WARARKA:
BOOSAASO |
HARGEYSA |
MUQDISHO |
NAIROBI |
QURBAHA |
XORIYO
Faafin: April 12, 2004
Ugaas Cumar Geelle: Aniga haddaysan
sidayda ahayn socon mayso, maanta ma socon karto
Wuxuu Illaahay maanta (11/4/004) suura-gal ka dhigay
in aan waraysi la yeesho Ugaas Cumar Geelle Maxamed
(Kaneec) oo ka mid ah Isimada Soomaaliyeed ee shirka
dib u heshiisiinta Soomalida ee Nairobi ka qayb
gelaya. Ugaas Cumar wuxuu ka mid yahay madax
dhaqameedyada ka soo jeeda deegaanka Puntland, Ugaasku
isagoo ka jawaabaya su'aal ku saabsanayd cidda loo
aanayn karo bur-burka Soomaaliya ka dhacay wuxuu
yidhi:
Ugaas Cumar: Aniga aragtidayda, eedda, qof gaar ah,
ama koox gaar ahi ma laha, waxaa leh dadka
Soomaaliyeed oo dhan oo si toos ah, ama si aan toos
ahayn uga qayb galay bur-burintii dalkooda iyo
dawladnimadooda, welina aad moodid inaysan fahamsanayn
qaabkii ay ku raadin lahayeen dawladnimo, midnimo iyo
isu imaatin. Marka meel gaar ah anigu tilmaami maayo,
laakiin waa la wada leeyhay, waxaanna sabab uga sii
dhigayaa dadweynaha oo weli aan u bislaan qofka ay
taageerayaan,waxa ay ku taageerayaan, waxa ay
yeelayaan, waxa ay diidayaan, midna aan weli u bislaan
ee aad moodid in yaac lagu jiro, ayaan sababaha u
celinayaa.
Somali Talk: Ugaas, dadweynaha dhibaatada aad
sheegtay ku lugta leh Isimadu ma ku jiraan?.
Ugaas Cumar: Waa ka mid yihiin, kama baxsana, sida
koox walba dhaliil loogu heli karo ayaa iyaga
laftoodana dhaliil loogu heli karaa, kamana baxsanee
dadka dhulka ku nool bay ka mid yihiin.
Somali Talk: Sida laga warqabo Isimadu hub ma qaataan
oo ururo ciidan ma hogaamiyaan, marka, qaybta ay
dhibaatada Soomaaliya ku leeyhiin waa sidee?
Ugaas Cumar: Waxay ku leeyihiin bulshadu markii dalka
la bur-burinayey, qaabkii lagu bur-buriyey wuxuu ahaa
qabaa'il, qabaa'ilna waynu garanaynaa waa hawl dhaqan
weeye, dhaqankana waxaa awood badan ku leh odayaasha
iyo Isimada iyo inta la mid ah, hadday dad waaqiciyiin
ah oo aad xilka saaraan u garanaya ahaan lahaayeen
waxaan qabaa inay qayb weyn ka qaadan lahaayeen inay
dhibka dhacay baajiyaan.
Somali Talk: Ugaas, waxaa jira nidaamyo fara badan oo
dawlad goboleedyo iyo kala dambayn meelaha qaar loogu
raadinayey inaad ka qayb gashay, sida shirkii Puntland
lagu dhisay, ogaalkaa dhismihii Puntland sidee u
qabsoomay?
Ugaas Cumar: Dhismahii Puntland shirar gogol dhig ah
ayaa loo sameeyey, anigu xaqiiq ahaan shirarkii
dhismaha dawladda Puntland ka horeeyey waan ka qayb
galay, kii dambe oo Puntland lagu dhisayeyna waan ka
qayb galay, waa loo baahnaa oo nidaamkii oo loo sii
dhowaanayo ayeey ka mid ahayd, inay gobolo isu tagaan
oo wuxuun samaystaan, waa loo baahnaa baan leeyahay,
laakiin waxay ka xumaatay qaabkii loo qaabeeyey oo aan
ahayn mid loo dhamaa ee dad gaar ahi abaabulkii iyo
wax dooniddii iyo wax soo saariddii iyo wax noqoshadii
intiiba isku darsadeen, meel dhexe markay maraysey oo
shirkaasi bilaabmay bay dad badan oo aan anigu ka mid
ahay ka joogsadeen oo arkeen inuu wadadiisii ka
leexday, intii ka dambayseyna waddadaas buu ku socdey.
Somali Talk: Marka adigu hadda ma aaminsanid miyaa
inuu nidaam ka jiro meeshaas?.
Ugaas Cumar: Nidaamkii waxaa leexiyey dadkii Puntland
dhisideedii ugu horaysey ka qayb galay, waxay
sameeyeen awood aan xadaysnayn, waxay sameeyeen
awooddii oo meel la isugu geeyey, waxay sameeyeen
sharcigii yaraa oo ay dhigteen oo aan la ilaalin,
dadkii waxaa sameeyey oo dhan baa lahaa eeddeeda,
anigu marka waxaan aaminsanahay wax nidaama oo weyn oo
hadda la xusaa inaysan halkaa ka dhisnayn, beelo
heshiisa wey jiraan, kuwo gacan saar leh oo markii
horeba gacan saar ku yeeshay danahooda gaarka ah,
laakiin dal weynaha Puntland la yiraahdo wax mideeya
oo halkaa ka dhisani ma jiraan.
Somali Talk: Laakiin, Ugaas meesha maamul wuu ka jiraa
madax weyne ayeey leedahay, gole wasiiraa ka jira,
baarlamaan baa jira, cashuur baa la qaadaa, ciidamo
nabad gelyo iyo wax soo saarba wuu ka jiraa, marka
jiritaan la'aanta aad sheegaysaa waa mid caynkee ah?.
Ugaas Cumar: Marka horeba, qaabkii wax lagu dhisay ma
ahayn tartan xor loo yahay oo laga wada qayb galay ee
xulasho gaar ah ayeey ahayd, mar labaadka lama ilaalin
qodobadii yaraa oo ay dhigteen oo sharciga ka
dhigteen, waxaadna garanaysaa maalinba, maalinta ka
dambaysa in lagu sii tiiganayo sidii qodobadaa loo
bur-burin lahaa, waxaynu awel ogayn wakhtigii inuu
dhamaaday Puntland loo qararay, doorashana inay
dhacday, ka bacdina doorashadaasi markay dhacday in
dagaal lagu soo qaaday oo dalkii la bur-buriyey oo ay
dad badani ku dhinteen, dad badan baa sharci darradaa
u hiiliyey, waxaa la yidhi waxaa wax siyaadsaday
dadkii wax loo dhiibtey oo bulshadu wax ku aamintey oo
qodobada yar yar u qoratay, dad baa markaa madaxa loo
saarayey oo laga qayb gelinayey oo la lahaa hebel iyo
hebel baa ii siyaadiyey. Mar labaadkii waxaad u
jeeddaa in laga maarmay dadkiina oo maanta ay tahay;
"Anaa kororsaday". Sidaasaysan sharci ugu dhisnayn.
Somali Talk: Ugaas arrimaha aad ka sanqadhisay ee ah
in sharcigii lagu tuntay iyo in wax la kororsaday,
cidda sida tooska ah masuulka uga noqonaysaa waa ayo?
Ugaas Cumar: Cidda toos masuul uga noqonaysaa waa
nidaamkii waagii hore aan dhaliilayey oo aan kuu
sheegay madaxdiisii iyo inta ugu hiilisa sharci
la'aanta.
Somali Talk: Marka, Sidee baad is leedahay
waxyaabahaas xal baa loogu heli karaa?
Ugaas Cumar: Taladu waxa weeye in dadka talada wax
laga siiyo, waa la soo dhaafay xiligii uu qof keliyihi
talin jirey, adduunyada maanta kama shaqayn karo
nidaamkaasi, qof iyo laba ku meersan iyo toban ku
meersani wakhtigii ay talin jireen maanta lama joogo,
annagu waxaan oran lahayn waa in dadka talada wax laga
siiyo, odayaasha, bulshada weyn, dhalinyarada,
dumarka, qaybaha bulshada oo dhan in talada wax laga
siiyo, laguna tix-geliyo wixii heshiis oo la dhigtana
sidooda loo xurmeeyo ee aan hadhowdii derbiga lagu
dhufan oo laga dhaqaaqin.
Somali Talk: Haddaynu shirka u soo laabano, sidee baa
looga gudbi karaa bay kula tahay caqabadaha hadda
jira?
Ugaas Cumar: Anigu wallaahay dhibaatooyinka faraha
badan ee laga sheegayo inay shirka hor taagan yihiin
uma jeedo qof ahaan, hal qodob ayaa ugu weyn
waxyaalaha la isku haysto, qodobkaas dawladaha shirka
hogaaminaya ee abaabulayey oo hogaaminayey waxay ka
soo saareen hadalo cad ama qoraalo cad, waxaa wax soo
xulidda leh baa la leeyahay dad siyaasiyiin ah iyo
odayaasha dhaqanka oo marka dambe saxeexaya, halkaas
haddii cidi wax ka qabi karto waxa, wax ka qabaa waxa
weeye odayaasha dhaqanka waayo, wax beelohooda laga
soo xulayo nin siyaasi ahi lama xulo, dhaqan cusubna
hadda lama samaynayo, mana yeelayno, mana ogalaanayno
in la sameeyo, beesha gudaheeda nin siyaasiya wax loo
qaybinayo inuu u qaybiyo anaguna aan joogno waa waxaan
soconayn, qoladan iyagu diiddani waa ka sii gudubsan
yihiin intaas oo waxay leeyhiin:"Jeer ay meesha ka
caddaato wiilka siyaasiga ah oo isagu baarlamaanka
raba oo wasiirka raba qoraalkiisu inuu yahay kan ugu
dambeeya, uguna horeeya shirka geli mayno". Soomaali
oo dhami waa arki kartaa waxa meesha ku jira, waa
muuqan karaan, aad bay u muuqan karaan. Annagu marka
waxaan leenahay caqabad weyn oo shirka hor taalaa ma
jirtee ee damac weyn oo kii caadiga ahaa ka saayida oo
shirka hor taagan baa jira.
Somali Talk: Marka ma waxaad leedahay wax kale ma
jiraane damac baa qodobkaas lagu dabakhayaa?
Ugaas Cumar: Qodobkaasi waa damacii, anigii wax
doonayey sidaan rabey ilaa aan ergada iyo dadka wax
dooranaya iyo dadka wax soo xulaya jeeraan anigu u
wada taliyo wax soconayaa ma jiraan, taasina ma dhici
karto, beelaa meesha isugu yimid, beel waliba
aragtideeday leedahay, dad badan baa isugu yimid qof
waliba aragtidiisuu leeyahay, aniga haddaysan sidayda
ahayn socon mayso maanta ma socon karto, adduunka aan
maanta joognana kama shaqayn karto.
Somali Talk: Shirku in badan buu socdey, qaabkii uu ku
socdeyna hogaamiyayaasha siyaasadda ayaa awoodda
shirka iska lahaa, khilaaf kastana iyagaa uun baa
lagala hadli jirey, marka haddaad hadda tidhaahdaan
Isimo ha la soo geliyo, soow taasi dhalanteed u muuqan
mayso?
Ugaas Cumar: Ma aha, anagu haddeer waxba kama qabno
siyaasiyiintii la lahaa meelay haystaan haddii iyaga
inta meel la isugu keeno, la siiyo awood balaadhan oo
ay wax isugu uruuriyaan, laakiin meeshaan ka
diiddanahay halkaa ma aha, waxa weeye oo keliya
qodobka dhaqanka, beelaha dhexdooda qaabka wax loogu
qaybinayo, qofka mudan in wax la siiyo odayaasha taas
cidina lama qaybsan karto, mana aha wax qaybsami kara
oo gor-goro geli kara, laakiin waxba kama qabno
nimankan haddii waxyaabo badan oo ay isugu dhowaan
karaan oo tanaasul ah loo sameeyo oo awood badan oo
dadka ka dhexaysey la siiyo, laakiin qodobada qaarkood
gor-goro ma geli karaan.
Somali Talk: Ugaas Cumar, Isimada laftooda waxaa lagu
xantaa inay sida hogaamiyaasha oo kale isu haystaan oo
haddii inay wax qaybiyaan loo igmado waxaa dhici karta
baa la leeyahay inay isku qab-qabsadaan, maxaad ka
leedahay taas?
Ugaas Cumar: Waa khalad fekerkaasi, waana been
dacaayad ah oo ay dadka qaarkii fidinayaan, Isim
kastaaba beel buu ka socdaa oo metelayaa, beeshuna
iyadaa masuuliyadeeda saaratay, iyadaa dooratay,
iyadaa shirka u soo dirsatay, waxa la isku
qaqabsanayaa marka maxay yihiin, wixii beesha loo
qaybinayo odayaal baa qaybiyee waxa ay isku
qabsanayaan oo ka dhexeeyaa maxay yihiin?, odayaasha
beeluhu isku qabsan maayaan, oday walba beel buu ka
socdaa, hor jooge u yahay, dadkii tirada badnaa halkan
ma joogaane beel waliba qof bay soo dirsatay iyo wixii
isaga caawinaya oo weftigiisa ka mid ah.
Somali Talk: Waxaa la leeyahay Isim kastaa
siyaasiyiinta is khilaafsan buu mid kala socdaa, marka
haddii uu siyaasi kastaa Isim isaga u xagliya shirka
keeno soow khilaaf Isimada dhex mari maayo?
Ugaas Cumar: Taasi dhici mayso Isimada haddii qaybta
loo keeno awelna waa qaybin jireen, haddana way
qaybinayaan, iskuna qabsan maayaan, waayo miisaanka ay
wax ku cabirayaan baa wuxuu yahay caddaaladda,
mudnaanta iyo garasha qofka, garaadkiisa, ma aha
aniguu I dooranayaa oo Isimadu xubin ma rabaan iyagu.
Somali Talk: Ilaa iyo hadda Isimada Soomaaliyeed ee
shirka jooga Isimada reer Puntland ayuun baa u muuqda
inay feedha dooxayaan siyaasiyiintooda, Isimada kalena
waxay ku daba tukanayaan siyaasiyiintooda waa maxay
wax idiin muuqda ee aan Isimada kale u muuqani?.
Ugaas Cumar: Annagu gobolada kale aadna ugama war
qabno xaqiiqdii oo hoos ahaan gobol-gobol uma aanu
baarin, waxaanse annagu ku talinayanaa oo nala quman
waa aragtida dalkayaga taal, ama gobolkayaga taal,
anaga dhaqankayagu ma aha beesha marka wax loo
qaybinayo in la yidhaahdo siyaasiyiintu ha u qaybiso,
waxaanuna ka duulaynaa dhaqan goboleedkayagii, qoladii
iyagu si kale dhaqankoodu yahay oo ninka siyaasiga ahi
uu wax walba yahay oo isagu ka soo xulaya yahay, oo ka
la dooranayo yahay, oo dibutaatigu isaga yahay, oo
odayguna daba joog u yahay, anaga dhaqankasi waa mid
naga duwan.
Somali Talk: Laakiin Ugaas waxaa jira tuhun ah inaad
xiriir la leedihiin siyaasiyiin aan siyaasadda
Puntland u xaglin sida Maxamed Cabdi Yuusuf iyo Dr.
Galaydh, tuhunkaas maxaa ka jira?.
Ugaas Cumar: Horta nimankaas aad magacowday marka
hore waa niman ka tirsan beelaha aanu odayaasha u
nahay, waxayna xuquuq iyo mudnaan u leeyihiin inta
kuwa kale ee na eedaynayaa ay leeyihiin, waxba
is-ma-dheera oo waa laba nin oo beelaha aanu odayaasha
u nahay ka tirsan waa qodob, qodobka labaad annaga
hawshayada oo aan ahayn ceebayn marka runta loo hadlo
iyo in qofka dembi la saaro, laakiin haddii qof la
ceebaynayo dadkaanu masuuliyadaha u dhiibanay oo ilaa
lix sano nagu soo maamulayey oo dalkii masuul nooga
ahaa oo xilal waaweyn aanu ka filayney inta ay hawl
qabteen oo hawsha aanu u dirsanay ay ka qabteena
maanta waan sheegi kari lahaa haddaan nin wax
ceebaynaya ahay, inta ay dalka dhib u geeysteen Bad
iyo Berrina waan sheegi lahaa haddaan ahay nin doonaya
inuu dad faro ku fiiq-fiiqo, laakiin waanan doonayn
inaan cidna faraha ku fiiqo, shaqadayduna ma aha inaan
wax ceebeeyo, waa inaan wax asturo.
Somali Talk: Ugu dambayntii, Ugaas waa maxay fariinta
aad gaadhsiinayso ummadda Soomaaliyeed gaar ahaan reer
Puntland?
Ugaas Cumar: Ummadda Soomaaliyeed iyo reer
Puntland'ba waxaan u soo jeedinayaa dalka ha la
ogaado, waynu wada leenahay, qof waliba waa leeyahay,
qof gaar ahi ma laha, xilkiisuna waa ina wada saaran
yahay, khaladka iyo saxa inaynu is tusaalayno qof
walba waa laga rabaa, haddaynaan wada garan xilka uu
dalkeenu inaga sugayo, dawladnimadeenu inaga sugayso,
dadkeena dhibaatada haysata haddaynaan wada garan oo
aynaan u bareerin inaan u dhibtoono, inaynu eed u
gallo, inaan wax badan ka tanaasulo, horta lama
gaarayo ujeedada weyn ee aynu leenahay. Dadka reer
Puntland gaar ahaan waxaan u leeyahay waad og tihiin
inta dhibaato hadda dalkeena ka dhacday, gobolada aynu
joogno inta dhibaato ka dhacday waad og tihiin oo waa
laga bad-baadin karay ummadda haddii uu caqligu
shaqaynayo, waxaan hadda dareemaynaa in hadda kuwo
kale la abaabulayo oo ka sii khatar badan kuwii hore u
dhacay, sidaa darteed waxaan dadka Puntland odhan
lahaa indhaha fura, nidaamkaa yar oo aad samaysateen
oo aan anigu hadda dhaliilaha badan u yeelayey
ilaashada, nin ma leh, oo qof ma leh, oo laba ma leh,
oo in mar is raacday ma lehe waynu wada leenahay dalka
iyo nidaamkaba, marka ilaashadaan odhan lahaa.
Ibraahim Maxameddeeq
imdeeq@yahoo.com
Nairobi SomaliTalk.com | April 12, 2004
WARAYSIYAAL HORE EE UU QAADAY
IBRAAHIM:
Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com
|