Akhristayaal, Muctasim oo ahaa Amiirul Muuminiin ayaa ku
soo booqday nin xanuunsan gurigiisa. Muctasim baa waydiiyey wiil yar oo
ninkaasi dhalay midka fiican daarta Amiirka Muuminiinta iyo tan aabbihiis?
Wiilkii wuxuu yiri haddii Amiirku joogo daarta aabbahay, waxaa fiican daarta
aabbahay!
Haddaba akhiristayaal qaq-qablayaasha Muqdisho waxay u
haystaan ururka uu C/hi ku jiro kan ugu fiican ururada. Waxaan ogayn in mar
sii horraysay Xuseen Caydiid iyo Cismaan Caato booqdeen Garoowe iyagoo
raadinaya la-jirka C/hi. Xuseen Caydiid ilaa waagii waa la-jiraa oo waxay
isku-raaceen in Soomaaliya ay joogeen argagixiso laakiin Caato taas waa ku
khilaafay. C/Qaasim isna wuxuu warqad u soo qoray C/hi si ay u heshiiyaan oo
wax-u-qaybsadaan bilowgii shirkaan. Waxaa mar suuqa la gashay in ay Itoobiya
isku arkeen markii C/Qaasim Adisababa tagay iyadoo C/hi maalmo labo maalmood
ku dhowayd laga waayey Eldoret laakiin taageerayaasha C/hi waxay sheegeen in
uu martiqaad u jiray Kisumu.
Dhallaanku waxay ku sheekayn jireen qofkii raba in
faalaloowgu sixirka baro wuxuu ku oran-jiray ku fool-dhaqo kaadi. Qofkii
yeela wuxuu ahaa qof u diyaara inuu sixir barto iyo haddii xittaa gaalnimo
loogu yeero.
Waxaad mooddaa hadda in qab-qablihii reer Muqdisho oo
raba inuu helo saaxiibtinimada C/hi uu kornaylku leeyahay waa inaad soo
xirtaa nin Carbeed oo aad Maraykan ama Yuhuud u gaysaa. Sidaan la socono
waxaa taas yeelay Maxamed Dheere oo af-duubay nin dhaawac ah oo Carbeed oo
ku jiray isbitaal Xamar oo u gacan-gashay Yuhuud iyo Maraykan. Bedelkeedii
Maxamed Dheere wuxuu helay saaxiibtinimada kornaylka.
Waxay ugu darnayd markii boggagga Soomaalidu ay dhowaan
soo qoreen in Qanyarana Dayniile ku xirtay nin Carab ah isagoo la arkay in
uu isla maalmahaasba ay isku soo dhawaadeen C/hi. Waxaa la sheegay in
ninkaas loo waday in loo dhiibo cadow waxaa kaloo la sheegay in haweentii uu
ninkaasi qabay dacwo ahayd marka hadda ma garanayo meeshay ku dambaysay
arrinta ninkaasi.
Maxamed Qanyare wuxuu joogay xafladdii lagu
heshiisiinayey Shaati-guduud iyo Sheekh Aadan Madoobe. Runtii heshiis waa
loo baahanyahay hadduu dhab ka yahay laakiin markaan ka hadalno arrinta
Qanyare waxay i xassuusisay mar uu gabyaagii Dharbaaxo-Jaan oo ka soo jeeday
beesha ugu badan Waqooyiga Soomaaliya uu gabay isku xijiyey Maxamed Siyaad
isagoo ku nacaynaya Khaliif Shiikh Maxamuud oo markaas Kulmis ka mid ahaa oo
ka soo jeeda Bari. Erayadii Dharbaaxo-Jaan (Runtii ma aqaan magaciisa saxda
ah) waxaa ka mid ahaa isagoo haysta Maxamed Siyaad:
-
Haddaan Diini magantiisba nahay ama Mareexaan ba
-
Nama midab-takoorshoo xaquu noo mitihiyaaye
-
Mataano iyo waxaan nahay dad aan kala maqnaanayne
Khaliif isna wuxuu yiri:
-
Intaad Diini magantiis tahoo daba-mushaaxayso
-
Daaroodka moolkaa intaad mid uun ku biirayso
-
Nacasyahow maqiiqani maxaa adiga kuu meel ah.
Hadda Maxamed Qanyare dhib malaha inuu RRA heshiisiiyo
laakiin meeday Magaaladii uu moodkeedii iyo dadkeediiba mariyey, Muqdisho?
Waatee magaalada maanta Muqdisho uga baahi-badan nabadda? Reer tolkaa maa la
heshiisid?
Maxaa loo furi la’yahay dekedda iyo gegiga diyaaradaha ee
Xamar?
Sidaas la socotaan Qanyare wuxuu ku jiray Carta halka
Muusi Suudi uu hor-is-taagay Carta. Maxay ku dhacday in Muuse Suudi iyo C/Qaasim
u olaleeyaan furidda dekedda iyo garoonka halka Qanyare iyo Maxamed Dheeraba
ka diideen? Aniga ra’yigayga waxay iila muuqataa in Qanyare uu haysto
garoonka Dayniile, waxay la tahay haddii kan Xamar la furo in uu waayi doono
nacfi, sharaf iyo maamul uu ku haystay garoonkaas. Sidoo kale Maxamed Dheere
waxay saaxiib yihiin ama isku dhowyihiin Bashiir Raagaha leh dekedda
Ceel-macaan. Iyagana waxay la tahay in haddii la furo dekeda wayn ee Muqdiho
ay sidoo kale waayi doonaan waxay taas ku haysteen.
Xal
Run ahaantii waxaan ku talin lahaa in garoonka
diyaaradaha ee Xamar loo dhiibo Maxamed Qanyare dhowr sababood darteed:
1. Isagoo ka mid ah qab-qablayaasha Xamar, dad badana
u arkaan inuu fahmi karo qab-qablayaasha badankooda.
2. In qabiilka uu ka dhashay tabanayaan in laga sad-bursaday
3. Iyo isagoo haysta garoon kale oo badanaa ay
istimaalaan dadka Xamar deggeni.
4. Iyadoo keenta in dadweynaha Xamari ka
faa’iidaystaan garoonkaas.
Sidoo kale dekedda madax looga dhigo Bashiir Raage iyo
Maxamed Dheere sabibihii aan kor ku sheegay oo kale ama u dhow. Kama wado
nimankaasi ha qaateen dekedda iyo garoonka ee waxaan leeyahay ha u
sarreeyeen si ay sharafna ugu helaan dadka kalana uga faa’iideeyaan.
Lacagaha ka soo baxa labadaas ilood ayaa wax badana ka badan san-dareero
laga qaato cadowga Soomaaliyeed.
Marka C/Qaasim, Muuse Suudi iyo kuwa kalaba waxay
helayaan sumcad oo iyagaa nimankaas meesha saaray kaddibna waxay u
sarreeyaan maamulka Xamar, shabeelooyinka iyo iyagoo gacan-saar la leh
dooxada Jubba.
Markay Xamar degto waxaa la rabaa in laga xisaabtamo
hantidii dadweynaha Soomaaliyeed ee laga baro-kacshay Koonfurta Soomaaliya
iyo in qof walba loo cesho wixiisii. Marka Koonfur oo saan u qasan oo
qab-qablayaashii is-haystaan, dadweyne kale xaq ma helayo. Marka taladaan
waa talo sahlan oo habayn kaliya la samayn karo. Markaas reer Xamar oo mid
ah ha u yimaadaan Soomaalida kale.
Haddii maqaalkaan uu faah-faahin u baahdo waan ka bixin
doonaa haddii Allaha awoodda lihi ogolaado.