SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
RADIO - XORRIYO
DHEGEYSI: Dhegeyso Warka Radio Xoriyo  

Barnamujka caawa Radio Xoriyo ka baxaya waxuu ka koobanyahay.

  • Ø Dagaalo dhex maray ciidamada Xoreeynta Ogaadeenya iyo ciidamad Gumaysiga Itoobiya.
  • Ø Wasaarada Arimaha dibada Itoobiya oo la isku shaandheeyay.
  • Ø Ismaamulka Diridhabo oo aad u qasan.
  • Ø Madaxwaynaha Eritrea Isaysa Afwerki oo qaabilay taliyaha xarunta dhexe ee ciidamada Marykanka.
  • Ø Warbixi ay Amnesty international Itoobiya ka soo saartay oo la canbaareeyay
  • Ø Dagaalo dhex maray ciidamada Xoreeynta Ogaadeenya iyo ciidamad Gumaysiga Itoobiya.
  • Ø Todobaadkan iyo warakii geeska ugu waaweeynaa iyo waliba qab ka mid ah Riwaayadii iga guur kaagama guuea Gumaysi.

I  I  D  H  E  H

KAAH
GUJI HALKAN.......

Dagaalo dhex maray ciidamada Xoreeynta Ogaadeenya iyo ciidamad Gumaysiga Itoobiya.

Wararka naga soo gaadhaya jida hore ee Ciidanka waddaniga Xoreynta Ogaadeenya ayaa sheegaya dagaalo ba,an oo dhex maray Ciidamada Gumaysiga Itoobiya iyo Ciidanka Waddaniga Xoreynta Ogaadeenya. Dagaaladan labada dhinac dhex maraya ayaa waxuu gundhig u yahay madax banaani ay doonayaan dagaalyahanka Jabhada waddaniga Xoreynta Ogaadeenya.

Ciidamada jabhada waddaniga Xoreynta Ogaadeenya ayaa ku dhegan madax banaani shacabkoodu gaadho iyo in Afti loga qaado si madax bannaani ah si ay u muujiyaan dareenkooda iyo xaqa ay u leeyihiin Aayo ka talintooda, hasa yeeshee xukuumada Itoobiya ayaan marnaba Ogolaan in si madax banaan loo weydiiyo dadka Ogadeniya u dhashay waxa ay rabaan.

Si kastaba ha ahaatee waxaa labada dhinac u dhaxeeya dagaalo joogto ah oo marba marka ka danbeeysa sii xoogaysanaya, kuwaas oo soo taxnaa tan iyo horaantii sanadkii 1994, markaas oo maamulka TPLF afgambi ku sameeyey ismaamulkii Ogadeniya, sidoo kalana la isku afgaran waayay hirgalinta qodobka Aayo ka talin dadyowga ku hoos jira gacanta gumeysiga Itoobiya. Dagaaladii ugu dambeeyey waxay ka dhaceen goobahan iyo taariikhahan soo socota:

4.09.03 Dagaal ay iskaga horyimaadeen ciidamada Gumaysiga Itoobiya iyo Dagaalyahamiinta ciidanka Xoreeynta Ogaadeenya, oo ka dhacay meesha la yidhaahdo Waab oo u dhaxaysa Baka iyo Birqod ayaa waxaa ciidamada Itoobiya lagaga dilay 2 Askari waxaana lagaga dhaawacay 3 Askari oo kale.

9.09.03 Dagaal gaadmo ah oo ay ku qaadeen ciidamada Xoreenta Ogaadeenya qaar ka mid ah ciidamada Dulmiga waheshada ee gumaysiga Itoobiya oo ku sugnaa Ceel-Ogaadeen oo ka tirsan gobolka Qoraxay ayaa ciidamada Itoobiya lagaga dilay 2 Askari waxaana lagaga dhaawacay 4 Askari oo kale.

Wasaarada Arimaha dibada Itoobiya oo la isku shaandheeyay.

Sida aanu ka soo xiganay wakaalada wararka Ogaadeenya waxaa laysku shaandheeyay shaqaalaha wasaarada Arimaha Dibada ee wadanka Itoobiya.

Isku shaandheeyntan ayaa waxay ka dinbeeysay baxsi ay sameeyeen saraakiil ka tirsanaa wasaarada Arimaha dibada iyo waliba Safiiro aad u tira badan oo ooda jabsaday, kadib markay la soo daristay cabsi ay ka qabeen in ay waayayaan shaqooyinkooda iyo waliba in ay xabsiyada gaalaan, kadib markii looga shakiyay in ay ku kaceen arimo lid ku ah Xukuumada Zenaawi ee Addis Ababa.

Waxay kalooy wararku sheegayaan in isku shaandheeyntan loogu gogol xaadhayo ninka la tuhunsanyahay in uu la wareegi doono wasaarada Arimaha dibada ee Itoobiya oo lagu magacaabo Dr. Kinfe. Ninkan ayaa horay waxuu u ahaan jiray la taliyaha wasiirka Arimaha Dibada ee Itoobiya Seyoum Mesfin.

Ismaamulka Diridhabo oo aad u qasan.

Wararka naga soo gadhaya magaalada Diri-dhaba ayaa sheegaya buuq hadheeyay maamulka magaalada Diridhaba, kadib markii loo soo magacaabay nin ka tirsan Ururka TPLF oo lagu magacaabo Sibahat Nega.

Magaalada Diridhaba oo ay ku noolyihiin qoomiyado kala duwan ayaa mudooyinkii u danbeeyay waxay aheed meel uu maamulkeedu qasan yahay, taasna waxaa loo aaneeynayaa qoomiyadaha ku nool magaaladaas oo ku hardamaya maamulka magaaladaas.

Dhinaca kalana waxay xukuumada Adis Ababa doonaysaa inay ka dhex bixiso magaaladaad qoomiyadaha wada daga oo ay ka dhigto magaalo gacanta u gasha qoomiyada talada wadanka Itoobiya haysa ee Tigreega, taasna waxaa cadaynaya ninka loo soo magacaabay oo ka soo jeeda qoomiyada Tigreega.

Madaxwaynaha Eritrea Isaysa Afwerki oo qaabilay taliyaha xarunta dhexe ee ciidamada Marykanka.


War aan kasoo xiganay WWO ayaa sheegaya in uu madaxweynaha Eritrea Isayas Afwerke uu ku kuqaabilay magaalada Casmara taliyaha xarunta dhexe ee ciidamada Maryknaka Gen. John Abduzaid, waxayna ka wada haleen labada dhinac waxayaabo aad muhiim u ah oo khusayay gobolka geeska Afirka iyo aduunkaba.

Genralka waxa ku soo dhaweeyay gagida diyaaradaha ee Asmra wasiirka gaashaandhiga ee wadanka Eritrea Sebhat Efrem iyo saraakiil sare oo ka tirsan wasaarada gaashaandhiga ee wadanka Eritrea. Taliyaha ciidamada dhexe ee Marykanka waxaa wahelinayay, Genraal Mastin oo ah taliyaha ciidanka Marykanka ee geeska Afrika.

Warbixi ay Amnesty international Itoobiya ka soo saartay oo la canbaareeyay


Warbixin ay dhawaan soo saartay Amnesty International ayay ku sheegtay in uu soo roonaanayo hab dhaqanka Xuquuqda ee wadanka Itoobiya, hasa yeeshee waxa gashaanka ku dhuftay oo beeneeyay warkaas ururka maxaabiista Itoobiya. Nin u hadlay ururka maxaabiista Itoobiya ayaa yidhi ma fahmin cida ay warbixintan ka soo xigatay mnesty international iyo waliba sabata ay u soo saartay warbixintan xaqiiqda ka fog oo aan marnaba la rumaysan karin.

Sargaalkaas u hadlayay Ururka maxaabiista Itoobiya ayaa waxuu intaas ku daray in ayna maxaabiista Itoobiya waligood soo marin xaalada maanta ay ku suganyihiin, waxuuna yidhi, dadka maxaabiista ah waa la jidh dilaa, gabdhaha iyo ciyaalkana waa la kufsadaa, wax maxakamad ah oo dadka la horkeeno majirto marka la xidho, waxaana jira qaar badan oo ay Nabad sugida Itoobiya Afduubtay oo meel ay ku sugan yihiin cid ogi aysan jirin.

Ugu danbyantii waxay ururka maxaabiista ee Itoobiya ka codsadeen, Ururada u dooda Xuquuqda Aadamaha in ay ka fiirsadaan ilaha ay warbixinta ka helayaan, waxay kalooy ka codsadeen in beesha caalamku ku cadaadiso xukuumada Itoobiya in ay ilaaliso xuquuqda Aadamaha una hogaan samaan shuruucda caalamiga ah ee xuquuqda Shaqsiga.

26.09.003

Dhoodi Danwaa.

raadioxoriyo@yahoo.com 
radioxoriyo@ogaden.com

Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 19 MB ee dhererkeedu yahay 15670 KHZ, Maalmaha Talaadada iyo Jimcaha! 7: 30PM waqtiga Afrikada Bari


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
 

 .... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

Dhegeyso warkan oo Cod ah

 ...HALKAN KA BAAR WARARKII HORE EE XORIYO

....KAYDKA WARARKA RADIO XORIYO - NEWS ARCHIVE  

AFEEF: Afkaarta qoraalkaan waxaa leh gaarna ay u tahay Radio Xoriyo, kana tarjumimaayo aragtida SomaliTalk  

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis

mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...


XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhex jooga Bilicda dhulka Soomaaliya. Akhri



Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD