SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MUQDISHO
WARARKA: BOOSAASO | HARGEYSA | MUQDISHO | NAIROBI | QURBAHA | XORIYO
April 10, 2004

 WARARKII APRIL 10, 2004

.Dekedda Kismaayo La Dhigtay Isbaaro
.Ciidanka kenya oo U tallabay Soomaaliya
.Odayaasha Beesha Mirifle oo oo Wada Waanwaan Nabadeed
. Xubno uu Magcaabay cabdalla Deerow oo gaarey Addis ababa

W/Q.Cabdi Wali Ibraahim Aadan (Garyare)
Garyare20@hotmail.com
garyare@msn.com garyare20@yahoo.com

Dekedda magaalada Kismaayo ayaa lagu soo waramayaa in ay xiran tahay isbaaro ay dhigteen kooxo Maleeshiyo ah oo gadoodsan

Dekeddda wayn ee magaaladda Kismaayo ayaa maalintii Sadexaad u xiran Isbaaro ay dhigteen dekedda kooxo Maleeshiyo ah oo ka tirsan Isbahaysiga Dooxada Jubba.

Maleeshiyadaan la sheegay in ay ka cabanayaan Mushaar La誕an iyo Maamul xumo ka dhex jirta Maamulka Isbahaysiga Dooxada Jubba, ayaa rasaasta ka dhacda Qoryahay Lidka Diyaaraddaha ku riday Dekedda iyo aga gaarkeeda, tasoo dhalisay inay Dekeddu xiranto, oo ay joogsadaan dhammaanba hawlihii ka socday Dekeddaasi.

Maleeshiyaddaasi ayaa diiday in ay joojiyaan Xayiraada ay ku soo rogeen dekedda, oo ah isha ugu way nee Maamulka Dooxada jubba uu dakhligu kasoo galo.

Ma ahan markii ugu horeysay ee Maleeshiyooyinka Dooxada Jubba ay ka Cabtaan Mushaar la誕an laakiin arrintaan oo in badan soo noq noqday ayaa waxaa imminka xalinteeda ku jira qaar ka tirsan maamulka sare ee Isbahaysiga Dooxada Jubba.

Ma jiraan illaa iyo hadda wax war ah oo ka soo baxay Mas置uliyiinta Dooxadda Jubba oo la xiriira Xirnaanshaha Dekedda wayn ee Magaaladda Kismaayo.

<><><> 

Odayaal ka Tirsan Beesha Mirifle ayaa dadaal xoogan ugu jira inay Baajiyaan dagaal laga Cabsi qabo in uu ka dhex qarxo Mas置uliyiinta RRA.

Odayaashaan oo ka mid ah Gudddi dhex dhexaadineed oo loo doortay inay Xaliyaan khilaaf soo kala dhex galay Mas置uliyiinta RRA-da ayaa billaabay inay u kala dab qaadaan labada garan ee RRA-da sii kala jabtay, ee hore uu madaxda ugu ahaan jirey Shiikh Aadan Madoobe.

Wararka ka immaanaya magaalada madaxda gobolka Bay ee Baydhabo ayaa sheegaya in Guddi nabadayn ah oo uu hogaaminayo Malaaq Cali Barre ay shalay shir la yeesheen Xubnaha Garabka uu hogaamiyo Maxamed Ibraahim Xaabsade oo dhawaan sheegay in uu Guddoomiye u yahay RRA-da.

Shirka ay yeesheen Xaabsade iyo Guddiga uu hor kacayay Malaaqu ayaa la段skula soo qaaday sidii loo qaboojin lahaa Xaaladda, loogana hortagi lahaa dagaal markale ka dhex Qarxa RRA.

Xaabsade iyo Siyaasiyiinta waa way nee taageera ayaa diiday inay dib ugu noqdaan xilka qaadistii Sheekh Aadan Madoobe, laakiin waxay soo jeediyeen shir wayne ay yeelato dhamaanba garabyadda RRA-du.

<><><>

Saddex ka mida xubnihii uu Cabdalla Deeroow u magacaabay in ay ka mid noqdaan Baarlmaanka ay Africa yeelan doonto ayaa lagu soo waramayaa in ay gaareen Xarunta dalka Ethiopia ee Adis Ababa.

Wararka naga soo gaaraya magaalada Adis Ababa ee xarunta u ah dalka Ethiopia ayaa sheegaya in shantii xubnood ee Gudoomiyihii hore ee dowladda KMG ah uu u magacaabay inay ka mid noqdaan Baarlmaanka ay yeelan doonto Africa sadex ka mid ahi ay gaareen Adis Ababa.

Xubnahaan oo u horkacayey C/qaadir Xaaji Maxamud (lugadheere) ay maaliintii shalay oo jimce ahayd kullan la yeesheen Xoghaynta Ururka Midowga Africa, iyo Guddoomiyaha golaha Shacabka Faderalka Ethiopia,

Tagitaanka Xubnahaan ayaa ku soo aaday xilli Golaha Baarlmaanka dowlada KMG ah ay ansixiyeen Xeerka Midowga Africa.

<><><>

Ciidamada Kenya ayaa lagu soo waramayaa in ay usoo tallaabeen xadka somaliya, iyagoo soo galay tuulo lagu magacaabo Baareera.

Ciidamada Ammaanka ee dalka Kenya ayaa ku andacooday in sababta ay ugu soo gudbeen gudaha dhulka Somalia ay tahay iyaga oo Cayrsanayey gaari ay sheegeen in koox Soomaali ah ay ka soo dhaceen gudaha dalka Kenya, isla markaana ula soo baxsadeen dhinaca Somalia

Waxay sheegeen Booliska Kenya inay ka cabsi qabeen in gaarigaasi kooxda Soomaalida ah ay u adeegsadaan weerar is miidaamin ah oo la mid ah kii sannad iyo bar ka hor ka dhacay Magaalada Xeebta ah ee Mombasa.

Dad goob joogayaal ayaa sheegay in soo galitaanka Ciidamada Kenya ku abuurtay argagax iyadoo fawdana dhacay ka dib markii la arkay maleeshiyooyin dhaq dhaqaaq samaynaya oo ka soo horjeeda Ciidamada Kenya ee soo galay gudaha Somalia.

Goob joogayaasha ayaa sidoo kale sheegay in ciidamada Kenya aysan ku ekaysan raadinta gaariga ay sheegeen in laga soo dhacay, laakiin baaritaan ballaaran ku sameeyeen Tuullada.

<><><>

Madaxwaynaha dowlada Masar Maxamed Xusbi Mubaarak ayaa lagu soo waramayaa in uu gaarey Saldhiga Eregton ee ku yaala Maagalada Hesston ee gobolka Taxes.

Madaxwayne Mubarak ayay u bilaabatey Booqasho Lix Maalmood ah oo uu ku marayo dalka Mareykanka, waxaana inta uu joogo dalka Mareykanka uu la Kulmiyaa Mas置uliyiin uu ka mid yahay Madaxwayne Bush.

Mubarak iyo Bush waxay kulankooda islku soo Qaadi doonaan Xaaladdaha Falastiin iyo Ciraaq iyo xiriirka labada dal, loo sii jagaajin lahaa.

Madaxwayne Bush waxa uu aaminsan yahay in masar tahay fure muhiim u ah arrinta Bariga dhexe taasoo la sheegay in ay keentay booqaasha uu Mubaarak ku joogo dalka Mareykanka.

<><><>

Xogyahay Arrimaha Dibadda ee dalka Mareykanka Mr. Collin Paul ayaa sheegay in kacdoonka Shiicadda iyo Sunniyiiinta reer Ciraaq uu ka xoog badan yahay intii la filayay.

Collin Paul waxa uu qiray in waqti aad u adag uu la soo gudboonaaday Ciidamada uu Mareykanku horkacayo ee ku sugan dalka Ciraaq, hase ahaatee paul waxa uu ku adkaystey in qorshihii la doonayay in awooda dalka Ciraaq dib loogu heliyo Ciraaqiyiinta uu sidii ahaan doonto laguna wareejin doono marka la gaaro dhamaadka Bisha June.

Collin paul xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanku waxa uu sheegay in tobobaadkii la soo dhaafay uu ahaa mid aad khatar u ah Ciidamadda Mareykankuna ay lasoo gudboonaatey halis, laakiin Ammaan Duullayaasha Ciidamaddu ay fahmeen sidii ay wax ugu qaban lahaayeen Ciraaqiyiinta, waa sida uu hadalka u dhigaye.

Dhanka kale Madaxwayne Busha ayaa wadahadal qadka Taleefoonka waxa uu la yeeshay hogaamiyayaasha wadamada Spain iyo Salvador oo labada ay Ciidamo ka joogaan dalka Ciraaq.

Busha waxa uu madaxdaasi kala hadlay Xaaladda ka taagan dalka Ciraaq isagoo ka codsaday in aysan Ciidamadooda kala bixin wadanka Ciraaq.

Dagaalada xoogan ee ka soconaya dalka Ciraaq ay Bush ku Abuureen wal wal iyadoo ay kusoo fool leeyihiin Ole olaha Doorashada ee ka dhici doonto Mareykanka.

<><><>

Diblomaasiyiin ka socota dalka Ethiopia iyo Nin soomaali ah oo la socday ayaa lagu soo waramayaa in lagu xiray Magaalada Balcad.

Diblomaasiyiintaan ayaa la sheegay in ay ku soo dageen mid ka ah Hogaamiye kooxeedyada soomalida, inkastoo aan magaciisa la shaacin.

Hogaamiye Kooxeedkaan ayaa markii dambe u gubiyay diblomaasiyiinta Guddoomiya Ururka Samata Bixinta Qaranka Muuse Suudi yalaxow, isla markaana ay ka wada xaajoodaan sidii ay xal loogu heli lahaa khilaaf la sheegay in uu u dhexeeyo dowlada Ethiopia iyo Muuse Suudi.

Illo lagu kalsoonaan karo oo ku dhaw dhaw Muuse Suudi ayaa sheegay in Gudoomiyaha golaha samata bixinta qaranku uu ku gacan Sayray qorshe dowlada Ethiopia ay ku doonaysay in uu isaga baxo golaha uu Guddoomiyaha ka yahay, laakiin muuse ayaa mas置uliyiintaa u sheegay in uu diyaar u yahay inay wada hadlaan.

Laakiin wada hadalkii Diblomaasiyiinta Ethiopia una u socda Muuse ayaa la sheegayaa in uu noqday in mid ay isku af dhaafaan, taasoo aakhirkii keentay in Muuse Suudi uu amar ku bixiyo in Xabsiga loo taxaabo diblomaasiyiintaasi.

WARARKII SHALAY APRIL 9... GUJI

W/Q.Cabdi Wali Ibraahim Aadan (Garyare)

Garyare20@hotmail.com garyare@msn.com garyare20@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com April 10

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
Habnololeedkii saxaabadii Rasuulka ...

kaah

BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri



XAAFID QUR'AAN cFatax
Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI



Waa buug cusub oo kusaabsan Taariikhdii Imaam Shaafici (Raximuhu Laahu), Waxaa qoray: Cabdifataax Cabdullahi Sh. Xasan (Joof), Waxaa lagala xiriiri karaa: shaafici54@hotmail.com  


Wuxuu ku Qadeeyaa Qaadka, Wuxuuna ku Casheeyaa Ciidda, Oolyadana wuu ku Qubeystaa: Waxa uu ku nool yahay magaalada Muqdisho, magaciisuna waa... Guji...

 

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD