Dubihii ku dhacay Dugsigii Maxamuud Axmed Cali!
Ali Shire Jamac
Sharmaake@hotmail.com
Qoomiyada dagta geeska Afrika ee soomaalida loo
yaqaan waxay waligood rumaysnaayeen in ay xaq tahay dilka ragga xooga leh,
kolkii laba beelood oo iyaga ka mid ah ay colaadi ka dhex ooganto, laakiin
waxay ka maagi jireen in ay maxaabiista, maatada iyo dadkii gala meela lagu
cibaadeysto sida masaajida laayaan. Waxaa kale oo aan la daba gali jirin
qofkii magansada goobaha waxbarashada sida dugsiyada, xarumaha wadaadda,
guryaha boqorada iyo kuwa isku magaacaaba awliyooyinka. Kufsiga iyo
afduubkuna waxuu ahaa arin aan marnaba loo dul qaadan xagga soomaalida sida
adduunka kale.
Dhaqankaas ummada afka diinta haysataa ku soo dhaqmayeen
qarniyaal badan ayaa wax laga badaley waayihii danbe.
In la xasuuqo rag badan oo qabiil kalaa ama in dhiig
muslim buraashadaha lagu shubtaa sidaan horey u xusneyba waa arin dhanka
soomaalida ka ah mid Ilaahay loogu dhawaado, sida asxaabihii safka hore ee
salaada ugu kala hormari jireen iyaga oo ajar dheerad ah ka raadinaya.
Waxaa taas markhaati u ah in ay dhahaan:
”Doofaarka ficil la’aan baa loo cadaabaa.”
Maahmaahdaas oo ay u daliishadaan in haddii aadan
qabiilkaaga u ficiloon uu Ilaahay naartiisa kugu tuurayo.”
Haddadba soomaalida oo rabta in arjarkii iyo xasanaadkii
u sii bato ayaa tilaabo horey u qaaday, taas oo ahayd in xasuuqa loo geysto
qabiilada kale lagu daro carruurta, haweenka iyo ragga waayeelkaa. Waxaa
kale qoomiyadu bilowday in kufsiga aad loo badiyo iyaga oo gaarsiiyey heer
lagu fuliyo xataa kuwa ciirsada masaajida, laakiin arinkaan way og yihiin
in uu cadaab u soo jiidayo, waxayse dhahaan:
”Rag ciil cadaab ka doorey ”
Taas oo ay uga gol leeyihiin in kufsiga gabdhahooda
ciilka iyo xanaaqa isaga qaboojiyaan. Markii Daniel Arab Moi la cinqilaabay
ayey kiinyaankii waxay kufsi ugu dhaqaaqeen gabdhahii wadanka kolkaas ayaa
nin sargaal ah waxuu yiri:
“Hablaha aad kufsanaysaan awalba ma idin xaqirsaneyn”
Kolka colaada indho-ku-garaadlayaasho arkaan socotaa
kaliya ma dhacaan dilka iyo macsiyaadka kale, ee waxaa xataa marmar badan
oo dadka badankiisu in barwaaqo lagu jiro moodaan si dadban loogu fuliyaa
arimahaas foosha xun.Waayihii hore waxay soomaalidu taqaaney dagaal cad oo
ay warmahooda soo gurtaan, laakiin sidii gumeystuhu u baray siyaasada
guracan iyo laaluushka waxaa ummadii loo laayey hal qalable, waxii kalana
haadaa loo waray.
Iskuuladii madaxweyne Maxamed Siyaad Barre raggii iyo
dumarkii uu jeclaa ugu magac daray si uu mustawahooda kor ugu soo qaado,
kuwii iyaga ka toolmoonaana ugu qariyo, ayaa gabi ahaanba waxaa ka socdey
dagaal maskaxda iyo jirka isugu dhafnaa oo lagu hayay carruurta
soomaaliyeed, laakiin waxii sanadihii danbe soo baxay kolkii la arkey ayaa
kacaankii Siyaad Barre watey oo soomaalida ku noqday sunta loo yaqaan
saddex saamoodley bili u caano shubatay. Dugsiyadaas oo aan awalba
qaneecada lagu qabin ayaa mid ka mid ah waxaa ka dhacay xasuuqii ugu xumaa
ee soo maray taariikhda soomaalida gumaadkaas oo loogu magac daray:
“Xasuuqii dugsiga sare ee
Maxamuud Axmed Cali.”
Markii uu soo afjarmay dagaalkii u dhexeeyey
kooxihii aan hadafka siyaasadeed la hayn iyo kacaankii soomaalida haadaanta
ka tuuray ayaa waxaa dalka in Soomaaliya la dhibaateeyo u uuman ee Jabuuti
soo abaabulley shirqool ka horeeyey kii lagu hoobtay ee Carta. Arinkaas oo
ahaa in kooxihii bililiqada lagu magacaabo dawlad, taas oo looga jeedey in
Soomaaliya xididda loo siibo. Xassan Guulleed Abtidoon oo aad uga fakarey
siduu ugu guuleysan lahaa mijoxaabadaas uu u maleegey Soomaaliya ayaa
madaxweyne u soo magacaabay Cali Mahdi Maxamed. Kolkaas ayaa Cali haddiiba
Xamar ka soo dagey isaga oo ay u qorsheysan tahay in uu fuliyo barnaamijkii
lagula soo balamay. Nasiibdarose Cali Mahdi waxuu Mogadishu ugu yimid
taageerayaashiisii oo aad u caraysan. Raaciyayaashaas soo hor dhoobtay ayaa
ahaa dad badan oo soomaali ah, oo ka cabanayey in laga qadiyey guryihii
kacaanka laga dhaxlay iyo kuwii ay soomaalida kale ka guureen, ayna ka mid
yihiin dadkii u soo halgamey in kacaanka laga xoreeyo Xamar. Shacabkaas
dulmiga ka banaan baxayey waxay Cali Mahdi ku dhaheen:
“Jaalle Madaxweyne intii aannu jihaadka kula jirney
kacaankii ayaan hungo ku soo dhacnay, oo waxaa na dhabar jabiyey
mujaahidiintii kale oo dhamaan waxii hanti la helay dhabarka marsaday,
kolkii aan dagaalkii ka soo noqoneyna waxaan xataa meel aan ciriirsano ka
wayney wasaaradihii, isbitaaladii, iskuuladii iyo dhamaan dhismayaashii
kale ee qaranka.”
Si deg deg ah ay shir u galeen Mahdi iyo
taageerayaashiisii,
wadatashigaas oo looga wada xaajoonayey dulmiga ay
tabanayeen shacabku. Intii shirka lagu dhex jirey ayaa waxaa la soo
gaarsiiyey dhambaal xanbaarsanaa in dhamaan magaalada uusan hoy dadka dagen
laga rari karaa ka banaaneyn aan ka ahayn dugsiga sare ee
Maxamuud Axmed Cali oo dagaan u ah
carruur boqolaal gaareysa oo agoon ah iyo hooyooyinkood.
Shirkaas ayaa aad looga dooday sidii laga yeeli ahaa
haweenka iyo carruurta nafta kala galay labadii kooxood ee hadafka gaabnaa.
Waxaa dooda sii adkeeyey in carruurta aabbeyaashood intii aan la xasuuqin
ka hor lagu tuhun sanaa in ay ruqa qaadayeen kacaankii quluushay iyo in
kale.
Saacada badan ayaa doodii la isku mari waayey, laakiin
waxaa ugu danbeyntii la isku afgartay in la midiraaciyo carruurtaas iyo
haweenkii dhalay, iyada oo loo cuskaday daldalaadooda qodobo ay ka mid
ahaayeen in waalidkood kacaanka saacidayeen, oo kolkaas uusan boos uga
banaaneyn rugtii kacaanku ugu magac daray mudane Maxamuud Axmed Cali.
Cali Mahdi Maxamed waxuu dubaha ku dhuftay go’aankii ay
isla meel dhigeen isaga iyo taageerayaashiisu oo ahaa in qoorta loo
dheereeryo ilmahaas iyo hooyooyinkoodba. Shacabkii saacada ka hor u
xanaaqsanaa hogaamiyahooda mudane Cali Mahdi Maxamed ayaa iyaga oo
wajiyadooda farxadi ku dheehan tahay waxay galabtaas
baangadahoodii ula carraabeen dhankii uu ka jirey dugsigii
sare ee Maxamuud Axmed Cali.
Subaxii danbe waxaa bogaga hore ee joornaalada adduunka
ugu caansan sida News weekiga London ka soo baxa ku daabacnaa xasuuqaas ka
dhacay rugtii waxbarashada ee Maxamuud Axmed Cali Ilaahay isaga iyo intii
ku nafwaydey xaruntiisa ha u naxariistee. Joornaaladu waxay ciwaan uga
dhigeen dhacdadaas naxdinta iyo anfariirka badnayd:
Massacre of Gaalgalle Children=
Xasuuqii Carruurtii Gaalgalaha.
Ali Shire Jamac
Sharmaake@hotmail.com
QORAALKII HORE
EE ALI SHIRE.... GUJI
Faafin: SomaliTalk.com | Sept 9, 2003 |
....
Copyright
& Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
Kulaabo bogga hore ee
www.somalitalk.com
Afeef: Aragtida qoraalka waxaa leh
qoraaga ku saxiixan |