SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
RADIO - XORRIYO
DHEGEYSI: Dhegeyso Warka Radio Xoriyo  

Barnamujka caawa Radio Xoriyo ka baxaya waxuu ka koobanyahay.

  • Ø Dad ay ciidamada Itoobiya ku laayeen magaalooyinka Shilaabo iyo Iimay.
  • Ø Kililka Gaanbeela oo ay xasilooni la’aani kajirto kadib markii madaxdoodii laxidhxidhay.
  • Ø Ciiddammadda Itoobiya oo gudaha u galay wadanka kenya, dad badana xuduuda ku xidh xidhay.
  • Ø Banaanbax lagaga soo horjeedo dawlada wayaanha oo ka dhacay gobolka Gondar.
  • Ø Wasiirka arimaha dibada ee Eritrea oo qaabilay xoghayaha guud ee IGAD.
  • Ø Suugaan halgameed iyo waliba waxyaabo kale oo dhextaal ah.

Dad ay ciidamada Itoobiya ku laayeen magaalooyinka Shilaabo iyo Iimay.

Wararka naga soo gaadhaya magaalada Shilaabo ayaa sheegaya 8 Oday oo ay ciidamada gumaysiga Itoobiya ku dileen badhtamaha magaalada Shilaabo, waxaa kaloo la sheegayaa in dad badan oo kale ay ciidamadu gacanta ku hayaan, kuwaas oo ay ka mid yihiin caruur iyo haween, lana tuhunsan yahay in qaar badan oo kale halkaas lagu toogan doono.

Hawlgalka ciidamad Itoobiya ay xasuuqa ku gaysanayaan ayaa waxuu ka danbeeyay dagaal ay iskaga horyimaadeen ciidamada Xoreeynta Ogaadeenya, kaas oo ciidamada Itoobiya lagaga dilay 9 Askari oo ay ku jireen 3 Sargaal. Wararku waxay intaas ku darayaan in aad looga walwal qabo xaalada ay ku sugan yihiin dadka ay gacanta ku hayaan ciidamada Itoobiya.

Dhinaca kale, Sida uu noo soo tabiyaya wariyaha Radio Xoriyo ee gobolka Nogbeed waxaa iskudhac dagaal uu dhex maray dadwaynihii ku noolaa Tuulada Duud-kali oo ka tirsan Dagmada Iimay iyo ciidamada gumaysiga Itoobiya, kadib markay ciidamada Itoobiya boob iyo anshax xumo kula kaceen dadkii deegaankaas. Iska horimaadkan oo dhacay 01.09.2003 ayay ciidamada dulmiga waheshada ee gumaysiga Itoobiya toogasho ku dileen nin shacab ah waxayna ku dhaawaceen 2 nin oo kale, iyagoo nin Oday ah iyo labadii dhawaca ahaana halkaas ka taxaabtay.

Wararku waxay intaas ku darayaan in ay Labada nin ee dhaawacmay iyo ninka dhintayba ahaayeen dad safar ah, ayna ka dheceen ciidamada cadawgu waxay hanti wateen, waxay kale oo ay halkaas ka kaxeeysteen Geel iyo Adhi daaqayay.

Dhinaca kalana waxaa lagu soo waramayaa in ay ciidamada Itoobiya xabsiyada la tiigsadeen cid kasta oo ka soo laabatay wadanka Jabuuti iyaga oo ku eedeeynaya in ay taageerayaal u ahaayiin Jabhada wadaniga Xoreeynta Ogaadeenya, hasa yeeshee dadkaas ayaa lasheegayaa in ay ka mid yihiin dad waayeel ah iyo kuwo dayar oo aan lagu tumi karin arimo siyaasadeed.

Kililka Gaanbeela oo ay xasilooni la’aani kajirto kadib markii madaxdoodii laxidhxidhay.

Sida aani ka soo xiganay wakaalada wararka Ogaadeenya waxaa xabsiga lagu tuuray madaxwaynihii Gobolka Ganbeela Okela Nugeluna iyo saraakiishii la shaqaynaysay ee sida sharciga ah lagu soo doortay, waxaana shaqadii laga joojiyay dhamaanba ciidamadii Booliska ee ismaamulkaas iyadoo la keenay ciidamo shisheeye ah.

Talaabadan ayaa waxay ka danbeeysay dad shaqaale ah oo aan gobolka u dhalan oo lagu laayay gobolkaas, kadib markii shaqaalihii gobolkaas looga qaaday shaqooyinkoodii, taas oo ay dadka gobolkaas u arkeen mid looga danleeyahay in dad kale lagu beerayo Gobolkooda.

Xukuumada Itoobiya ayaa ku andacoonaysa in ayna shaqaalaha gobolkaas leheeyn aqoon ku filan oo ay shaqooyinka ku qabankaraan taasina ay sababtay in shaqaale kale la keeno, balse waxaa taas gaashanka ku dhuftay maamulka go,bolkaas oo sheegay in ay haystaan shaqaale leh awood aqooneed oo ku filan.

Si kastaba ha ahaatee isku dhacyadaas ayaa waxaa maalmihii la soo dhaafay ku nafwaaya 8 kamid ah shaqaalihii dawlada dhex soo dirtay ee gobolkaas la keenay.

Ciiddammadda Itoobiya oo gudaha u galay wadanka kenya, dad badana Xuduuda ku xidh xidhay.

Xukuumada Itoobiya ayaa waxay ku dhawaaqday 12 Bishan in ay gacanta ku dhigtay 132 Ruux oo si sharci daro ah ku soo galay gudaha Itoobiya iyagoo sitay Baasabooro been abuur ah, dadkaas ayay Itoobiya ku sheegtay in ay u kala dhasheen wadamada Soomaaliya, Kenya, Suudaan, Koonfur Afrika iyo Itoobiya.

Hase yeeshee warar xog-ogaal ah waxay sheegayaan in Itoobiya ka xuntahay diidmada lagu joojiyey in ay ka mid noqoto Ciidamada carbiska ka sameynaya dalka Kenya ee ka kooban USA, UK & Kenya. Itoobiya waxay ogaatay in garabka lagu duugayo marka ay timaaddo arrimaha lagula dagaalamayo Argagixisada caalamiga ah. Sidaas darteed, waxay doonaysaa in dadkaas ay soohdinta & meelo kale intaba ka soo xasuuqday in ay ku eedayso Argaixiso.

Inkasta oo ay Dawladda Itoobiya ku dhawaaqaday in dadkii ay ka soo qaqabatay xudduudda kenya iyo Itoobiya ay u masaafurinayso dalalkii ay u dhasheen, hadana xukumadda Itoobiya ayaa ah dawlad aad u ciqaabta dadka maxaabiista ah, waxaana jira dad badan oo soomaali ah oo ku jira xabsiyadda waddankaasi, iyadoo aysan jirin wax lagu soo eedeeyey oo danbi ah..

Waxaa kaloo jirta in ciiddammadda Itoobiya ay marar badan toogasho ku dileen dad soomaali ah.

Dhinaca kalana war aanu kasoo xiganay Idaacada Oromada ayaa sheegaya in ay ciidamada Itoobiya gudaha wadanka Kenya galeen, halkaasna ay ku soo aaseen Miinooyin dadka iyo gaadiidkaba dhibaato u keeni kara. Arrintaasi waxay ka cadheeysiisay maamulka Kenya.

Mas'ul u hadlay dawladda kenya ayaa sheeggay in ay jiraan dad Itoobiyaan ah oo si sharci darro ah ku soo gala waddanka kenya waxuuna mas"ulkaasi intaasi ku daray in ciiddammadda dawladda Itoobiya ay ku soo xadgudbaan xudduudda ay la wadaagaan waddanka kenya ee Moolaaye..kuwaas oo inta badan dad ku laaya degmadaasi. Taasina waxay wax u dhimaysaabuu yidhi amaanka labada wadan.

Banaanbax lagaga soo horjeedo dawlada wayaanha oo ka dhacay gobolka Gondar.

Warka naga soo gaadhaya ismaamulka Gobolka Amxaarada ee Gondar ayaa sheegaya banaanbax ay sameeyeen dadka ku dhaqan dagmada Jilka, oo ay kaga cabanayaan nal la, aan haysatay mudo dheer oo hada laga joogo 13 sano, taas oo ku beegan intay xukunka haysteen taliska TPLF.

Dadka dagmadaas ayaa sheegay in ay intii xukunkan ka horaysay lahaayeen matoor dhaliya korontada oo magaalada nalka wada gaadhsiin jiray, balse ay halkaas ka fujisteen ciidamadii taliska Xukunka qabsaday ee TPLF una qaadeen gobolada Tigreega.

Dadkii halkaas isugu soo baxay ayaa waxay wateen boodhadh ay ku qoran yihiin halkudhyo ay kamid ahaayeen, Rajo & balan qaad aan dhamaanaynin laydh nooma noqonmayo! · Gobolna laydh yaan loo shidin gobolna yaan laga dminin. Iyo erayo kale oo ay xukuumada ku canbaareeynayeen.

Waxay kalooy dadkaasi sheegeen in ay mudo 12 Sano ah u dacwoonayeen sidii loogu soo celin lahaa Matoorkoodii balse aan waxba laga qaban cabashooyinkooda.

Wasiirka arimaha dibada ee Eritrea oo qaabilay xoghayaha guud ee IGAD.

Wasiirka arimaha dibada ee wadanka Eritrea Mr. Ali Said Abdullaha aya a waxa uu maalintii arbacadii qaabilay xoghayaha guud ee ururka IGAD Mr. Attalah.

Labada dhinac waxay ka wada hadleen xaalada guud ee wadamada xubnaha ka ah ururka IGAD, waxa kale oo ay si ballaadhan uga wada-hadleen horumarinta nabad galayada laga wado Soomaliya iyo Sudan, waxyna isku raaceen in loo baahan yahay dadaal dheeraad ah si nabad galyo waarta looga dhaliyo Soomaliya.

Waxa uu Mr. Ali Said yidhi diyaar baanu u nahay in aanu caawino ururka IGAD sidii loo sugi lahaa nabad galyada wadamada ka tirsan ururka IGAD. Dr. Attallah waxa kale oo uu la kulmaya wasiirka beeraha ee wadanka Eritrea iyo madaxa dhaqaalaha ee IGAD.

16.09.003

Dhiidhi Nuur

raadioxoriyo@yahoo.com 
radioxoriyo@ogaden.com

Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 19 MB ee dhererkeedu yahay 15670 KHZ, Maalmaha Talaadada iyo Jimcaha! 7: 30PM waqtiga Afrikada Bari


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
 

 .... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

Dhegeyso warkan oo Cod ah

 ...HALKAN KA BAAR WARARKII HORE EE XORIYO

....KAYDKA WARARKA RADIO XORIYO - NEWS ARCHIVE  

AFEEF: Afkaarta qoraalkaan waxaa leh gaarna ay u tahay Radio Xoriyo, kana tarjumimaayo aragtida SomaliTalk  

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
April 2, 125
xayaysiis

mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...


XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhex jooga Bilicda dhulka Soomaaliya. Akhri



Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD