SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - JAWAAB
SR <---> RC. SR = Soomaali Raac. RC=?

Cabdulwaaxid Khaliif 

  cabdulwaxid@hotmail.com 

 

Asalaamu calaykum.

 

Waxaa dhici karta dad badan oo “Puntland” jooga oo C/hi taageera haddii la oranlahaa noo sheega micnaha iyo ujjeedada SRRC waxaa dhici karta in sidaan ku micneeyaan SRRC = Sii Ra’iisnimada Ruug Caddaaga ama Sii Ra’iisnimada Rajul C/hi. Waxay ku sheegi jireen in ay SRRC-du tahay jaranjar/sallaan uu C/hi fuulayo si arrimaha Soomaaliya looga dambeeyo.

Dhalinyarada loo yaqaan “ciyaal xaafadeena” waxaan uga jeedaa waxaad arkaysaa nin 50 jir ah oo dhowr xaas qaba oo la leeyahay waa ciyaal xaafada ama asagu dadka le’eg ku leh. Runtii waxaa halkaas ka muuqday nolol iska deggen oo ku dhisan is-dhexgal dadweynaha xaafadaha degen iyadoon halkaas qabyaaladda lagu aqoon. Shalaytideenee may Xamar saas iska ahaato. Dadkaasi waxay oran jireen adduunyo fil-basar, aakhirana fil-camal. Horta bal aan fiirino kala jabka xarfaha SRRC. SR = Soomaali Raac. Maxaan ka wadnaa RC? Aniga iyo dadka ila midka waxaan ku sheegi karnaa RC = Raac Cadowgeena. Kuwo kale waxay dhihi karaan RC= Raac C/hi. Taageerayaasha kornaylku waxay orankaraan RC= Ruug Caddaaga. Marka kala doorta in Soomaali la raaco iyo in ruug caddaa la raaco. Qolada RC ku sheegtay Raac C/hi lama fahmi karo qolada ay raacsanyihiin waa la jiifiyaana banaan. Waa siyaasiyiinta la sheego.

Dad badan oo wax ku qora boggagga Soomaalida waxay sheegaan in dadka u dhashay “Puntland” ay Soomaalida harowsan jireen iyagoo ku sheegi jiray in ay yihiin dad aad u badan ilaa ay ka yiraahdeen waxa madaxa madow iyo iyagaa isle’eg. Intooda badan waxay ku sheegeen waxa madaxa madow dadka kale laakiin falsafaadaas si fiican umay fahmin waayo waxa madaxa madoow waxaa ku jiray xittaa idaha. Waxaan shakki ku jirin haddii C/hi iyo Moorgan ay dadkaas sii horboodaan inay la dhihi doono tukkaha cad iyo dadkaas ayaa is le’eg! Ilayn tayo xumo wax ka daran ma leh. Isu fiiri Shiine iyo Yuhuud ama Hindi iyo Jarmal.

Talo ku socota ragga ku haray SRRC

Xuseen Caydiid: Ma aragtay sida dadkaagu u muujiyeen inay yihiin dad muslim ah oon rabin in loo gefo Diinta Islaamka iyo dadkeeda? Miyaadan u jeedin sida aad uga war-wareegayso Xamar? Maxaa kugu khasbay adoo Soomaaliya heli kara inaad Itoobiya ku war-wareegto. Ma wixii aabbahaa waayey baad rabtaa inaad C/hi gaarsiiso. C/hi diid in aabbahaa madaxweyne noqdo in ra’iisal wasaare la siiyo maahee laakiin adigu rajadaas ma qabtid oo haddii aad tihiin SRRC haddii C/hi madaxweyne loo sharraxo adinku ra’iisal wasaare helimaysaan. Markii C/hi taas loo diiday waatii uu isna Salbalaar diiday. Affar arrimood darteed waxa dadku rabo noo yeel:

1. Inaad ka-toobad-keentid af-xumadii aad C/hi iyo adi isku raacdeen ee ahayd in waddanka belaayo joogto oo aad dadkaaga dhinac ka raacdo.

2. Inaad C/hi kibirkiisa jabiso oo aad Puntland u dirto isagoo dullaysan oo hungo ah. Taasi aarid bay u noqon aabbahaa. Haddii kale wixii Caydiid waayey C/hi baa gaari doona.

3. Inaad fashilisid dibindaabyada ay Itoobiya ku hayso Soomaaliya.

4. Wuxuu kornaylku aaminsanyahay inuu isaga kaliyihi wax kala diro. Wuxuu sheegtaa inuu shirkii Qaahira fashaliyey sidoo kale kii Carta inuu isagu carradii dagaandigta ka dhigay.

Arrimahaas darteed waxaan rabnaa inaad is toos ah ugu dhawaaqdid in aad ka baxday SRRC aadna diidantahay in maamul goboleed la aqoonsado.

 

Maxamed Dheere: raali ma ku tahay in Jowhar ay jees tahay oo aan wax laga soo qaadin, dhulka C/hi haystana loo aqoonsado maamul gaar ah. Ma akhriday maqaalada ay soo dirayaan dadkaaga iyo sida ay uga xunyihiin siyaasaddaada ah Amxaaro hoos-gal? Amxaaro-hoosgal maxay Moorgan u tartay? Marka haddaad jago rabto dadkaaga ka doon ee haka doonin Adisababa. Muuse Suudi oo qab-qable ahi wuxuu sharaf ka helay in uu tusay inuu nin xor ah yahay oo barqo cad uu shirka isaga dhaqaaqay. Runtii sumcad buu ka qaaday. Marka adna sidoo kale ka soo bax SRRC. Ogoow dadkaad xukunto marna Amxaaro niyad uma hayaan.

C/hi iyo taageerayaashiisu waxay damceen inay darajo ku gaaraan diin iyo dadkeed caay. Waxaa xaasidnimo u qaadeen qofkastoo daaci ah ama cilmi dalbaya. Marka sidii nin gabyaa ah oo Caraba la sheegay oo uu yiri qofka xaasidka ah waa dabka oo kale oo haddii uu waayo wuxuu cuno isagaa iscuna. Marka haddii Xuseen Caydiid iyo Maxamed Dheere ka tagaan C/hi ma helayo wuxuu isku diro isaga ayaana “stroke” ku dhacayaa. Marka Kenya waxaa loo tagay in la heshiiyo, haddii maamulkiisa uu rabo in loo daayo muxuu meesha ka soo doonay?

“ uddigay oo u digay oo duulka waa loo danleeyahaye

dabada ha iska raacshee bal maan daysto hadalkayga”

Waxaan ku faraxsanahay in isagoo caga-jiidaya uu “Puntland” ku noqdo. Maxay Gaalkacyo ka faa’iidday kornaylka? Ceel, iskuul, isbitaal midna uma dhisin. Waxaa jirta in teleefishinada Talyaaniga u sheegay inuu ka xumaaday iskuul ay Talyaani lacag ku dareen isagoo leh iskuulkii Towxiid baa lagu dhigtaa. Xeradii daraawiishtana ka gaday. Marka haku noqdo oo carruurta, isbitaalka iyo isbartiimada ha ka gatto. Waan ogahay hadduu yiraahdo C/Qaasim baan soo sasabayaaye ii iibiya isbitaalka inay ka yeelayaan.

Waligay waxaan aamminsanaa in C/hi lagula hadlo luuqadduu yaqaan. Waxaa saas yeelay Cadde Muuse ilaa GBP loo ogolaaday inay dadkooda ka midnoqdaan oo cidna saas u fiirin. Reer Mudug ahaan waan leenahay GBP laakiin taayada waxaa loo soo gaabiyaa Golaha Boobka iyo Propagaandada. Golahan waa kuwa marka uu kornaylku dekeno rabo, dadka ku yiraahdaa deked baa la dhisayaa oo xoolahooda moora-duuga, xerada Daraawiishta lacagteediina Moorgan baa Kismaayo ku qaban. Halka Xamar ay ka jiraan xarumo telefishin, raadiyaal, telefoono, joornaalo, carwooyin waaweyn oo dharka, alaabta guryaha iyo wax kasta lagu iibiyo.

Waxaan ku nasanaynaa tix gabay ah oo uu tiriyey Khaliif Shiikh Maxamuud. Wuxuu u tirshay Maxamed Siyaad laakiin waxaa kaga habboon Kornayl Cabdullaahi. Marka qaarbaan ka tagay laakiin waa intii badnayd. Wuxuu markaas la hadlayey SSDF. Hadda ka dhiga isagoo shacabka la hadlaya oo uu gabayga ku jeedo C/hi iyo kuwa la midka ah:

 Ninkii xumaha diidaba hadday …. digi ka yeerayso
Isagoon dambi lahayn haddii …. la iska dabanaayo
Oo dahabadiisii nin kale …. daar u xiranaayo

Idinkaa dantiinii u huray …. dal aad xoraysaane
Idinkaanu daalayn sidii …. duul Malaa’igahe
Idinkaa halkaad doonaysaan …. degeya goor dhowe

Idinkaa dariiqii Alliyo …. Diinta aamminaye
Idinkaa sidii Daayin yiri …. dowga kheyr maraye
Idinkaa Rasuulkii dugsaday …. Daahirka ahaaye

Idinkaa diyaarsaday hubkii …. diiradda la haaye
Idinkaa daruuraha cirkiyo …. daafahaa maraye
Idinkaa cadwowgii idin dayaa ….. dabada taagaaye

Darajada Ilaahay ka badan ….. doogga geedaha e
Nimuu doortay iyo baa ka hela ….. deeqsi geediyahe
Muftiga xaqa daalibaa ….. laga ducaystaaye

Doorroonayaaloow jannaad ….. uwada dareerteene
Xargihii la dayriyo haddaan ….. dayrka laga boodin
Oo aan duqii wali la qaban ….. waan diyeeysnahaye

Inkastood dadaal iyo waddaan ….. doorar sharaf weyn leh
Darar saa’id ah iyo waan jeclahay …... durran carruuraade
Durkiyoo ku sii dara ma foga ….. dowladnimadiiye

Nina looma duurxulo halkuu ….. doog ku leeyahaye
Dhakharrada ninkii geystayoo ….. ina dubaaqaayey
Oo dibadda ina soo tubaa …… daakhilkii jira e

Dumaal seege naagihii hadday ….. da’i ku laabnayde
Sidii bay agoon daacufa ….. ula dareeraane
Sidii bay ilmadu dililiqlayn ….. uga da’aysaaye

Sidii Doollo dhaan loo diray ….. ina dayaayaane
Dabka wax uma saaraan ilaa …… waaga daalacaye
Deg-deg nooga soo gaara iyo …… dooddu waa inaga e

Haddaan diilalyada haysa iyo ….. diifta laga baanan
Dayaceey qabaan haddaan ….. laga daweeynaynin
Wallee labada doololosisho iyo ….. dalowgu waa beene

Afartaas intaan deel ka deyey ….. dirito moow sheegay
Ma daliilshay niman baa ku daya ….. dari cagaag weyne
mid kaloo dardaaranana waan ….. soo dadbahayaaye

Dad-qaadyahow dadkii kula coloow ….. beeni duug malahe
Waa kaa dideen xooggagii …... duub-cadda ahaaye
Goortaad dibnaha marisay bay …… kala dillaameene

Dawacada sideedii haddaad …… doobbo-xiir noqotay
Sidii igarka dayreed haddaad …… duguguflaynayso
Sida daba-caddeeyaha haddaad ….. doolligii marisay

Duqaydaad Afweynoow liqdaan …... lagugu daynayne
Digaag mooddayaa iyo sidii …… darib u boobtaaba
Dib bay kula kharaaraan sidii …... daamurkoo kale’ e

Dillaalkii iyo mallaalkii horaan …… kuugu dowgalaye
Haddii aadan darbayseen shacbiga ….. kuma dukhayneene
Olol kuguma daarneen sidii …… duurka cowska lehe

Dannigaaga xuni waa wixii ….. dowga kaa ridaye
Waa waxaad u dalindaalisaa ….. dulay habaasweyne
Yaa dabinka kaa furin ….. adaa dayrshay nabadiiye?

Dawaaraysayaa iyo sidii ….. diiq u orisaaba
Dub-nax nagama dhowrtid iyo miduun ….. kuu dagiigaxe e
Ha dan-seegin doolaaladii ….. la isu dacareeye.

Kornayl kursigii la isu dacaree.


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

WQ. cabdulwaaxid Khaliif | cabdulwaxid@hotmail.com 

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

 Faafin: SomaliTalk.com | Sept 7, 2003

 QORAALADII HORE EE CABDULWAAXID

 


Wada-shaqayntu Waa Furaha Guusha.. GUJI

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis

mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo  Somaliyed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya. Akhri


 

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD