SOMAALI-NIMADU MAXAY LA QEYMA TAHAY MAANTA?
QEYBTII 4-AAD
QORE: ABDULLAHI GULLED ALI
abdullahigulled@hotmail.com
SOMALIDA
Siyaasi caan ah oo ka tirsan xisbiga xag
jira ee wadanka Denmark, ahna nin aanan la gaban hadalkiisa iyo
mowqifkiisa ayaa sheegay in ay isagu dhib ku aheyn hadii somalida lagu
qaado dayuurado, laguna daadsho wadankoda dushiisa, maadaama cid laga
xaali karo ayan jirin. Hadaba iyada oo warkaa iyo dhib ku heynta somalida
lagu hayaa dhibtu ay badantahay ayaa waxaa soo booqday Denmark wafdi ka
socday “Jamhuuriyada” Somaliland.
Dowladnimadu waa ay qurux badan tahay, marka
aad hesho mas’uul sare oo ku matalaana waa ay ka sii fiican tahay, sababtoo ah
wufuudaasi waxaa ay kala kulmeen dadweynaha soomaaliyeed weji ah in ay dhiban
yihiin aflagaadada lagu hayana ay faraha ka baxday, waloow arinta ay u
yimaadeen wafdigasi ay aheyd dhaqaale ay u doonayeen “Dowladooda”.
Goor fiidnimadii ah ayaa waxaa dhammaan
saxaafada Denmark ka yeeray dhawaaq iyo calaalay ay ku muujiniyaan in laga
fahmay qalad, weligoodna ayan somalida wax xun la jeclaan. Hadalkaan ayaa ka
yimid xaga madaxda wadanka Denmark kadib markii mid kamid ah wafdigii yimid uu
saxaafada Denmark u sheegay in Somalida loola dhaqmay sidii Xiligii Jarmalku
Yuhuuda laynayey uu ula dhaqmay dadkaasi una isticmaalay saxaafada isaga oo
jarmalku uu lahaa wixii xunba Yuhuud baa leh.
Dhammaan xisbiyada wadanka badankood ayaa afka
iska furtay, iyada oo maalinkaa ay somalidu u aheyd maalin farxad midysa
dareenkooda leh, waloow ayan helin waxa ay rajeynayeen oo ah in cadaadiska laga
yareeyo, ayaa waxaa dadku ay ku farxeen in la helo ugu yaraan mas’uuliyiin
somaliyeed oo ku hadasha magaca somalida dantooda iyo dareenkoodana ka tarjunta.
Ragaan ayaa isla maalinkii ay wadanka soo galeenba shirar la yeeshay shacabka
somaliyeed si ay u xog wareestaan.
Waxaa kaloo yaab leh qiso iyana ka dhacday
isla wadanka Denmark oo ku saabsaneyd in Xoog loogu galay guri ay degenaayeen
Qoys somaliyeed iyaga oo lagu eedeeyey in gabadh ay dhaleen ay gudeen, taas oo
mamnuuc ka ah Denmark. Arintaan ayaa waxaa ka carooday dadweyne somaliyeed,
waxaase yaab noqotay in dadkaasi wax garab istaaga la waayey, ayna keligood ku
noqotay arintaa. Ma yara dadka gacmaha loola tago oo qasabka jirka ilmahooda
lagu baaro, waxaana taasi ay dhalisay in soomaalidu ay yaab amakaag ku noqoto
wax walbaa oo loo geystaa, isla markiina ay meesha kaga tyagaan dhib kastaa oo
soo gaara, iyada xili dambana sida hadaba aan sameynayo ay noqoto sheeko la is
xasuusiyo oo waa dhacday.
Hadaba waxaa somalida ku dhex nool nooc
walbaale, culimo maanta aqoon diineed iyo mid maadi ahba isku darsatay,
Siyaasiyiin aqoon macquul ah leh oo garan gara masiirka ummada, Mas’uuliyiin
xilal kala duwan hore uga soo qabtay wadankeenii maamulka dowliga ahna wax ka
garanaya, Journalistayaal miisaami kara amaba cabiri kara waxa la qorayaa
muhimada laga leeyahay. Hadaba ragaas oo dhami xagee ayey ka baxeen? Waxaan soo
xasuustaa Nin Somali ah oo lagu yiri “ Hebeloow reer kaaga allah kuma
nabad-geeyo oo isna uu ku jawaabay xagoodaba uma socdo”
Hadaad misna dib u jaleecdo nolosha shacabka
somalida ee ku sugan wadankenii kama duwana wax badan nolosha qeybta dibeda
usoo qaxday ay ku sugan yihiin xaga nabada, iyo dareenka xorta ah ee qofku
Allah siiyey. Feker niyad wanaagsan wata ayaa dhaliya dareen ah in naftu ay
horumar tiigsato, hase ahaatee, waxaa intaa oo dhan isku fuuqsatay hadal uu
BBC-da kasii daayey nin Indhool ah oo Sweden degen mar laga wareystay bal in uu
sawiro darenka Somalida Sweden, waxaana uu ninkaa ku jawaabay “Sweden iyo
Europe oo idilba waa wadan ay kor, hoos, iyo dhinacyadaba ay kaa degen yihiin
dad aad kala diin midab iyo fikirba duwantihiin” .
Hadaba Somalida ku sugan wadankii iyana ma
helaan dareenka xorta ah waloow ay wadankoodii ku nool yihiin, waxa sababi
karaana waa ay badan yihiin balse waxaa ugu muhiimsan dareenka iyo socodka
xorta ah, qof baahan waxba kaama celiyaan, taasna waxaa ay keentay in
xadgudubku uu noqdo furaha muujinta raganimada, iyada oo dilka iyo afduubkuna
ay ka noqotay wadankenii nooc ganacsiga kamid ah oo layiraahdo speculative
marked oo ah in qofku ay ku adkaato in uu sii cabiro waxa ku dhici kara
ganacsigiisa maadaama dhaq-dhaqaaqa jira uu yahay mid aan sal laheyn oo
sameynaya radios change oo ah is bedel madax iyo mijo ah misana sidii geraantii
u wareegaya.
Somalida la iskuma diri karo hadeynan laheyn
cilad loo adeegsan karo oo laga soo mari karo, balse qaladaadkeena ayaa ka
badan inta laynoo geesanayo, waxaana tusaale ugu filan in qabiilka oo ah wax
jira, xagiisana laynaga soo maray. Diidmada macna darada ah oo ku badatay
shacabka dhexdiisa ayaa weliba kalifi karta in qof walbaa si gooni ah uu wax u
arka, iyada oo aanan haba yaraatee credible Debate la sameeyn. Almost isbaheysi
kastaa oo abuurmo noocuu doono ha ahaadee, waxaa ka muuqda is diidmo xaga
aragtida ah iyada oo weliba ay dhici karto in isku meel wax loo wada wado.
Waxaa ay arintaani badisay kooxaha ka jira somalida dhexdeeda oo uu midba midka
kale duqeynayo, kala taga iyo koox kooxeysigana in ay sii badato.
Nin ugaarsanaya oo isna la ugaarsanayo ayaa ay
somalidu ka dhigan tahay, waxaase intaa u dheer in meel kastaa oo ay tagaan ay
ku bataan, micne la,aantoodune ay sii badato, inleyn waa dad tiradooda oo keli
ah ka fekera, tayadoodana aanan xoojin. Waxaan xasuustaa xili laga hadal heyn
jirey somaliya guud ahaan gaar ahaan xamar oo aan nolosheyda ku soo qaatay
kalmad “Macne maleh” ama “maxaa ka macna ah” la oran jiray oo maanta la ogaaday
in ay macno yeelatay, hase ahaatee xili xun la dareemay macnaha ay ledahay.
Waxa aanan macnaha laheyn ee halkaa lagu
muujin jiray ayaa ah arin aan qoraalkeygii hore kaga hadlay oo ah xilkasnimada
iyo qofka oo ilaaliya nature-ka, inleyn nature-ku ma aha oo keli ah waxa nagu
hareereysan, balse waxaa kamid ah nabada iyo nabadgelinta, ixtiraamka iyo
hagaajinta aad wax uun hagaajiso inta aad dayac muujin laheyd. Qofka danta guud
ilaashana Waxaa ay kamid aheyd nin lagu adeegto oo aanan waxtar laheyn, balse
waxa ay ila tahay wadamo badan oo ay Denmark ugu horeyso in la ogaadey
wadaniyada iyo wadanku qeymaha ay leeyihiin balse in aad sheegataa wadan
“Somali-nimo” maxaa ay maanta qeyma leedahay?.
WALAALKIIN
ABDULLAHI GULLED ALI
WADAN IYO NABAD INSHA ALLAH
QORE ABDULLAHI GULLED ALI
E-MAIL abdullahigulled@hotmail.com
ARDAY
1998-2000 AARHUS BUSINESS COLLEGE
2001-2003 ARDAY FACULTY OF BUSINESS LAW AND TAXATION AT AARHUS SCHOOL OF
BUSINESS......CONTINUING
fAMILY AND HAVE FOUR CHILDREN
QORAALADII HORE EE A. GUULEED
Faafin: SomaliTalk
| Sept 30, 2003
Dhibaatooyinka BBCda AfSoomaaligu
Ku hayso Soomaalida..
1aad
|
2aad
Afeef: Aragtida qoraalak waxaa leh qoraaga ku saxiixan
....
Copyright
& Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
Kulaabo bogga hore ee
www.somalitalk.com
|