SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK -SPR 
WARARKA: BOOSAASO | HARGEYSA | MUQDISHO | NAIROBI | QURBAHA | XORIYO
April 14, 2004

SOMALI PEACE RALLY

Galkacyo, Somalia, April 14kii 2004


PRESS RELEASE
SPR/INFltlk/M4/229/2004

KIISKII SULDAAN HURRE OO QAADIS QARKA U SAARAN


Galkacyo, Somalia, April 14kii 2004 – Somali Peace Rally – Waxaa SPR xaqiijisay in dacwadii loo haystay ninka xoogga ku haysta gobollada Puntland (Abdullahi Yusuf) ay samaysay horumar xoog leh.

Dad aad ugu dhow dacwadda ayaa SPR u xaqiijiyey in dacwaddaan oo soo jiitantay ay soo dhaaftay labo xannib oo ay hor dhigtay qareenka Kornaylka.

Bilowgiiba waxaa qareenkaasi ku andacootay in arrintu tahay mid mag-dhow ee aysan meesha ool dembi la galay. Waxaa marar badan kooxda Cabdullaahi isku dayday in ay si foolxun lacag u isticmaasho siday dacwaddaas u fashilin lahayd. Nasiib wanaag waa ku fashileen oo maxkamaddu ugu dambayntii waxay cod weydiisa caa’iladda Suldaanka inay tanasulaan oo lacag qaataan iyo inay eedaysanaha maxkamada xeer-ciqaab la tiigsadaan. Waxaa cad inay doorteen tan dambe.

Xannibka 2aad ee dacwaddu ka gudubtay wuxuu ahaa in Cabdullahi iyo qareenkiisu ku doodeen in Puntland ay ka jirto sharciyad dacwaddaanna halkaas ay ku geli karaan maamulka iyo Isimmada Puntland. Waxaa ugu dambayntii qareenka eedaysanahu qirtay in aysan Puntland ka jirin caddaalad lagu kalsoonaan karo, oo xitaa haddii Cabdullahi la xukumo aysan suurtogal ahayn in dembigaas loo ciqaabo.

SPR waxay qabtaa in waa cusub maanta u baryey Somaliya, oo dadka inta dad soo laaya haddana iska mushaaxaya caasumadaha adduunka ay godkoodba biyo ugu galeen. Taasi waxay naruuro u noqonaysaa dadka xabbadda la iskala dhacay ama lalal dhici doono, waxayna toosh ku ifin doontaa kuwa dembiyada galay haddana doonaya inay Somaliya madaxda ka noqdaan siday u helaan xasaanad. Waxaan rajaynaynaa in dacwaddaani xaq feero ka dillaaciso.

Waxaa SPR u hambalyaynaysaa xubnaha caa’ilada Suldaan Hurre, taageerayaashiisa ku fidsan Somaliya iyo dibedda dalka, iyo qareenkii muudada dheer u soo dagaallamay in kiisku halkaan soo gaaro. Waxaa ah wax aad loogu farxo in ninkii is yiri sharcigaad ka sarraysaa dilayna Suldaanka qaaliga ah uu maanta dacwad suge yahay kuna dhuumanayo magaalada London, asagoo isla markaasna u il daran caafimaad, kaalmana ka raba dawlad uu mawaadiinkeeda barqo toogtay.

sprally@hotmail.com

<><>ENGLISH VERSION<><>

SOMALI PEACE RALLY

Galkaio City, Somalia, April 14th 2004


PRESS RELEASE
SPR/INFltlk/M4/229/2004

Justice On the Corner for Respected Somali Traditional Chief Sultan Hurre

Galkaio City, Somalia, April 14th 2004 – Somali Peace Rally – SPR is pleased to know that the criminal case against Abdullahi Yusuf, the man who calls himself the President of Puntland has made a major breakthrough. Col. Yousuf ordered the elimination of the respected traditional chief Sultan Hurre who was brutally shot point blank by the dictator’s bodyguards on August 17, 2002, at Kalabeyr village in Puntland State of Somalia.

Sources close to the case confirmed to SPR that the case passed two major hurdles that the Colonel’s defense attorney had set up.

Initially, Abdullahi’s team argued that this is a civil dispute, and repeatedly offered blood money, sometimes trying to play dirty games. In the end, the choice was given to the family of the killed Sultan whether to take blood-money or press criminal charges against the Colonel. Obviously, they opted for the latter.

More recently and more importantly, the Colonel’s defense did not only lost the venue of the court proceedings but agreed to the defendants’ that Puntland is not convenient for a case like this. Abdullahi’s defense was arguing that the case should be taken by Puntland authorities and elders. The defense admitted that if Abdullahi is convicted, nobody can enforce a judgement against him.

SPR believes that it is a great development for today’s Somalia, where killing people and roaming international capital cities have become a normal thing. If Sultan Hurre’s case sees the light of the day, this would be a major progress for all the Somalis who are (or were) the victims of brutal warlords. Indeed, the world would know that there are people who have blood on their hands and are not only going around with impunity but want to get immunity by becoming Somalia’s future leaders. It is hoped that this case will set the record straight, and call spade spade.

SPR congratulates the family of Sultan Hurre, their supporters in Somalia and outside, and the Sultan’s attorney who did a great job. Now justice is on the corner for the great respected traditional chief who succumbed under the order of a ruthless dictator. The dictator is now hiding in London and seeking a medical help from the country whose citizen was brutally killed by him.

Faafin: SomaliTalk.com | April 14, 2004

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga kusaxiixan

Muqdisho iyo Maridda Waddooyinka 
Isbedelka ku yimid Muqdisho dagaaladii kaddib Guji 13/4/04

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
Habnololeedkii saxaabadii Rasuulka ...

kaah

BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri

 

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD