Ka dib bur burkii Soomaaliya 1991, Waxaa dhulka ka hoos maray dhamaan
adeegyadii waxbarashada ee ka jiray dalka, waxaana waddanka ku soo batay
Iskuulaad gaar loo leeyahay iyo kuwo ay maalgashadaan wadamo Shisheeye, intuba
waa ay kala Manhaj gadisan yihiin…

Manhajyada
kala duwan ee wadanka waxay dhibaato ku yihiin gabi ahaanba wax barashada
wadanka ka jirta, gaar ahaan mustaqbalka Ardada hada wax barata iyo
mustaqbalka ardayda hada soo koreysa.
Todobaatamaadkii waxaa wax lagu baran jiray hal Manhaj oo ay si wayn uga
soo shaqeeyeen aqoon yahanno Soomaaliyeed, Dhammaan waxbarashada waddanka
waxay ku bixi jirtay Af-Soomaali, Lakiinse fursadahaas oo dhami waxaa
dhumiyay kadib markii burbur xoog badan uu saameeyay dhinac kasta oo ka mid
ah noloshii bulshada.
Haddii aan u soo noqono Xiligan Magaalada Muqdisho waxaa ka jira Iskuulaad
ay gacan siiyaan dawladaha shisheeye ayaa iyaguna sidoo kale waxay u
adegsadaan in ay ku gudbiyaan Taariikhdooda, Diintooda iyo Waliba
Siyaasaddooda, intaas waxaa u sii dheer in ardada hada wax ka barata
iskuuladaas ay yihiin ama kujiraan kuwa aan aqoon u lahayn dalkooda hooyo dhinac kastaba balse si
fiican u yaqaana taariikhda la xariirta dalkaas Manhajkiisa loo soo
guuriyay ee ay Manhaj kiisa qaadanayaan.
Waxaa baryahaan Magaalada Muqdisho ka jirtay Doodo iyo Daaraasaad ka socda
Idacadaha iyo Joornaalada ayna sameynayaan aqoon yahano Soomaaliyeed oo hada u
moodo in ay soo baraarugeen kadib markii ay arkeen labadooda caruur oo kale
dhigta Labo School ay kala Manhaj duwanaadeen, taasi waxay sababtay in aysan
labadaas ardaba ee ka soo kala baxday maanaahijka kala Manhaj ah ee ka jira
Soomaaliya, iyagoo soo kala bartay taariikh iyo Juqraafi iyo dhaqan ee labo
dal oo kale duwan.
Waxaa
wax lagu daydo mudan Dugsiga Hoose Dhexe iyo Sare ee ABLAAL, kuna yaala
Magaalada Muqdisho, Waxaa dugsigaas Qeybtiisa Sare (Secondary School) dhigta
Arday gaareysa 450-arday, iyadoo uu Dugsiga ka kooban yahay 3-dabaq isla
markaana ay fasaladdu yihiin 12-fasal, waxaan la kulanay Maamulaha Dugasiga
Sare ee Ablaal, Mudane C/raxmaan Macalin Axmed, wuxuuna inooga waramay
taariikhdii la aas aasay iyo heerarkii kala duwanaa ee uu Dugisga soo maray,
wuxuu inoo sheegay in Dugsiga la aas aasay 29/11/88 ilaa iyo xiligaan uu
shaqeynaya Dugsiga isagoo soo maraya marxalado kala duwan, wuxuu inoo
sheegay Maamulaha in Manhajka ay wax ku dhigaan uu yahay English, kuna
salaysan Manhajkii Soomaaliga, Sidoo kale wuxuu inoo sheegay in Macalimiinta
ay dhamaan yihiin Soomaali ayna dhan yihiin 16-Macalin oo intaba ka soo
qalinjabiyay Kuliyadii Lafoole. Sida ka muuqata Sawirada aan ka soo qaaday
Ardayda Fasalada Gabdho iyo Wiilal waa ay iskula jiraan, iyado gabdhuhu ay
gees fadhiyaan wiilashana ay geeska kale fadhiyaan… Sidoo kale waxaa Gabdhaha
ay ku Xijaaban yihiin Xibaaka Islaamka… Waxaan booqday dhowr fasal oo markaas
ay ardaydu ku guda jirtay casharadooda caadiga ah.
Dugsigan
ay ka muuqato horumarka, ma jirto hay’ad ama Dowlad gacan siisa, marka laga
reebo Qidmadda yar ee ay Ardadu bixiyaan, taasina waxay nagu sababtay in aan
kuu dhiirano horumarka ardayda soomaaliyeed, sidaas waxaa yiri Maamulaha
Dugsiga C/raxmaan Macalin Axmed.
WARAYSIGII LUUL iyo HANI iyo MAAMULAHA ka khri
halkan...
Waxaa soo diyaariyay: Yusuf Cali Xasan
Mogadishu-Somalia | SomaliTalk.com
yusufmog@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk Jan 14, 2003
...QORAALADA
DADWEYNAHA EE MAANTA: