SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - LONDON, UK
JAWAAB. DIRIRDHABA IYO BAAQ-KUSHEEGGISII KU WAJAHNAA DADKA REER SSH/CAYN

Mohamuud Ibrahim. London. UK
dalmarbilaal@yahoo.com

Salaamu caleeykum.

Bacda salaan waxaan rabaa inaan jawaab hufan ka siiyo ninkan qaylo dhaanta riyada ah usoo diray dadka Reer Sool Sanaag iyo Cayn oo ku sheegay inay dadkaas iyo iyagu wadagaan waxa uu ugu yeedhay Somaliland!

1) Marka ugu horreeysa Dirirdhabow waxaad umuuqataa nin tamar badani ku jirto waayo wax badan ayan kugu arkay adoo shabakadaha wararaka baahiya wax Somaliland loogu yedho BAAFINAYA waxase fiicnaan lahayd inaad waqtigaaga iyo tamartaada ku lumisid wax adna dani kuugu jirto dadka Soomaaliyeedna ucuntama Sida Somaliweyntii Burburtay iyo qaybaha kale ee Gumaystuhu siiyey Gaalo madowda aynu deriska nahay.

2) Waxaad tibaaxday in Waxan aad ugu yeedhay Somaliland ay xududo leedahay adduunku aqoonsanyahay Ingirriskuna gumaysan jirey oo xuduudaa sameeyey Magacana bixiyey. Horta waxa is waydiin mudan qolyahan reer Sool Sanaag iyo Hawd/cayn aad is waydiiso inay aqoon sanayihiin in la Gumaystay iyo in INGIRIISKAN carrabka wax idiinku tiray ay ka aqbaleen ama heshiis la galeen inay aqoonsadaan inu addoonsado. Aan kaaga jawaabee intuba waa Maya.

21sano markay la dagaalamayeen Gaalka doorada leh diideena inanay weligood isu dhiibaan heshhiisna lagalaan ah in la gumaysto waa tu Gaalkii ingiriis degey Hargeysa iyo Berbera heshiisna lagalay dadkii halkaasi deganaa wax kastaaba iyaga ha ku kaliftee markay ogolladeen in lagumaysto.

3) Waxaad kaloo tibaaxday heshiiskii burco lagu gaadhay 1991-kii Nin ay meel kaga dheggantahay baad tahaye (the so-called Somaliland) hoos ba umaad eegine heshiishkee haddaan kuu micneeyo anagu waxannu ogollaanay waxay ahayd in nabad lagu wada noolaado Beelaha deriska aannu nahay lana tix geliyo wada deganaanshaha iyo xasillooni kuwada noolaha aaggaasi, ilaahay mahadii si fiican baa laysugu afgartay waana tan ilaa iyo maanta Beelahaasi kuwada nool yihiin kuna soo gaadheen ilaahayna waxaan ka rajaynayaa inay nabadgelyadaa iyo wada noolaanshahaa deris iyo daaq wadaagga ah kuwada noolaadaan Abid.

4) Arrinaka kale ee xusidda mudan eed ka hadashay waxa weeyaan haddii umad Ilaahay meel kuwada uumay inay aayahooda iyo Mustaqbalkooda kawada tashadaan (Good Point) Allaa is badaye, Diridhaboow waa arrin wanaagsane Haddaannu nahay reer Sool, Sanaag iyo Hawd/Cayn annagu waxaannu leenahay laba deris oo midna naga xigo galbeedka midna naga xigo Bariga iyo Koonfurta, haddaba labadaba waxaannu jecelnahay annagoo tixgelinayna Soomaalinimada Derisnimada iyo Islaamnimadaba inaannu nabad kula noolaanno inaannu aayahayaga kawada tashanno iyo Allaa soomaali isbadaye inaannu kawada tashanno inaannu magacii iyo Calankii Buluugga ahaa ee la aasay sidaannu Golayaasha caalamka ugu soo celinlahayn ( International stages) habeen iyo maalin uguntanno cid alla iyo ciddii raadinaysana aannu la raacdayno.

Ogoowna deriskayaga Boguxu/Galbeedku ma'aha dadkan aad is huwisay eed magaca ingirriska qoorta uwada sudhaye waa labo jilib oo Soomaaliyeed oo reer Togdheer ah labadaa jilib Xushmad iyo sharaf Soomaalinnomo ku dheehantahay baa noo dhexa sidii soomaalida lagu yaqaannay, hadday noqotto xagga siyaasadda waxaannu isugu imaan karnaa waa soomaalinnimo ama inta Soomaalinnimo baadi daankaeeda aannu/lagu maqanyahay haddaan isla afgaranno annaga oo laba qabiilo soomaaliyeed ah ayaannu ka tashanaynaa haddaanu isla afgaranona magac Soomaali lagu sugona la baxaynaa Hadday rabaanna Puntland iyo Soomaaliland hadba kii Soomaalinimada Ogol isugu duwanaynaa annaga iyo deriskayagu. reeraha kale ee Bogoxa deggan Soomaalinimadaa isu kaaya keentay waxayna noola simanyihiin walaalaha kale ee soomaaliyeed ee Bay,Bakool,Beldweyne iyo Jawhar deggan ee ogol somaalinimada. Haddiise reer hargaysa iyo Berbera soomaalinimada ka baxaan wax kale oo naga dhexeeyaa waa Islaamnimo hadday ogolyihiin.

Diridhaboow Qaybihhi kale sidii loo baadi dooni lahaa inaad qaylo dhaanta iyo fekerkaababa ku salaysid baa fiicnaan lahayd intaad intii gacanta ku jirtay reer reer iyo ood ood ukala qaadaysid annagu taasaannu ku fekernaa gooray noqotona waa lagaadhayaa Ilaahay idankii. Bal ogooweey Yurub baa midoowday oo dawlad qudha wada samaysatay iyaga oo kala midab Sinji iyo Af iyo Diinba ah adna reer keliya oo intaba wadaaga ayaad doonaysaa inaad doc faruur ku abuurtid aduunyadii oo dhan baana imminka la doonayaa inay midoowdo (Globalization) waxaan ku odhan lahaa waad hurudaaye wake-up mate. Xaggee baad ka keentay caqliga ku siiyey qabiilo dhan oo soomaaliyeed oo wax walba leh inaad ku tidhaahdid walaalihiin soomaaliyeed ka soo go'a oo qabiil/jilib meel isku urur saday soo raaca Shame on you!anigu kula yaabaye meesha Pakistaan! na qaad kumaan maqale sidee wax kaa yihiin mise kii hargaysaa kugu qarxay?

Guntii iyo gebagebadii adiga iyo inta kula fikirka ee maskaxdii laga bedellay (brain washed) ee Ingiriisku madaxa ka galay wax badan oo ka danbeeyaa laydiin sheegaye xaggay idinka mareen! Most recent one Boqol jirkiinnii baa calankii soomaalida jeexjeexayey oo lahaa isku dad ma nihinoo annaga Ingiriis baa nasoo taba baray! Aqoonyahankiinnii baa lahaa (Duqsi) annagu waagaannu xamar tagnay Waaanu dhaarsanayn oo Boqoraddaa nasii dhaarisay labaatan jirkiinni (Adiga) leh beri baa ingiriis meel xarriiq mariyey oo yidhi British somaliland baa layidhaahdaa waxaan hadalkii ku laayey Dirir dhaboow You are Knocking wrong door mate!

Mind the Gap!

Mohamuud Ibrahim. London. UK

dalmarbilaal@yahoo.com

BAAQ: SOMALILANDERS-ka Gobolada Beriga Somaliland [Diridhaba]

Faafin: SomaliTalk.com | Sept 7, 2003 | 


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
 
Quraan 114 Suuradood ee Qur'aanka

 .... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

 

  Afeef: Aragtida qoraalka waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis
mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...

XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD