SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - HARGEYSA

 Xisbiga Caddaalada  iyo Daryeelka (UCID)

Hargeisa, Somaliland

BAAQ

Waxaa yaab noqotay in muddo saddex iyo toban (13) sanadood ah lagu maaweelinayey shacbiga Somalia (Italian Somalia) in mujtamaca caalamka iyo dawladaha qaarkood dawlad Soomaaliyeed u dhisi doonaan taas oo maamulkeeduna gaadhsiisan yahay Jamhuuriyadda Somaliland.


Faysal Cali Waraabe
Gudoomiyaha Xisbiga UCID

Fikradaas oo ay horseed ka yihiin hadhaagii Afweyne oo u arka jiritaanka Somaliland inay hordhac u tahay cadaalad ka sameysanta dhulkii hore loo odhan jiray Jamhuuriyadda Dimquraadiga Soomaaliyeed, isla markaasna cadaaladda la hor keeni doono gacan ku-dhiiglayaalkii ka dambeeyey xasuuqii shacbiga rayidka ah ee reer Somaliland iyo burburintii magaalooyinka Somaliland.

Si loo sameeyo dawlad ku sheeg dibedda lagu soo dhoobdhoobay, waxaa la qabtay 14 shir oo loogu magac daray dib-u-heshiinta Somalida kuna baxday balaayiin Doolar oo kii u horeeyey 1991 iyo kii u dambeeyey lagu qabtay ee 2000ka lagu qabtay Jabuuti kaas oo 80% ergooyinka ahaayeen dadkii loo tirinayey xasuuqii reer Somaliland. Intuba sidaad ka dheregsan tihiin waxay ku dhamaadeen guul darro, waxaa aan sir ahayn in dhammaan shirarkaas ka qayb galeen shakhsiyaad dhuuni raac ah oon cidna matalin ee dhalasho ahaan keliya ka soo jeeda jamhuuriyadda Somaliland.

Shirka 14aad ee hadda ka socda dalka Kenya ilaa bishii October 2002 wuxuu u eg yahay inuu ka duwan yahay kuwii hore marka la eego mudada halka sano ee uu socday iyo khatarta dagaal ee uu xambaarsan yahay, waxaana la odhan karaa waa shirkii dib-u-abaabulka dagaal sokeeye oo cusub.

Xisbiga Cadaaladda iyo Daryeelku (UCID) waxa uu arkaa inuu dagaal sokoyee yahay lama huraan (inevitable) marka la eego laba arrimood oo shirkani hirgelinayo:

1. shirkan oo ka leexday siyaasadiisii hore ee ahayd inuu ku ekaado dib-u-heshiisiinta qabaailka konfurta Somaliya iyo maamul u sameyntooda hadana bilaabay isagoo raali gelinaya shakhsiyaad in Jamhuuriyadda Somaliland lagu daro shirkan gebagebada ah iyada oo la bixiyey todobaatan (70) casuumadood oo sida la sheegay loogu talo galay shakhsiyaad habqan ah oo u dhashay Somaliland oon cidna matalin. Taas, Xisbiga UCID wuxuu u arkaa in la minjaxaabinayo jiritaanka iyo dhismaha Jamhuuriyadda Somaliland horseedi kartana dagaal lagu hoobto.

2. Waxaa iyana soo shaac baxday in Cabdilaahi Yusuf sameystay MAP uu ku sheegay maamul goboleedka PUNTLAND oo ay ka mid yihiin saddex gobol oo ka tirsan Jamhuuriyadda Somaliland iyo weliba Gobolka MUDUG oo ka tirsan Somalia rabana in shirka Nairobi u ansixiyo isaga oo ka duulaya Article 19 ee charter lagu sameeyey Kenya.

Haddaba, Xisbiga UCID wuxuu arkaa inuu dagaal dhuleed oo la mid ah kii BOSNIA uu ka bilaabmi doona Dalkii la odhan jiray Jamhuuriyadda Dimquraadiga Soomaliya, Somalilandna xaq u leedahay inay daafacdo midnimadeeda iyo xuduudaheeda caalamiga ah ee ku qeexan AU Charter ee ilaalinaya xuduudihii mustacmarku Africa ka tegey sida xuduudaha u dhaxeeya Ethioipia iyo Somaliya, Kenya iyo Somaliya.

Xisbiga UCID waxa uu qabaa inaan Koonfurta Somalia ( Italian Somalia) u baahnayn dawlad ku-sheeg dibedda laga soo dhoobdhoobay dantoodu iyo noloshooduna ku jirto inay dhexdooda ka heshiiyaan, laguna maaweelin midnimada Soomali weyn waa muqadas. Waxaan beesha caalamka u sheegaynaa in Somaliland hadiyad lagu helin ee lagu helay halgan dheer oo loo huray naf iyo maal hadana loo diyaar yahay in lagu daafaco madax banaanta Somaliland naf iyo maal.

Waxaan xasuusinaynaa qabqablayaasha dagaal ee Konfurta Somalila in shacbiga Somaliland yahay kii dawladii Afweyne sidii xabad beed ah dhulka ku dhuftay, iyaga oo weliba laga haysto magaalooyinkoodii. Waxaan uga digeynaa beesha caalamka inay taageerin shir keeni doona dagaal , qalalaase iyo burbur saameyna ku yeelan doona dhammaan dalaka geeska Afrika.

Si looga badbaado fidmada ka soo socota shirka Kenya waxaa Xisbiga UCID ugu baaqaya sidii loo heshiisiin lahaa Beesha Hawiye oon u aragno furaha dhameystirka dhibaatada koonfurta Somaliya. Waxaan shacbiga Koonfurta Somaliya u sheegeynaa in madax banaanaanta Jamhuuriyadda Somaliland waxtar mooyaane aanay waxyeelo u lahayn, Shacbiga Somalilandna aan qasab koonfur loogu sanduleyn Karin, ictiraafkeedana aanay is hortaagi karin dad cuqdada ka qaba sida labada wiil ee ILMA SAMATAR.

Xisbiga UCID waxa uu shacbiga reer Somaliland u sheegayaa in wanaageeni keenay in dhulkeenii badh loo sameysto khariidado aduunkana laga sharciyeysto, taas darteed, waxaa loo baahan yahay in loo diyaar garoobo, sidii loo daafici lahaa midnimada dhulka Somaliland ( territorial integrity of Somaliland) ishana lagu hayo waxa ka socda shirka Kenya iyo Dhuuniqaatayaasha ka qayb geli doona shirqoolka Somaliland.

Waxaan xukuumadda Somaliland ugu baaqeynaa inay joojiso dhammaan wixii ganacsi ah ee Jamhuuriyadda Somaliland la wadaagto Majeerteeniya, abaabul qarana la galo sidii looga hortagi lahaa khatarta ka soo socota shirka dib-u-abaabulka dagaalka ee Cabdilaahi Yusuf rabo inuu dhulka Somaliland ku boobo.

Allaa Mahadleh, Guushana Somaliland baa leh

Hargeisa September 9, 2003

Faysal Cali Waraabe
Gudoomiyaha Xisbiga UCID

Waxaa SomaliTalk soo gaarsiiyey Hussein Wadaadyare  | wadadyare@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Sept 9, 2003 | 


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
 
Quraan 114 Suuradood ee Qur'aanka

 .... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

 

  Afeef: Aragtida qoraalka waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis
mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...

XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD