SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

 Bismillaah:
Buntland Republic
 

Waxa soo socota jamhuuriyada Buntland

Axmed Moxamud |  moxamud19@hotmail.com

 
Waxa soo socota jamhuuriyada Buntland ,waa hadii shirka kenya dhicisoobo!!!. Waxa la hubaa inay Aduun weynuha aqoonsi u doonan doonaan jamhuuriyadaha (Buntland & somaliland ),sababta ay aqoonsiga u raadsanayaan waxa weeye Somalida ay wax ka dhexeeyaan ayaa caaq ku noqotay oo aan wax u ogolayn ,sidaa darteed iyaguna waxay xaq u leeyihiin inay aayahooda ka tashadaan.

Waxaan cinwaankaa u soo qaatay waxaan ka tarjumayaa go?aanka shacabka ku sugan jamhuuriyadaha soo socda ama xaqiiqda ay ku jiraan shacabkooda iyo degaanadoodaba ,taasoo ay jawaab ugu dirayaan kuwa Somalidu ka degi weydey,xaqiiqatan waxay somalidu u xabisnaayeen qabqablayaasha isugu tegey caasimadii ummada somaliyeed lahaan jirtey inkastoo aanay maanta ahayn caasimadii ummada Somaliyeed ee ay tahay magaalo reer leeyahay, qolyahaasoo ka qabashada bartay dhiiga iyo hantida dadka aan hubaysnayn ee wali ku sugan muqdisho una gaysta had iyo jeer dil,dhac,la wareegid hantiyeed .

Hadaba dadkaasi waxay xumaysteen kana dhigteen bahalo galeenka waa caasimadii ummada ka dhexeyn jirtey ,iyadoo caasimada dadkii camiri jirey ay ka kala imanjireen min Saylac ilaa iyo Afmadow iyo inta u dhaxaysa iyo ilaa kililka 5aad,ka dibna qabqablayaasha iyaga ah looga tegey(haajirey) meeshaas ay xumaysteen, ruuxkastaa qabtay meeshii uu awel ka yimi,waayo waxay noqotay god halaq ku jiro wixii u galaba qaniinaya.

Waxay somalidu sugaysey qabqablayaasha kala haysta Caasimadii hore muddo ku dhawaada 13-sanadooda,waxaana loo qabtay 14 shir kan hada socdaa ugu dambeeyo.hadaba ma xaqbaa inay isku dayaan in wali waqti loogu daro si waxay dhacayaan ay u sii wataan ummaduna u baaba sanaato ? Jawaabta caamka ahi waa maya.

Hadaba arinta shirkan somaaliyeed ee hada loo fadhiyo waxay u egtahay ,mid ku socota fashil axmaqnimo,fashilkaasoo ka imanaya dhanka xamar,sidaa daraadeed waxaan odhan lahaa dadka xamar ku legdamaya xaaladiinu meel xun bay taagan tahay oo dadkiinii baabi se, ha keenina ujeedadiina khaaska in somaliyi ku kala tagto,idinkoon u daneeneen shacabkiina,waayo waxa ka imanaya burbur aan dawo lahayn,ogaadana in badan bay somaliyi idiin samirtay ,idin madax buuxisey,ha ku keenina in qaranka somaaliyeed sabatiina u burburo.

Waxay ila tahay dadku wey daaleen waqtigii hore ee ku sinaa 13ka sanadood ee baaba la ahaa ,in sidaa la sii ahaado cidi ka yeeli meyso,puntlandna hada waqtigan la joogo daashey oo dhawaaqaasi waa ka soo socdaa, runtiina caqliga saliimka ma ogolaanayo in dhulka nabada iyo maamul ka jiro uu daba socdo dhulka foodadu ka jirto.dhulalka nidaamka iyo kala danbaynta lehna isma sii jiidan karaan kuwa dhaca iyo burburku foodada joogtada ku yahay .

Puntland waxay u badan tahay in ay ku dhawaaqan doonaan jamhuuriyad ka madax banaan Somali inteeda kale ,waa hadii somalidan xamar qasaysa caaq(axmaq) ku noqoto oo shirku fashilo, waliba waxa jira walaalaha la baxay somliland in badan bay dooneen inay la go?aan goboladooda iyo wixii kuraaca ,taasoo somaliduna dhamaan ku diiday, iyadoo somliwalba si diidmadiisa u sharxayo ,hadana hadii puntland la timaado sheekadan waxay ila tahay wax is hor taagaya ma jiraan.

Waxaan ku soo gunaanadayaa shirkan waa kii ay somaliyi isku raaci lahayd ama ku kala tegi lahayd ee ha la wada dhawro sidii uu ku najixi lahaa.

Maanta Somalidu guud ahaan waxay u baahan tahay amaan iyo sharci cadaalad ku dhisan,iyo inay helaan waxa ay deriskoodu haystaan karaamo dal ahaaneed.

wa billaahi tawfiiq


Axmed Moxamud |  moxamud19@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Sept 7, 2003 |  Updated 9/9/03


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
 
Quraan 114 Suuradood ee Qur'aanka

 .... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

 

  Afeef: Aragtida qoraalka waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis
mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...

XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD