April 18, 2004
Midowga Yurub oo arrimo
waaweyni ay sannadkan hor yaallaan
Maxamed Xaaji (Ingiriis)
Brussels, Belgium
E-mail: Ingiriis@yahoo.com
Midowga Yurub ayaa u diyaar goroobaya inuu
soo dhoweeyo 1-da bisha May ee foodda inagu soo haysa toban dal oo badankood
ay horey uga mid ahaan jireen wadammadii shuuciga ee bariga Qaaradda Yurub.
Dalalkan waxay 25 ka dhigayaan tirada wadammada ku jira Midowga Yurub, halkii
ay horey uga ahaayeen 15.
Tobanka dal: Poland, Hungary, Jamhuuriyadda
Czech, Slovakia, Slovenia, Lithuania, Latvia, Estonia iyo labada jasiiradood
ee ku yaalla badda Mediterinian-ka ee kala ah Cyprus iyo Malta waxaa ku soo
biiritaankooda dabaaldeg weyn loogu sameyn doonaa magaalada Dublin ee
Jamhuuriyadda Ireland oo iyadu hadda haysa madaxtinimada lix biloodlaha ah ee
wareegta ee Midowga Yurub. Wadammada Romania iyo Bulgaria ayaa la iclaamiyey
inay Midowga Yurub ku soo biiri doonaan sannadka 2007.
Faa'iidada ugu weyn ee ku soo biiritaankan
waxaa halkan looga arkaa isku furka xuduudaha Qaaradda Yurub iyo adkeynta
kobaca dhaqaalaha Yurub oo muujiyey sannadkii dhowaa horukac aad u sarreeya.
Lacagta Euro ee ay isticmaalaan badankood wadamada ku jira Midowga ayaa weli
ceego ku haysa doollarka Mareykanka.
Dhowr dal oo Yurub ka mid ah oo ay ku jiraan
the Netherlands, waxa ay durba shaaciyeen inay ka walaacsan yihiin in dad
badan oo shaqaale ah ay kaga soo jabaan Yurubta Bari oo dhaqaale ahaan aan
weli lala simi karin Yurubta galbeed. Tobanka dal ee cusub dadkoodu xaq waxay
u yeelan doonaan inay Yurub ka degaan meeshay doonaan.
Ku soo biiritaankooda ka hor waxaa la
filayey in la saxiixo distoorkii Midowga Yurub oo la isku mari waayey shirkii
bishii December, markii Faransiiska iyo Jarmalku ay soo jeediyeen in
distoorka lagu xuso inay yeeshaan cod ballaaran. Arrintaas waxaa si adag ugu
diiday Spain iyo Poland. Laakiin, shirkii bishii dhoweyd ee March
aakhirkeedii ayaa lagu heshiiyey in la billaabo wada-xaajood ku saabsan
distoorka.
Ra'iisal Wasaaraha Ireland, Bertie Ahern,
waxa uu weydiistay Faransiiska iyo Jarmalka inaysan qaadin wax tallaabo ah oo
ay ku majaxaabinayaan midnimada Midowga Yurub illaa iyo inta distoorka laga
sii wada hadlayo. Ra'iisal Wasaare Ahern, waxa uu daba taagnaa hadal ka soo
yeeray Madaxweynaha Faransiiska, Jacques Chirac oo ku dheeraaday in
Faransiiska iyo Jarmalku ay kala soo dhex bixi doonaan Yurub wadamo
taageersan oo u codeeya.
Qodobka kale ee ku soo wajahan Midowga Yurub
waxa uu yahay doorashooyinkii Baarlamaanka oo lagu wado inay dhacaan bisha
June. Waxaa kaloo Yurub hor yaalla arrinta waddanka Turkiga oo sannado badan
garaacayey albaabka, si uu ugu soo biiro Midowga. Romano Prodi, Madaxa
Midowga Yurub oo booqday Ankara bishii January, waxa uu tilmaamay inay
xagaaga soo socda ka wada hadli doonaan in wada xaajood lala furo Turkiga.
Mareykanka ayaa muujiyey sida uu ula safan
yahay rabitaanka Turkigu ku doonayo inuu kaga mid noqdo Midowga Yurub, kaddib
markii uu Guriga Cad booqday Ra'iisal Wasaare Recep Tayyib Erdogan. Dick
Cheney, Madaxweyne ku xigeenka Mareykanka, waxa uu caddeeyey in maamulkoodu
taageerayo afkaarta iyo qadiyadda Turkiga.
Sidoo kale, Turkigu waxa uu taageeradaas mid
la mid ah ka helay Madaxa Siyaasadda Dibadda Midowga Yurub, Javier Solana,
laakiin kula filna oo Midowga Yurub waxa uu ka doonayaa Turkiga inay
hagaajiyaan record-kooda xuquuqda aadanaha, waxna ka qabtaan walaaca la
xiriira awoodda dheeriga ah ee ay madaxda ciidammadu waddankaas ku leeyihiin,
kuwaas oo isu haysta ilaaliyeyaasha dhabbihii uu jeexay Mustafa Kamal Ataturk
oo ahaa ninkii is beddelka ku sameeyey waddanka Turkiga sannadkii 1923-kii.
Dhibaatada kale ee Turkiga haysataa waxa ay
tahay isagoo ah waddan Muslim ah oo 70-ka milyan ee ku nool ay haystaan
badankood diinta Islaamka, halka Yurub inteeda badani ay ka haystaan
Christian. Dowladda Silvio Berlusconi ee waddanka Talyaaniga ayaa soo
jeedisay in distoorka Yurub lagu xuso in diinta rasmiga ahi tahay
Masiixiyadda oo qura.
Hase ahaatee, falanqeeyayaasha arrimaha
siyaasadda ee jooga Brussels waxa ay leeyihiin Midowga Yurub waa inuusan u
muuqan naadi diimeed ee uu noqdaa xayndaab siyaasadeed iyo mid dhaqaale.
Waxaa kaloo miiska yaalla sida wax looga qabanayo muranka iyo shakiga soo
kala dhex galay Midowga Yurub iyo Mareykanka ee ku saabsan arrinta Ciraaq.
Yurub, waxaa kaloo ay ku dadaalaysaa inay
iska kaashato argagixisada illaa markii ay dheceen qaraxyadii Madrid. Waxaa
kaloo la filayaa inay soo baxaan is beddelo lagu sameeyo kaararka caafimaadka
ee wadammada qaar oo weli adeeggooda caafimaadku uu aad qaali u yahay. Si
kasta ha ahaatee, waxaad mooddaa in howlo adagi ay Midowga hor yaallaan.
E-mail: Ingiriis@yahoo.com
Faafin: SomaliTalk.com | April 18, 2004
Muqdisho
iyo Maridda Waddooyinka
Isbedelka ku yimid Muqdisho dagaaladii kaddib Guji
Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com
|