NINKII
NABADA DIIDOW MAXAAD DIRIRTA KU OG-TAHAY??
MAXAMED MAXAMUD GUTAALE
gutalle@yahoo.com
KENYA MOBIL.254.721.238.984
Asalama alayakauam
Waxaan salaamayaa dhamaan inta nabada jecel ee
Soomalinimadu dhabta ka tahay jecela in ay la soo laabtaan sumcadii iyo magacii
qarankii Soomaaliyeed lahaa iyo goobtii aduunka uu kaga yaaley
Intaas hadaan kaga baxo xasuusinta aan u
laabto ciwaanka anoo koobaya qoraalka isla markaasina hufaya cidna aan qardoofo
u geysanaynin ee tay ka hadlaya war aniga degaan ahaan waxaan ka soo jeedaa
Sool,Sanaag,Caynhawd,waxaan doonayaa midnimo Soomaaliyeed hadaan waayo
halkaygaa Ilaah igu ogyahay lakiin waxaan ku dedaalayaa in aan ilaah amarkiisa
helo midnimo Soomali-weyn waayo waa lagama maarmaan taasi.
Waxaan maalmahaan maqalayey maran ku saabsan
degaankaas aan ka soo jeedo markaas oo ka imaanaya beesha deriska ah ee reer W/galbeed
&Togdheer waxaan maqlayaa duulaan iyo daandaansi waxaan maqlayaa dardaro cadaan
ah iyo dad la sheeganayo waa yaab!!!!!!!!! aduunka hadaad joogto oo ilaah kuu
daayo wax walba waad aragtaa maqashaa ku soo maraan la yaabi maayo in beeli
beel tidhaaho anagaa xukuna iyo waa anaga tusaale(Majeerteen iyo
dhulbahante)waa dad wada dhashay oo haybta way wadaagaan oo waa wax iska cad
lamana qarin karo waa yaabe!!!!! xagee naloo wadaa (Isaaq) waxaanu nahay ood
wadaag lakiin isir wadaag ma nihin Soomaalinimo ayaa noo dhaxaysa waa khalad in
ay maanta sheegtaan Degaan aan cida iska leh doonaynin.
Duulaanka marka aad qaadaysid waxaa la galaa
meel aad is leedahay wax baa kaa soo gelaya lakiin waa dhibaato adoon wax hubin
in aad col dirto waxaa kaa horeeyaa waa khasaare iyo Wiil dhinta dumar Goblama
iyo Ogoon badata,ee kaama horeeyaan caano iyo nabad waxaan ku dhaafayaa
qoraalka anoo kuwa kale soo qori doona waxaas beesha deriska iyo reer Hargeysa
ha iska hubiyeen(NINKII NABADA DIIDOW MAXAAD DIRIRTA KU OG-TAHAY)
MAXAMED MAXAMUD GUTAALE
gutalle@yahoo.com
KENYA MOBIL.254.721.238.984
QORAALADII HOFRE EE GUTAALE
Faafin: SomaliTalk.com | Sept 9, 2003 |
....
Copyright
& Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
Kulaabo bogga hore ee
www.somalitalk.com
Afeef: Aragtida qoraalka waxaa leh
qoraaga ku saxiixan |