Ilaah baa mahadleh. Nabadgelyo iyo Naxariis Nabi Muxamed
korkiisa ha ahaato.
Waxaa la oran jiray:
Marna lagama wado in aysan diyaaradihii dagaalka ee
Soomaaliyeed ka qaybqaadan dagaaladii lala geleyey cadowga Soomaaliyeed
waxaana dhici karta in duuliyayaal ku dhinteen, qaarkoodna ku dhaawacmeen.
Laakiin waxaa aad ugu gacan sarreeyey ciidanka cirka ee Itoobiya. Qof kasta
waa garanayaa dhibtay ku hayeen Soomaaliya dagaalkii 1977 ka dib. Gobollo
badan ayey diyaaradahaasi dukheeyeen oo ay ka mid tahay Hargeysa.
Diyaaradaha dagaalka ee Soomaaliya waxay aad ugu
dheereeyeen ka qaybgalka dabbaal-degyada Soomaaliya sidii Octoobarradii oo
qaar ka mid ah duuliyayaashii ay ku dhinteen iyagoo Octoobarta maraya. Waxaa
loo adeegsaday diyaaradahaas arrimo lid ku ahaa Diinta Islaamka iyo binu
Aadanimada. Waa la garanayaa in labo diyaaradood isku dhaceen markii la
toogtay dadkii culumada ahaa ee diiday qodobbadii Diinta Ilaahay lidka ku
ahaa. Waxaa dhici karta in dad badani udaawasho tageen markii la tooganayey
wadaadadaas.
Meelihii kale oo diyaaradahaasi si xallad leh uga
qaybqaateen waa dagaalkii Sokeeye ee Soomaaliya khaasatan burburintii
magaalooyiinkii waaweynaa ee Waqooyiga.
Qab-qablaha
dagaal ee aan diyaaradahaas ku
mataalayaa waa kornayl C/hi oo xooggiisu noday mid xarkaha “Puntland” jaray.
Taageerayaasha kornaylka haddaad waydiiso waxay ku oran
waa halyeey! Anigu waxaan qabaa in arrintaas dib loogu noqdo oo kalmadda
halyeey laga dhigo labo kalmadood marka C/hi loo isticmaalayo sida hal yeey
= “one wolf” oo ah hal uubato. Dagaalkii 1977 ee uu ka galay dhinaca Baali
war badan kama hayo laakiin halkaasi maahayn meeshii ay dagaalada ugu
kharaari ka dhaceen. Meelihii ciidamada badankooda la isugu geeyey waa
dhinaca laga bilaabo Dhagaxbuur, Goday, Jigjiga, iyo Dirirdhaba. Si kastaba
ha ahaatee aan wax ka xusno dhacdooyinii uu sameey:
1- Hadduu xukun doonyahay lama rabin inuu Kenya galo
ee waxay ahayd inuu ciidankii uu haystay uu Xamar ku soo aado ilayn
Xamar waxaa joogay ciidan yar oo Moorgan watay oo uusan Cirro laftiisu
dhib u arag. Cirro imisa ciidan buu rabay inuu Maxamed Siyaad ku
cinqilaabo? Qayb? Gaas? Guuto? Midna ma ahayn.
2- Dagaaladii sokeeye oo uu bilaabay. Iyaga qof kasta
waa ka dheregsanyahay.
3- Dadkii mucaaradka ahaa ee isugu tagay Itoobiya
ayuu isku- wadi waayeey oo wuxuu gaaray inuu mu’aamaro ku dilo kii
fikrad ku khilaafaba. Qaar badan waa iskaga tageen Itoobiya oo uu Cadde
Muuse ka midyahay.
4- Intii sooca ahayd ee qabiil ahaan ugu soo hartay
xittaa isku wadan waa oo wuxuu dhex-dhigay colaad iyo iska horkeen.
5- Qisadii ugu darnayd waxay dhacday markay ka
gadoodeen wiilashii uu xukumay oo intooda badan ay ilaa lix oday kala
tirsadaan. Markii ay diideen amaridiisii ayuu wuxuu ku wareejiyey
ciidamo Amxaaro oo aad u badan. Meeshuu Waa Galdogob. Wuxuu amar ku
siiyey in markii waaguu beryo ay kuli dilaan ama is-dhiibaan. Wiilashii
markay arrintii ogaadeen ayey goosteen inaysan waaga sugin ee ay
habaynimo baxaan. Markii ay isku dayeen inay istaaraan dhowr tank iyo
dhowr baabuur oo xamuulka ah oo ay wateen ayaa Amxaaradii dab saartay
laakiin waxa halkaas ka dhacay arrin la yaab leh in wiilashii aan aadka
u badnayni wax badana ka hubyaraa Amxaarada inaan wax saas ah gaarin oo
la arkay iyagoo barqadii Gaalkacyo taagan. Dadka hadda isaga taageersan
waxaa ka mid ah qaar iyagii ka mid ah. Haddii habaynkii ay Amxaaradu
layn lahayd muxuu ka heli lahaa? Qaar ciidanka ka mid ahaa oo degmada ku
jiray meel ay ruux iyo raq dhigeen lama hayo.
6- Sidoo kale tuulada Qorrof waxaa gadooday wiilal
aan badnayn oo Xabishida ka dalbayey in kornaylka la sii daayo. Ciidan
ka yar 200 boqol in ay Mingiste ka dalbaan in uu C/hi sii daayo waxay
ahayd arrin is miidaamis ah. Wiilashaasi sidii kuwii Galdogob nasiib ma
lahayn ee Xabashidu waxay dishay intoodii badnayd oo ay ku jireen rag
dugsiyo sare dhameeyey iyo kuwo aqoon lahaa. Wali qaarkood lama arag
meel ay cirib iyo jaan dhigeen.
7- U soo gal Puntland, muxuu u qabtay? Yuu ka ceshay?
Qabsashadii Caydiid ee Gaalkacyo way ka horaysay sidoo kale saaritaankii
Caydiid laga saarayna way ka horaysay laakiin wuxuu joogay dhowr dagaal
oo kale oo aan kaas hore u dhowayn.
8- Doorashadiisii loo doortay madaxweyne goboleedka
ka hor Puntland waxay ahayd meesha Soomaaliya ugu nabadgelyo fiican.
Waxaa la hadal hayey in shir dib-u-heshiisiin lagu qabto Boosaaso. Yaa
hadda hawo ka haysaa in Puntland shir lagu qabto?
9- Isagaa laalay inuu raaco dastuurkii Puntland
markii waqtigii u dhaamaday. Wuxuu hadda u doodayaa in aan qodobka
19-naad ee “Charter” aan la taaban halka uu isagu kii 32-aad ee Puntland
jebiyey (ma hubo inuu qodobku kaas ahaa).
10- Markii shacabku ka saarayeen Boosaaso wuxuu isku
deyey inuu la dagaalo, markii uu dadweyne badan dilay ayaa askartii
arkeen inaysan macquul ahayn inay shacabkoo dhan laayaan waxayna
yaqiinsadeen in aan shacab laga rayn karin.
11- Waa isagii habaynimo soo weeraray markii dadkii
doorteen Jaamac Cali Jaamac oo ay halkaas ku dhinteen dad badan.
12- Wuxuu maalmo ka hor dilay Faarax Dheere
13- Markii uu Boosaaso xoogga ku qabsanayey wuxuu
cagta sii mariyey magaalooyin badan oo ay ku jirtay Qardho wuxuuna ku
dilay dad shacab ah.
14- Mudo yar ka dib wuxuu dilay Suldaan Hurre.
15- Dagaaladii badnaa ee ay isla galeen GBP iyo isagu
immisa qof baa ku dhimatay? Imisa qarash ku baxay?
Xagga siyaasadda
Hadda waxaan ka hadlayaa xagga siyaasadda iyo xulufaysiga
ee yaan loo fahmin waxaan anigu aaminsanahay.
1- Markii loo dooranayey madaxweyne gobolleed dadka
halkaas degeni waxay lahaayeen saaxiibo badan oo ukala jooga Kismaayo,
Bay iyo Bakool, iyo waliba Xamar.
2- Wuxuu lumiyey saaxibadaas sida Muuse Suudi, Aadan
Madoobe ka dib markii uu RRA la kala saftay isagoon saadaalin karin
meesha siyaasaddu cago-dhigan doonto, Cismaan Caato. Miyeysan Cismaan
Caato iyo Ina Caydiid ka soo degin Garoowe?
3- Mar kasta oo uu hadlo wuxuu lumiyaa saaxiibo ilayn
qof sixi kara ma lahee.
4- Yaa sababay in Muuse Suudi Kismaayo ka dego? C/Qaasim
iyo Muuse is arkaan? Barre Hiiraale Xamar yimaado? Sidee ku samaysantay
G8?
5- Xagga qab-qabnimada marka laga hadlayo wuxuu
lumiyey kuwii xoogga lahaa ee aan kor ku sheegnay wuxuu soo qaatay
bedelkood Xasan Abshir iyo Cabdalle Deeroow! Xasan Abshir Garoowe ma
tagi karo haddaan C/hi u ogolaan sidoo kale Deeroow Baydhabo ma tagi
karo haddaan Aadan Madoobe iyo Xaabsade u ogolaan.
6- Wuxuu dab iskaga dhejiyey Waqooyi oo maamulka
Riyaale iyo mucaaradkiisu ma jecla C/hi oo waxay hadda wadaan arrin
dhibteeda ugu badan soo gaarayso C/hi ilayn isagaa isku furay waddooyin
badan oo aan loo baahnayn.
7- Iyadoo isaga loo marmarsiyoonayo waxaa dhib ku
qaba shacabka degen Sool, Cayn iyo Sanaag Bari.
8- Waxaa hadda ka soo horjeestay qaar ka mid ah SRRC
iyagoo ku haysta qodobka 19-naad. Runta markii loo hadlo dadkoo dhan
waxay qireen inay Puntland ahayd meel nabad ah C/hi ka hor. Way ogyihiin
in xittaa haddii Puntland loo daayo dowlad goboleed ayna Soomaali kale
dhib ku hayn laakiin waxay ka dabaakhayaan hadaladiisii BBC-da iyo
iyadoo laga urinayo Amxaarada. Wuxuu kaloo caadaystay in dad kale aysan
muhiim ahayn.
9- Isaga iyo taageerayaashiisa oon wali ka waantoobin
in ay iska daayaan Diinta iyo dadkeeda. Waxaan xasuusanaa in maalmo ka
hor taageerayaasha C/hi ay Booliiska iyo ciidanka sirta ee jooga
Garoonka Caalamiga ah ee Jomo Kenyetta, Kenya usheegeen in tartamaha ka
socda Puntland Al-Xaaji Maxamed Yaasiin uu argagixiso yahay.
10- C/hi oo dhaqaalihii Puntland ku khasaariyey RRA
iyo SRRC oo uusan maanta waxba ka hayn, maxay Punltand ka sii dheefaysaa
hadduu mideeyo dadkii ka soo horjeeday oo dhan sida shirkii shalay ka
dhacay Xamar? Haddii C/hi Puntland u mideeyo C/Qaasim, Muuse Suudi,
Barre Hiiraale, Aadan Madoobe & Xaabsade, Cumar Jees, C/Risaaq Biixi.
Sidoo kale ay ka soo horjeedaan Qanyare, Mowliid Macaane, Puntland qayb
ka mid ah iyo waliba qaar SRRC ah oo ku haysta qodobkaas. Sidoo kale
Riyaale halkaas buu u fadhiyaa.
11- C/hi oo aan hal ceel, iskuul, isbitaal aan ka
samayn magaaladiisii, maxay ka dheefaysaa haddii uu intaas oo cadow ah
usameeyey?
12- Dadweynaha Puntland ma noqon karaan qaar uu isagu
dilo iyo qaar dartiis loo dilo?
13- Waad maqlaysaan hadalada Feysal Cali Waraabe ee
uu leeyahay Muuse Suudi iyo qab-qablayaasha Xamar ha yimaadeen Hargeysa
isagoo leh ku xumee C/hi. Horta dadweynaha Sool, Cayn iyo Sanaal Bari ma
jirto waxay ka baqaan ilayn nin khasbi kara malaha. Iska daa Puntland
waxaan raali ka ahayn dadka Xamar jooga in uu Riyaale soo weeraro
laakiin inta C/hi meesha joogo wax wanaag ah ma soo socdaan. Dadka
degaankaas jooga looma baahan inay u jawaabaan Feysal Cali Waraabe iyo
wax la mid ah, waxaa mas’uuliyadu saarantahay wixii “Puntland”
horboodaya. Hadda C/hi isagaa laga rabaa inuu dadkaas difaaco oo dhibta
damiyo.
14- Si ay ukala tagaan qab-qablayaasha is aruursanaya
waa in C/hi iyo Moorgan socdaan, oo talo malahee la yiraahdaa nadhaafa
marka kuwo xaaraanta ku heshiiyey oo hadda Xamar jooga iyagaa ukala
tegin sidii ay awal ahaayeen. Waxaana Soomaaliya xukumaya qofkii la
yimaada wanaag iyo caddaalad. Puntland hadday inta nimankaas waxaa
dhigay cayriyaan ay la yimaadaan qof kale oo sidoodii hore ku soo
noqdaan dad nabad iyo Soomaali diyaar u ah, ma jirto cid u diidi karta
hogaan Soomaaliyeed.
15- Shakki wuxuusan iiga jirin in haddii aad C/hi is
dhaafisaan ay qabqablayaasha kale idiin ku garaabi doonaan in Puntland
dowlad ama maamul wixii lagu sheegaba aysan Soomaaliya dhib u keenayn.
Marka waa shacabka waxay ku xirantahay in ay keensadaan hogaamiye kale
oo Soomaaliya ka gadmaya sida C/Risaaq Xaaji Xuseen oo kale ama ku –xigeenka
C/hi waa Maxamade Cabdi ama Al-Xaajiga Maxamed Yaasiinka hadda isa soo
taagay ama qof kale oo aan horay dambi uga oolin.
16- Runtii talooyinkaan aan reer Puntlandoow idin
siiyey, Soomaalida kale waa igu qabsan karaan oo waxay dhihi karaan
maxaad reer tolkaa kaliya nasteexada ugu khaas-yeeshay laakiin jawaab
iyo cududaar baan u hayaa. Marka hore ceeb ma leh in qofku dadka u xiga
ku bilaabo wanaaga khaasatan markaadan madax ahayn. Tan labaadna ma lihi
cid dila oo booba ee waxaan leeyahay wax noqda oo keena nabad iyo
caddaalad. Tan seddexaad oo u baahan in la ilaaliyo waa dhaqanka
Soomaalida oo haddaad isku daydid in aad qabiil kale wax u sheegto waxaa
laguu qaadanayaa in aad qabyaalad uga danleedahay inkastoo mar mar ku
rido Somaliland iyo kuwa kalaba.
17- Hadday reer Puntland taladaas diidaan bal aan
aragno meeshay arrintu ku dambayso.
18- Puntland-ta uu C/hi ka naxayaa oo uu rabo inuu
difaaco miyeysan ahayn tuu lahaa Shimbiraale iyo Gaalkacyo waxaa jooga
argagixiso sidoo kale isagoo xukuma Galdogob iyo Bacaadweyna BBC-da ka
lahaa waxaa ku yaal hogog argaxiso lagu tababaro?
19- Marka haddadaan aan joogno C/Qaasim iyo C/hi kee
khasaaray (loser) ah? C/Qaasim wali Dooxadii Jubba waa raggiisii waxaa
usoo kordhay Muuse Suudi, RRA, Cumar Jees, C/Risaaq Biixi iyo rag kale
halka C/hi uu helay labo eber oo aan wax u kordhinayn waa Xasan Abshir
iyo Deeroow. Eberku kii qof eber ah maahan ee waxaan ka wadaa ma
haystaan garab hubaysan oo lagu xisaabtamo. Waxaa dhici karta in qaar
reer Puntland ah leeyihiin waan ognahay in aan eberku wax noo kordhinayn
laakiin waxaan ognahay in haddii eberka wax lagu dhufto uu waxaas oo
dhan eber ka dhigo marka eberka waxaan u istimaalaynaa inaan
qabqablayaasha kale ku dhufano oo waxoo dhan eber soo baxaan. Tusaale
ahaan Mbagathi X 0 = 0 laakiin waxay leeyihiin mar haddii Cabdullaahi
noo joogo dhib ma qabno. Haddaan xisaab ahaan u qorno waa C/hi + 0 (Xasan)
+ 0 (Deeroow) = C/hi. Marka maskaxdooda la eego waxba may lumin oo C/hi
baa wali hortaagan! “No more no less”
Gabagabo: haddaan soo niri diyaarad Soomaali dagaal
ma gashooy hadday duushana Afgooye degtooy. Marka C/hi inuu Masaajid
Burtinle ku yaal bomb ku tuuro ama nin caan ah Garoowe ku dilo ama Suldaan
kalabayr ku dilo ama Qardho shicib ku laayo ama Gaalkacyo iyo Galdogob
argagixiso ku sheego maahee inuu qab-qablayaal kale soo jiito ama saaxiibo
siyaasadeed keensado ama madaxweyne noqdo ha uga fadhiyina.
WIBILLAAHI TOWFIIQ