SOOMALI-NIMADU
MAXAY LA QEYMA TAHAY MAANTA?
QEYBTII
SADDEXAAD
QORE: ABDULLAHI GULLED ALI
abdullahigulled@hotmail.com
” Libaax
baa yiri waa in aan ordaa intaan ordi jirey in ku laba jibaaranta si aan
biciidka maanta u qabto dhashiisana beri u ugu talo galo”
”
Biciidkii
baa isna yiri waa in aan qorshaheyga wax ka bedelaa hadaan doonayo in ilmahayga
iyo aniguba aan badbaadno oo inta aan ordi jrey ka badan iyo dheeraad ordaa si
aan u badbaadno”
Abdullahi
Gulled Ali
Professor Cumar A. Barre oo kamid ah aqoon yahanada
somaliyeed ayaa arin muhiim ah i taab siiyey xilli aan ku jirnay xero qaxooti,
maalin maal-maha kamid ahaa ayaa waxaa uu professorku raacay nin cadaan ah oo
ay u baxeen xagaa iyo nadiifin xeebaha si looga guro qashinka ay dadku kaga
tagaan halkaa, kadib markii ay usoo dalxiis tagaan. Waxaan aad ula yaabay
dheereynta professorka iyo qashin aruurinta uu sameynayo, maadaama uu xero
qaxooti ku jiro cid ku qasabtayna ayan jirin. Waxaanu wada degeneyn hal qol oo
xerada ku yiil, waxaana markuu soo noqday fiidkii saacado badan oo uu maqnaa
kadib aan weeydiiyey waxa ku kalifay in uu shaqo aanan u oolin oo awalba
volunteer ahayd uu naftiisa ugu kalifayo.
Professor Cumar isaga oo ila yaaban ayuu iigu jawaabay “
walaale waxaad
timid wadan aad kala duwan tihiin diin iyo dhaqanba, waxaadna matashaa wadanka
aad sheegatay iyo diinta aad sheegatay in aad aaminsan tahay, sidaa awgeed
waxaa lagu dejiyey qolkan aanu hada wada degen nahay, waxaad sheegatay in aad
soo qaxday oo aad la soo kulantay dhibaato iyo shido, waxaa dushaada habeen iyo
maalinba wareegta askar difaaceysa amnigaada dacwadaadana ku mashquulsan.
Waxaad cuntaa cunto aadan karsan oo aad ku cuntaa kaar aadan shaqeysan,
bishiina waxaad heshaa suuq gal, aan ku weeydiiyee miyaadan awoodin
mahadsanidin xitaa, miyaadan abaal gud laheyn oo aadan garaneyn abaalka laguu
galay hadaad sidaa u fekereyso ogoow wadankaaga iyo naftaadaba wax tar uma
heysid”.
Wadanka aad ku nooshahay waa mid xaq kugu leh xilna kaa
saaran yahay, hadaadba garaneyso waxa qof mas’uul ah looga baahan yahay.
Somalidan u kala yaaceyso yurub waxaa ay ka tarjumeysaa dareenka runta ah ee
reer guuraa, waana mida assalka u ah waxa nalagu qiimeyn doono. Ilmaha yar ee
ugu yaraan saddexda wadan u kala gooshay dhibka soo gaaraya waalidku ma
dareensana, waloow waalidiinta badankood ay sabab ka dhigtaan safarkoodu in uu
yahay mid ay ilmaha ugu daneynayaan, hadana xaqiiqdu sidaa waa ay ka duwan
tahay.
Wiil somaliyeed ayaa lagu istaajiyey bartamaha magaalada
London, waxaana istaajiyey oo wareysanayey laba nin oo somaliyeed, maadaama ay
arkeen wiilkan oo ku dhex jira ilmo lagu maleyn karo in ay ka ganacsadaan
daroogada. Waano dheer kadib waxaa ay wiilkii kula taliyeen in uu xooga saaro
wax barashada si uu wadanka u samata baxsho. Wax yar kadib waxaa uu wiilkii ka
daba yimid ragii waanshay waxaana uu ka codsaday in ay u sheegaan waxa ay
qabtaan, waxaana nasiib daro dhacday in ay ku yiraahdeen waxaanu dhawaan ka soo
guurnay scandinavia si aan halkaan u degno, waxaana ay taa caro gelisay wiilkii
yaraa, oo ku yiri ragii waaninayey “
Marka aad idinka
garataan meesha idiin roon ayaan ana garanayaa isha allah”
Dadka dibeda u soo qaxay ee somaliyeed waxaa kamid ah dad
mas’uul ah oo aqoon ilaahay siiyey dersi karana xaalada markaa jirta, balse
salfudeyd awgii cid talo weydiineysaa ma ay jirto, oo waxaa ay somalidu noqotay
ummad ay defence mechanism-koodu batay, xaaladkastaa oo ay ku jiraana ka
sheegaya dhinaca fiican si aanan loogala talin xitaa hadii ay ku hungoobayaan.
Saxaafada yurub oo ah mid aaminka loo qabo uu badan mararka qarkood ayaa ku
mashquulsan shucuubtan somaliyeed ee defenceless, isku duubnidana ay kaba dheer
tahay. Waxaa muuqda xad gudub lagu sameynayo jiritaanka somalinimada iyada oo
ay ugu dambeysay qoraalkii laga qoray somalida London oo lagu sheegay in ay
cuneen dameer laga lahaa xaafad ay degenaayeen.
Hadaba waxa aanu dhaxalsiinaa awlaadeena awaa dhaqan xumada
dadka waaweyn ay ku hayaan bulshada ay ku dhex nool yihiin, waxaana dhibaatadaa
qiimaheeda bixinaya awlaada aanu ku dhalnay qurbaha, iyo kuwa la qeyrka ah ee
wadankii ku sugan oo iyana aanan NGO ku filan loo sameyn si looga samato baxsho
dhibka heysta oo ay ku koreen kuna qaan gaareen, dareen siiyeyna in ayan wax
daryeela laheyn. Umad waxaa lagu gartaa quruxdeeda iyo fool xumadeedaba hab
isku duubnidooda, iyo garab istaaga hadba kooda talada asiiba.
Qaybtii 2aad...
GUJI
QORE ABDULLAHI GULLED ALI
E-MAIL
abdullahigulled@hotmail.com
QORAALADII HORE EE A. GUULEED
Faafin: SomaliTalk
| Sept 15, 2003
Afeef: Aragtida qoraalak waxaa leh qoraaga ku saxiixan
....
Copyright
& Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
Kulaabo bogga hore ee
www.somalitalk.com
|