SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

“Puntlandeey C/hi waa kaas”

Waxaa la yiraahdaa “qabiil hebeloow waakaas hebel”.

Cabdulwaaxid Khaliif 

  cabdulwaxid@hotmail.com 

 

Asalaamu calaykum.

 

»Yaa Wax Yeelay Cabdiwaaxid? [Kacaandiid]

» Mbaghathi: Dib-u-heshiin mise dib-isu-bahaysi? [C/Waaxid]

» WAX RAG KULA LEEYAHAY LA ISMA KELI SIIYO!! [Warsame]

» SALFUDEYDKA C/WAXID, QORAALKA XAGARYARE & XAALKA [Dirir]

» Xirfadaha uu C/hi uga tago xerada Mbagathi [C/Waaxid]

» CAGTII JOOGSAN WEYDAA MAR BEY CEEB LA KULANTAA [Farah]

C/laahi Yuusuf ma laha Puntland ee Dadkaa leh
Waa Jawaab Qoraalkii Puntland: Tahriibkii Badday ku Tuureen Guji..

C/Waaxid waa caamo Laakiin Cadowgiisa waa yaqaan
Waa Jawaabtii uu C/Waaxid kabixiyey Qoraalkii Cusman Axmed Guji

»JAWAAB QARAALKII C/WAXID KA QORAY TII XAGARYARE [Farah]

Sheeko Xariirta Xagar Yare
Waa jawsaabtii C/Waaxid Khaliif ee Qoraalkii Xagar Yare ee..
Guji..

QAYBTII 2aad: WAA KUMA CABDULLAAHI YUUSUF?
Qaybta 1aad...  | Qaybta 2aad... | Qore: XagarYare | Sept 1

Puntland: Tahriibkii Badday ku Tuureen, Tabliiqiina Xabsi
Tif-tif Amxaarana madaxweynanimo bay usoo taageen! C/Waaxid

» CALI-DHUUX iyo CABDULLAAHI YUUSUF! [Cali Shire]

» Mala is-barbar-dhigi karaa Cali-Dhuux iyo C/hi? [C/Waaxid]

 Beri baa oday indho la’ oo da’ ahi guursaday haweenay markaasay maalin dambe ku tiri odaygii haddaad ogaanlahayd caddaantayda, quruxdayda iyo qaab-dhismeedka jirkayga waad yaabi lahayd. Odaygu wuxuu yiri hadday arrintu sidaas tahay dhalinyarada indhaha qabta iigama kaa tageen.

Waxaan ku leeyahay taageerayaasha kornaylka haddaan ninka kheyr iyo talo ku ognahay dadkayaga waxgaradka ahi waan raaci lahayn. Taageerayaasha kornaylka ayaa qaar waxaad mooddaa inay leeyihiin kornaylku waa kaa weynyahee maxaad ka rabtaa iyagoo qaarkood sheegay in yaraantaydii dhib isoo gaartay iyagoo cay uga dan leh. Si kastaba ha ahaatee horaan usheegay inaan e-mailo hotmail iyo Yahoo laga samaystay aanan markasta u jawaabi karin sidoo kalana ma rabo inaan xittaa naftayda difaaco maxaa yeelay waxaan ka hadlaynay siyaasad ee arrintu is-difaac ma ahayn.

Waxaan horay usoo xusnay in wiilyar oo afar jir meelahaas ahaa oo xittaa qaawan uu fuulay geed ay odayaal ku shirayeen. Markii ay arrintii gudo-galeen oo ismari-waayeen ayey go’aansadeen in waayeel loo xulo laakiin wiilkii baa soo dhawaaqay oo yiri waayeel yaan loo xuline waxgarad haloo xulo. Markaas baa inta qayd loo xiray lagu daray dadkii garta gali lahaa.

Haddii ciddi dhib ilowdo waa carruurta waxa ilooba dhibta soo gaarta laakiin haddii cidi ciqaab soo aragtay aniga maahan ee waa ninkii xabsigii Maxamed Siyaad Barre iyo kii Mingiste soo taabtay. Oday Soomaliyeed oo gabyaa ahi wuxuu xussay in xabsigu wax kasta ka daranyahay. Odaygaasi oo markaas xirnaa wuxuu sheegay in ninkii sun cabbay ama libaax cunay uusan dhib weyn arag wuxuuna gabaygiisa kusoo hooriyaa.

Aakhiro u dhoof buu ahaa dhibse muu arag e.

Gabayg kale oo cayn ku socdayna wuxuu lahaa.

Cibaaro waa jail dhexdiis la is-cabiidsado e

Cibaarada Alloow naga dul-qaad Caadil baa tahaye.

Marka haddii ciddi u baantahay in maskaxdooda la fiiriyo sida ay u shaqaynayso waa qolyaha xabsiyada soo maray. Bal xagga da’ muxuu Khaliif Sh. Maxamuud ka yiri mar ay isu gabyeen Cali Cilmi Afyare. Khaliif wuxuu yiri:

  • Hayeeshee margiga hadalka waa           lagu mitaalaaye

  • Muddaan kaa da’weynahay hadday          maayaddu u socoto

  • Manco malaha adeeroow garkaan           loo meekhaan dayine

  •  

  • Maskaxdii Ilaah kuu gartaa                   lagu macaashaaye

  • Ninba wuxuu matab leeyahaa                 lagu majiirtaaye

  • mid yaroo mugaagaa ku badan              maanta Aadmiga’e

  •  

  • Duq qalbigu madoobaaday                    oo maari ku engegtay

  • Inkastoo cirradu maaruqdoo                  madaxa saabayso

  • Mabda’ malaha odaygii bartaa               malabsi ceebeede

  •  

  • Mir yaroo tusaalaa haddaan                  meesha ka caddeeyo

  • Marbaad arag maqruun boqol jiroo         mayrasho aqoone

  • Marna toban-jir mowlaca                      Kitaab meeriyaad arage

  •  

  • Mar baad geela madow hoora             oo muuqle aragtaaye

  • Oo maalintay curato aan                      maqasha deeqayne

  • Marna magar xabeeb loo, muraha          miijisaad arage

  •  

  • Mar baad arag hilaac malalafloo            moqor biyeynayne

  • Oo sahanku meeluu mariyo                   miriqdi waayaaye

  • Marna tumay dadkii mahadiyoo             miigan baad arage

  •  

  • Mar baad arag muwaashiga bakhayl       mooro buuxsadaye

  • Oo aan martida soori karin                   milayga jiilaalka

  • Marna deeqsi magac weyn lahoo            maalyar baad arage

  •  

  • Rabbigay wuxuu maamulaa                   male ka xoog-weyne

  • Hadduu maago mirir bay biyuhu             maran lahaayeene

  • Mucjisooyinkiisiyo ha gelin                    meherad kaa dheere.

Maqaalkaan kii ka horreeyey waxaan soo xussay dhowr qodob oo aan kornaylka kaga hadlay. Kii siyaasadda waxaan ku sheegnay inuu isku badiyo dadka ka soo horjeeda. Maqaalkaas oo website-yada soo dhajiyeen saacado ka hor waraysigii C/hi, ayuu wuxuu BBC-da u sheegay in wixii ka horyimaada uu cagta-marinayo! Dadweynihii reer Puntland badankoodu waxay leeyihiin maxaa daaray odayga? Miyeesan ku jirin tartan madaxweynanimo? Waagii adduunku caadiga ahaa waxaan arki-jiray qofka madaxweynanimo u tartamaya oo ballan-qaadyo sameeeya hadday rabaan beenba ha ahaadeen laakiin qof madaxweyne u tartamaya oo gooddin iyo cabsi-gelin wada isaga ka hor ma arag. Waxaa intaas dheer in xittaa dadkii ay isla ahaayeen xulufada sida SRRC iyo G8 intii raacday ay ka xumaadeen waraysigaas. Marka taageerayaashiisa waxay ku fiicnayd in dacaayada iyo cayda la sugaan markii uu C/hi “madaxweyne” noqdo. Ma raha ayey ka liitaan? Sidii hal-abuurku yiri:

Dhoobadaba waatii rahu uu ku dhuuntee

Isaguba dhawaaq maleh intuu dhibicda sugayee.

Marka haddaan biyo jirin rahu dhoobada ayuu galaa xittaa haddii xooggaa tamar ahi ku hartay maxaa yeelay carruurta iyo cadowgiisa kale ugama badbaadi karo biyo la’aan. Marka C/hi oo sameeyey kooxdii Xamar inuu sidaas u hadlo oo uu sii lumiyo qolyihii ay isku dhowaayeen waa waxaan ka filayey.

Hadda taageerayaasha C/hi waxay igula murmayaan xaqiiqda. Akhristayaal waxaa la sheegaa in nin reer Waqooyi ahi keensaday saylad ku taal Hargeysa ama Burco lax gool/buuran ah si uu u gato. Nin dullaal ah ayaa damcay inuu ka dhaco laxda markaasuu yiri wankaan anigaa iska leh isagoo ninkii laxda ku haysta. Dullaalkii wuxuu ku dooday inuu wankaasi xeradiisa ku dhashay wuxuuna keenay labo nin oo kale oo wan ahaan u markhaati furay. Ninkii wuxuu laxdii saaray go’iisii. Markay ku sigteen inay is-dilaan ayaa guddi loo saaray oo gar la galay. Ninkii garta naqayey wuxuu yiri ninkii dacwada qaboow hadal. Dullaalkii wuxuu yiri wankaas anaa iska leh oo idahayga ayaa dhalay. Gar-qaadihii wuxuu yiri markhaati ma haysataa? Wuxuu keenay labadii nin oo qiray in wankaas uu leeyahay dullaalku. Gar-qaadihii wuxuu kusoo jeestay ninkii laxda lahaa oo yiri adigu maxaad leedahay? Ninkii inta kacay oo go’iisii laxda ka qaatay buu yiri lax ka iri! Ma war baa ka nool.

Waxaan uga golleeyahay wax badan baa taageerayaasha kornaylku isku dayeen inay runta qariyaan markii sheekada kornaylku joogtay Puntland kaliya. Waxaan soo sheegay oo iyaguna qireen in cidda uu dhibay ay tahay Puntland. Waxaa la sheegaa in damaashaad laga sameeyey Boosaaso iyo Gaalkacyo. Maxaa loo sameeyey? Soowtii Anwar Saadaat laga sheegay Carabi waxay isku af-garatay inaysan is-af-garan! Laakiin iyagu markaas ma damaashaadin. Dhibtu dhiillo bay keentaa ee damaashaad iyo dheel-dheel ma keento. Hadda waxaan leeyahay “Mbagathi ka iri”


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

WQ. cabdulwaaxid Khaliif | cabdulwaxid@hotmail.com 

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

 Faafin: SomaliTalk.com | Sept 21, 2003

 QORAALADII HORE EE CABDULWAAXID


Wada-shaqayntu Waa Furaha Guusha.. GUJI

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis

mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo  Somaliyed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya. Akhri


 

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD