SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

 

DARDAARAN ODAYAASHA DHAQANKA SOMALIYEED

QORE: ABDULLAHI GULLED ALI

abdullahigulled@hotmail.com

 

Odayaasha somaliyeedoow kalmada HAA mar mar bay ka sahlan tahay kalmada MAYA oo labaduba duruufo kala duwan ka tarjumaya. Qofka noolaha ah waxaa uu ogolaadaa oo uu HAA yiraahdaa wax uu fahmay oo uu ka dharagsan yahay, ilaa iyo xadna aanan looga baqeyn in uu ku fashilmo aragti ahaan marka doodeedu timaado ama wax dhihida waxa uu codkiisa HAA-da ah ku baxshay. 

Sidoo kale Kalmada MAYA iyana waxaa ay ka tarjuntaa diidmo, oo waxaa uu qofku wax diidaa marka ay u muuqan weydo asbaab uu ku ogolaado waxa lagala hadlayo ee laga doonayo in uu codkiisa ka dhiibto, qofka marka uu mas’uul yahayna waaba ay ka sii daran tahay, oo waxaa laga yaabaa in ay kalmadaha HAA iyo MAYA ay ku soo noq noqdaan siyaabo kala duwan. 

Waxaan umaleynayaa Shirkii Carta odayaal-dhaqameed 100 ku dhawaad ah oo taageeray ma jiraan, una maleyn maayo in cod sida midka maanta xagiina laga soo sheegayo lamid ah ay isugu keeneen taageerid ay taageerayaan go’aan ay somali gaartay. Waxaan xasuustaa in Odayaal qaarkood idaacada BBC-du ay sii deysay iyaga oo u dacwoonaya qabiilkooda lehna xaq ay lahaayen ayaa la dhaafshay. Waxaa kaloo dhacday in odayaal-dhaqameedyo badan ay la galeen ragii markaa ugu cad cadaa shirka in ay sadbuursi ka helaan dowlada halkaa kasoo baxday {waa xiligii Carta} taasina ay kaliftay in ay la shaqeyn waayaan nidaamkii halkaa ka soo baxay caro ay u qabaan ninkii markaa la doortay oo ah Cabdiqasim salaad Xasaan. 

Waxaa dhacday in ay wax yeelo ay u jeedaan ka afgaabsadeen, oo ay ka wadaan oo keliya Car adna ka cab xumeyn ay ku xumeynayaan Cabdiqasim taasina ay keentay halka uu wadanku maanta marayo, weliba Caasimadii wadanka oo ay odayaashaas badankood ku noolaayeen amaba nawaaxigeeda. Waxaa iiga naxdin badan in goobaha qaarkood dhibgelinta lagu hayo iyo bur burintaba ay dhici karto in oadayaasha beryihii dambe loo soo mari jirey, taasina ay yareysay kalsoonidii Mujtamacu ku qabeen odayaasha dhaqanka. 

Hadaba waxaad tihiin Muuqaalka beelaha aad matashaan, waxaad tihiin bidhaantii hoose ee wadanka, waxaad tihiin taariikhdii ummada. Waxaa muhiim ah in aad kafiirsataan mararka qaarkood talaabada aad qaadaneysaan, oo weliba aad kaashataan dhalinta wax baratay oo saadaalinkara qaab socodka mustaqbalka somaliya iyo somalidaba dersi karana tadawurka ay ummadu sameysay, amaba ku sii jeedo in ay sameyso. 

Waxa maanta oo la sheegay in uu bilawday wejigii Saddexaad ee shirka Kooxaha somalida uga socda wadanka kenya la wada eegayaa hadba sida aad wax yeeshaan iyo sida aad wax u soo xushaan. Ceeb ma laha hadaad rag kala hor marisaan waloow ay xaq daro tahay balse waxaa ayaan daro ah in aad ka tagtaan nin wax bartay idinkoo mid aan u qalmin xil soomaaliyeed ka soo saaraya beelaha aad matashaan. 

Dhagar ka fogaada, waxa aad ummada u doortaana ha noqdeen wax aad naftiina, owlaadiina iyo kuwa dambe ee wadankan abaaday u dhalan doona ay ku barwaaqoobaan allah baa barwaaqada haya. Waxaan hubaa in xoog amaba cadaadis ay idinku saari doonaan kooxaha qaarkood, balse waxaad xasuusataan mar walba dhibkii iyo jariibadii Nabigeenii suubanaa loogu geystay samata bixinta caalamka oo dhan, waxaana hubaa in aydan cad yar oo somaliya layiraahdo u hakan doonin insha allah. 

Waxaan idiin rajeynayaa Isfaham iyo shaqadiina oo allah idiiin fududeeyo 

ASALAAMU CALAYKUM 

WADAN IYO NABAD INSHA ALLAH 

QORE ABDULLAHI GULLED ALI
E-MAIL
abdullahigulled@hotmail.com

 QORAALADII HORE EE A. GUULEED

Faafin: SomaliTalk | Sept 21, 2003

Afeef: Aragtida qoraalak waxaa leh qoraaga ku saxiixan


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
 
Quraan 114 Suuradood ee Qur'aanka

 .... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

 

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis
mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...

XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD