Ilaah baa mahadleh. Nabadgelyo iyo naxariis Nabi Muxamed
korkiisa ha ahaato.
Waxaa Qur’aanku xussaa inuu cadaab ku soo dul-habsaday
qolooyin gaalo ahaa markaasay u qaateen guulaamo iyo jinni-caal-madoobe/daruur
madow waxayna fisheen roob iyo raxmad.
Waxaad is-leedahay Kiplagat ma hal-xiraalihii uu Gooni
Sayidka waydiiyey buu isna qab-qablayaashii waydiiyey. Gooni wuxuu yiri:
Cir onkoday hillaac laga cabsaday karar cabaadaysa
Oon rays cirbaha laga dhigayn waa cajabe sheega?
Sayidku wuxuu ku jawaabay:
Onkod iyo hillaac laga cabsado iyo karar cabaadaysa
Oon rays cirbaha laga dhigayn waa cajab Ilaahe
Isagaa calaamiyo lahaa ciiro iyo qiiqe
Waa maarrahaan kuu cuskaday dirirtii caw-baare
Dhiiggii carrada qooyey waa cadar baxiisiiye
Maxaadse u tiri rays cag iyo ciribta maan saarin?
Sayidku sidii gaaladii karartaas uma qaadan raxmad ee
wuxuu gartay in laga wado baaruud iyo danab. Nasiib-darro qab-qablayaashii
may fahmin hal-xiraalahaas oo waxay u qaateen hillaaca iyo onkodka roob iyo
barwaaqo. Waxay ugu darnayd markii uu yiri wajigii labaad ee shirka waa
dhamaaday waxaa is-qabsaday sacab, qaylo iyo dhamaashaad madashii uu
Kiplagat joogay. Maxaa loo dhamaashaadaa? Maxaa la isugu tahniyadeeyaa? Waa
uun cadow siro callaqan u keenay si ay qalinka caamo ugu duugto. Ka soo qaad
in loo kala jabay labo is-bahaysi bal aan fiirino is-bahaysiga la
dhayalsanayo.
C/Qaasim, Muuse Suudi, Barre Hiiraale, Caato, Xaabsade,
Cumar Jees, Jaamac Cali Jaamac iyo kuwo kale hadday jiraan. Is-bahaysigani
wuxuu dhowr jeer ka xoog badanyahay ciidamadii Maxamed Faarax Caydiid qalab
iyo siyaasad labadaba. Caydiidna Soomaali oo dhan waa gaaray marka Waqooyi
Galbeed laga reebo. Wuxuu soo taabtay Gaalkacyo, Hiiraan, Baydhabo, Gedo,
Xamar iyo Kismaayo. Ka warran Caydiid oo ay kusoo biireen reer Gedo,
Kismaayo, Xamar iyo Baydhabo? Is-bahaysi saas u xoog-badan ma jirin shirka
Kenya ka hor. Marka ma heshiis baan helnay mise colaad hor leh?
Ismalahayn Qanyare iyo Maxamed Dheere baa loo sharxayaa
dagaal. Waan la soconaa wixii uu Caydiid kaligiis ku dhigay. Hadday caqli
leeyihiin labadan nin cidda ay wada-degaan oo ay u baahanyihiin in ay marka
hore wada-heshiiyaan waa tan C/Qaasim ee maahan tan C/hi. Marka si aad
Soomaalida kale u caawisaan bal la soo heshiiya ina-adeerkiin kaddibna noo
imaada haddii kale maaweelo iyo kooxaysi cidna uma baahna. Maxay tahay
nabadda aad sheegaysaan haddii idinkii Xamar degayba aydaan heshiinayn?
Bishii ugu horaysay shirka waxaan qab-qablayaasha siiyey
calaamad taban (negative) waxaan xussay in haddii:
-1 + (-1) + (-1) + (-1) + (-1) + (-1) + (-1) + (-1) +
(-1) = -9. Si kasta oo aad u hormo-galiso waxaad helaysaa –9. Awal hal-hal
ama labo-labo ayey usocdeen laakiin waxaa loo hormo-geliyey sidan –5 + (-4)
= -9. Waxaan maqaalkaas ku sheegay in haddii la rabo in la helo tiro togan
(positive) ah waa in la isku dhuftaa. Taladaas waxaa qaatay Kiplagat oo
hadda raba inuu isku dhufto is-bahaysigii Xamar iyo kii shalay saxiixay.
Marka ugu dambaysa waxaa soo baxaysa tiro togan laakiin waxaa maranaya dad,
dal iyo duunyo. Waxaa jira qaab kale oo aan maqaalkaas ku soo xusnay oo
tirada taban looga dhigo mid togan waa marka la gasho waxa loo yaqaan
qiimo-sugan (absolute value). Qiimaha sugan waxaa laga helaa Diinta Islaamka
ilayn iyadaa ah dowga noo furan. Marka waxaa la samayn karay in
[-4] = 4 sidoo kale [-5 ] = 5. Marka qiimaha-sugani waa
cismada Ilaah. Markaan shir leenahay waxaa la rabay in la waaniyo
qab-qablayaasha oo la xasuusiyo aakhiro. In aan nahay dad walaalo ah.
Dambiga uu leeyahay qofkii dila qof muslim ah. Inaan loo baahnayn in cadowga
loo shaqeey iyo wax la mid ah iyo sidoo kale in la heshiisiiyo
qab-qablayaasha dhexdooda. Wixii halkaas ka soo baxa waxaa la oran karaa
heshiis. Laakiin wixii Kenya ka soconayey waxaa la oran karay waa siminaar
(seminar) oo Kenya iyo Itoobiya ayaa wax iska soo diyaarsaday oo ku
dul-akhriyey qab-qablayaasha.
Waxaa dhowaanahan gooddiyey labo hogaamiye kooxeed waa
kornayl C/hi iyo Maxamed Dheere oo sheegay in ciddii hor istaagta heshiiska
waajibkooda la marindoono, dagaalba ha ahaatee. C/hi wuxuu ku xoojiyey dhaar
isagoo laga sheegay inuu yiri (WALLAAHI BILAAHI TALLAAHI). Waa tahay.
Maxamed Dheere waa nin ku cusub saaxada oo isaga waa la sugi karaa wuxuu la
soo shirtago laakiin kornaylka waxaan ka leeyahay seddex waxyaalood:
Marka wuxuu meesha ka sheegay inuu intaas oo sano soo
halgamayey ee yuu gooyey? Caydiid hadduu noolaanlahaa wuxuu awooday inuu
yiraahdo “giddiga Soomaali tahay ninkii gaaray baan ahaye” laakiin bal C/hiyoow
adigu hadal! Hadduu guduha qoladiisa dhaafo hadalkaygu waa been.
Anigu waxaan rumaystay Hadalka Ilaah oo ah “Walladii
khabutha laa yakhruju ilaa nakidaa” oo ah dhulka kiisa xumaada ma soo saaro
waxaan xumayn. Waa meesha Soomaalidu ka tiraahdo hal xaaraan ah nirig xalaal
ah ma dhasho marka haddii qab-qable qaran keeno aniga ma ahan ninka
qaadanaya. Marka shacaboow “godashaye u yeer-yeer gaanaha aad maashide”.
Marka nabadda la gaaray aan qaadano!