SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
Xirfadaha uu C/hi uga tago xerada Mbagathi

Cabdulwaaxid Khaliif 

  cabdulwaxid@hotmail.com 

 

Asalaamu calaykum.

 

» CAGTII JOOGSAN WEYDAA MAR BEY CEEB LA KULANTAA [Farah]

C/laahi Yuusuf ma laha Puntland ee Dadkaa leh
Waa Jawaab Qoraalkii Puntland: Tahriibkii Badday ku Tuureen Guji..

C/Waaxid waa caamo Laakiin Cadowgiisa waa yaqaan
Waa Jawaabtii uu C/Waaxid kabixiyey Qoraalkii Cusman Axmed Guji

»JAWAAB QARAALKII C/WAXID KA QORAY TII XAGARYARE [Farah]

Sheeko Xariirta Xagar Yare
Waa jawsaabtii C/Waaxid Khaliif ee Qoraalkii Xagar Yare ee..
Guji..

QAYBTII 2aad: WAA KUMA CABDULLAAHI YUUSUF?
Qaybta 1aad...  | Qaybta 2aad... | Qore: XagarYare | Sept 1

Puntland: Tahriibkii Badday ku Tuureen, Tabliiqiina Xabsi
Tif-tif Amxaarana madaxweynanimo bay usoo taageen! C/Waaxid

» CALI-DHUUX iyo CABDULLAAHI YUUSUF! [Cali Shire]

» Mala is-barbar-dhigi karaa Cali-Dhuux iyo C/hi? [C/Waaxid]

Ilaah baa mahadleh. Nabadgelyo iyo Naxariis Nabi Muxamed korkiisa ha ahaato.

Waayadii uu Islaamku xoogga lahaa ayaa waxaa jiray labo miskiin oo labaduba indho la’aa oo ka tuugsan jiray buundo ku taalay Baqdaad. Labada miskiin midi wuxuu ku tawasuli jiray Cali Binuu Abii Dhaalib (RC) iyo Ehlu Baytka. Kan kalana wuxuu ku tawasuli jiray Reer Banuu Umayah (Umuwiyiintii). Markay dadku soo agmaraan ayey arrintaasi xamaasad gelin jirtay oo qofba mid wax siin jiray. Hadhow markay qoraxdu sii dhici rabto bay inta isku yimaadaan lacagtooda kala baran jireen!

Waa qaabka ay hadda qab-qablayaashu isticmaalaan. Soow maydaan arag kuwa Xamar ku shiraya iyo kuwa C/hi taageersan?

Sidii caadadiisa ahayd Kornayl C/hi waxaad mooddaa inuu hadda isu geeyey hogaamiye kooxeedyo aan shuqul isku lahayn. “Dabkuu qaadana isagaa isku guba”. Ra’yi ahaantayda waxaan isleeyahay wuxuu rabaa inuu helo sir uu uga baxo Kenya oo uu Garoowe ku aado isagoon la oran shirkii buu ka cararay. Sababtu waxay tahay qodobkii 19-naad oo la leeyahay waxaa loo wareejiyey kan 11-naad waxaa loogu roonaaday C/hi laakiin qab-qablayaasha kale, bulshada rayidka ah iyo qayb ka mid ah SRRC-du way diideen, hadday isa soo taagaana waxay umuuqanaysaa in dadka badan wax loo yeelo. Si C/hi taas uga gaashaanto miyuu is leeyahay raadi xal aad Garoowe ku aaddo?

Waxaan uga golleeyahay sidii aad isu leedahay waxaa is haya maamulkii sare ee C/hi khaasatan isaga iyo ku-xigeenkiisa oo dadku dhegaha u taagayaan toloow maxaa dhici doona baad arkin C/hi oo Garoowe ka soo degay haddana ku-xigeenku maba aha kii hore kaddib markay qol shir ku yeeshaan baad arag iyagoo gacmaha is haysta oo faraxsan oo leh waan heshiinay!

Labadii miskiin ee aan soo xusnay iyagu waxwalba waa qaybsadeen laakiin halkan C/hi cidna wax lama qaybsan:

1. Wuxuu helay dariiq uu Garoowe ku yimaado

2. Tiisa oo uu marsado.

3. Sharaf u korarta markii wax khilaaf loo qabay uu daqiiqado ku xalliyo.

4. Magaca madax-ka-nool oo halkaas ku baxay laakiin qofkii waxgarad ah uusan ammaan u arkin.

Odaygu ma waayey dariiqo iyo tub kale oo uu wax ku furdaamiyo isagoon ciidda ku jiidin maamulkiisa? Maqaalkii hore waatii aan saadaaliyey in madaxweyne ku-xigeenku tanaasul samayndoono intii uusan C/hi Nayroobi ka tegin. Sidii bay noqotay. Marka muxuu hadda isu waalayaa madaxweyne ku-xigeenku haddii marar badan wixii la ogaa dhaceen? Haddii isagoon wax loo sheegin, nin la yiri maxkamad ciidan buu joogaa uu casilay taliyihii Booliska. Kollay anigu sharciyada noocaas ah kuma fiicne laakiin aaway ninkii maxkamadii caadiga ahayd haystay? Maxay ka wadaan guddoomiyaha maxkamadda ciidanka? Waxaan maqalnaa daraawiish iyo Booliis.

Khaliif mar wuxuu lahaa:

Sida loo gigaayaa qalbigu ila giriiraaye

Gol-caddihii Talyaaniga ka daran go’a na haystaaye.

Waligay ma arag sharci noocaas ah. See ku dhacday kornaylkii oo u tartamaya madaxweynanimo in nimankii uu uga soo tagay “Puntland” aysan waxba ka ogayn waxa socda? Waxaa ka sii daran ninka wax casiley oo awood sheegtay ilayn waxaan ku-xigeenkii la ogayn buu sameeyee! Guddoomiyaha maxkamadda ciidanku ma wuxuu isleeyahay kornaylka toosh ku daar si dadku u arko mise howl buu u hayaa?

Talow ku-xigeenku muxuu tan ka samayn? Maalin roob da’ay ayaa waxaa biyo hor fariisteen masaajid horti. Waxaa soo maray meesha nin faaja-faajoonaya oo dhar qurux badan qaba. Ninkii inta ku soo jeestay Imaamu Acmash buu yiri i qaad oo biyahan i dhaafi. Imaamkii dhabarkuu u ritay dabadeedna ninkii la qaaday ayaa akhriyey “SUBXAANALLADII SAKHARA LANAA HAADAA WAMAA KUNAA LAHUU MUQRINIIN WA INNAA ILAA RABBINAA LAMUNQALIBUUN”. Indho-adaygiisa markii la qaaday ayuu ducadii rukuubka akhriyey. Imaamkii markuu biyihii la dhex-dhexaystay buu isna akhriyey aayad kale “WAQUL RABBI ANZILNII MUNZALAN MUBAARAKAN WA ANTA KHEYRUL MUNZILIIN” oo ninkii biyaha bartankoodii dhigay. Waajibkiisuu mariyey.

Marka nin fuulka noocan ah horay looma arage ma dhici kartaa in ku-xigeenku halkaas oo kale dhigo oo yiraahdo “naga soo deg duumaad ahayd daawo loo helaye” mise wuu u camirayaa si kornaylku u gaaro qodobbadii aan soo xusnay?

Si kastaba ha ahaatee hadduu rabo kornaylku inuu Garoowe aado waxaa la rabay inuu yiraahdo dastuurku iima ogola inaan labo bilood ka badan ka maqnaado geyiga inkastoo waagii la cayrshayba uu 9 bilood ka maqnaa laakiin uusan madaxdaas kale uusan ceebayn ilayn isaga Ilaah kuma xirine, soow rajo Soomaaliya kama leh?


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

WQ. cabdulwaaxid Khaliif | cabdulwaxid@hotmail.com 

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

 Faafin: SomaliTalk.com | Sept 12, 2003

 QORAALADII HORE EE CABDULWAAXID

C/laahi Yuusuf ma laha Puntland ee Dadkaa leh
Waa Jawaab Qoraalkii Puntland: Tahriibkii Badday ku Tuureen Guji..

» CALI-DHUUX iyo CABDULLAAHI YUUSUF! [Cali Shire]

QAYBTII 2aad: WAA KUMA CABDULLAAHI YUUSUF?
Qaybta 1aad...  | Qaybta 2aad... | Qore: XagarYare | 


Wada-shaqayntu Waa Furaha Guusha.. GUJI

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis

mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo  Somaliyed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya. Akhri


 

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD