SOMALILAND IYO SAXAADDA SIYAASADEED EE
MAANTA
MOHAMED ABDI HASSAN (DIRIDHABA)
KARACHI, PAKISTAN.
diridhaba2001@hotmail.com
Mahad waxay u sugnaatay ilaahay subxanahu watacalaye
naxariis iyo nabad gelyo korkiisa ha ahaato Nebigeena suuban Maxamed (C.S.W),
marka xigta waxaan mahad ujeedinaya halyeeyada u heelan horumarka iyo aqoonsiga
jamhuuriyadda Somaliland, akhristayaal, qoraalkaygani waa mid hor dhac u ah
qoraalo badan oo aan soo tabin doono haddii allaha awooda lahi idmo oo aan kaga
hadli doono, dhawr arrimood oo warxuma tashiil badani doonayo inuu mugdi ku
geliyo xorriyadda nacawdeeda laga dareemay dacalada dalkaan ka dhashay ee
Somaliland, waan ogsoonahay dabcan dareenka dadkayga iyo dacarta cadawadeed ee
ku geedaman, igama madhna halku dhigyada cunsurinimadu ku dheehantahay ee ay ku
hadaaqayaan kuwii shallay ku gebyi jiray "Aabo siyaad Khabiirkii garashadow",
isku soo wada duubo, cadawadda loo qabo dalkayga yar ee ku geedaman dacalka
beri ee geeska africa noqon maayo mid lagu guulaysto, waxaanan ilaahay idamkii
ku kalsoonahay dareenka gaaxsan, hadaf! ka qayaxan sida daruurtu inuu maalin
maalmaha ka mid ah oo aan dunidani ku noolahay ka midho dhali doono, dhinaca
kale waxaa jirta iyaduna duruufo aan meel loogu tago la garanayn oo dusha
lagaga ridaayo Jamhuuriyadda Federaaliga ethiopia oo had iyo goor lagu eedeyo
hammuun aan siffo loo hayn, ma jecli akhristow inaan midh midh u qaado, oo aan
durbaano tumo, dagal laga soo galana bildhaamiyo, balse waxaa la yaab igu
noqday marka dadka qaar u dhigayaan hadalka sida tani "Ethiopia waa cadawga
kowaad ee umadda Soomaliyeed, Ethiopia waa hinjiga kala goynaaya somaliweyn"
miyay halmaameen kuwa sidaasi ku hadaaqa in ay Ethiopia tahay dawlad rasmi ah
oo ku guulaysatay inay bulshadeedu ku noolaadan, nabad iyo nacaw, kaba soo qaad
in ay Ethiopia tahay cadaw umadda Soomaliyeed, balse su,aashu waxay tahay Aaway
mugsanaanta beel weynta soomaliya, ilayn markaad cadaw leedahay gunta ayaa
dhiisha la iskaga dhigaayo waxba la dhistaaye, anigu shakhsibaan ahayo ma
aaminsani in Ethiopia u tahay! cadaw cidhif ka tirsan dacalka beriga afrika, ee
waxaan guuba! bo usoo jeedin lahaa kuwa liqsan kiniinkii saxnuuniyadda inay
tufaan oo ay maskaxda dib uga shaqaysiiyan, midda labaad inkasta oo aan si
faahfaahsan uga hadli doono qoraalo huffan oo aan dhawaan soo saari doono, iyo
weliba buug aan ku tallo jiro inaan daabaco dhawaan ee aan jecelahay inaan wax
ka taatabto waxay tahay qoraal ay dhawaan soo saareen urur lagu magacaabay
Ururka daraasadka Geeska Africa, oo aan anigu markaan dhuuxay mugga guud ee ka
danbeeya qoraalkooga ku sifeeyey Ururka Argagixisada Geeska Africa, waxaa si
kastaba ha loogu yeedhe ururkaasi oo cidda isku qarinaysay ay iska soo bixi
doonto isweydiiyeen su,aalo ay jawaabtooda dhinac iska dhigeen balse ay soo
tufeen uun intii saxnuuniyaddu ku tarbiyadaysay (zionism), waxaa ka mid ahaa
qoraalkooga
1. YAA SAMEEYEY SOMALILAND
Waa su,aal aad u fiican badannana inta wax garadka ah
ee ku nool beriga africa ay ka dheragsanyahiin cidda Somaliland samaysay,
Somaliland may samaynin qabqablayaal dagaal, Somaliland may samaynin,
siyaasiyiin calooshoda u shaqaystayaal ahi, balse Somaliland waxaa ilaahay ku
ilhaamiyey Bulshadeeda oo lagu tilmaamo inay u dhasheen aqoon iyo xilkasnimo,
taasi oo ay ku muujiyeen midhaheeda xorriyadeed in looga midho dhalliyo, looma
isticmaalin Somaliland dhalashadeeda xirfad ee waxaa lagu kasbaday dhiig la
daadshay, looma isticmaalin Somaliland hadafkeega qori caaradii ee waxaa loo
isticmaalay fikir iyo maskax alla ku ilhaamiyey loona adeegsaday caqli iyo
aqoon, waxaanay Somaliland hanaankeeda siyaasadeed (Political agenda) ka go,day
bulshadeeda alla isbaday ee ku geedaman min LaasCanood, ilaa Allay Baday, min
Saylac ilaa bedda cas, Umaddeedu waa bulsho ku caan ah dhaqan iyo dhaqaale ay
wadaagan oo ay ku dhaafeen bulshooyinka la dariska ah, waa bulsho aqooneed, waa
! bulsho ku caan ah soodhawayn iyo xilkasnimo ay u qabaan noocyada kala gedisan
ee ganacsiga xorta (Free Markets), taasi oo aan loo adeegsanin asal iyo isir
midna toona (Ethnic and triblism or nepotalism), waa mid ka caagan noocyada
saxnuuniyadda ee loogu yeedho (egocentric zionism) ama canaadnimada madax
adayga leh, dadka Somaliland dabcan waa qabaa,il iyo shucuub isku tegay taasina
waxay ku weheliyeen dalalka kale ee la deriska ah ee nabadda ay ku wada
noolyahiin sida Jamhuuriyadda Jibouti iyo Dawladda Federalka ee Ethiopia, iyo
weliba duulka carbeed ee ku geedaman bedda cas.
N.B: barashada iyo aqoon u hellidda Somaliland waxaan
faahfaahin kaga bixin doona qoraaladayda danbe haddii alla idmo
2. YAA BIXIYEY MAGACA SOMALILAND
Waa Su,aal aad u qurux badan in la isweydiiyo siduu ku
yimid magaca jamhuuriyadda Somaliland iyo ciddii bixisay, inkasta oo bulshada
ama mujtamaca meel wada dega ay khusayso waxay qaranka ay igmadeen ula baxayaan
magacuna uu badanka ka turjumo uun umadaasi waxay ku caanka yahiin, hadaba
haddii aan isku dayo inaan jawaab kooban ka bixiyo su,aasha kor ku xusan, waxaa
jirtay in Mustacmaradii ka hor 1960-kii xukumaysay dhulkan hadda loo yaqaano
Somaliland ay ugu yeedhi jireen Mustacmaraddii ingiriisku (The British
Protectorate) (British Somaliland) oo macnaheedu yahay dhulkii Soomalida ee
ingiriisku xukumaayey, hadaba akhristow waxaa xusuus mudan ileen taariikhda
lama inkiri karo oo iyada isa soo celcelisa eh ammintii xorriyadda uu siinaayey
Mustacmaradii Ingiriisku Dhulkani Somaliland in siyaasiyiintii wakhtigaasi
joogay ee Somaliland sida alla naxariistii janno ha siiye Maxamed Xaaji
Ibraahim Cigaal, Micheal Mariamo, Cumar Carte Qaalib, iyo rag kale oo aan ka
xumahay inan! an magacyadooda halkani ku soo koobi karayn oo qaarkoodna alla
naxariistii janno ha siiye ay geeriyoodeen qaarkoodna ay hadda noolyahiin ay
shir albaabada usoo xidheen, iyaga oo ka arrinsanaayey dhawr amuurood oo ay ka
mid ahaayeen 1. Sidii dhulkan uu ingiriisku xorriyadiisa wareejinaayo
(Somaliland), loogu samayn lahaa dhaqaale ama miisaniyad uu isku kabo (budget)
2. in loo helo magac loo bixiyo dhulkani, hadaba markii laga arrin sanaayey
magac bixinta dhulkani (Somaliland) ayaa siyaasiyiintii halkaa iskugu yimid
waxay soo jeediyeen magacyo badan oo qaarkood ay ka mid ahaayeen in dhulkan
(Somaliland) loo bixiyo "Horn Africa", qaarkood ayaa soo jeediyey "East AFrica",
qaarkood ayaa soo jeediyey "Balli-Dhay" oo macnaheedu yahay kelmad soomali ah
oo naxwi ah kana turjumaysa dhulka dooxlayda ah, balse ragga badankiisu waxay
isku raaceen in loo daayo magacan Somaliland oo intiisa hore "Somali" ka
turjumaayo dadka ku nool isirkooga (Ethnically) qaarkiisa danbana ka
turjumaayey d! hulka "Land" markaa sidaasi ayaa la iskug waafaqay loona ansix!
iyey, wa xaanay ka mid ahayd in dhulkan loogu yeedhi doono Somaliland qaraarkii
ku meel gaadhka ahaa ee todobada cisho jiray ee Somaliland beesha caalamku ku
aqoonsatay, ka dibna lagu dhex milay isku darkii aan xalaasha ahayn "unlegtimate
Unification" ee Somaliland iyo Somalia, dhinaca kale markaan faaqidaad ka
bixiyo magac loo bixin karo qaran iyo macnaha uu samaynaayo, taasi waxay ku
xidhantahay cidda dhulka leh inay ka go,aansato, tusaale waxaan usoo qaadan
karaa dhulka hadda loo yaqaano Jamhuuriyadda Dimuqradiga ee Congo, waxaa loogu
yeedhi jiray Zair, dalka Syria waxaa loo yaqaan "Shaam" oo magaca Syria wuxuu
ka yimid kala go,i,(Seperation) Masar, Tunisia, iyo Syria iyo Lebenon, haddiba
lagu doodayo maxaa magaca loo galbeedeyey oo looga dhigay land, taasi wax macno
ah oo ay samaynayso ma jirto u fiirso dawladahani iyo magacyadooda badankoogu
waxay ahaayeen ama ku hoos jireen maxmiyaddii Great Britain sida Swizerland,
Netherland, Swaziland, Finland,Ireland,Scotland iyo weliba go! bolka ugu weyn
waddanka Britain oo loo yaqaano England oo macnaha ka danbeeya yahay
(English-land) dhulkii ingiriiska, dadka ingiriiska oo lagu tilmaamo inay ka
soo jeedaan asal ahaan qoomiyadahii loo yaqaanay (Germanics) ee ka soo haajiray
beriga iyo badhtamaha europe isku soo wada duubo dalalkaasi uu magacyadooda ugu
danbeeyo Land dhamaantood waa qaar ay iyagu ka fikireen kuna saleeyen(based
upon) isirkooga (ethnically)
N.B: Faaqiyadaad iyo tusaalooyin farabadan oo ka
turjumaaya magaca Somaliland waxaan kusoo qaadan doona qoraaladayda danbe
haddii alla idmo
3. SIDEE AYEY SOMALILAND U GO,AYSA
Dad badan oo aan is idhi malaha nacayb ay u qabaan
mujtacan ilaahay isbaday ayey damacsanyahiin inay ku khaldaan taariikh aan
jirin iyo weliba hadallo laga dheegan karo cunsurimo iyo saxnuuniyad, aan isku
dayo inaan jawaab waafiyo ku muujiyo mudulooyinka taariikhda ku caanka ah
bildhaaminta daahyada qarsoon ee bogaga aan u aqaan tiraabta togan, akhristaha
qiimaha badanlow, anigoon dhinac kale waxba ka eegayn gebiga ka tuuraya wixii
dhacay si kastaba ha loo turjume, anagu hadaanu nahay shacbigani ilaahay
isbaday anagaa go,aanka gaadhnay oo ay naga go,antahay oo taasi garanay,
intaanad isweydiin maxay Somaliland ku go,day (Decided the seperation) waxaad
maskaxdaada khanadaheeda ka baadha (Search the stores of your mind) Canada iyo
U.S.A, Ireland iyo Britain, Sweden iyo Netherland, kuwaasi waa duulka reer
europe (european nations) laba kasta oo aan tilmaamayba waxay wadaagan af, diin,
jinsi, midab, asal,dhaqan balse waa laba dal, yaa go,aan ka gaadhay! , ma
isweydiisay ama su,aal ma weydiisay nin canadian ah ama ku abtirsada british
sababta ku keliftay inuu uga keli noqdo ama laba dal ay u kala ahaadaan
maraykanka ama Ireland, waa hawl u taalla kuwa ku dooda in Somaliland aanay u
go,i karin sababo xagga dhaqanka iyo jinsiga iyo afka ah oo ay wadaagan Somalia
awgeed, hadiiba doodaadu tahay duulka aad diridhabow tilmaantay waa reer
galbeed usoo daadag dunida islaamka Syria, iyo Lebonon, waxay ahaan jireen dal
qudha dunida mar lagu noola, Masar iyo libia waxay ahaan jireen dal qudha
dunida mar lagu noola, waxaan ku kalsoonahay duulka dega labadaa dal ee aan
tilmaamay inay isku asal, diin, dhaqan iyo luuqadba wadaagan, ma isweydiisay
waxaa xaynka u kala qaaday, usoo dag mandaqadda aan ku noolahay ee koonfur beri
asia, dalalka India iyo Pakistan iyo Bangaledesh waxay ahaan jireen dal keliya
oo loo yaqiin India, tusaale u qaado akhristahayga qiimaha mudanlow India waxaa
ku nool muslimiin ka badan laba jeer dalka pakistan, oo ti! rada dadka ku nool
lagu qiyaaso 140,000,000 (Boqol iyo afartan! milyan oo qof) markaa india
muslimiinta ku nooli waxay gaadhaysa ilaa 250,000,000 (laba boqol iyo konton
milyan oo qof ku dhawaad), ma isweydiin kartaa maxaa kelifay goboladii beriga
india inay markeliya uun u xuubsibtaan dalweyne laga soo gaagabiyey magaciisa
isla goboladaasi oo loo yaqaan PAKISTAN magaca pakistan wuxuu ka yimid
P=punjab A=Afghanistan oo loogu bixiyey bulshada ama
mujtamaca gobolada waqooyi ku nool ee loo yaqaano Pukhtoon ka oo asal ahaan ka
soo jeeda waddanka afghanistan, K=kashmir, S= Sindh, iyo TAN ugu danbaysa oo
laga soo gaabiyey gobolka ugu yar oo loo yaqaano Balochistan, si kastaba
akhristow ha ahaate, waxaa halkaa kaaga cadaanaya in go,itaanka (seperation or
break away) ee jamhuuriyadda Somaliland aan lagu sallayn karayn mid diimeed,
asal ahaaneed, ama luuqad ahaaneed midna toona, waanan ka xumahay kuwa ku dooda
sidaasi inay baal marayaan xaqiiqda, habeen madawna gudayaan.
Guntii iyo gebo-gebadii ayaan qoraalkaygani oo aan hor
dhac uga dhigaayey qoraalo badan oo aan ku soo bandhigi doono saxaafadda xorta
ah ee somalida doonaya inaan ku soo qaato siyaasadda hadda jirta ee ku geedaman
mandaqadda Geeska africa, horta anagu hadaanu nahay Reer Somaliland waxaanu
jecelahay walaalahayo Somalia oo heshiiya nabadi ka aslaxdo anagoon cidnaba u
kala eegayn deegan ahaan iyo qabaa,ilka halkaasi dega, waxaanu jecelahay in ay
helaan xasilooni iyo nabad ay kaga raystaan noloshoodan mugdiga ku jirta, anaga
siyaasadayada ayey ku jirtaa in ay Somaliland mar walba taageersantahay nabad
ka aslaxda beriga afrika, hadaba haddii hadda ay arrinta walaalahayo Somalia ay
gacanta kula jiraan ururka IGAD, waxaanu jecelahay inta arrinkooga IGAD meel u
ridayso inaanu indho gaar ah ku eegno shirkaa ay Nairobi ugu qabteen guul iyo
guul darro midduu ku dhamaado, haddii uu guulaysto, waxaanu diyaar u nahay
dawladda halkaasi ka soo baxda in anaga oo laba dal ah wada hadallo! meeshii la
doono ha lagu wada hadle, labada dhinacna is hor fadhiistaan iyada oo la
adeegsanayo caqli iyo aqoon, haddii shirkaasi waxba ka soo bixi waayana waxaanu
walaalahayo leenahay bal haddii arrinkiina la cillan saari waayey aanu
Somaliland doorkayga ku cuudine noo kaalaya oo aanu halkani idinku heshiisino,
balse waxaanu idin leenahay annagu idiinku ballan qaadi mayno hudheelo waaweyn
oo lagu raaxaysto, iyo weliba kharash midawga europe iyo dawladaha deeqda sida
ba,an u bixiya hay idinku hirjaasan ee waxaanu xoogga saari doona inaanu hoos
wax walba ka soo bilawno, oo kii khaldan aanu dusha ka saarna khaladkiisa oo
qayaxan kii kursi u cararana aanu awoodiisa uu kursiga u leeyahay miisaano,
annaga oo adeegsanayna waayo aragnimadii aanu Jamhuuriyadayda Somaliland ku
dhisnay 1991 18 May, balse waxaa waxaasi oo dhan ka horeeya intaan shirkaa
aanan qaban hadiiba kan nairobi ka socda lagu guul daraysto in dhamaan
siyaasiyiinta Somalia iyo beelahuba saxeexan inay aqoonsan yah! iin jiritaanka
Somaliland.
WAA BILAAHI TAWFIIQ.
SOMALILAND GUUL IYO GOBONIMO. Walaalayga Soomaliyeed
inta jecel daris ku wada noolanshaho GUUL IYO GOBONIMO.
Mohamed Abdi Hassan (diridhaba)
Karachi, Pakistan.
diridhaba2001@hotmail.com
-dhammaad-
Faafin: SomaliTalk.com | Sept 30, 2003
Afeef: Aragtida qoraalkaan waxaa leh oo ay
gaar u tahay qoraaga
ku saxiixan
Xaalada Magaalada
Laascaanood:-
Degaanka, dhaqaalaha, nabadgeliyada iyo guud ahaan horumarka Laascaanood ka
akhri warbixintii
Asad Cadaani
YAASABABAY DAGAALKII KADHACAY
LASCAANOOD?
Qoraalkii IBRAAHIM MAXAMED HURUUSE.... Dec 14, 2002
BAYAAN ku wajahan maamulka Hargeysa
Ururka Darwiish Party oo Tacsi u diray laascaanood
Qoraal uu ururku maanta soosaaray ayaa ku bilaabmay....
GUJI 8/12/2002
Bayaan ay soo saareen jaaliyada
SSH ee Kuwiat
Annagoo ah
Jaaliyadda dalka Kuwait deggan ee ka soo jeedda Gobolada Somalia ee Sool,Sanaag
iyo Hawd in badan ayaanu
GUJI
12/12/2002
Jaaliyada dhulbahante ee w/america
warsaxaafadeed
la xiriira dagaalkii Laascaanood ayey ku sheegeen in
GUJI
11/12/2002
Warsaxaafadeedka Puntland ee Dagaalkii Lascanod
Madaxweyne ku xigeenka dawlad goboleedka Puntland mudane Maxamed Cabdi Xaashi
oo ku sugan Eldoret ayaa..
GUJI 8/12/2002
Woqooyi Sidee Looga arkay Dagaalkii Laascaanod
Dagaal aad u kulul ayaa ka dhacay magaalada laascaanood,
kaasoo ay sabab u ahayd booqashadii Madaxweynaha...
GUJI 8/12/2002
DUX
LA'AANTA DAWLADDA CUSUB EE RIYAALE
iyo dibin daabyada dadweynaha ... Guji
June 7
QORAALADII HORE EE DIRIDHABA
Kulaabo bogga hore ee
www.somalitalk.com
...
Copyright
& Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
|