WARARKA:
BOOSAASO |
HARGEYSA |
MUQDISHO |
NAIROBI |
QURBAHA |
XORIYO
April 15, 2004
Ku: Al Xaaji Muuse Suudi
Yalaxow
Guddoomiyaha Golaha Samata
Bixinta Qaranka
Ujeedo: Dhambaal Mahadcelin
Anigoo ku hadlaya afka guddoomiyasha uruada
ku soo biiray (GSQ) Tariikhdu markay aheyd 20kii marso 2004.oo ii wakiishay
inaan magacooda ku hadlo .waxay isla garteeyn inay idin so gudbiyaan Qoraal
Dhambaal ah mahad celin . waxaan Guud ahaan dhamaan madaxda Sare ee golaha
iyo Xubnahooda,iyo Taageerayaashooda oga mahad celineeynaa sida geesinimada
iyo wadanimada ku wacneyd iyo niyad-samida ee aat nagu soo dhaweeyden in aan
ka mid noqono Golahaasi isla mar ahaantaasina sida aynu idinla qeybsan
laheeyn howl maalmeedka ama dar-dar cusub loo gelin lahaa Golaha waan
idinkugu mahad Celineeynaa mudanneyaal .
Arrintani waxay muujinaysaa golaha Samata Bixinta qaranka in uu Daacad ka
yahay sida hore uu sheegaynba Badbaadinta qaran soomaaliyeed sidoo kale
asagoo golaha u diyaar yahay walaalnimada, wax-wada qabsiga iyo iskaashiga ka
dhexeysa shacabka Soomaaliyeed .
Waxaa hubal ah in faa’idooyin badan iyo guulo waxtar leh ay ka soo bixi
doonaan taloyinka niyad-wanaagga leh Sidoo kale waxaa shaki ku jirin in uu
Golaha Samata Bixinta Qaranka Guulo wax ku ool ah ka soo hooyay
Ujeedadii,Arrimaha loo aasaasay sida Siyaasadda iyo Bulshada IWM.
Ugu dambeeyntii Anigoo ku hadlaya Magaca
Guddoomiyaasha iyo Ururadoodaba waxaa Naga go’an Sidii hiil iyo hoba leh
aan u garab istaagi laheeyn Golahaasi (GSQ) Sidoo kale waxaan u Rajeeyneynaa
(GSQ) Guul wax ku ool ah iyo horumar
Sida iyo wada Shaqeeyn Wacan
Wabi laahi Towfiiq
Dr. Cabdulqaadir Xaaji Suufi (muriidigolf )
Guddoomiyaha SANU/NSC
muriidigulf@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | April 15, 2004
Muqdisho
iyo Maridda Waddooyinka
Isbedelka ku yimid Muqdisho dagaaladii kaddib Guji
Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com
|