SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK -UK 
WARARKA: BOOSAASO | HARGEYSA | MUQDISHO | NAIROBI | QURBAHA | XORIYO
April 13, 2004
 

GOLAHA WADATASHIGA SOOMAALIYEED

G/W/S/012/04 London, 12/04/2004

Ujeedo:- Bayaan

Golaha wadatashiga Soomaaliyeed wuxuu tacsi u dirayaa guud ahaan ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan dadkii ay waxyeeladu naf iyo maal ka soo gaartay dabkii qabsaday suuqa weyn ee BAKAARAHA ee magaalada Muqdisho.

Waxaan guud ahaan la qeybsaneynaa shacbiga Soomaaliyeed dhibaatooyinka soo noqnoqonaya ee sababa inta badan qasoorooyin isugu jira mood iyo noolba, Hadaba wuxuu goluhu guud ahaan ka codsaneynaa dadka ka ganacsada suuqyada Soomaaliya in ay taxadar badan ka muujiyaan dhacdooyinkan foolxumada badan, mar haddii aanu jirin nidaam ballan qaadaya wax ka qabashada dhibaatooyinka noocan oo kale ah mar walba lagu tilmaamo in ay iskood isaga dhaceen.

Golaha wadatashiga Soomaaliyeed oo ka faa'iideysaneyna fursadan qiimaha badan wuxuu marka hore dhambaal tahniyad ah u dirayaa dhamaan ciidamada qalabka sida ee jamhuuriyadda Soomaaliya meel kasta oo ay joogaan.

Waxay Soomaalidu is weydiinayaan ma tahay maalin mudan in la xusuusto 12 April aasaaskii ciidamada qalabka- sida mar haddii waajibaadkii qaran ee saarnaa gadashadiisa ay ka maageen iyo micnihii loo aasaasay ciidamada qalabka-sida ee Soomaaliyeed.

Ciidamada Qalabka-sida ee Soomaaliyeed waxaan ugu baaqeynaa in ay fuliyaan dhaartii ay ku mareen in ay dalka iyo dadka Soomaaliyeed ka badbaadin doonaan cadowga gudaha iyo dibedda, gaar ahaan kan ay maanta gacnaha u ugu jiraan, afduubkana ku heysta ku dhawaad 14ka sano.

Ugu dambeytii wuxuu Golaha wadatashiga Soomaaliyeed u soo jeedinayaa qeynbaha uu ka dhaxeeyo dagaalada muddada dheer ka soconaya qeybo ka mid ah Gobolka Jubbada dhexe ee dalka Soomaaliya in ay si degdeg ah u joojiyaan gacan ka hadalkana ku badalaan wadahal.

Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibedda ahna

Wakiilka Golaha Wadatashiga Soomaaliyeed

C/casiis cali Ibrahim "Xildhiban"

xildhiban@hotmail.com 

Faafin: SomaliTalk.com | April 13, 2004

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraga kusaxiixan

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
Habnololeedkii saxaabadii Rasuulka ...

kaah

BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri

 

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD