeyihiin Dagaalka ka dhanka ah Ciraaq, Laakiin ma
aysan ka hadlin dareenkooda ku aadan Ciidamadda Spain ay kala baxayso Ciraaq
oo dhabar jab Siyaasadeed iyo Gaashaandhig ku ah Isbahaysiga uu Maraykanku
horkacayo ee Awooda ku qabsaday Ciraaq.
W/Q.Abdi Wali Ibraahim Aadan (garyare)
Garyare20@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | April 19, 2004
Muqdisho
iyo Maridda Waddooyinka
Isbedelka ku yimid Muqdisho dagaaladii kaddib Guji
Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com
|