SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK -BOOSAASO
WARARKA: BOOSAASO | HARGEYSA | MUQDISHO | NAIROBI | QURBAHA | XORIYO
April 15, 2004

Hawgal ay ku qabteen Ciidanka CID Boosaasoo Qalab lagu sameeyo Qamriga.

 


Ciidamada CID ee soo Qabtay Dambiilaha iyo Qalabkiisa

Dambiilihii lagu soo qabtay Qalabka

Gudoomiyaha Faafreebka iyo Gudigii oo howl gal ku jira

Gudoomiyaha oo eegaya Cajaladihii ay soo Qabteen iyo kuwo kale si ay u kala Saaraan

Waxaa xalay (14/4/4) markii ahay Goor dambe ay Ciidamaada Dambi baarista loo yaqaan CID ee DGPL ay Qabteen Makiinad iyo Caagaag lagu sameeyo Qamriga loo yaqaan "Caraqda" waxaa lagu qabtay nin Erterayaan u dhashay sida uu sheegay dambiilaaha. 

 

Mar aan wax ka waydiiayay Taliyaha Ciidanka CID Bosaso Dhame Mursal Xaaji ayaa ii sheegay in ay u hir gashay in ay soo Qabtaan Qalabkaa iyo Dambiilahaa markii ay heleen warbixin in ay jirto Goob lagu sameeyo Qamrigaa ayna ku taal Xaafad ka mida Magaalada Bosaso, Taliyaha ayaa ii sheegay in ay daba Joogaan Goobo kale oo lagu iibiyo Muqaadaraadka ayna ka cirib tiri doonaan Dadka wixii wax u dhimaya

 

Gudiga Faafreebka Bosaso oo wada Ladagaalanka Filimada Xunxun

 

Waxaa aan ku Booqday Xafiiskiisa Gudoomiya Gudiga Faafreebka Xuseen Sheekh Ali (Jifo Jabsade) iyagoo maalmahaan waday howl gal ka dhana Filimada Xunxun ee "Jinsiga" ay soo sameeyeen Dadka Jirkooda iibsada kuwaasoo ay ku soo qabteen Cajalado aad u badan kadibna ay maxkamada u Gudbiyeen kuwa kalena ay u gudbin doonaan Gudoomiyaha ayaa ii sheegay in ay sameeyeen Qaybta loo yaqaan Jansuurada ama eegida Waxa xun ee ku jira Cajaladahaa laga dhigayo Goobaha filimada laga daawado.

 

Gudoomiyaha oo hadalkiisa sii wata ayaa ii sheegay in ay ka heleen Bulshada iyo Maamulka DGPL Taageero ayna u hir gali lahayn la,aantood, Gudoomiyaha ayaa muujiyay inay la shaqeeynayaan Dhalinyaro aad u firfircoon iyo Booliska DGPL ee Bosaso taasna ay u hir galisay in ay hawshooda sii wataan.

 

By: Cabdifataax jaamac Mire

somalitalkpl@yahoo.com

Boosaaso, Soomaaliya

 

Faafin: SomaliTalk.com | April 15, 2004

Boosaaso oo Markale Lagu Gubey 41kg oo Xashiish ah iyo Khamri
Mukhaadaraadkaas oo lagu qabtay hawlgal ay fuliyeen Guddiga Faafreebka iyo Ciidanka Booliska ...Guji 

Dhaqantoosinta iyo La dagaallanka AIDS-ka
Qoraal cilmi baaris ah: Prof. Yusuf Hersi Ahmed  Guji

Gudiga Faafreebka iyo Booliska Puntland oo Boosaaso ku Gubey 112 Kartoon oo ah Galcaar... Guji halkan

Boosaaso oo Laga Furay Wershedo Yaryar
Wasiirka Ganacsiga iyo warshadaha DGPL ayaa maanta furay warshado yaryar oo soo Saaraya Saabuunta, Shaambada iyo Buskudka iyo wershed shiida dhagaxa guryaha...  Guji 17/3/4

Muqdisho iyo Maridda Waddooyinka 
Isbedelka ku yimid Muqdisho dagaaladii kaddib Guji

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great

Jiragaanadii iyo Qalabkii lagu karin jiray Qamriga Caraqda

Makiinadii uu Ku karinjiray Qamriga Caraqda

Taliyaha CID Bosaso

kaah

BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri

 

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD