Jawaab Qoraalkii
Puntland: Tahriibkii Badday ku Tuureen, Tabliiqiina Xabsi
Osman Ahmed Sheekh
isxaaq@yahoo.com
Sept 7, 2003
Cabdiwaaxid Khaliif ma culimaa
mise waa caamo?.
Ninka C/waaxid la yiraahdo marna culimuu jilaa
marna caamada waa ka caqli gaaban yahay…
Erayadaas waxay ahaayeen kuwo ka soo
burqanayay dood dhexmaraysay dhalinyaro Soomaaliyeed oo soo gudatay waajibkoodii
cibaadada alle ee salaada maqrib.
Waxay goobtu ahayd agagaarka xarunta jaaliyada
Soomaalida ee loo yaqaan Brain Coyle center oo aan wax saasa ka fogayn
masjid Shaafici oo dhalintaasi markaas ku soo tukadeen.
Dooda oo socota ayaan dhexda kaga soo
dhacay,kadibna waxaan codsaday in la ii dulmaro dooda si aan barbarkayga uga
galo.
Inan ka mida dhalintii ayaa isagoo si
fiican ii soo eegaya fartana igu fiiqaya iyiri horta
Cismaanow aan ku weydiiyee adaa bogaas Somalitalk
wax ku qorqoree ninka la yiraahdo C/waaxid Khaliif ma culimaa mise waa caamo?.
Waxaan usheegay inaanan aqoon ulahayn ninka uu
iweydiiyey,hadaanse ka hadlo aragtidayda wuxuu iila muuqdaa culimo caamada ka
agdhow una janjeera dhanka caamada.
Doodii ayaa sii kululaatay oo isu bedeshay
talantaali qofba meeshiisa su’aal iyo jawaab iyo ana waxay ila tahay uu ka soo
tuuro.
Markii aan mudo ku jiray doodaas ku saabsan
qoraalada uu soo galiyo golayaasha C/waaxid Khaliif oo qofba uu fikirkiisa sida
uu u’arko ka dhiibanayey ayaa waxaa ugu dambayn la is tusay in C/waaxid yahay
nin taariikhda jirtana aan ka run sheegin,wuxuu rabana aan la aqoon. Waxaa taas
ka sii darayd markii nin raga ka mida uu yiri waxaan hayaa qoraaladiisa,hadaad
akhridaana midba mid kale waa ka hor imanayaa.
Hadaba waxaan dib ugu noqday qoraalada uu soo
galiyo golayaasha C/waaxid Khaliif, waxaa ii soo baxay horta inaan lagu sifayn
Karin nin culima ah iskaba daayee inuu xitaa diinta Islaamka wax uga bilaaban
yihiin,markaan go’aankaas qaatay inaan sidaas ku sifeeyo ayaan misna indhahaygu
qabteen qoraal kasta oo uu soo qoro oo uu meelo ka cuskanayo xadiisyo iyo
sheekooyin asxaabtii.
Shaki baa igaloo hadana waxaan is iri ninku
sidee wax ka yihiin waaba kan soo daliishanaya axaadiista iyo qisooyinkii
asxaabtee.
Waxaan misna soo xasuustay waa aan cashar
tafsiirka quraanka kariimka ka raacan jiray sheekh aad aftahan u’ahaa cilmiga
Islaamkana heer sare ka gaaray oo markuu wax tafsiirayaba inta ay la tagto
jacayl uu uqabay dawladii Maxamed Siyaad ku sifeeya meelaha fiicanba xukuumada,
oo ninkii fiican oo asxaabi ahba ku sifeeya Maxamed Siyaad.Waxaa sidoo kale
jiray iyadana wadaad kale oo isna heer sare ka gaaray aqoonta Islaamka oo ka
soo hadli jiray raadiyo Kulmis ee jabhadii
SSDF ,wadaadkaas oo isna wax
kasta oo xun ku sifayn jiray Maxamed Siyaad iyo xukuumadiisa.
Markaan soo xasuustay labadaa wadaad ayaan
misna iri maxaad ula yaabin C.waaxid muxuuu kaga duwan yahay kuwaa tafsiirka
quraanka iyo axaadiista hadba meeshay doonaan urari jiray ama ugu fasiri jiray.
Waxaan misna isweydiiyey oo culimadaasi
ujeeday lahaayeenoo midna wuxuu ayidsanaaa xukuumadii Maxamed Siyaad midina waa
ka soo horjeedayoo waxayba ahaayeen rag la garan karo waxa ay waxaas
usamaynayaan,C/waaxidse muxuu rabaa sidiisa horta yaa ii sheegi kara?.
Waxaa wax la ga xishoodo ah qof waliba diin
Islaam unasab sheeganaya inuu ummad isku diro oo dagaal iyo fidno ku
waaniyo.Dib ujaleec been ka sheegi mayo qoraaladii uu soo galin jiray waagii
dagaalada sokeeye ay ka dhex socdeen dadka walaalaha ah ee reer Puntland sida
uu ubuunbuunin jiray iyo qoraaladiisii
dib ujaleeca idinkoo ka raadsanaya bogga
Somalitalk sannad ka hor. Eega oo dib ujaleeca nabadii laga soo dhaweeyey
degaanka sida uu weli qoraalo ugu durayey in dagaalka aan la joojine la sii
wado. Haday beenowdo warkaan inuu ku sifoobay C/waaxid xaal hala ii soo doonto
waan bixine.
Nabadayntii mucaarad iyo mu ayidba loo
riyaaqay in la qaboojiyo dhiigaas muslinka,walaalaha ee isku daadanaya in la
soo afjaro, qofka wali usii hamuun qaba inuu sii daato akhirstayaashaan
weydiiyey qofkaas diin ma loo nisbayn karaa?.
Waxaan jeclaystay inaan idinka tuso
qormadiisii dhawayd erayo uu ku aflagaadaynayo ummada ku dhaqan degaanka la
magac baxay Puntland waana kuwan,anigu kama hadlayo siyaasi waxa uu ka sheego
laakiin tacadiga uu ku samaynayo C/waaxid reer Puntland waa midaan loo
dulqaadan Karin qof damiir lihina uu inta uu akhristo indhaha ka qabsan Karin
ila eega meelihii idamqay.
“Dadka “Puntland” hadday rabaan inay
khaladkoodii hore saxaan waa inay iska dheereeyaan C/hi iyo Moorgan oo aysan
hor keenin meel Soomaali wax ku qaybsanayso. Kama wado qab-qablayaashe kale waa
fiicanyihiin laakiin ceeb ma ahan inuu qofku la tasho dadkiisa. Arrintaan waa
talo maxaa yeelay ma jiro qof muslim ah oo muslimiin kale dhib la jecel iskaa
daa dadkiisee.”
Waxaa isweydiin leh waa maxay khaladka reer Puntland oo dhan
uu dusha usuray C/waaxid reer puntland oo ay galeen oo ay Soomali ka raali
galinayaan?.Armuu ka waday dhibkii reer Puntland laga galay halaga raali galiyo
oo qalinku ka boobay isagaa noo soo sheegi doona haduu qalinku khaladka
leeyahay.
Hadalkiisii waa sii watay oo misna isagoo meel kale ku
aflagaadaynaya iskana dhigaya nin la talinaya ayuu yiri sidan;
“Marka reer “Puntland” waxaan idiin ka baqayey waad is-haysaan.
Waxaad diirada saarteen la dagaalanka diinta Ilaah ilaa aad gaarteen in
tabliiqii idin ka baxsanwaayo halka Soomaalida kale ay ku jirtay ganacsi,
dhul-beerood qabsasho, degaan aysan lahayn degid, IWM.”
Isagoo misna oranaya waan idinla talinayaa ayuu yiri sidan ;
“Waan ogahay inaydaan lahayn aad ku diiddaan in C/hi xulo
xubnahaas haddii xusulkiisu xabaal ka sarreeyana isagaa xulaya marka horta wuu
idin dhaarin doonaa ee haka yeelinina. Ilayn isagaa kitaabadii Towxiidka
Gaalkacyo ka aruursaday, isagaa xijaabkii dumarka diiday marka inuu Ilaah idin
ku dhaarsho dow uma laha. Teeda kale waxaad samaysateen diin kale waa
dastuurkee marka iyadana haddaad ku dhaarataan waa shirki kale.”
Waxaan oran lahaa C/waaxid allana utoobad keen oo ummad wax
walba leh ayaad isku qaaday oo aflagaado iyo sumcad xumo ku sifaysay waana wax
laga xishoodo.
Waxaadna kala saartaa raga siyaasiyiinta ah ee reer Puntland
iyo ummada ku nool oo wax walbaaba leh.
Waxaan kula wadaagaa waxyaabaha qaar ama afkaarta ,qaarna
waxaan qabaa inaad ku talaxtagtay oo weliba iftaraa ay dhaaftay been qaawan oo
sheegideeda xitaa laga xishoodo.
Waxaan ku faraxsanahay inaadan
i orayn waa taageere C/laahi
Yuusuf. Sidaan kor ku soo sheegay waa suurowdaa inaan ka midaysanahay meelaha
qaar,qaarna aan kaaga soo horjeedo.
Tusaale waxaan ka midaysanahay figrada ah kornayl C/laahi
dibudhac mooyee Soomaali iyo cid kale toona horumar ukeeni uu mayo.
Waxaan kugu raacsanahay inuu yahay nin eex iyo qabyaalad iyo
isku dir reer Puntland dhexdeed ku si foobay,waxaan kaloo kugu raacsanahay in
uusan ehel u ahayn diinta Islaamka kana shaqeeyo burburinta dacwada Islaamka
kana shaqayn lahaa haduu jaanis kan uga sii fiican uu soo maro.
Waxaanse kaaga soo horjeedaa figradan hoosku qoran ood adigu
aaminsantahay.Waxaa Soomaalidu ku maahmahdaa Gaal dil gartiisana sii.
In uu ugu liito C/laahi qabqablayaasha isugu yimid Kenya,
anoo fikir ahaan ka soo horjeeda C/laahi Yuusuf misana marka la barbar dhigo
kuwa haatan ku sugan Kenya inuu yahay kan loogu qaato uguna mudan inuu hadiiba
iyaga uun ay tahay waa qabqablayaashee inay wax noqdaan waxaan oran lahaa
isagaa ugu mudan waana tan sababta igamana ahan inaan raacay ama qabyaalade waa
tan iyadoo sababaysan.
C/laahi waa qabqablaha kaliya ee aysan jirin maanta Soomaali
ka sheegan karta dhib uu ugaystay marka laga reebo reer Puntland oo uu kala
reebay dhib weyn oo lixaad lehna ugaystay,weliba aan hoos usii daadago oo
iraahdo Majeerteen cidaan ahayn oo uu dhib ugaystay majirto ayaan qabaa laga
soo bilaabo Kulmis ilaa hada la joogo reer Soomaaliyeed oo wax ka tirsanaya
mana maqal mana filayo inay jirto hadaysan ahayn been abuur sida uu sameeyey C/waaxid
Khaliif.Majeertaan haa iyagu waa mucaaradi karaan oo wax ka sheegi karaan ilayn
dibin daabyo in ug ufilan ayuu ugaystaye.
Igama aha faan aan faaninayo, igamana aha jacayl aan
jeclahay,sidoo kale ma ahi taageerayaasha jeebka ugu jira jeebna ma gali karo
waase xaqiiqda aanan anoo mucaarad ah iyo midka mu ayidka u’ahba aysan inkiri
Karin .
Arinta waxaan qabaa C/waaxid inaadan isku khaldin shakhsi
khaladka uu shacabka ka galo ama maamul jira oo sharci ah,laakiin aan dhawro
karaamada ummada iyo jiritanakooda ummadeed.
C/waaxid dadkii badu ay shuftada doomaha wadata ay ku
daadisay wuxuu ka dhigay dad ay shacabka Puntland ku daadiyeen bada oo ay raali
ka wada yihiin akhriya cinwaanka qoraalkiisii.
Ugu dambayn waxaan ku oran lahaa hadaad jeceshahay wanaaga
degaanka aad ka timid ee Puntland iyo dhulka Soomaaliyeed oo idilba, ka shaqee
wixii wanaaga oo ummada dani ugu jirto ee haka shaqyn cay iyo wax ka sheeg oo
qura.
Wixii khaldan ku sax si asluubleh oo daacadnimo ah ee yaysan
kula tegin xanaaqa iyo dhibsashada aad dhibsatay maamulxumida ka jirta
degeenkeena Puntland. C/laahi Yuusuf ma laha Puntland ee dadkaa leh, inkastuu
aaminsan yahay inay tahay Puntland jaranjaro uu ku gaarayo xukun Soomaaliyeed
misna haduu kornaylku god galo degaanku god ma geline degaanku waa baaqi
ahaanayaa ee aan ku dadaalo wixii degaanku dani ugu jirto waxaan dani ugu
jirina sida hurinta dagaalada iyo dacaayadaha degaanka iyo dadka ku nool aan
iska deyno. Waxaan markale kaa codsanayaa inaadan taariikhda been ka sheegin oo
wixii aad necebtahay xitaa aad taariikhdooda run ka sheegtaa.C/waahix sidoo
kale jabhadii SSDF oo taariikhdeeda aanan halkan ku soo koobi Karin waakan ku
sheegay dabadhilif amxaaro.
Waxaan qabaa SSDF Soomaali oo dhan ayey abaal ku leedahay
waayo iyagaa sababay ama soo dedejiyey ama dadka baray in dawlad awood leh oo
faajir ah laga hor iman karo oo afka ciida loo dari karo waana in
shacabka Soomaaliyeed ay ka abaal gudaan taas.
Waxaan C/waaxid iyo inta kale ee qoraalkaygan akhrisan doonta
ucadyanayaa inaanan ka mid ahayn taageerayaasha kornayl C/laahi Yuusuf hase
yeeshee mucaaradnimadaydu ma aha mid indha la’a .
Mucaaradnimadu waa inay ahaataa mid ufaa’iidaynaysa
ummadda, waxna ay ka korarsan karaan kan aan mucaaradayo iyo kan igu
taageersan mucaarad nimada.
Mucaaradnimadu sideeda waxbay saxdaa,hadayse noqoto tan C/waaxid
Khaliif oo kale waxaan qabaa iyadaa ka daraysa wixii ay sixi lahayd.Caqligu ha
shaqeeyo ayaan ku soo gunaadayaa qormadaydan.
Wixii khalada oo aad ku aragtaan qormadaydan waan idinka
raali galinayaa oo bini aadan ma noqon karo 100% sax.
Wabillahi Tawfiiq.
Osman Ahmed Sheekh
isxaaq@yahoo.com
QORAALADII HORE EE CUSMAAN
AXMED SHEEKH
Faafin: SomaliTalk.com | Sept 7, 2003 |
....
Copyright
& Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
Kulaabo bogga hore ee
www.somalitalk.com
Afeef: Aragtida qoraalka waxaa leh
qoraaga ku saxiixan |