SomaliTalk
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - TAAGEERO

Eeg sawirka oo weynyar

Sawirkani waa Wiilka yar oo hooyadiis dhabta ku hayso, aabihiisna garab fadhiyo, waxaana sawirka laga qaaday July 22, 2003


Eeg sawirka oo weyn


Warbixintii dhakhaatiirta... Akhri

Wiil Yar oo aan Kaadida Xakamayn Karayn, kana Kaadinaya Caloosha, oo u baahan Gargaar Degdeg ah

SomaliTalk.com | Muqdisho | July 23, 2003

Labada waalid ee wiilka yar ee Soomaaliyeed oo ah Aabaha Maxamed C/llaahi Cumar (Hareeri) iyo hooyada Xakiimo Ciise Hiraabe oo jooga magaalada Muqdisho waxay dhammaan shacabka Soomaaliyeed iyo hay'adaha gargaarka ka codsanayaan in taageero bini'aadamino loo fidiyo wiilkooda yar ee hadda saddexda bilood jira  ee u baahan qalliin iyo daaweyn degdeg ah. Wiilkan oo magaciisa la yiraahdo C/llaahi Maxamed  waxa uu ka kaadiyaa Caloosha. [Waxaana sharraxaad ku filan sawirka wiilka.]

Wiilkan yar waxa uu ku dhashay sida sawirka dhanka midig ka muuqata, kaadidana ma xakamayn karayo.

Dhakhaatiirta xarunta caafimdaaka ee Carafaat, Muqdisho, waxa ay caddeeyeen in markii wiilkaas yar (C/llaahi Maxamed) loo geeyey uusan kaadida xakamayn karayn, ayagoo dhakhaatiirtu arintaas kaga hadlayey warbixin ay soo saareen waxa ay ku bilaabeen " Magaca kor ku xusan waxaa uu yimid bukaan socod eegtadeena taaiikhdu markay ahayd 19/6/03 kana muuqato kaadida oo iska socota oon xakamasmeyn."

Dhakhaatiirta oo warbixintii sii wada waxay sheegeen "Baaritaan eegmo (kaddib) waxaa laga arkay caloosha dusheeda cad weyn oo guduudan oo horey usoo baxay, waxaana ku dul yaal duleelka kaadida ka soo baxeysay".

Dhakhaatiirta cisbtaalka carafaat ee warbixinta wiilkan ka qoray oo kala ah: Dr. C/laahi Max'ud Max'ed MD (Urologist) iyo Dr. Max'ud Zaahid MD (Agaasimaha Xarunta Caafimaadka Takhasusiga ee Carafaat) waxay caddeeyeen in wiilkan yar uu u baahan yahay daaweyn gaar ah, ayagoo taas ka hadlayana waxay yiraahdeen "Waxaan kula talinayaa bukaankan in loo diro clinic ku takhasusay arimahan si loo daweeyo loona socdo xaaladiisa." [Halkan ka eeg Warbixintii dhakhaatiirta]

Waalidka wiilkan yar waxa ay sheegeen in wiilkan yar uu aad u dhibaataysan yahay uuna u baahan yahay gargaar degdeg ah. Taas oo ay codsigan bini aadamino soo tebiyeen si uu wiilkan yar oo dhibanah a u helo gargaar caafimaad.

Hadaba fadlan qofkasta oo awood u leh in uu gargaar u fidiyo qoyskaan hala xiriiro Aabaha wiilka oo cinwaankiisu hoos ku qoran yahay:

Maxamed C/llaahi Cumar (Hareeri)
c/o Tel: 002525943311/002525954085 ama

e-mail:
mhareeri@yahoo.com
e-mail:
hareeri937@hotmail.com

Faafin: SOMALITALK.COM | July 23, 2003

Warbixintii Hore ee Wiilkan yar......

LIFAAQ.1
Bahda SomaliTalk waxay qoraalkaan usoo bandhigayan dhammaan qofkasta oo taageero bini aadamnimo ka geysan kara wiilkan yar ee gargaarka u baahan sidii uu u heli lahaa meel lagu daaweeyo. Maadaama aysan Soomaaliya hadda lahayn dawlad dhexe oo loo bandhigi karo arinta carruurta yaryar ee gargaarka u baahan, ayey noqotay mid aan laga fursan karayn in shacabka Soomaaliyeed arimaha carruurta dhibaataysan loo soo bandhigo si qofkii awood u leh uu gacan uga geysto.

LIFAAQ.2
Dhakhaatiirta iyo aqoonyahanka Soomaaliyeed waxaa sugaaya in ay baaritaan cilmiyeed ku sameeyaan waxyaabaha sababaya xanuunada aan Soomaaliya horay loogu arkijirin ee hadda kusoo badanaya. Su'aal ay dadbadani isweydiinayaan ayaa waxa ay tahay, sunta lagu duugey Soomaaliya, (sida ay caddeysay cilmibaaristii Dr. Bashiir Sh. Maxamed) , imisa raad ah ayey ku leedahay xanuunada kusoo batay Soomaaliya, gaar ahaan xanuunada carruurta yaryar. Jawaabteedu waxay sugeysaa Soomaalida aqoonta uleh cilmigaas iyo dawlad Soomaaliyeed uu isu taagta ama u dhalata maslaxa shacabka ......

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD