SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK -OGADEN 
WARARKA: BOOSAASO | HARGEYSA | MUQDISHO | NAIROBI | QURBAHA | XORIYO
April 13, 2004

Barnamujka caawa Radio Xoriyo ka baxaya waxuu ka koobanyahay.

  • Dagaalo lagu jabiyay Ciidamada cadawga Itoobiya.
  • Kulan aya isugu yimaadeen masuuliyiinta JWXO ee wadanka Maraykanka.
  • Baarlamaanka Itoobiya oo diiday gudidii loo xil saaray in ay soo baadhaan xasuuqii ka dhacay gobolka Gambella.
  • Ururka u dooda Xaquuqal insaanka Itoobiya oo war saxaafadeed soo saaray.
  • Dagaalo aad u ba’an oo dhexmaray Jabahada Oromoda ee OLF iyo ciidamada
    gumaysiga Itoobiya.
  • Muuse Suudi Yalaxoow oo La Sheegay inay u Xidhan Yihiin Diblomaasiyiin Itoobiyaan Ah.
  • Barnaamuj gaar ah oonu ku soo qaadanay maqaal dheer oo uu Ra`iisal wasaarihii hore ee Soomaaliya kaga hadlayay isbalaadhinta Itoobiya iyo Suugaan halgameed.

Dagaalo lagu jabiyay Ciidamada cadawga Itoobiya.

Todobaadkii u horeeyay ee bishan dagaal ay iskaga hor yimaadeen ciidamada dagaalyahamiinta Jabhada wadaniga xoreynta Ogaadeenya iyo ciidamada doolka ku jooga Ogaadeenya ee Itoobiya duleedka magaalada Godey, ayaa waxaa ciidamada cadawga Itoobiya lagaga dilay 8 askari waxaana lagaga dhaawacay tiro kale oo badan.

7/4/04, Dagaal ay ciidamada xoreynta Ogaadenya ku qaadeen qayb ka mid ah ciidamada wayaanaha ee ku sugnaa Haar-weyn oo ku taala wadada isku xidha Garbo iyo Dh/buur, ayaa waxaa ciidamada cadowga gumaysiga Itoobiya lagaga dilay, 2/askari, waxaana lagaga dhaawacay tiro kale oo aan wali la soo xaqiijin.

8/4/04, Isku dhac dagaal oo ku dhex maray qaar ka mid ah Ciidamada wadaniga Xoreeynta Ogaadeenya iyo ciidamada nacabka gumaysiga Itoobiya meesha lagu magac-aabo Toon-ceeley oo dagmada Q/daharre ka tirsan, ayaa waxaa ciidanka cadowga laga dilay 4/askari, qaar kalena waa laga dhaawacay. Waxaa kale oo ay wararku intaas raaciyeen in meelo kala duwan oo ay dagaalo ka dhaceen lagu laayay qaar ka mid ah gadhwadeenada ciidamada gumaysiga Itoobiya ee loo yaqaano Dabaqoodhiyiinta.

Kulan aya isugu yimaadeen masuuliyiinta JWXO ee wadanka Maraykanka.

Kulan ay isugu yimaadeen 10-kii bishan xubnaha iyo taageerayaasha JWXO ee gobalada galbeedka dhexe ee maraykanka ayaa ka dhacay gobalka minnesota magaalada Minneapolis. Shirkaas waxaa ka soo qaybgalay masuuliyiinta gobalada-masouri,chicago-iawo iyo Minneapolis oo martigalisay, waxaa kale oo shirkaas ka soo qaybgalay khudbado mahiim ah oo warbixino iyo wacyigalin isugu jirana ka soo jeediyay Xoghayaha gaarka ah ee Madaxwaynaha JWXO Ing. Xaaji Bisle iyo wakiilka JWXO ee USA Pro.M.wali Cabaas.

Shirkan oo looga golahaa xoojinta halganka gobalda galbeedka dhexe ee maraykanka ayaa waxaa lagu qaadaadhigay wax qabadkii unugyadaas ee sanadkii tagay waxayna unugyadu soo gudbiyeen qorshayaashooda shaqo ee sanadkan 2004.

Shirkaas ayaa lagu soo bandhigay suugaan halgameed dadka dareenkiisa kicisay, waxaana gabay dadka kaga ilmaysiiyay halkaas ka qaaday C/rashiid Sh. Maxamuud (dajiye) sidoo kale waxaa halkaas lagu daawaday cajalado maqal iyo muuqaalba ah iyo sawiro laga soo qaaday ciidanka jwxo ee jiida hore, cajaladahaas iyo sawiradaas oo aad u soo jiitay xubnihii iyo tageerayaashii halkaas isugu yimid ayaa ahaa kuwo watay muuqaal cajiib ah oo dadka hiyi kiciyay.

Doodo dhaadheer iyo xisaabtan kadib ayaa lays ku raacay qodobo xaasaaasi ah oo gundhig u noqonaya qorshaha shoqo ee unugyada gobaladaas, waxaana ka mid ahaa qodobada laysku raacay.

# Sidii loo hormarin lahaa abuurista ilo dhaqaale oo halganka waxtar u leh.

# Kicinta iyo Abaabulka bulshada uu gumaysigu la hadhay.

# Sidii loo hormarin lahaa Xidhiidhka Ogaadeenya iyo caalamka kale.

# Kaalinta saxaafada iyo halganka sidii horumar loogu samayn lahaa.

Afartaa qodobad oo midkasta si gaar ah loo jeexjeexay ayaa gabagabadii laysku raacay in la hirgaliyo xoogana lalasaaro.


Baarlamaanka Itoobiya oo diiday gudidii loo xil saaray in ay soo baadhaan xasuuqii ka dhacay gobolka Gambella.

Wararka naga soo gaadhaya magaalada Adis Ababa ayaa sheegaya in uu Baarlamanka Itoobiya diiday gudi ay dawladu u xil saartay inay soo baadhaan xasuuqii ka dhacay gobolka Gambella.
Xubno aad u tiro badan oo ka tirsan Baarlamaanka Itoobiya ayaa ka soo hor jeedsaday oo ku gacan saydhay gudi ka kooban 6 xubnood oo ay xukuumada Zenaawi soo magacawday uuna gudoomiye ka yahay Kamaal Badri, ku waas oo u Baarlamaanku ku sheegay in
ayna dhex dhexaad ahayn.


Nin ka tirsan Baarlamaanka Itoobiya ayaa waxa uu yidhi” Dawlada Itoobiya iyada ayaa danbiile ah oo xasuuqa gaysatay haddana isla iyadii ayaa doonaysa in ay soo baadho taasna wax macquul ah ma ah oo caqli gal ah”.waxa kale oo uu ninkaasi intaas raaciyay in loo baahanyahay in ay gudi madax banaan oo aan siyaasad lug kulahayn ay arintaa soo baadhaan si ay u soo helaan xaqiiqada halkaas ka jirta.

Dhinaca kale: Warar aanu ka helay ilo muhiim ah ayaa sheegaya in ay Jabhada xoraynta Gambella qaban doonto 18.bishan April, shir aad u wayn oo ka dhici doona magaalda Washington ee wadanka Maraykanka. Shirkaas ayaa la sheegay in ay u furanyihiin cid kasta oo danaysa dhawrista xuquuqda adamaha.


Ururka u dooda Xaquuqal insaanka Itoobiya oo war saxaafadeed soo saaray.

Wariyaha wakaaladda wararka Ogadeniya u jooga magaalda Adis Ababa ayaa sheegay warsaxaafadeed uu soo saaray ururka u dooda xaquuqal insaanka Itoobiya, warsaxaafdeedkaas ayuu ururkani kaga codsaday dawlada Itoobiya in maxkamad la hor keeno nabadsugidii ka danbaysay dilkii ardaryda u dhalatay qoomiyada Oromoda.


Ururkan ayaa warsaxaafadeedkiisa ku sheegay in ay nabadsugida dawladu ku xad gudubtay xaqa uu qofku u leeyahay in uu ku cabiro figradiisa gaarka ah. Nabadsugida Itoobiya ayuu Ururkani ku ee deeyay in ay dileen arday farbadan qaar kale oo badana ay dhaawaceen isla markaana ay ku baabiyeen hanti aad u tiro badan mudooyinkii ay socdeen kacdoonkii ardayda wax ka barta Iskuulada iyo Jaamacadaha Itoobiya.


Waxa kale oo uu ururkani ka codsaday dawlada Itoobiya in loo ciqaabo nabadsugidii ka danbaysay baabi,inta hantida dadwayaha oo ay iyagu masuul ka yihiin.

Dagaalo aad u ba’an oo dhexmaray Jabahada Oromoda ee OLF iyo ciidamada
gumaysiga Itoobiya.


Radiyaha Oromada ee SBO Ayaa sheegay in uu dagaal aad u ba’an uu dhexmaray
jabhada Oromada ee OLF iyo ciidamada wayaanaha. Dagaalkan ayaa waxa uu ka dhacay gobolka Borana oo kuyaala koonfurta Oromiya., halkaas oo ciidamada wayaanaha lagaga dilay 9 askari laguna dhaawacay 11 askari. Dagaalo kale oo ka dhacay xero kutaala Mooyaale oo magaceeda la yidhaaho Arbelle ayaa waxaa lagu jabiyay ciidamada Itoobiya halkaas oo lagaga dilay 5 askari lagagana dhaawcay 4 askari.


Radiyuhu waxa kale oo uu sheegay in dagaalo kale oo aad u badan ay dhex
mareen ciidamada ururka OLF iyo ciidamada wayaanaha , halkaas oo lagu
jabiyay ciidamada wayaanaha islamarkaana lagaadhsiiyay khasaare laxaad leh
oo mood iyo noolba leh.

Muuse Suudi oo La Sheegay inay u Xiran Yihiin Diblomaasiyiin Itoobiyaan Ah.

War aanu ka soo xiganay bogga Internetka ee goobjoog ayaa sheegaya in Muuse Suudi Yalaxoow uu gacanta ku hayo diblomaasiyiin Itobiyaan ah oo aan la ogayn tiradooda iyo nin soomaali ah oo la socday. Diblomasiyiintan Itoobiyaanka ah ayaa u yimid magaalada muqdisho sidii ay Muuse Suudi Yalaxoow uga dhaadhicin lahaayeen in uu isaga baxo Golaha Samatabixinta ee Balcad lagu dhisay kal hore, hasa yeeshee Muuse Suudi Yalaxoow ayaa ku gacan saydhay codsiga uga yimid xukuumada Itoobiya.

Ninka soomaaliga ah oo la sheegay in uu ka soo jeedo gobalka hiiraan iyo diblomaasiyiinta Itoobiya ayaa xusay in ay doonayeen in uu kabaxo golaha samatabixinta qaranka Mr. Suudi Yalaxoow balse haduu diido ay iska laabanyaan, hasa yeeshee Muuse wuxuu ku amray maleeshiyadiisa in la xiro iyagoo hal habeen ku xirnaa magaalada Muqdisho, dabadeedna dhinaca Balcad loo kaxeeyay oo ay haatan ku xidhanyihiin.

Warkan oo ay baahisay mid ka mid ah idaacadaha Muqdsiho ayaan weli kala caddayn iyadoo dhinaca Muuse iyo dhinaca Itoobiya uusan ka soo bixin wax war ah oo ku saabsan arrintan.

Dhacdadan ayaa noqonaysa tii ugu horraysay oo ay hogaamiya koxeedyadu ku kacaan iyadoo dad badanina ay warkan ku farxeen una arkeen fal wadaninimo oo muujinaya mawqifka Muuse ee ku aadan dib uheshiinta soomalida iyo nacaybka Itoobiyaanka had iyo jeer ku haya soomalida dhibka ay la dagi ladahay , kana dhismi la'adahay dawlad loo dhanyahay .

13.04.2004

C/Nuur Sh. Mohamed

raadioxoriyo@yahoo.com  

 Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 19 MB ee dhererkeedu yahay 15670 KHZ, Maalmaha Talaadada iyo Jimcaha 7: 30PM waqtiga Afrikada

Faafin: SomaliTalk.com | April 13, 2004

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh Radio Xorriyo

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
Habnololeedkii saxaabadii Rasuulka ...

kaah

BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri

 

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD