SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK -KENYA 
WARARKA: BOOSAASO | HARGEYSA | MUQDISHO | NAIROBI | QURBAHA | XORIYO
April 14, 2004

"Sidee shirka uga baxayaa aniga ilaa Eldoret Baan joogay" Caddow

Dr : Cabdulaahi Axmed Cadow:-Shirka ka tagimaayo ilaa Dawlada la dhiso ama lagu kala tago, shirka waxa uu hadda maraya meel hagaasan ,hogaamiyayaashana ha isu tanaasulaan,dawlado shisheeye naguma dhex jiraan ee waa Somali oo kaliya ayey…………Wareysi Abdikarim Aden Hussein.

Waxaan la kulmay Musharaxa Madaxweyne Soomaaliyeed ee shirka Nabada Kenya Muddane Dr.Cabdullahi Axmed Cadow oo ku sugan Magaalda Narobi ,Kenya.

Wareysigiina waxa uu u dhacay sidan:-

Abdikarim:-Mudane warbxin iga sii fikirkaaga aad ka qabto shirka Nabada Soomaalida ee Kenya oo hakad galay ?

Dr.Cadow:- Bismilaahi Raxmaan Raxiim,marka hore waad mahadsan tahay ,sida aad la socota shirka waxa uu socdey muddo dheer iyo bar,intaana waa la joogay,wallow hadda hakad uu galgaley,haddana waxaan aaminsanahay hakadkaasi waa la gudbahayaa,waxyaabaha hadda la isku hayana waa la gudbayaa,waxaan qabaa in uu guuleysan doono,Dawlada Soomaliyeed oo loo dhanyahay oo ku dhisan rabitaanka Soomaaliyeed in ay ka dhalan doonto ayaan qabaa ,marka wax shaki ah shirkan kama qabo.

Abdikarim:-sidee u aragtaa qodobka la isku hayo ee 30-aad ee xulida xubnaha Baarlamaanka,side looga gudbi kataa ayaad is leedahay ?

Dr.Cadow:-Qoddobkaasi aad iyo aad buu shirka u hakiyey ,dhibaatooyinka uu la yimid,wax kasta oo la isku hayana waxaan qabaa Miro Barde Dhuubdhuubkaa loo liqaaye loo liqo,aanu Dawlad dhisano ,wixii markaa u baahan in la saxo ama la hagaajiyo in aanu dalkanaga anagoo joogna in aan hagaajisano ee maha in qodobo mid ama labo loo cakiro am loo joojiyo,Qaranimadii aan dooneynay meeshaasi lgu hakiyo anigu ma qabo ee waxaan qabaa in la is qanciyo ,la isu tanaasulo wixii markaas la isla dhameystana lala tago dalkii,maha wax suuragal ah qof kasta in uu maqsuudo,ninba si uu wax u arkaa ,kooxba si bey wax u aragtaa laakiin waxa weeye muhiimka Dawlad in aan dhisano ayaan halkan u nimid ee maha in aan iska joog-joogno Dawladii aan dhisano wixii la isku hayana la isla dhemeysto.

Abdikarim:-qoraalo qaar ayaa sheegaya in shirka ku caajistay ?

Dr:-Cadow :- qof waliba waxa uu doono ayuu iska qori karaa ,wax macno ku fadhiyana aniga uma arko,Aniga wixii Afka aan ka iraahdo ayaa la ii raacan karaa,adduunka waa weyn yahay soomaalina meel walba joogtaa anigana qiyaas shaqsi ah kama hadli karo,ninkii wax qoraa hadey beenta haddii kale iyagay u taal.

C/Lahi Cadow oo Qarka u Saaran in uu ka Huleelo Madasha Shirka Nairobi
iyo eedayn lagu eedaynayo in Cadow uusan bixin qaaraankii SNA xilligii dagaalkii Caydiid iyo UNITAF... Guji... 6/4

Abdikarim:- Muddane qoraalka sheegaya ka bixida shirka adiga side kula tahay ?

Dr:- Cadow:- horta Cabdikarim sidee shirka uga baxayaa aniga ilaa Eldoret Baan joogay sideen uga baxayaa,shirka waxaan ka baxayaa markii uu dhamaado ama uu fashilmo ,shirka waa fashilmi karaa,dabcan waxaan ka baxayaa markii Dawlada laga dhiso ,ama Ilaah naguma keenee uu fashilmo ilaa salka laga gaaro sidey uga baxayaa .

Abdikarim:-fikirka aad ka qabto in shirka faragalin shisheeye shirka hakiyey ama Dwlado deriska la ah Somaaliya ?

Dr:-Cadow:-aniga ma qabo Dawlado shisheeye ama faragalin shisheeye in ay jirto,dadka arrimaha ka dhaxeeya oo is haya ama is mari la waa soomaali shisheeyey nalama joogo ee anagu ma aragto shisheeye dhex fadhiya shirka marka laga reebo kuwa Dawlada IGAD iyo Beesha Caalamka oo shirka wada ,ee shisheeye nala doodaya ma jiro ee yaan lagu marmarsiyoonin shisheeye ,Somali ayey u taalaa eed timaado ama Lib waxay noqotaba.

Abdikarim:- Ugu danbeyn Ergada iyo Umada Soomaaliyeed ee shirka ka warsugaya Maxaad ugu Baaqeysaa Musharax Dr.Cabdullahi Axmed Cadow ?

Dr:-Cadow :-waxaan ugu baaqayaa oon u soo jeedinyaa Maanta Qaranka Soomaaliyeed muddo 14-sanno ayuu dhibaato ku jiraa,ummada waa tabaaleysan tahay,dadka dibada jira ama dadka jooga guddha wadanka waa in ay culeyska saaraan Nimanka ama Gabdhaha shirka u jooga ,wali waxaan anigu qabaa gabadhaha in ayan dhibaatada wadin ee raga wax dhibka wadaya yihiin in ay culeys saaraan oo la isu tanaasulo,oo lagu baraarujiyo waxa meesha loo joogo Sanad iyo bar waa in Dawlad la dhiso,Dawlad Qaran ah waa in ay dhisantaa in taasi ay meel marto oo aan jaeclahay in aad ku guubaabisaa ergada idinka wakiilka ah ,meher la`aan umaanan joogin, rabitaanka shacabka intii badana waa la hoogaansamaa .

Dhamaad.

Abdikarim Aden Hussein.
Narobi, Kenya

Waxaa SomaliTalk soo gaarsiiyey 
Ridwaan Xaaji: ridwanhaji14@hotmail.com 

Faafin: SomaliTalk.com | April 14, 2004

Muqdisho iyo Maridda Waddooyinka 
Isbedelka ku yimid Muqdisho dagaaladii kaddib Guji 13/4/04

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
Habnololeedkii saxaabadii Rasuulka ...

kaah

BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri

 

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD