C/Waaxid waa caamo laakiin cadowgiisa waa
yaqaan
Cabdulwaaxid Khaliif
cabdulwaxid@hotmail.com
Asalaamu calaykum.
Ilaahay baa mahadleh. Nabedgelyo iyo
Naxariis Nabi Muxamed korkiisa ha ahaato.
Akhristayaal Soomaalidu waxay ku
dacaayadeeyaan Reex Xamarka in mar wiilal reer Xamar ahi aabbahood
waydiiyeen inta naas ee geelu leeyahay. Aabbihii wuxuu wiilashiisa u sheegay
inuusan kasayn laakiin uu isna adoogiis (iyaga awoowgood) waydiin doono.
Aabbihii iyo wiilashiisii waa israaceen si odayga waynaa loo waydiiyo.
Odaygii markii su’aashii loo sheegay buu ooyey oo yiri haddaan dhiman lahaa
yaa idin sheegi lahaa? Wuxuu yiri geelu hal naas buu qabaa! Wuxuu arki jiray
awr siyaaro loo qalo. Haddii reer Xamar ku haray Soomaaliya oo la waydiiyo
naasaha geela waxaa dhici karta inay dhahaan waa inta dhuumood oo qoriga
shilkuhu (afar dhuumoodku) leeyahay maxaa yeelay waxay la kulmeen qaxooti
iyo dhac iyadoo qorigaas aan sheegnay iyo kuwo kale la isticmaalay.
Walaalkeen Cusmaan Axmed Sheekh markii
loola yimid su’aashii ahayd C/Waaxid ma culimaa mise waa caamo, isagoo wax
ku qora Somalitalk darteed wuxuu yiri ma aqaan ninkaas laakiin aragtidayda
wuxuu iila muuqda culumo caamada ka ag-dhow una janjeerta dhanka caamada.
Marka bal aan qodobbadaan is waydiino:
1- C/Waaxid ma culimaa mise waa caamo?
2- Caalimka iyo caamigu ma isku khaldami
karaan?
3- Isku-lammaanin goobo cibaado iyo
community iyo sidoo kale camal fiican iyo camal xun.
4- Maxaan Diinta u soo daliishadaa
markaan arrimaha Soomaliya ama Puntland ka hadlayo?
5- Fidno ka shaqayn. Fitnadu ma
dhimashadaa?
6- Aflagaado aan Puntland u geestay.
7- Wuxuu C/hi ku sheegay inuu yahay kan
loogu qaato qab-qablayaasha.
8- Dambi la galo kee ugu wayn?
9- SSDF.
10- Qoraaladayda.
Somalia maanta |
Adan Abdulle Osman (Cadde)
Madaxweyne: 1960-66 |
Abdirashid Ali Sharmarke
Madaxweyne: 1966-69 |
Mohamed Siad Barre
Madaxweyne: 1969-91 |
AbdulQasim Salad Hassan
|
Ali Khaliif Galayd
|
Seyid Mohamed Abdulle Hassan |
Dhagax Tuur |
1- Cilmi Diin hadday noqoto, C/Waaxid
waa caamo. Laakiin anigu cadowgayga waan aqaan.
2-Qoraagaa waxaad mooddaa inuusan aqoon
erayga caalim ama culumo maxaa yeelay markuu iga hadlayey wuxuu yiri
waxaan ula muuqdaa culumo caamada ka ag-dhow! Sheekh baa wuxuu xaddiis ka
warshay sheekh kale oo uusan arag. Xaddiiskaas ayaa Imaam la gaarsiiyey.
Imaamkii wuxuu yiri labada sheekh waxaa u dhaxaysa dhul bah-gooyo ah oo
haddii awr loo rarto ay oon u dhiman lahaayeen iyagoon gaarin meeshay
rabeen. Wuxuu ka wadaa labada sheekh is ma soo gaarin oo waxaa udhaxaysa
sanado aysan isku soo gaari karin, xaddiis saas loo weriyeyna saxiix ma
noqdo. Caalimka iyo caamiga waxay isu jiraan inta xidigaha iyo dhulku isu
jiro haddaan garanayo masaafo kale oo ka dheer waan ku mataali lahaa. Ma
filayo inuu walaalkaas qiimo-dilayo culumada laakiin tabartaa intaas
dhigtay. Fiiri markaan ka hadlayo dadkii soo cibaadaystay oo uu xusay.
Marka haddayba isaga kaa khaldantahay culumo iyo caamo waxaan filayaa in
la fahmi karo inay isaga kaa khaldameen dadkii aan haystay iyo dadweynaha
Puntland.
3-Waxay ku fiicnayd inaadan soo hadal
qaadin Masaajid shaafici iyo salaada maxaa yeelay inaad dad soo tukaday oo
Ilaahay soo caabuday ay dhexgalaan waxaysan aqoon u lahayn iyo idinkoo isu
jiibiyey wax aydaan aqoon. Ma ahayn in aad sidii reer Kahaf aad dhex
gashaan arrimo aydaan garanayn. Xasuuso xaddiiskii Abuu Daa’uud wariyey ee
sanadkiisa dacfigu ku jiray markii ninkii dakharku ku dhacay ee isku
junubay uu waydiiyey asxaabtiisii in ay uhayaan daliil uu uga badbaadi
karo qubayska iyo dhaqida dakharkaas waxayse usheegeen inuu ku khasban
yahay inuu qubaysato. Xaddiisku wuxuu leeyahay Nabigu (SCW) wuxuu yiri
Afsoomaali ahaan waa dileen Allaha dagaalee bal may waydiiyaan haddaysan
garanayn, daawada waxaadan aqoon waa su’aasha. Marka raggii wax ku
waydiiyeyna goysay adna uga dartay bal sidii odaygii yiri geelu hal naas
buu leeyahay baad adigoon qajilayn jawaab waafi ah siisay. Waad asiibtay
markaad sheegtay inaan caamo ahay, haddaad Ijtihaad gaartay labo ajar
ayaad heli lahayd laakiin waxaa ishkaal ku jiraa sida culumada iyo caamada
iskaga kaa dhexgaleen. Teeda kale mujtahidku hadduu C/Waaxid la xiriiri
karo oo arrinta waydiin karo looma baahna inuu wuxuu rabo iska sheego.
4-Diintu miyeysan muslimiinta qaban?
Waxaan jeclahay in aan soo daliishado Aayad ama Xaddiis haddii micnaha aan
rabo ka helayo. Diintu soow Adduunyadeena iyo Aakhiradeena kama hadlayso.
Haddii markaan ka hadlayo dhibta ay qab-qablayaashu ku hayaan Diinteena,
dadkeena iyo dalkeena aanan usoo daliishan waxaan Diinta ka aqaan, maxaan
soo daliishadaa? Ma Zenawi sida uu Soomaaliya u arko ayaan soo qaataa? Ma
fiiloosoofiyiinta reer Galbeedku waxay arkaan baan idiin soo bandhigaa?
Awal baa dadka muslimiinta xukuma la dhacsanaayeen in Diinta iyo dowlada
lakala saaro adna ma waxaad rabtaa in dantayda iyo Diinta aan kala saaro?
Teeda kale waxaad soo daliishatay in
niman Diinta aad u yaqaanay ay kala taageereen Maxamed Siyaad iyo Kulmis
iyagoo Diinta ku raadgadanaya. Marka haddii qof Diin yaqaan uu khaladkaas
gali karo maxaad u leedahay qof aadan aqoon waa caamo ama waa sidaas?
Khalad kasta oo Diinta laga galo ma tusayo aqoon la’aan ee waxaa dhici
karta dano kale oo qofka ku khasbi kara arrintaas.
5- Guubaabo kasta fidno ma ahan. Qofka oo
xaqiisa u dhintana fidno maahan. Dib ufiiri Suurat Al-Ukhduud iyo
Xaddiiskii saxiixa ahaa ee wiilka yari rabay in uu u dhinto in dadku
diinta fahmaan. Sidoo kale shacabkii oo dhan baa loo dilay diintii ay
fahmeen. Marka wiilkaas arrintaas sababta u ahaa ma dad buu halaagay? Mise
wuu badbaadiyey?
Haddii aysan Cadde Muuse iyo Cabdi
Yaasiin qaabkaas ula hadal C/hi, maanta nabadaad sheegayso lama arkeen.
Haddaadan fahmi karin waxa loo socdo waxay ku fiicantahay inaad hubsato.
Ma anoo hadda shacabka Puntland kicinaya ayaad aragtay? Sheekadaas waa
dhamaatay laakiin shacabka waxaan leeyahay ha keensadeen qof wax-garad ah
oo ay dadka la hortagaan. Hadday ku dhibtay taladaydii waxaan rajaynayaa
haddii Ilaah idmo inaad arki doontid C/hi oo “Puntland” u huleelay isagoo
hungo ah ilayn ma jirto cid uu ka gadmayee.
6- Waxaan shakki ku jirin in uusan C/hi
kaligiis khaladka lahayn ee ay markasta madaxda iyo dadkeedu isleeyahay.
Sida loo dhaho “kamaa tadiinu tudaan”. Ama neef walba shililkii isku dhigo
ayaa lagu qalaa. Waad ogtahay C/hi inuusan cinqilaab ku qabsan Punltand
sanadkii 1998. Yaa doortay? Miyeysan dooran guurti ay soo xusheen? Dhibtuu
gaysto miyeysan dadkaasi wax ku lahayn? Saasooy tahay maqaalkii aad ka
gubatay waxaan si toos ah oo aan leex-leex lahayn kaga hadlay C/hi, dadka
doomaha leh iyo taliyaha qaybta booliiska gobolka Bari. Ma dhowr qof baa
shacab noqday? Teeda kale guubaabada iyo eedaynta kala baro.
7- Waxaad sheegtay in C/hi yahay kan loogu
qaato qab-qablayaasha. Mahadsanid walaal haddaad xustay khaladka C/hi
leeyahay oo ahaa inuu dacwadda Islaamka ka soo horjeedo. Waxaan ku sii
faahfaahin qodobka ah dambi lagalo kee ugu wayn. Waxaad xustay in uusan C/hi
dadkiisa maahee cid kale dhib ku hayn. Yaa la qaataa qof walaalkiis dilay
iyo mid ina adeerkiis fog dilay? Miyaan gabyaagii oran qayrkiis ka hare waa
ninkii qalay walaalkiise. Ma waxaad leedahay nin hooyadiis qorrax u jiiday
baa aayadiis hoos hariya? C/hi Soomaali wuu dhibay oo isagaa bilaabay
Amxaaro la hoosgalo laakiin ma helin dad kale oo uu xukumo oo aan tolkiis ka
ahayn, iyagiina inuu karbaashay adaa qiray. Diintiina inuu la dagaalay
sheegtay. Marka suuragal ma tahay nin Diintii iyo ehelkiis dhibay inuu
Soomaali wanaajinayo?
8- Dambi la galo kee u wayn? Diinteenu
waxay sheegtaa Shirkiga iyo gaalnimada. Nin culumo ah wuxuu yiri haddii
Diinta loo soo dhigto ku difaac maalkaaga. Haddii dhibtu maalkaaga soo
dhaafto ku difaac naftaada oo Diinta yaan loo tagin adoo nool. Saasaay
culumadu qabaan ee aan u fiirsano waxa carruurtu tiraahdo. Markaan carruurta
ahayn waxaan dhihi jirnay Diintuu caayey wuu gaaloobay. Sidoo kalana dugsi
diidoow dibad wareegoow adaa dulloobaye sida dameeraha hana duufsan. “Maxaad
xilkaas dhallaanku gartay u garanwayday walaal”? Carruurnimadaydii waxaan
aqaanay in qofka diinta caayaa uu dadka ugu daranyahay. Adigu kornaylka oo
aad qirtay inuu Diintii la dagaalay baad tiri isagaa u mudan. Waxaan ugu
tagi doonaa qodabkeeda haddii Ilaah idmo. Hal-abuurrada iyo fannaanniinta
Soomaaliyeed maxay dhaheen? Bal arka heestan. Ugama jeedo inaan idiin saaro
hees lagu qayilo ama lagu raaxaysto laakiin waa xikmad. Wuxuu yiri:
- Sidaan ahay nin gaal oo Xaramaynkii galayoo
- Gubay maalin Ciideed lagu soo gurmaday baad
- Gabi dheer isaartood igu gooni baartee
- Guur ha iga filanine gurigayga ii dhaaf.
Allaahu akbar, Ilaahoow u dambi dhaaf
qofkii tiriyey iyo kii qaaday labadaba. Hal-abuurruhu wuxuu cabbiray in
gaalnimadu tahay waxa u wayn. Wuxuu kasii dhigay gaalkii oo fal gubniin iyo
dil leh ku sameeyey bogcaddii dhulka ugu fiicnayd iyo maalintii ugu fiicnayd,
dabcan bishii mar hadduu maalintii ciidda xussay. Waxaan labo iswaydiinayn
in qab-qablihii diinta iyo dadkeeda ugu cay badani uu yahay kan ugu liita.
Inkastoon caamo ahay waxaan faqiih noqdaa marka aan dad iga caamaysan la
hadlayo. Marka walaalkeen waxaan waydiinayaa waa kee ninka C/hi ka diin
neceb? Ninka intuu cajalad duubay ku sheegay magaaladii ay ehelkiisu
degenaayeen meel ay iskuulada ka jira iyo ganacsiga yaal Al-Qaacida leedahay.
Waxaan marar badan xussaa in Cismaan Caato oo aan dhibkiisa wada naqaan uu
difaacayey Xamar isagoo leh haddii argagixiso joogto Xamar anaa la dagaali
lahaa. Markaas waa loo baxsaday.
Marka C/hi ma isagoo intaas falay buu rabaa
inuu dad muslimiin ah oo Soomaali ah madaxweyne u noqdo? Sidii Hal-abuurku u
lahaa guur ha iga filanine gurigayga ii dhaaf waxaan C/hi ku leenahay
doorasho ha iga filanine Diinteena/geyigeena noo dhaaf.
9- SSDF ma indhahay noo furtay? Maalin baa
wiil uu dhalay Yasiid Binu Mucaawiye usoo galay C/Malik Binu Marwaan oo
Amiirul Muuminiin markaas ahaa. Mid Ina C/Malik ah ayaa wiilkaas Mucaawiye
awoowga u ahaa is murmeen. Marka Ina C/Malik baa yiri “laa yucaddu ciiran
walaa nafiiran” oo ah maahmaah ay Qurayshi soo saartay markii ay Nabiga (SCW)
la dagaalamayeen khaasatan dhacdadii Badr. Qurayshi ninkii aan raacin Cutbah
iyo Abaa Jahal oo ciidanka watay ama aan ku jirin Safarkii Abuu Sufyaan
waxay dhahaan waxba yahay oo dagaalkiina kuma jirin, awrtii iyo safarkiina
kuma jirin bay ka wadaan. Waa meesha Soomaalidu ka tiraahdo B iyo T midna ma
ahan. Wiilkii mucaawiye awoowga u ahaa wuxuu yiri qisadu waxay ku baxday
labadaydii awoowe ilayn Abuu Sufyaan wuxuu ahaa Mucaawiye aabbihiis, Cutbana
wuxuu ahaa aabbaha Hindi oo ahayd Mucaawiye hooyadiis ilayn iyagaa labada
qolo kala hogaaminayey laakiin haddaad dhihi lahayd goosan ari ah iyo oday
la cayrshay/tacziiray oo meel cidlo ah ari ku haysta waad saxsanaan lahayd
ilayn Xakam oo ahaa C/Malik Binu Marwaan awoowgiis ayaa mar loo cayrshay
inuu halkaas aado iyadoo lagu ciqaabayo. Tusaale ahaan qofkii Faadumo iyo
Xasan iyo Xuseen (RC) xussa waa qof Cali Binu Abii Dhaalib xussay ilayn
maskaxdaada wuu ku soo dhacayaa. Marka maahmaahda uu Ina C/Malik soo qaatay
waxay sharaf u kordhinaysaa ninkii uu usoo qaatay ilayn labadiisii awoow
ayaa ciidanka kala watay.
C/Malik oo amiirul Muuminiin ahaa oo meesha
fadhiyey baa xanaaqay markii wiilkiisa la aamusiyey. C/Malik wuxuu akhriyey
aayadii ahayd “Inal Muluuka idaa dakhaluu qaryatan afsaduuhaa ilaa dhamaadka
aayadda”. C/Malik wuxuu ka wadaa haddee wiilku waa ina Amiire iska jir.
Wiilkuu Mucaawiye awoowga u ahaa isna wuxuu akhriyey aayad kale oo ku jirta
Suurat Al-israa oo ahayd “Wa idaa aradnaa annuhlika qaryatan amarnaa
mutrafiihaa ilaa dhamaadka aayadda” oo ah Ilaah leeyahay haddaan rabno inaan
qaryo halaagno waxaan ka yeelnaa kuwooda loo nicmeeyey (madaxda, IWM)
markaasay fasahaadiyaan markaas ayaa cadaabkii ku rumoobaa. Halkaas ayaa C/Malik
iyo wiilkiisii lagu aamusiyey. Hadda waxaan leeyahay qofkii C/hi ama qoraa
kale oo aan radiyey ka xanaaqoow adna waan kuu hayaa jawaabtaada haddii
Ilaah idmo.
Waxaan uga danleeyahay ninka raba inuu SSDF
ii sharxo miyuusan ogayn in ninka sheekada bilaabay waa cinqilaabkiiye uu
yahay Cirro oo ina adeerkay ah sidoo kale meesha ay SSDF joogtay sida
Wardheer,Galaadi, Dhudub iyo Bookhna waa degaankaygii. Waxay ku fiicnayd
inaad xustid meelo kale. Waxaan xasuustaa in ani iyo wiil aan ilmo adeer
ahayn oo Gaalkacyo uga soo tagnay inaan u fakado Kulmis anoon 15 jir gaarin,
in mar aan kubbad ku maqnaa uu ina adeerkay helay cid dhaan wadata oo
fakaday. Laakiin hadda Ilaah baan ku mahadiyaa in uusan halkaa igayn. Waa
ciyaartii iigu fiicnayd ee aan ciyaaray mar hadday C/hi iyo ani iskaaya
dhaafisay. Ehelkayga (xaga abtirsiga) 99% waxay aadeen Kulmis ama awalba ay
degenaayeen. Marka hadday cidi SSDF sharaf ku helayso waxaan noqon lahaa
ninka ugu horreeya ee ka hela. Marka ma waxaad isleedahay qabiil buu ku
haystaa SSDF?
Kacab Binu Maalik (RC) intii aan Towbada
laga aqbalin waxaa waraaq usoo qoray boqor oo yiri isoo haleel anagaa sharaf
kuu haynee oo ka soo tag Muxamed (SCW) iyo liidida lagu liiday. Sidoo Kale
Mucaawiye (RC) wuu diiday inay Ruum uga gargaarto Cali Binu Abii Dhaalib
(RC). Marka ma saaxabadaas baa saxsanaa mise C/hi iyo SSDF?
Marka waxaa halkaas ka muuqata in aadan
fitnaba aqoon haddaad tiri SSDF indhahay noo furtay si loo rido nin
diktatoor ahaa! Hadalkii C/hi baad ku raacday ee ahaa anaa dowladii
Soomaaliyeed riday. Marka waxaba uga dheeraan mayno arrintaas.
11- Qoraaladaydu waxay faa’iido u
yihiin dadkaas aad sheegtay inay yimaadaan community aad magacowday
maxaa yeelay intay qaaraan
C/hi loo aruurinayo ku mushquuli lahaayeen ha
iska mashquuleen hadal hayntayda laakiin ma filayn inay markay soo
cibaadaystaan masaajidka hortiisa ay arrinta ku galaan. Marka arrimo
waxaa jira aan u baahanayn in aad ku waydaan salaadiina sida da’dayda,
inaan caamo ahay iyo in kale, kaliya waxaa idin ku filan inaad e-mail ii
soo dirtaan si aan idin ka shaafiyo. Xittaa haddii sida aad xusteen aad
malihiina ku runsheegtaan waad ku dambaabaysaan. Anigu kolay waan idin
cafiyey sidoo kalana waxaan ka dalbanayaa dadkaan wax u dhimayna inay i
cafiyaan. Marka diinta iyo dadka qofkii faraha la soo gala uga harimaayo
laakiin aniga waxaan ahay qof Soomaalidaas ka mid ah.
Waxaan aaminsanay inaad tahay dadka C/hi
jecel laakiin aan isu qabin inaad jeceshahay oo u baahan in loo sheego oo la
yiraadho C/hi baad jeceshahee la soco maxaa yeelay waxaad sheegtay inuu
Dacwada Islaamka necebyahay oo la dagaalamayo waxaad kaloo sheegtay in uu
yahay kan loogu qaato uguna mudan inuu wax noqdo qab-qablayaasha Kenya jooga!
WABILLAAHI TOWFIIQ.
Assalaamu calaykum
WQ. cabdulwaaxid Khaliif | cabdulwaxid@hotmail.com
AFEEF: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku
saxiixan
Faafin: SomaliTalk.com | Sept 9,
2003
QORAALADII HORE EE CABDULWAAXID
C/laahi Yuusuf ma
laha Puntland ee Dadkaa leh
Waa Jawaab Qoraalkii Puntland:
Tahriibkii Badday ku Tuureen
Guji..
»
CALI-DHUUX iyo
CABDULLAAHI YUUSUF! [Cali Shire]
QAYBTII 2aad: WAA
KUMA CABDULLAAHI YUUSUF?
Qaybta 1aad...
|
Qaybta 2aad...
| Qore: XagarYare | Sept 1
Wada-shaqayntu
Waa Furaha Guusha.. GUJI
|