SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK -SOOMAALIYA
WARARKA: BOOSAASO | HARGEYSA | MUQDISHO | NAIROBI | QURBAHA | XORIYO
April 14, 2004

MAGACYADII DADKII KU DHINTAY DOONNIDII DHAWAAN KU DEGTAY XEEBAHA DALKA LIIBIYA

Safiirka Safaaradda Soomaaliyeed iyo Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Libya waxay halkan tacsi uga dirayaan dhammaan Eheladii iyo Qaraabadda dadkii ku dhintay doontii dhawaan ku dagtay xeebaha dalka Libya.

Waxay kaloo safaaraddu soo jeedisay in dadka Soomaaliyeed loo sameeyo wacyi-gelin dalka gudihiisa iyo dibaddiisaba ah si looga horgato dhibaato ku timaada shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan dhanka badaha iyo saxaaraha, iyadoo intii ay socdeen dagaallada sokeeye badaha iyo saxaaraha ay ku dhinteen kumanaan kun oo Soomaaliyeed, kuwaasoo doonayay inay dalka dibadda uga baxaan, waxayna qaar ka mid ah shacabka Soomaaliyeed soo jeediyeen in dadkaasi lagu hakin karo marka dalka ay ka dhacdo nabadgalyo iyo weliba dowlad Soomaaliyeed oo loo dhan yahay.

Waxaa Doontii ku caarisay xeebaha Libya saarnaa dad Soomaaliyeed oo ay tiradoodu gaarayso 32-qof, waxaana ka badbaaday 4-qof oo keliya oo ay mid tahay gabar, waxaanan dadkii ku dhintay doonnidaas hellay magacyadooda 16-qof oo qura, waxayna kala yihiin sidan:-

No

MAGACA

QABIILKA

JUFADA

1

Sheekh Cabdiraxmaan Cabsiiye

Isaaq

Sacad Muuse

2

Maxamed Cali X. Jaamac

Isaaq

Sacad Muuse

3

Badri Cabdi Gaaxnuug

Isaaq

Sacad Muuse

4

Mustafe Jimcaale Xuseen

Isaaq

Sacad Muuse

5

Axmed-nuur Aadan C/llaahi

Isaaq

Sacad Muuse

6

Cabdullaahi Maxamed Cabdi

Isaaq

Sacad Muuse

7

Khaliif Maxamed Barre

Isaaq

Sacad Muuse

8

Sahro Cismaan Jaamac

Isaaq

Sacad Muuse

9

Cabdikariim Axmed Yuusuf

Dhulbahante

……………..

10

Xasan Maxamed Cusmaan

Bagadi

Reer Banaadir

11

Maxamed Aweys Abba Xaaji

Duruqbo

Reer Banaadir

12

Maxamed Ismaaciil

Abgaal

Agoon-yar

13

Maxamed Siciid Geeso-laqe

Mareexaan

…………………

14

C/kariim

Mareexaan

…………………

15

Xasan

Mareexaan

………………..

16

Fu’aad Cabdullaahi

Dhulbahante

……………………

Magacyada dadkii ka badbaaday doontii dhawaan ku degtay xeebaha dalka Libya,

No

MAGACA

QABIILKA

JUFADA

1

Shukri oo gabadha ahayd

Duduble

………………

2

Maxamed Ilji

Dhulbahante

Reer Hagar

3

Siyaad

Dhulbahante

X. Ugaas

4

C/kariim Axmed

Mareexaan

……………

warkan waxaa ka helnay safaarada soomaaliya ku leedahahay dalka liibiya

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

2003: SOOMAALIDA KU GEERIYOODEY BADDA TALYAANIGA

Faafin: SomaliTalk.com | April 14, 2004

Muqdisho iyo Maridda Waddooyinka 
Isbedelka ku yimid Muqdisho dagaaladii kaddib Guji 13/4/04

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
Habnololeedkii saxaabadii Rasuulka ...

kaah

BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri

 

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD