SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK -MUQDISHO 
WARARKA: BOOSAASO | HARGEYSA | MUQDISHO | NAIROBI | QURBAHA | XORIYO
April 11, 2004

Waraysi: Dr Jeeylaani Cali Kadiye

Waxaan halkan idiinku soo gudbinaynaa Waraysi aan la yeelanay Dr.Jeylaani Cali Kadiye oo ah mid ka mid ah Musharixiinta Xilka Madaxwaynenimada Shirka Somalida uga socda Magaalada Nairobi ee Caasimada Wadanka Kenya

Safarka Riyaale Waxba Soo Kordhin maayo. Guji...
Ururka SANU/NSC oo  ku Biiray Golaha Samatabixinta Guji  
Cabdirisaaq Xaaji Xuseen oo Soo Saaray Warqad Furan:  Guji
Dr Jeeylaani Cali Kadiye Musharaxa Madaxweynaha... Guji
morganAmmaanka Gen.Moorgan oo La Adkeeyay ka dib Markii la Fashiliyay Shirqool Lala Maaganaa

Waraysikan oo ah mid intabadan aan uga hadlayno Xaalada shirka Kenya iyo Socdaalka uu ku Marayo Dr.Jeylaani Qaarka mid ah Wadamada Yurub isagoo Iminkana Socdaalka ku jooga Magaalada London ee Xarunta Wadanka Britain

Waraysikan waxaa inoo Qaaday Wariyahayaga Magaalada Muqdisho Abdi Wali Ibraahim Aadan (Garyare) oo Qadka Taleefoonka Magaalada London ka Waraystay isagoo waydiiyay Su,aalo Dhowr ah oo la xiriira Socdaalkiisa iyo Xilka uu isku soo taagay waxaana uu Waraysika u bilowday Sidan:

<Wariye Garyare> Su.aasha ugu horaysa ee aan ku waydiinayo Dr.Jeylaani Cali Kadiye waxaa ay tahay bal waxaad iiga warantaa waxa uu ku saleysan yahay Socdaalka aad iminka ku joogto London iyo kuwo kale ee aad qorsheynayso in aad ku tagto socdaalka?

<Dr,Jeylaani >Waxaan marka hore u bahad cilinayaa dhamaan dadka soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaan gaar ahaan dadka Dibada ku nool ee aan iminka la joogo.intaasi kadib walaal waxan kuu sheegayaa in uu socdaalkeyga ku saleeysan yahay oo kaliya sidii aan dadka uga dhaadhicin lahaa waxa aan u qaban karo hadii la iidoorto Xilka Madaxwaynenimada ee aan ugu jiro Shirka Kenya Mudada Badan taasoo inbadan ay Su.aalo iga waydiiyeen.Xalay ayaa ugu Danbeysay oo waxan u shgaraxay halka ay somalida Danteeda ku jirto Arintaasi Waa intaasi Garyare

<Wariye Garyare> Waxaan ognahay Dr.Jeylaani Cali Kadiye somaliduna ay ka warqabtaa in Rag badan ay Xilka Madaxwaynenimada ay soo Qabteen halka Qaarna ay Waayeen, iyadoo taasi ay jirto Waa la ogaa halka ay ka baxday waxa ay qabteen Ragaasi.Marka adiga maxaad uga duwan tahay Ragaasi oo aad la soo shirtagtay in aad ku Qabato Xlika Madaxwaynenimada Somaliya Waaba hadii ay ka soo baxdo Shirka Kenya?

<Dr,Jeylaani > Garyare waa runtaa arintaasi laakiin waxan kuu sheegayaa in dalka waxaa uu soo maray aan halkan lagu soo goobi Karin marka Aniga waxaan uga duwanahay Ragaasi aad sheegtay kama qeyb geli jirin Shirarkii horay somalida loogu qabtay.laakiin waxaan rabaa oo kaliya in dalka laga samatabixiyo dhibka la soodarsay oo aan ku Qeexay Buugtayda aan Diyaariyay arinta aan uga duwanahay waataasi

<Wariye Garyare> Dr,Jeylaani Cali Kadiye Xilka Musharaxnimada Madaxwaynaha waxaa isu soo taagay Siyaasiyiin Badan oo hadafgoodu uu yahay inay Xilkaasi Qabtaan hadii kalana ay shirka Burburin doonan hadaba Adiga Arintaasi mala qabtaa mise waad ka duwantahay kuwaasi ?

<Dr,Jeylaani >Walaal waxaan kuu sheegayaa in aan aniga Go,aan keyga uu yahay sidii dalka dhibta looga saari lahaa taasina waa mid waajib ah.tan kale waxaan aad ugu Kalsoonahay in aan ku Guulaysan doono Xilkaasi hadii aan wayo waxan la shaqeyn doonaa cada ku guuleysata taasi Waa Mid Cad

<Wariye Garyare>Marka lagu Riyoon karo in la qabto Xilka Madaxwaynenimada waa marka shirka Somalida uu yahay mid rajo Wanaagsan leh.laakiin waxaa iminka shirka ka mooqata inuu yahay mid liita rajadiisa kadib markii ay qaarka mid ah Hogaamiyayaasha Somalida ee ugu Cad Cad shirka ay ka Gadoodeen shirkaasi oo ay tageen Magaalada Jowhar halkaasoo ay uga dhawaaqeyn Golaha Abaabulka Qaranka Somaliyeed oo ay ku mideysan yihiin Siyaasiyiinta kala ah Ganeral,Maxamed Saciid Xirsi (Moorgan) Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere) Maxamuud Sayid Aadan, Danjire,C/laahi SHiikh Ismaaciil iyo Shiikh Aadan Madoobe iyo Rag kale marka ayadoo ay taasi jirto mala dhihi karaa Riyadaada ah Xilka Madaxwaynenimada ayaa kasoo Bixi karto halkaasi hadiiba la isla Gaar halkaasi Dr,Jeylaani Cali

<Dr,Jeylaani >Garyare waxaan kuu sheegayaa in ilaahayNaxaristiisa aan laga Quusan.waxaana markasta aan ku raja waynahay in shirkan uu guulaysandoono somalidana ay ka bixi doonaan dhibka haysta 14 Sano ee ah mid aan la ilaawi Karin runtii Umadana waxaad moodaa inay Iminka u Bukaan Dowlad inay helaan

<Wariye Garyare>Dr,Jeylaani Hogaamiyayaasha Somalida Qaarkood waxaa ay eedaynta Shirka uu la socon la,yahay Dusha uga tuuraan Dowlada Itoobiya ee Jaalka la ah Somaliya halka Qaarka kalane ay iyagana ku tilmaamaan inuu Shirka ka socon waayay Wadamada Kenya iyo Itoobiya Hadaba arintaasi Mala qabtaa Mise Somalida ayaad eedaynta u soo jeedinaysaa

<Dr,Jeylaani >haa waan la qabaa hogaamiyayaasha somalida eedaynta ay usoo jeediyeen Dowladahah ku jira IGAD oo ah kuwa Mas,uulka ka ah jiitanka shirka somalida ku yimid oo aad muudo inuu wax ka qaldan yahay lagana dareemayo inay meesha ku jirto Gacan shisheeye

<Wariye Garyare> Dr,Jeylaani Cali waxaad Iminka joogtaa Magaalada London oo dhowr maalin un ka hor uu Socdaal ku yimid Madaxwaynaha Maamulka la Magac baxay Somali land Mr,Daahir Riyaale Kaahin oo doonayay sida ay sheegeen inay Aqoonsi helaan Adigana waxaad tahay Musharax Madaxwayne Somaliya yeelato hadaba Arintaasi sidee ayay kuu saameysay oo aad u aragtaa?

<Dr,Jeylaani > Waa runtaa waa uu yimid London Mr.Riyaale laakiin waxaa sidoo kale yimid London C/raxmaan Ibi oo ka mid ah Wasiirada Dowlada KMG ah waxay London noqotay maalmahan Magaalo ay kusoo qulqulayaan Siyaasiyiinta somalida.marka waxa uu Riyaale halkna u yimid waxay ahayd inuu hormariyo Xiriirkooda Caalamiga ah anigana waxaan u imid arimaha horay aan u soo shegnay C/raxmaan Ibina waxaa uu ka socday Dowlada KGM ah dhamaan arimahaasi marka la isku soo duubo waxaa Waajib ah Midnimada Umada Somaliyeed meelkasta oo ay joogaan taasina Cid waxba Malaga waydiinayo Somali land waa ay ku amaanan tahay sida ay u hagaajiyeen Deegaanayadooda

<Wariye Garyare>waxaa iminka socdaal ku maraysaa Dr,Jeylaani Cali Kadiye Qaarka mid ah Wadamada Yurub oo aad hada mid ka mid ah joogto qaarna ay kuu dhiman yihiin waxaadna sheegtay in dadka aad halkaasi kula kulmi doonto aad u sharaxayso waxaad u qabandoonto hadii aad Madaxwayne dalkan Somaliya ka noqoto,hadaba marka Sadex Meelood loo qeeybiyo laba ka mid ah waxay joogaan Dalka kuwaasoo ah kuwa u maahan inay helaan Dowlad somaliyeed marka ma laga yaabaa in aad timaado dalka si aad ugu sharaxdo waxa aad u qabanayso Umada Somaliyeed?

<Dr,Jeylaani >haa Garyare waan dareemayaa in dadka somaliya ku nool ay ka badan yihiin kuwa dibada ku nool hada waxaan joogaa London waxaana ku xijinayaa Talyaaniga ugana sii gudbayaa Wadamada kale ee Yurub waxaana sidoo kale jeclahay in aan Wadamada Carabtana aan soo maro.laakiin waxaan ka si jeclaan lahaa in aan dadka dalka jooga la kulmo waana mid aan rajaynayo in aan mardhow sameeyo hadii ilaahay idmo

intaasi waxaan ku soo goobaynaa Waraysikii aan la yelanay Dr.Jeylaani Cali Kadiye oo ah mid kamid ah Musharixiinta Xilka Madaxwaynenimada Shirka Somalida uga socda Dalka Kenya oo isaga oojooga Magaalada London Qadka Taleefoonka ugu Waramayay Wariyahayaga Magalaada Muqdisho Abdi Wali Ibraahim Aadan (Garyare) waxaana uu Dr,Jeylaani Socdaal ku marayaa Qaarka mid ah Wadamada Yurub iyo Carabta

Qorshaha: Dr Jeeylaani Cali Kadiye

W/Q.Cabdi Wali Ibraahim Aadan (Garyare)

Garyare20@hotmail.com garyare@msn.com garyare20@yahoo.com 
 

Faafin: SomaliTalk.com April 11, 2004

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
Habnololeedkii saxaabadii Rasuulka ...

kaah

BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri



XAAFID QUR'AAN cFatax
Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI



Waa buug cusub oo kusaabsan Taariikhdii Imaam Shaafici (Raximuhu Laahu), Waxaa qoray: Cabdifataax Cabdullahi Sh. Xasan (Joof), Waxaa lagala xiriiri karaa: shaafici54@hotmail.com  


Wuxuu ku Qadeeyaa Qaadka, Wuxuuna ku Casheeyaa Ciidda, Oolyadana wuu ku Qubeystaa: Waxa uu ku nool yahay magaalada Muqdisho, magaciisuna waa... Guji...

 

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD