Sheeko Xariirta Xagar Yare
Cabdulwaaxid Khaliif
cabdulwaxid@hotmail.com
Asalaamu calaykum.
Odayaal Soomaaliyeed oo
geed ku sheekaysanaya ayaa waxaa ku soo orday wiil uu dhalay oday meesha
fadhiyey. Oday caaqil ah oo meesha fadhiyey baa yiri war ninkii wiilkaas
dhaloow qabso oo ka hor tag. Odaygii wiilka dhalay waa is-adkeeyey. Wiilkii
inta raggii soo dul istaagay buu yiri aabbe hooyo waxay ku leedahay kaalay
ciirta noo bixi! Odaygii taladiisa la diiday inta is-haaraamay buu yiri uf
maxaan lahaa. Runtii ciir bixintu ceeb maahee waxaa jira wax curfi iyo caado
ah oo u baahan in la tixgeliyo.
Maahmaah Ingiriis ah baa
oranaysa “teach one’s grandmother to suck eggs” waxaa la isticmaalaa markii
qof uu rabo inuu wax usheego dad arrintaas si fiican u yaqaan oo ay dhici
karto inay isaga ka badiyaan. Xagar Yare wuxuu rabaa inuu C/Risaaq Xaaji
Xuseen, Maxamed Abshir Haamaan iyo dad la mid ah uga sheekeeyo taariikhda
C/hi. Dhib ma leh hadduu Xagar Yare rabo inuu isticmaalo Xaddiiskii ahaa
“sadaqaka wahuwa kadduubun” oo uu Nabiga (SCW) Abuu Hurayra (RC) ku lahaa
shaydaanku markaan run buu kuu sheegay laakiin waa beenaale xeel dheer.
Marka hadduu Xagar ka wado in kornaylku mar ama labo waxqabtay sidii
dagaalkii Xabashida laakiin dhibtiisa, khiyaamadiisa, dabo-dhilifnimadiisa,
diin-nacaybkiisu ay aad uga badantahay arrintaas wuu ka hadli karaa. Anigu
waxaan aaminsanahay waxa Xagar Yare lasoo xiimayo inay tahay tii odaygu
lahaa war wiilkaas naga qabta. Waxaan filayaa inuu Xagar halkaas la soo
istaagi doono in C/hi halyeey yahay oo uu u qalmo in madaxweyne loo doorto.
Akhristayaal Xagar Yare
wuxuu noo sheegay inuu wariye ahaa. Hadda wuxuu ka hadlayaa maahan ra’yi.
Qofku markuu ra’yi ka hadlayo khasab kuma ahan inuu arrinta siday tahay u
cabbiro. Waxaan ka wadaa uma baahna inuu dhacdooyinka siiyo taariikh ama
meel. Waxaa ku filan inuu xusso sawirka guud. Xagar Yare wuxuu soo wadaa
waxa Ingiriiska lagu yiraahdo “biography” oo Soomaali ahaan ah taariikh
nololeedka qofka inkastood mooddo in Soomaalidu ay taariikh nololeed
isticmaalaan markuu qofka dhinto. Haddii sheekadu saan ku socoto waxaa lagaa
rabaa inaad soo bandhigto taariikhda iyo shakhsiyaadka sheekadu ku socoto.

C/Laahi Yuusuf Axmed |
Waagii Kulmis la joogay ayaa la sheegaa in
dadka qaarkiis ay kaarayaasha (tanks) iyo baabuurta gaashaamaan isku dhajin
jireen oo ay dhihi jireen waa tankigayagii ama beebeegayagii! Micnaha
annagaa qaybtan ama ciidankan u badan. Soomaaliya lafteeda waa lagu xaman
jiray. Xagar Yare waxaad mooddaa in caqligaas laftiisii uu isticmaalayo
markuu ka sheekaynayey cinqilaabkii. Wuxuu xussay in Cirro uu la xiriiray
C/hi oo uu yiri cinqilaabku wuxuu noqon doonaan mid aan dhiig ku daadan ee
isa soo diyaari si aad Maxamed Siyaad u bedesho. Xagar yare labo weerood oo
kala duwan buu kakala dhigay. Maxaa arrintaas ka jira?
Horta in Cirro ka
dhalinyaraa C/hi shakki ma leh. Sidoo kale C/hi waa uga horeeyey ciidamada.
Inkastoo labo gaashaanle sare ahaayeen yaa markaas jago ahaan sarreeyey?
Kollay dadkii Cirro yaqaanay waxay sheegeen inuu ahaa nin aad u maskaxbadan.
Waqtigaas Cirro wuxuu kusoo dhowaaday hogaanka sare ee ciidamada qalabka
sida. Madaxweynuhu waa yaqaan ninkii uu naftiisa uga baqay. Waxaa la sheegaa
inuu la yaabay sumcada Cirro ku yeeshay ciidanka dhexdiisa iyo booskuu
gaaray iyadoo ay joogaan boqollaal sarkaal oo ka sarreeya kana waaweyn.
Waxaa la sheegaa inuu u diyaarshay inuu noqdo safiir si uu uga dheereeyo
ciidamada. Maxamed Siyaad nin caqli badan buu u ahaa wuxuu gartay in Cirro
ahaa mar soo bax.
Cirro hadduu rabo inuu cid
hoos joogo Maxamed Siyaad buu hoos joogi lahaa. Cinqilaabka markuu
samaynayey uma sheegin C/hi mana oran kaalay oo waraaqahaaga soo qaado si aa
waddanka u xukuntid. Sidee qof warriye soo ahaa warar aan sal iyo raad toona
lahayn u sheegi karaa. Xagar hadduusan warkayga rumaysan ha waydiiyo Moorgan
oo markaas cinqilaabka fashiliyey. Maxaan Soomaalida kale u cayrsanaynaa
haddaan dhib kasta oo Soomaaliya inagu bilownay. Boqortooyadii Hobyo maxay
noo keentay? Yaa C/Rashiid dilay? Yaa cinqilaabka Xamar ka riday? Yaa
cinqilaabka fashaliyey? Moorgan. Yaa bilaabay jabhadii ugu horaysay ee
Amxaaro hoosta ka gasha? Yaa Soomaaliya in aragagixiso joogto sheegay? C/hi.
Yaa hadda leh ciidamo shisheeye waddanka hala keeno oo waxaan siinaynaa
magaalo ay kusoo degaan oo ah Gaalkacyo? C/hi iyo cawaantiisa.
Waxaad ka garanaysaa
inuusan C/hi cinqilaabka la socon sida ka muuqata sheekada Xagar in taar loo
diray. Xagar wuxuu ku sheegay in taarku u qornaa C/hi naagtaadi waa dhicisay!
Waa waxaan u lahaa taangigayaga, shilkahayaga. Xagar wuxuu ka dhigayaa in
Cirro C/hi u shaqaynayey. Waxaa dhici karta in ninkii taarka diray uu joogo.
Anigu waxaan u maqlay in uu taarku ahaa C/hi hashiinii waa dhashay waana
dhicisay. Isagoo ka waday cinqilaabkii Cirro markii hore waa guulaystay
markii dambana Moorgan baa fashiliyey. Xagar wuxuu arrintii ka dhigay wax
C/hi iskalahaa oo wuxuu ku matalay xilihiisii. Bilo ka hor taageerayaasha
C/hi waxay aaminsanaayeen in Maraykan Soomaaliya C/hi udhiibi doono. Waxaad
isleedahay warka yaa siiya.
Dad baa C/hi u haysta inuu
yahay geesi. Maxay ku dhacday isagoo intaas oo ciidan ah haysa oo ay
saraakiisha u badanyihiin dad dhalasho ay isku dhowyihiin inuu Kenya u
cararo oo uu Moorgan oo xoogaa ciidan ah Xamar ku haysta uga baqo. Waxaa ku
dhacay sas iyo ka fajiciso. Waa markaas marka la ogaado waxa qofku yahay.
Cirro marna kama filan inuu Moorgan dhabar jabinayo xisaabtiisiina si fiican
bay ugu fushay markii hore.
Akhristayaal Xagar wuxuu
nagu khasbay inaan waxyar ka xusno Cirro.Inkastoo Cirro kursi doon ahaa
haddana muu rabin inuu dhiig daadsho waxaa qorshaha ugu jirtay hadday u
toosto inuu sidii Maxamed Siyaad ku qabsado cinqilaab aan dhiig ku daadan
laakiin taasi ma dhicin oo dad door ah baa ku dhintay. Cirro wuxuu
qab-qabtay saraakiishii Maxamed Siyaad kuwoodii ugu sarreeyey qaar ka mid ah
oo ku jiro Cumar Xaaji Masale oo muddo yar ka dib noqday wasiirka
Gaashaan-dhigga iyo kuwo badan laakiin guri buu ku xiray mana dilin halka
C/hi uu C/Raxmaan Caydiid iyo Iikar ku dilay isagoo Adisababa jooga oo xitaa
aan tuulo haysan. Cirro waxaa cinqilaabka kula jiray saraakiil da’yar oo
aysan isku qabiil ahayn. Run ahaantii Ilaah baan Cirro la doonin kursigaas.
Marka C/hi waxaa ku fiicnayd inuu ku cibro-qaato in kurisga Ilaah bixiyo oo
aan wax aan laguu qorin uusan qofku helin. Sidoo kale waxaa la sheegaa in
Cirro uu maxkamada ka qirtay inuu isaga kaligiis dambiga leeyahay ee
saraakiisha kale uu amar siiyey aysana dambiga wax ku lahayn halka C/hi reer
Gaalkacyo iyo dukaamadooda ku sheegay dad argagixiso ah.
Marka Xagaroow waxay ku
fiicnayd in warkaagu kugu jiro oo aadan banaanka isa soo dhigin. Miyaadan u
jeedin qof kasta oo Soomaaliya, Waqooyi iyo Koonfurba in C/hi iyo
khiyaamadiisa la hadal hayo. Haddaad wariye tahay miyaadan xassuusan
cajaladii ay Gaalkacyo ka duubeen? Marka waan ku sugaynaaye ee banaanka isa
soo dhig. Soomaalidu waxay tiraahdaa Qur’aan alif ka qaloocday Al-Baqra kuma
tooso. Marka qaybtii koowaadba haddaad been iyo dacaayad C/hi ku bilowday
yaa kaa akhrisanaya.
WQ. cabdulwaaxid Khaliif | cabdulwaxid@hotmail.com
AFEEF: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku
saxiixan
Faafin: SomaliTalk.com | Sept 3,
2003
QORAALADII HORE EE CABDULWAAXID
QAYBTII 2aad: WAA
KUMA CABDULLAAHI YUUSUF?
Qaybta 1aad...
|
Qaybta 2aad...
| Qore: XagarYare | Sept 1
Wada-shaqayntu
Waa Furaha Guusha.. GUJI
|