SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK -MUQDISHO 
WARARKA: BOOSAASO | HARGEYSA | MUQDISHO | NAIROBI | QURBAHA | XORIYO
April 15, 2004

Dagaal laba beelood ku dhexmaray Koofurta Laascaanood iyo Abaaro ba'an oo Ka Taagan PL

Wararka naga soo gaaraya meesha loo Yaqaan Dabataag oo ku taal koofurta Magaalo madaxda Gobalka Sool ee Laacaanood ayaa sheegaya in maalintii labaad uu halkaasi dagaal ku salaysan Aano qabiil uu ka socdo,kaasoo u dhexeeya labo beelood oo wada dega halkaas.

Beelaha Bah-ararsame iyo Qayaad ayaa in dhawaalaba xurgufi u dhexaysay kaasoo ka bilaabantay muddo hadda laga joogo 6bilood,kadib markii niman qaadwadayaal ahi lagu dilay duleedka magaalada Laascaanood ka xiga koofurta.ilaa iyo hadda inta la xaqiijiyay waxaa dirirtaas ku dhintay afar qof in ka badan 10neeyana way ku dhaawacantay,waxaana wali hawada soo gelin fooniyihii lagula xiriiri jiray aagga dabataag, balse wariye ku sugan magalada Laascaanod ayaa noo sheegay in salaadiin uu hoggaaminayo Garaad Saleebaan ay u baqooleen deegaankaasi si ay usoo afjaraan colaadda labada beelood oo walaalaha ah,wixii lakala tirsanayana lagu dhammeeyo wada hadal.

Wararka kale ee naga soo gaaraya Gobalada Puntland waxay sheegayaan in abaartii halkaas ka jirtay ay sii labo lixaadsatay oo hadda dad ay udhintaan oon iyo haraad,Oday 80 jira kuna sugan magaalada Garowe ayaa yiri waxaan usoo joogay abaaro badan oo magacyo kale gedisan loogu magacdaray walina ima soo marin noloshayda abaar ka xun tan maanta ku habsatay ummadda Soomaaliyeed gaar ahaan meesha aan ka immid ee Xasbahalle, waxuu wayeelkaas sheegay inuu haysan jiray geel kor udhaafaya 120 halaad iyo 3tiro oo ariya maantana waxaa ka haray 5 tuldood oo geela iyo 50meeyo riyo ah ayuu yiri odaygaas 80 jirka ah oo maanta miciin soo biday biyaha magaalada garoowe. Dad badan ayaa hoganaya magaalooyinka iyo tuulooyinka kuwaasoo xoolihii ka dhamaadeen kuna haysan wax taakulo ah meelaha ay soo maciin bideen.

Maamulka Puntland ayaa qirtay inayan hayn dhaqaalo ay wax ugu qabtaan dadkaas ay abaartu soo baro kicisay waxayna aduunwaynaha ka codsadeen in lasoo gaaro macaawino.waxaana hadda ku sugan imaaraadka carabta wasiirka Maaliyaada ee Puntland kaasoo la sheegayo inuu u tagay sidii uu uga soo qaadi lahaa kaalmo aan xooganayn oo ay ku deeqday laanqayrta cas ee dalka imaaraadka carabta.

Cabdi xasan Somalitalk.com/Muqdisho

abdi172@hotmail.com 

Faafin: SomaliTalk.com | April 15, 2004

Dilal ka dhacay Kismaayo,Jilib iyo Bu'aale
Iyo Dagaal markale kabilowday Muqdisho.. Guji.. 

Muqdisho iyo Maridda Waddooyinka 
Isbedelka ku yimid Muqdisho dagaaladii kaddib Guji

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
Habnololeedkii saxaabadii Rasuulka ...

kaah

BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri

 

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD