Kipligat: “iigu dhaqsada saxiixa, rag
baa isugayee”
Cabdulwaaxid Khaliif
cabdulwaxid@hotmail.com
Asalaamu calaykum.
Ilaah baa mahadleh
nabadgelyo iyo naxariis ha ahaato Nabi Muxamed korkiisa.
Akhristayaal waxaa la
sheegay in mar nin wadaad ah loogu yeeray inuu wacdiyo haweenay jirkeeda ka
ganacsan jirtay. Sheekhii oo wacdigii wada ayey haweenaydii aragtay
asxaabteedii oo soo socota markaasay sheekhii ku tiri sheekh ii dhaqso waa
la isugayaaye. Ma fogayn markii Ururka Midowga Yurub ku lahaa Kipligat waxa
dib-u-heshiisiinta loo samaynayo waa Soomaali ee waa inay heshiiyaan oo aan
arrinta laga dhigin inaan doonayno inaan wax ku khasabno ama u yeerino.
Soomaalidu waxay tiraahdaa geedkii orod lagu fuulo orod baa looga soo degaa.
Ma dhabbaa isagoo diyaarad ku qoran in inta dastuurkii horkeeno Mbagathi uu
yiraahdo ii saxiixa iyadoo aan loo dhamayn si uu Geneva iyo Newyork ugula
kala shiro Midowga Yurub iyo Maraykan siday ukala-horeeyaan.
Maxaa loo lahaa wafti baa ka
soo socda Somaliland? Haddii meeshii lagu kala-tegay maxay ka qaban?
Qab-qablayaashu dhagar bay
wataan laakiin tan Ilaah baa soconaysa. Waddan dhani ka wayn wax lagu qaado
boorsada Kipligat. Ergo Soomaali baa jirta ha iga harto. Mar hadday taasi
xeradaasi ka dhacday waxay ila tahay in dhalinyaradu aysan dadkaas wax dambe
ka filayn. Waqtigee la joogaa? Miyuusan Kipligat ogayn in Soomaalidu sheegan
karto waxay tabanayso meel kasta oo la joogo?
Qab-qalayaashii Xamar ku
shirayey in saas loo galo waa ku fiicnaayeen. C/Qaasim kalsoonidii baa ka
tagtay. Soo irdi-ogaa? “Dheereeyaa maxaa siday”. Waxaad ka garanaysaa
inuusanba ahayn waxay gaareen heshiis sida dhakhsaha ah ee ay Nairobi u
yimaadeen. Marka haddii isagoo Nairobi jooga la iska saxiixday charter-kii
waxaa la mariyey dowgooda waxaana la tusay inaysan waxba ahayn. Bal may
joogaan gurigoodii? C/Qaasim wuxuu isku deyey inuu turubkiisa si fiican u
ciyaaro laakiin dabo-ka-erigii waxaa ciyaaray afar qof oo kala ah TNG
garabka Xasan Abshir & Deerow, G8 garabka Qanyare, SRRC iyo bulshada rayadka
garabka SRRC. Marka C/Qaasim oon turubka ciyaarayn miyaa boolayn kara?
Dabo-ka-eriga waxaa loo bixiyaa seddex seddex laakiin waxaa la arkayey in
nin walba 36 xabbo hal mar la siiyey. Marka qaabkii aan naqaanay looma
ciyaarin.
Reer Muqdishoow turubka la
idin ka badiye iska baandheeya. Waakaas Maxamed Dheere oo leh waan
dagalamayaa. Maxamed Qanyare oo leh shirka Muqdisho waxaa looga golleeyahay
burburinta kan Mbagathi. Muuse iyo C/Qaasimna waa kaas. Haddaysan timihiinu
isku dhan i xiirmin Soomaalida ha xiijinina. Xasuusta maqaalkaygii ahaa
xirfadaha tartamayaasha waa tii aan soo iri Kipligat wuxuu rabaa inuu ariga
raaciyo nin hal mar fariisin kara. Qolyihii Muqdisho waa fariisinwaayeen
hal mar bal waxay ka dhigeen dhowr goosan oo midi is-hardinayo midi
fariistay midna is orgaynaayo. Laakiin C/hi siduu maalintii oo dhan arigii u
cayrinayey oo uu u diiday in neefi geed afka galiyo buu makhribkii keenay
arigii oo tii ugu dambaysay ah. Arigii wuxuu hal mar fariistay xerada
horteeda isagoon xittaa xeradii gelin. Marka C/hi dadkiisii edeb buu u soo
yeelay marka idinku ari ma raaci kartaane howlihiina kale iska qabsada.
“Intaasi waxay ahayd
sheekadii waxaa hadda noo bilaabanaya shilkihii”
Marka yaa qaadaya
mas’uuliyadda wixii yimaada? Ma Kipligat mise qab-qablayaasha?
WQ. cabdulwaaxid Khaliif | cabdulwaxid@hotmail.com
AFEEF: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku
saxiixan
Faafin: SomaliTalk.com | Sept 16,
2003
QORAALADII HORE EE CABDULWAAXID
Wada-shaqayntu
Waa Furaha Guusha.. GUJI
|