Maalin ayaa nin dhalinyaro ahi wuxuu ka istaagay masaajid
ay joogeen Axmed Binu Xanbal iyo Yaxyaa Binuu Muciin, waa labadii Imaamme
(RC) kaddib ninkii dhalinyarada ahaa wuxuu yiri “Xaddathanaa Axmed Binu
Xambal wa Yaxyaa Binu Muciin” oo ah waxaa xaddiiskan ii sheegay Imaam Axmed
iyo Yaxyaa, Ilaahay Raxmadiisa labadoodaba ha siiyee, markaasuu Xaddiis been
ah weriyey. Labadii Sheekh midba mid kale ayuu fiirshay oo is yiri mindhaa
isagaa u sheegay laakiin markay arkeen xaddiiska been abuurka ah ayey is
waydiiyeen inuu ninkaasi kan kale ka maqlay. Waxaa caddaatay inuu ninku been
sheegayo. Markuu dhamaystay ayey labadoodii ninkii utageen oo ay dhaheen
waxaan nahay Axmed iyo Yaxyihii aad Xaddiiska ka werisay ee goormaad naga
maqashay? ninkii inta qoslay buu yiri waligay ma arag labo Sheekh oo idin ka
doqonsan! Wuxuu yiri imisa Axmed Binu Xambal iyo Yaxyaa Binu Muciin baa
jirta?
Hadda waxaan ka baqayaa ninkaas is-bar-bar-dhigay
Cali-Dhuux iyo C/hi in Cali-Dhuuxa uu sheegayo uusan ahayn kaan naqaanay ee
uu ka hadlayo mid kale!
Haddaad rabtid inaad nin door ah noqotid, boqolaal wiil
oo day-day ah darays u gali oo dheh habraha diricyadooda iisoo daf, qofkii
diin sheegana ama nabaddoonkii warkayga diidana dil. Kaddib adaa dadka u
sarreeya waxaadna arki kuwa aadan dirsan oo leh nooloow maddaaloow. Ha la
yaabina ninkaan C/hi halkaas gaarsiiyey. Soow maynaan arag Waaberi ama
Heegan oo Maxamed Siyaad ammaanaysa? Ammaantii madaxweynihii hore ma ku
noqonayey wax uusan ahayn? Hadduu rabo kan allifay ma jeclayn Maxamed Siyaad
laakiin calafkii ayaa halkaas ka galay ama wuu ka baqay ama isaguu islahaa
waji kaga raadi. Toloow qoraagan maxaa ku khasbay?
Waxaan xassuustaa kuwo markii C/hi Boosaaso laga soo
cayrshay dacaayadayn jiray oo markuu dib ugu noqday ammaan ugu bedelay.
Dhaqso badanaa! Si kastaba ha ahaatee bal aan wax ka niraahno maqaalkiisa
hadday ku cibro qaadanayaan taageerayaasha C/hi ee safka ku soo jira.
Yaa maqlay Cali Dhuux oo Diinta Islaamka iyo dadkeeda wax
ka sheegaya ama gumaysi ammaanaya? Ogaada Cali-Dhuux wuxuu joogay Berbera oo
Ingiriis haysto isagoo Sayidka isa soo qabteen oo ka soo fogaaday.
Cali-Dhuux gabayadiisa wuxuu ku lahaa:
-
Dambi inuusan iga raacahayn waxaa u daliilkii ah
-
Dhinacayga ma aan saari karo dhuxulo naareede
-
Oo dhagaxan qaad iyo adeeg gaaladaa dhihine
-
War in meesha lagu doorsanyahay waxa u daliilkii ah.
Cali-Dhuux wuxuu durayey Islaanimada Sayidka markuu lahaa:
-
Allaahu Akbar Eedaanku waa kaa afkiyo beene
-
Ashahaaday gaalkuba waase ehlu naarkiiye
-
Ubbo wayso waan kugu arkaa agab salaadeede
-
Eedaana waan kaa maqlaa oogta waaberiye
-
Ashahaada beenloow maxaa aaho kugu aasan
-
Hadduu uurka kaa jiro wardigu kaama orodneene.
Cali-Dhuux wuxuu Sayidka ku lahaa haddaad tahay ruux
muslim ah oo qumman oo ka dhabaynaya shiikhnimada aad sheegatay iyo wardiga
aad haysid kaama cararneen. Waakaas sidoo kale gaalada ku yiri waa ehlu naar
iyo inay dadka ku shaqaystaan. Muxuu C/hi ka yiri Amxaaro? Waa walaalaheen?
Cali-Dhuux Ingiriis oo uu marti u ahaa ma oran waa walaalahay.
Cali-Dhuux wuxuu ahaa nin dowgiisa yaqaan oo dantuu lahaa
gaara oon ballanta ka bixin. Hashii markii loo waraabin waayey waatuu tixdii
yarayd ku dhuftay. Markay sii juqa-juqeeyeen ooy damceen inay dhahaan waxba
maad sheegin waatii beytkii gabayga ahaa yiri oo ay islamarkiiba inta Ilaah
ku dhaarsheen dhaheen ha marin gabaygaas, hashana waan kuu waraabinaynaa.
Isna waatuu yiri haddaan maqlo beytkaas, gabayga waan dhamaystirin halka
C/hi isagoo wax walba isu saaranyihiin isagu iska kala daadsho oo diin iyo
dadkeed caydeed usoo istaaga oo inay muslimiinta Soomaaliyeed ku dirto
maahane aan wax usoo kordhinayn. Waxaad mooddaa in uu C/hi ku sifoobay
baytkii uu Khaliif lahaa: waxaad tahay nimaan marin aqoon mooshinkuu rabaye.
Cali-Dhuux wuxuu ahaa nin gar-qaata haddii laga gar helo.
Waad ogaydeen markii Qamaan soo gabyey in Cali-Dhuux gabaygii ka xirmay
maxaa yeelay Cali-Dhuux ma ahayn nin iska hadla ilaa rag kale oo soo gabyey
ay boos siiyeen. Sidoo kale mar abaar xun ku dhacday Salaan Carrabeey iyo
tolkiis ayaa Cali-Dhuux loo sheegay in ay soo arkeen Salaan Carrabeey oo
hilib qalaya oo iibinaya. Cali-Dhuux wuxuu soo aaday inuu Salaan u gabyo.
Cali-Dhuux wuxuu rabay in inta uu salaamo, markuu Salaan Carrabey salaanta
celiyo uu Cali-Dhuux gabayga bilaabo laakiin Salaan Carrabey waxgarad kale
ayuu ahaa oo wuu ogaa danta Cali-Dhuux. Salaan Carrabey isagoon salaantii
radin ayuu gabay bilaabay uu ku lahaa:
-
Daaroodku bari suu ahaa loo dad-qalatoowye
-
Kafadihii dalooliyo mindaa daabka lahayaaye
-
Nafta dooji mooyee xarrago laga dawaareeye
Cali-Dhuux gabayguu ku talo-galay wuu daystay maxaa
yeelay wuxuu u qiray Salaan inuu yahay halyeey is-difaacay. Cali-Dhuux wuu
tirinkaray gabayga laakiin raggaasi ma ahayn kuwo iska hadla waxay yaqaaneen
caddaaladda oo qofku hadduu karti la yimaado way uqiri jireen. C/hi ka
warrama? Qab-qablayaasha ka soo horjeeda muxuu ku dhahaa? Heer wuxuu gaaray
uu ku caayo inay wadaado yihiin iyo Al-tixaad halka uu Cali-Dhuux Sayidka ku
tuhmayey diin la’aan. Ninka saas u ba’ay in Cali-Dhuux la horkeeno waa
dhibaato. Taageerayaasha C/hi waxay ogyihiin in Cali-Dhuux iil ku jiro oo
aysan jirin cid u doodaysa.Teeda kale Cali-Dhuux waxaa u qiray inuu geesi,
halyeey iyo abwaanyahay raggii ay is hayeen. Waxaan ahayn guubaabo iyo isku
dir oo Cali Aadan laga sheegay lama hayo.
Aan usoo galno maqaalkii taageeraha C/hi

C/Laahi Yuusuf Axmed |
Berigii hore waxaa jiray dad dagaal-yahan ah oo marka waranka lagu soo
tuuro inta iska babco oo qabto dib ugu tuura ciddii soo gantay marka waxaan
rabaa in maqaalka ninkaas, qodobbadii uu C/hi ku ammaanay aan dib ugu cesho:
1.
Inuu yiri C/hi wuxuu Puntland u doortay
wasiiro xun/liita ilaa uu yiraahdo wasiir ku-xigeenka warfaafinta maahee
intooda kale mid la qaato ma leh. Aad buu umahadsanyahay walaalkaas
laakiin waa sida loo dhaho ii sheeg saaxiibkaa aan kuu sheego waxaad
tahee marka qofkii raba inuu ogaado khibrada C/hi ee xaga maamulka iyo
wuxuu galo iyo gudo ha fiirsho wasiirradiisa.
2.
Wuxuu yiri C/hi waa halyeey oo Carta ayuu u
diiday inay dowlad noqoto sidaas darteed waa halyeey. Dhib ma leh
laakiin Muuse Suudi ayaa si toos ah C/Qaasim ula dagaalay kuna khasbay
inuusan Xamar xukumin marka Muusana ma halyeey baa? Haddii uu qoraagu u
ogolaado in Muusana halyeey yahay, maqaal kale ayaan ka soo qori doonaa
haddii Ilaah idmo.
3.
Wuxuu kaloo yiri Puntland waxaa loo yaqaan
madax-ka-nool! Dad waxaa jira la yiraahdo dameeri dhaan raacday oo aan
fahmin Afsoomaaliga ama waxa waaqica ah. Samaanta iyo xumaanta makala
saari karo. Waxaad isleedahay madax-ka-nool yaa u sharraxay.
Madax-ka-nool waxaa laga wadaa C/hi waa diktatoori oo tiimbaraha iyo
waraaqa wuxuu ku qaataa boorsada mana ogola in wax la qabto isagoo maqan.
Hadduu qoraagu warkayga fahmi waayo imisa jeer baa C/hi Kenya looga
yeeray? Xittaa hadduu maqanyahay lacagta faalsada ah ma qaybsankaraan.
Waad ogayd in uu diiday in uu meel mariyo wareegtadii madaxweyne
ku-xigeenka markuu bedelay wasiirka Maaliyadda. Soow warqad kama soo
qorin isagoo Nairobi jooga uu leeyahay cidna wax ma bedeli karto anoo
maqan laakiin waxaan la yaabay media-ha C/hi waxay soo qoreen warqadii
Puntland ee xafiiskiisa. Waxaa dadkii garteen in uu boorsada ku qaato.
Waatii C/hi Kenya ka soo duulay oo uu yiri yaa ku yiri arrintayda faraha
la gal oo xaaladu meel xun gaartay. Marka madax-ka-nool waxaa ammaan u
qaba qofkii maran laakiin waa macangagnimo iyo kaligi-talisnimo. Bal aan
fiirino su’aal uu qoraagu is-waydiiyey:
“Haddaba su’aash u waxay tahay maxuu Cabdullahi madaxda
ugu dhigay kuwa aan masuulayadooda gudan karin?”
Marka anigu waxaan isaga waydiin maxaad C/hi madax uga
dhigateen? Marka C/hi ka caansan qof dhibaatadiisa la tiriyo waqti badanna
ku lumin mayno. Waxaa fiican taageerayaasha C/hi inay afkooda iska haystaan
oo aysan ninkaas dhib iyo in arrimihiisa la galo usoo jiidin. Hadday afkooda
haystaan waxaa dhici karta inaan ka yarayno qoraalada.