Jawaabtii:
Wadaaddadu ma
Dad baa Mase Waa Diin?
Cabdulwaaxid Khaliif
cabdulwaxid@hotmail.com
Asalaamu calaykum.
Akhristayaal macallin wax-ka-dhigi-jiray jaamacaddii Lafoole ayaa wuxuu
ka sheekeeyey haweenay Soomaali ah oo gacanta dhaawac ka soo gaaray oo ku
jirtay isbitaal ku yaalay Hargeysa ama Burco. Wuxuu yiri waxay taqaanay
dhowr eray oo Ingiriis ah dabadeed waxay diidday in looga turjumo dhaqtarka
oo Hindi ahaa ama Aasiyada kale ka yimid.
Markii dhaqtarkii yimid ayuu xaaladdii
gacanteeda waydiiyey. Haweenaydii waxay tiri “ doctor, this is my hand”.
Dhaqtarkii cabbaar buu sugay, markuu arkay inay dhaqaajin wayday buu isna
yiri “this is also my leg” oo iska tagay.
Waxaan uga danleeyahay ninkaas reer Mudug
oo aan filayo inuu wax ka barto laamaha maaddada “Education” loo yaqaan sida
cilmi-nafsiga, falsafadda, koriinka carruurta iyo qaybaheeda kale. Ninkaas
waxaad mooddaa inuu layliskiisa iyo tababarkiisa ku qaadanayo Diinta
Islaamka. Diinta Islaamku waa waxa kaliya oo uusan qofku iska sheegi karin
ilaa uu garanayo ama uu gaaro heer loo fasaxo inuu ka hadli karo waxaana
iska yar qof heerkaas gaara.
Maqaalkiisa waxaan ku radin karaa dhowr
sadar oo kaliya maxaa yeelay cinwaankiisu iyo wuxuu soo qaatay isma leh.
Wuxuu yiri qofkii Diinta yaqaan waa qof, kii bisinka kaliya yaqaana waa qof!
Waa tahay miyuusan ogayn gaalka laftiisu inuu qof yahay? Bal cinwaankaas uu
ku raad-gatay aan usoo noqdee, wuxuu soo qaatay hogaamiyayaal iyo culumo
Soomaaliyeed. Ninkani dadkaas wuxuu kukala qoqobay xayndaankii adeerkiis
sameeyey, Puntland. Qolyaha Puntland ka baxsan qiyaamahooda ayuu yeershay
sida Sayid Maxamed, Maxamed Siyaad, Caydiid, C/Qaasim iyo Sheekh Cumar
Faaruuq. Bal adinkuba arka wuxuu ku malkaday halka uu Sheekh C/Qaadir Faarax
Nuur iyo C/hi Yuusuf uusan far-saarin bal uu ka sheekeeyey markii Sheekh C/Qaadir
dhiganayey Jaamacadda.
Sheekh baa wuxuu yiri waxaan soo xaadiray
majliskii CUBAYDULLAAHI Binu Muxamed Binu Caa’isha waxaana meesha joogay
Jacfar Binu Qaasim Al-Haashimiyi. Al-Haashimi wuxuu yiri aayadda ah “Wa
innahu la dikrun laka waliqowmika” waxay ku soo dhegtay oo khaas u tahay
reer Banuu Haashim kaliya. Waa aayadda Ilaah ku leeyahay Qur’aanku wuxuu
dikri u yahay Adiga iyo qoomkaaga. Binu Caa’isha wuxuu yiri Nabiga qoomkiis
waa Quraysh anaguna waan idin kula jirnaa. Al-Haashimi wuxuu yiri maya
nagulama jirtaan bal anagay khaas noo tahay. Binu Caa’isha wuxuu yiri
waayahee bal aayaddan kale ku darso “wakaddaba bihi qoomuka wahul Xaqu” oo
ah qoomkaagii waa ku beeniyeen isagoo Qur’aankii xaq yahay. Markay halkaas
maraysay Jacfar Al-Haashimi waa iska aamusay oo wuxuu sheego ayuu waayey.
Wiilkaan reer Mudug markii uu yiri Maxamed
Siyaad baa Qur’aankii nasakhay miyuusan ogayn in adeer C/hiba Xijaabkii
Ilaahay diiday isagoo leh xijaabku ma ahan waxaan naqaan. Sidoo kale inuu
diidanyahay kitaabada towxiidka ka hadlaya oo si cad iskuulada uga caayey
isagoo sheegaya in dadka qaarkiis Ilaah ka sheegaan waxaan jirin. Ma waxaa
jira Qur’aanka Ilaahay qaar la diidi karo?
Waa runtiis hadduu dhaho qof kasta oo
Diinta yaqaan ma wanaagsana laakiin indho-adaygiisa wuxuu yiri waagii Nabiga
(SCW) dadku waxay ahaayeen dad siman. Hadduu ka wado xagga qofnimada sidaan
horay usoo sheegnay laakiin xagga diinta waa kala horreeyeen waanaka kala
fadli badnaayeen. Awoowayaasheen iyo ayeeyooyinkeenna Mudug xoolaha ku
raacda way yaqaaneen taas. Bal Abuu Bakar, Cumar, Cali iyo Cali (Ilaahay
raali haka noqdee) iyo saxaabada kale ha simeen. Imisa aayadood iyo axaadiis
ka hadlaysa in qofba qofka uu diinta ku dhaqankeed ka badsho ka ajar
badanyahay oo ka horreeyo?
Laakiin xagga qofnimada muslimiintu waa
simanyihiin. Haddii Abuu Bakar (RC) iyo qof muslin ah is-qaban lahaayeen
waxaa loogu gar-soori lahaa si caadi ah laakiin Abuu Bakar wuu ka khayr
badnaa muslimiinta Nabi Muxamed (SCW) ka soo harta. Marka waxaad rabtaa
inaad tiraahdid yaan culumada la qaddarin. Wuxuu sheegay inaysan habboonayn
in culumada (qofka aad diinta ka barato) lagu dabo-dhago. Waxaan la
yaabanahay in aad Cumar Faaruuqna caydid halka nin Sweden u dhashay oo
jaamacad wax ka dhigana aad uga dhaqaysanayso dadka dhinta iyo waxay
aaminsanyihiin. Soow adiga mar kasta noo soo qaata fiiloosoofiyiin reer
Galbeed ah? Marka haddaan Shaafici ama Maalik ku dabo-dhagno waan ka
fiicanahay nin fiiloosoof daba-qabsaday.
War qofkani miyuusan Ilaah ka baqayn?
Kollay haddaad culumo iyo hogaamiyayaal kalaba cayday maxaad Itoobiya iyo
Kenya walaaltinimadooda u xustay?
Haddaad xittaa ahaan lahayd nin cilmiga
maadiga ah wax ka yaqaan cinwaankaas maad soo qorteen maxaa yeelay wadaadku
waa qof Diinta Islaamka wax ka yaqaan. Hadday meesha Diintu ka marantahay
wadaad ma noqdeen. Haddaad horay u maqashay falsafad ah diinta iyo xukunka
hala kala saaro laakiin wali lama arag wax leh diinta iyo dadkeeda hala kala
saaro. Adoo dhaqtar ka hadlaya ma dhihi kartaa:
- Dhaqtarku ma dad baa mise waa daawo/cilmiga
caafimaadka?
- Cinwaanku wuxuu ku fiicnaa sidii aad
maqaalka ku dhex xustay:
Wadaad kasta ma waxgarad baa? Wadaadkasta
Diinta ma ku dhaqmaa? Marka maqaalkaaga waxaan uga jawaabi karay halkan
cinwaan oo ah: wadaadku waa qof diinta wax ka yaqaan. Laakiin in qofkaasi
yahay qof kheyr badan ama wuxuu yaqaan ku dhaqma waa wax kale.
Ma Sheekh Cumar Faaruuq dartiis ayaad
magaca wadaad kula dhacday. Marka adeerkaana feer iyo faro-laab wax haku
wado adna falsafad aan meel jirin baad la soo taagantahay. Seddex qodob
adeerkaa baad uga ekaatay:
1. Wadaaddo nacayb
2. Eex iyo gobolaysi laakiin haddii
Sayidku noolaan lahaa “Puntlander” soow ma noqdeen?
3. Amxaaro ammaan ilayn waxaad ku
sheegtay walaalaheen.
Marka haddaad rabtid inaad falsafadaada
adeegsato bal qabyaalada, xalladda, maaweelada iyo meelahaas ku fiiri
laakiin wax Diin ku saabsan hala soo
aadin.
WQ. cabdulwaaxid Khaliif | cabdulwaxid@hotmail.com
AFEEF: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku
saxiixan
Faafin: SomaliTalk.com | Sept 30,
2003
QORAALADII HORE EE CABDULWAAXID
Wada-shaqayntu
Waa Furaha Guusha.. GUJI
|