SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
Wakhtiga iyo Qiimihiisa

Qore: Faisal Mohamed Bulhan
faisalbulhan@hotmail.com
Minneapolis, Minnesota

Sida la wada ogsoon yahay wakhtigu waa shay aad muhiim ugu ahaa dhamaan aduunka meel kasta oo aad tagtid, aduun weynaha qayb ka mid ah waxaad arkaysaa dadku sida ay wakhtiga u qiimeeyaan ina ku xisaabtamaan laxdada ama ilbidhiqsiga, hadaba waxaa su'aasha is weydiinta mudan tahay hadaynu soomali nahay ma uga faa'iidaysanaan wakhtigeena sidii loogu tala galay ama laynaga rabay. Shaki kuma jiro in haddii aynu jawaab u raadino su'aashaas jawaabteenu 80% ay u badanayso xaga mayada, taas oo ay ugu wacan tahay inagoo aaminsan maah maahyo iyo halku dhigeedyo aad moodo inaysan ku haboonayn wakhtigan xaadirka ah ee aynu ku jirno, kuwaas oo ay ka mid yihiin "CAADO LA GOOYA CADHO ALLE AYEY LEEDAHAY" Oo macnaheedu yahay maadaama oo bulshadeena soomaaliyeed caan ku ahayd inay dariiqa is tuban, wakhtiga lumayaan, gidaarada fariistaan, meelaha aan dantu ugu jirin ka sheekeeyaan, iyo wixii la mid ah.

Hadaba inagoo ilo gaar ah ku eegayna dhinacyo fara badana ka eegayna muhiimada wakhtiga waxaa haboonaan lahayd inaynu wax ka bedelno sida aynu maanta ku sugan nahay kana faa'iidaysano wakhtigeena qaaliga ah maadaama oo aynu wada ogsoon nahay in wakhtigu yahay mid aad u muhiim oo haddii uu mar ku dhaafo aan mar labaad ku soo mari doonin. Kuma soo koobi karo dhanbaalkayga muhiimada wakhtiga oo qof walba ooo inaga mid ah wuu ka dheregsan yahay ahmiyada qotoda dheer uu inoo leeyahay wakhtigu, balse waxaan jeclaan lahaa inaan xuso dhowr qodob oo ay lagama maarmaan tahay inaan ku dabakho, kuna ayido ahmiyada iyo lama huraanka qaaliga ah ee wakhtigu.

Hadaan wax yar ka eegno maah maaha xaga wakhtiga ku saabsan , wakhtigu waa seefe intaanu ku goyn goy, wakhti lumay lama helo, wakhtigu waa lacag, wakhtigu waa duulaa, wakhtiga iyo mowjadaha badu midna kuma sugaan, wakhtigu waa dahab, wakhtigu waa dabayl, iyo kuwo kale oo badan baa loo daliilsadaa miraha iyo faa'iidooyinka wakhtiga, hadaynu ka eegno dhinaca diinteena dahiran ee sharafta leh axaadiis aad u fara badan baa ka warantay qiimaha iyo qaayaha u leeyahay wakhtigu bal aan ka soo qaadano mid aad u muhiim ah oo waano iyo wacdaro inoogu filan. NEBIGU S.C.W. Wuxuu yiri ka faa'idayso, dhalinyaradanimada intaadan gaboobin, ka faa'idayso caafimaadka intaadan xanuunsan, ka faa'idayso wakhtiga intaadan mashquulin. ,markaa aad bay u muhiim u tahay inaynu wada ogaano qiimaha wakhtiga.

Waxaynu arkaynaa dhalintii oo halkii laga filayey inay isbedelo ka muujin lahaayeen ka dib markii ay yimaadeen wadamada reer galbeedka aad moodo hal bacaad lagu lisay, waxaan uga jeeda runtii ugamay soo bixin sidii loogu tala galay inay uga faa'iidaystan wakhtigooda, halka badh ay isku mashquuliyaan hurdo, qaad, sigaar, iyo makhaayadaha oo ay kaga sheekeeyaan qabiilka, badh kale ku lumiyaan wakhtiga riwaayado, saneemooyin gidaarada oo la istaago, iyo meelo aan haboonayn oo wakhtiga lagu dilo, waxay iiigu yaab badnayd maalinkii aan la kulmay laba wiil oo dhalinyaro ah oo meel fadhiya ka dib markii aan weydiiyay waxay meesha ku sugayaan ii sheegay inay wakhtiga rabaan inay halkaas ku dilaan, waxaadna in badan ka maqlaysaa dhalinta iyagoo ku andacoonayaa waxaanu qabaanaan weynay iyo wax aan qabto ma i haysaa, halka dadka qaarna wakhtiguba ku yar yahay oo aanay helin meel wakhti lagu hakado.

Waxaan uga gol leeyahay inay aad u baraarugaan dhalintu meel iyo waa ay joogaanba maadaama kuwa wadankii jooga ay ka rajo fiican yihiin kuwan jooga wadamada reer galbeedku waxaa wacnaan lahayd inay hurdaadad ka kacan una bislaadaan sidii ay hurdada dheer iyo mahsanaanta uga kaaf toomi lahaayeen. Waxaan jeclaan lahaa inaan sii wado mawduuucan iyadoo aan wakhtigu ii saamaxayn waxaan ku soo af jarayaa ama ku soo gunaanadayaa in aynu baraarugno maadaama ay bulsho waliba hogaankeedu ku xidhan yahay dhalinta oo hadaynu noqono dad wax barta, noqon doono dad berito hogaamiyayaal u noqda wadankeenii hooyo, lama huraana waa caws jilaal wadankeena uun baa mudan in loo barto wax si aynu u noqono hogaamiyayaasha cusub ee berito.

Qore: Faisal Mohamed Bulhan
faisalbulhan@hotmail.com
Minneapolis, Minnesota

Faafin: SomaliTalk.com | Sept 8, 2003 | 

 QORAALADII HORE EE FAYSAL


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
 
Quraan 114 Suuradood ee Qur'aanka

 .... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

 

  Afeef: Aragtida qoraalka waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis
mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...

XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD