SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK -MUQDISHO 
WARARKA: BOOSAASO | HARGEYSA | MUQDISHO | NAIROBI | QURBAHA | XORIYO
April 14, 2004

WARARKA MAANTA:

.Xeebaha Puntland oo Laga Qabqabanayo Tahriibta
.Maalinta Dhirta Soomaaliya
.Suuqa Bakaaraha oo Dib Loo Dhisayo

Maalinta Dhirta Soomaaliya:

Iyadoo ay Maanta ku beegantahay Maalinta Dhirta Soomaaliyeed ayaa waxaa meelo ka mida Somalia ka socda Nabaad guur lagu hayo Dhirta Soomaaliyeed.

Meelo ka mida dalka Somalia waxaa ka socda Mashaariic ay wadaan Tujaariinta ku hantiyaystay Fowdada oo si aan naxariis lahayn u dabar gooya Dhirta Soomaaliyeed, Waxaana meelaha sida wayn looga jiro dhirta ka mida Gobaladda Jubbooyinka, Shabeelooyinka, Hiiraan iyo kuwo kale.

Maxamud Sooyaal oo ah khabiir Soomaaliyeed oo ku taqasusay arrimaha Deegaanka ayaa sheegay in bil kasta laga dhoofiyo dalka 4 Markab oo dhir ah una dhiganta sida uu sheegay Toban Kun oo geed Bishii laga dhoofiyo Somalia, Wuxuuna Khabiirkaasi sheegay inay dhici doonto Musiibo dhinaca Deegaanka ah haddii aan laga hortagin Nabaad guurka lagu hayo dhirta Somalia.

Maxamuud Sooyaal waxa uu sheegay in Somalia ay ka mid ahayd waddamada hodanka ku ah dhinaca deegaanka laakiin waxa uu sheegay inay imminka qarka u saaran tahay Somalia inay noqoto Lama Dagaan.

Sannad kasta maanta oo kale waxaa lagu xusi jiray Somalia Maalinta Dhirta, iyadoo la beeri jiray dhir fara badan laakiin 14 sanno oo fowdo ah kadib maanta waxaa lagu badalay halkii dhirta lagu beeri jiray in la gooyo dabeetana dhuxul ahaan loogu dhoofiyo Waddamo Carbeed.

<><><>

Cudurka Shuban Biyoodka ayaa si xawli ah ugu sii faafaya Somalia, iyadoo Isbitaaladda Magaaladda Muqdishana ay soo buux dhaafiyeen dadka uu cudurkaasi soo ritay.

Isbitaaladda Xayaat, Carafaat, Xabeeb, iyo Isbitalka Banaadir ayaa ka mida goobaha lagu daweeyanayo dadka uu ku dhacay Cudurka Shuban Biyoodka, Waxaaana goobahaasi soo buux dhaafiyay boqolaal dad ah oo la il daran Shuban Biyoodka.

Dhaqaatiirta Isbitaaladaasi, W.H.O iyo Wasaaradda Caafimaadka ee Xukuumadda Ku Meel Gaarka ah ayaa shir ay ka yeesheen sidii looga hortagi lahaa faafitaanka Shubanka waxay iskula afgarteen in la xoojiyo Wacyigalinta isla markaana lagu baraarujiyo Bulshadda inay ka shaqeeyaan Hagaajinta Nadaafadda Deegaanadooda, Waxaana dhaqaatiirtu ay aaminsan yihiin in Nadaafaddu oo la hagaajiyaa ay tahay Tallaabadda kaliya ee lagu xakamayn karo Faafitaanka Shubanka.

Cudurka Shuban Biyoodka oo ay dadka qaarkii shaki ka muujinayaan noociisa ayaa caadiyan xilli roobaadka waxa uu ka dillaacaa Magaaladda Muqdisho, Waxaana socda Baaritaano ay waddaan qaar ka mida Dhaqaatiirta Muqdisho si loo xaqiijiyo in Shubankan uu yahay Daacuun iyo in kale, iyadoo Saxarada qaar ka mida dadka uu shubanku ku dhacay Baaritaan ahaan loogu qaaday Nairobi.

<><><>

Suuqa bakaaraha oo Dib loo Dhisayo

Iyadoo aan wali si dhab ah loo ogaan sababtii dhalisay Dabkii Baabi’iyay qaybo ka mida Suuqa Bakaaraha ayaa waxay Billaabeen Ganacsatadda Qaarkood inay dib u dhistaan Goobihii Cariiriga ahaa ee ay ku ganacsan jireen.

Ganacsatadda ayaa dib u dhisanayay Shalay iyo maanta qaybihii gubtay ee Suuqa Bakaaraha, Waxaana la arkayay ganacsatadda qaarkood oo isku haysta Cabirka Goobaha ay dhisanayaan.

Qaar Ganacsatadda Gobalka Banaadir ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay in dib loo dhiso goobihii gubtay iyadoo aan la ogaan wixii keenay in dab ka kaco suuqa Bakaaraha, Waxayna sheegeen in hanti kale oo la dhigo Bakaaro xilligan ay la mid tahay Hanti meel cidlo ah la dhigay.

Fahmo Nuur Cali oo ka mid ahayd Haweenkii ku ganacsan jiray qaybta Bacadlaha Bakaaraha ee ku hanti beelay dabkii ka kacay suuqaasi ayaa sheegtay in Masiibaddii dhacday ay sabab u tahay cariiriga uu suuqaasi ku jiray, iyo iyadoo aan lagu talagalin waddooyin ay suuqa ka soo gali karaan Booyadaha Dab Damisku haddii ay timaado Musiibo, Sidaas darted waxay gabadahn sheegtay in haddii aan si cilmiyaysan loo dhisin suuqa oo aan lagu tala galin waddooyin ay dhici karto Musiibo la mida tii ay ku hanti beeleen.

Madaxwaynaha Dawladda Ku Meel Gaarka ah ee Somalia, C/qaasim Salaad Xasan ayaa isna Toddobaadkan ku eedeeyay Ganacsatadda Gobalka Banaadir inay ka gaabiyeen inay soo iibsadaan Booyado Dab Damis ah, Wuxuuna sheegay in taa badalkeeda ay soo iibsadaan Suugag ay shacabka ku gumaadaan.

Ma ahan markii ugu horaysay ee uu Suuqa Bakaaraha gubto, sannadkii hore ayeey ahayd markii ay Dawladda Ku Meel Gaarka ah ee Somalia, u samaysay Suuqa Bakaaraha Jidad Waawayn laakiin wax yar kadib waxay billaabeen Ganacsataddu inay dib u dhistaan Wadooyinkii Suuqaasi loo baneeyay.

<><><>

Maamul Gobaleedka Punt Land ayaa billaabay inuu soo qab qabto dadka sida sharci darrada ah uga Tahriiba Deegaanadda hoos tagga Maamulkaasi.

Col C/risaaq Afgaduud oo ka mida Saraakiisha Maamulkaasi isla markaana ka soo laabtay Laascaanood ayaa billaabay olole uu ku soo qab qabanayo dad Soomaali iyo Ethiopian isugu jira oo isu diyaarinayay inay ka tahriibaan Xeebaha Punt Land, Dadkan oo qorshahoodu ahaa inay u tahriibaan Yemen ayaa soo qab qabashadooda waxaa lala xiriirinayaa kadib markii ay cambaarayn xoogan uga timid Maamulka Punt Land kooxaha u dooda Xuquuqda Aadanaha iyo hay’ado Caalamiya oo ku dhaliilay inay dayaceen illaalinta Xeebahooda.

Dadka la soo qab qabtay waxaa sidoo kale ka mida Muqalasiintii dadka Tahriibayaasha ah saari jirtay Doomaha tagga Yemen, Waxaana la xaqiijiyay in illaa iyo hadda la qabtay Lix nin oo ka ganacsan jirtay inay dadka saaraan Doomaha sida arxan darrada ah ugu daadiya Xeebaha Yemen.

W/Q,Abdi Wali Ibraahim Aadan (Garyare)

garyare@hotmail.com garyare@msn.com garyare20@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com | April 14, 2004

Muqdisho iyo Maridda Waddooyinka 
Isbedelka ku yimid Muqdisho dagaaladii kaddib Guji 13/4/04

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
Habnololeedkii saxaabadii Rasuulka ...

kaah

BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri

 

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD