SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - BOOSAASO
Sidee koonfurta Soomaliya looga soo dhaweeyey Ubaxyadii Nabadda ee SOFIHA u dirtay?

Qore: Cawaale Jaamac Salaad
Bosaso, somalia
jamnaf87@hotmail.com 

Hay’adda Lagu magacaabo SOFIHA oo ah Hay’ad Swedish ah oo fadhigeedu yahay Sweden ayaa waxay dalka Somaliya ka furtay xafiiskeedii u qaabilsanaa shaqada ay ka waddo Somaliya waxayna xarunta uga dhigtay Magaalada Boosaaso , Hay’adda SOFIHA waxa si weyn looga bartay deegaamada Soomaliya waxana lagu qadariyaa Billadaha ay bixisay ee ay siisay labadii hogaamiye ee kala hogaaminayey garabyaddii isku hayey Puntland iyo Isimadii hormuudka ka ahaa Nabadaynta ee kala ahaa Suldaan Siciid C/salaam iyo Boqor Cismaan Maxamuud Buur madow . Hay’addani waxay ku caanbaxday u Ololaynta Nabadda iyo raadinta Jawi Nabadeed oo lagu soo hirto Soomaliya oo dhan.


Hay_addaSOFIHA oo shacabka Garoonka Nabadda kulahadlaysa

Kooxda Elman oo kufaraxsan Farriinta Nabadda iyo Ubaxyada koonfur loo diray

Rag iyo dumar farobadan oo fadhiya Tarabuunka oo Dhegaysanaya Dhambaalada SOFIHA

Shacabkii oo haysta Astaamihii Nabadda iyo halkudhigyadii SOFIHA

SOFIHA waxay ka shaqaysaa Adkaynta Nabadda Demoqraadiyadda ,waxbarashada iyo Horumarka , waxay Dalka Soomaliya timid waqtigii lagu jiray Dedaalka Nabadaynta ee Puntland , isla waqtigaasna waxay isu xilqaantay in ay raadiso Hab wanaagsan oo looga gudbi karo Herdankii Siyaasadeed iyo Kala qaybsanaantii Puntland . ee sababay Nabad la’aanta iyo Xasillooni darrida .

Hadaba si loo gaadho Nabad taam ah waxay Hay’addu ku guulaysatay inay Garabyadii Puntland isku hayey Miiska Nabadda soo wada fariisiso , markii Nabadda lagu guulaystay ayey Buddhigayaashii Nabadda Puntland ee kala ahaa labadii Hogaamiye iyo Isimadii Nabadda Horkacayeyba , Gudoonsiisay Billado Dahab ah iyo Shahaadooyin sharaf .

Billadahan ay gudoonsiisay ayaa waxay ahaayeen kuwo si weyn loogu farxay markii la arkay inay noqon karaan kuwo lagu dayan karo oo qof waliba isku deyi karo inuu helo billado oo uu isla markaana Nabadda u ilaalinayo Billado guddoonsiintan ayaa waxay ahayd mid aan Hore looga arag Afrika ,waxayna in badan oo dadka Puntland ku dhaqan ku abuurtay inay u tartamaan Billadaha Nabadda , waxayna bilaabeen inay SOFIHA la beeraan Ubixii Nabadda ee Puntland lagu beeray waqtigii Heshiiskii Nabadda ee Puntland , Kaasoo Mirihii ka dhashay ay Bulshada Puntland haatan guranayaan .

Hay’adda SOFIHA waxay bilowday markii laga joogay Heshiiska Muddo laba bilooda ah inay qabato Kulamo wada Qiimayn ah oo ay ka qayb galeen Maamulka Puntland oo ka kooban labadii garab ee heshiiyey iyo Bulshada qeybeheeda kala duwan sida Ganacsatada , Dhallinyarada iyo Haweenkuba ay si wada jir ah u qiimeeyeen Saamaynta Togan ee ay ku yeelatay dhinacyada Siyaasadda iyo Maamulka , Nabadda iyo Xasilloonida , Dhaqaalaha ,Dhaqdhaqaaqa Ganacsiga iyo Arrimaha Bulshada .Waxaana kulamadaasi ka soo baxay Natiijooyin wax ku ool ah oo laga soo saaray Qoraalo dhaxal gal ah .

Hay’addu waxay u kuurgashay inay Nabaddii taam noqotay waxayna kormeer ku samaysay oo ay goobjoog ka ahayd xafladdii isku darka labada ciidan iyo tababarkii adkaynta Nabadda ee Booliiska Puntland loo furay .

Hay’addu intaasi kuma joojin dedaalkeedii Nabadda ee waxay sidoo kale u dirtay Ubaxyadii Nabadda iyo Funaanado wata Astaamo nabadeed Koonfurta Soomaaliya si ay Nabaddu halkaasi u gaarto oo loogu beero Ubaxayadaasi Nabadda wada , iyadoo ugu dhiibtay Kooxda ELMAN oo Ciyaar saaxiibtinimo la yeelanaysay kooxaha ka jira Deegaanada Puntland .

Ka dib markii ciyaartii aadka u xiisaha badanayd ee Naadiga ELMAN la yeeshay Xulka Gobolka Bari taasoo ka dhacday Garoonka Kubadda Cagta ee Boosaaso oo ay kasoo qeybgaleen kumanaan dad ah , waxaa halkaasi Khudbad ka jeediyey Gebagebadii Ciyaarta Guddoomiyaha Hay’adda SOFIHA C/raxmaan Yuusuf Budul oo ay hadalkiisa ka mid ahaayeen erayo farriimo Nabadeed ah wuxuun yiri “ waa kaa Ubixii Nabadda ,gaarsiiya Koonfurta Dalka , kuna beera halkaas oo waraabiya , nagana geeya astaan Nabadeed , una sheega shacabka Soomaaliyeed ee xagaasi ku dhaqan in SOFIHA billado dahaba ku bixinayso Nabadda , siinaysona cid walba oo ka shaqaysa Nabadda .

SOFIHA waxay xaqiijisay qeyb weyn oo ka mid ah qorsheheedii u degsanaa ka dib markii ay aragtay Himiladeedii ahayd in dadka Soomaaliyeed ku faanaan intaasoo Billad nabadeed ayaan haysanaa , halka ay hore ugu faani jireen anaga reer hebel ah intaasoo Hub ah ayaan hayasnaa .

Dadbadani waxay isweydiiyaan sida ay Hay’adda SOFIHA ku gaartay caanbaxaasi intaas le’eg maadaama ay Dalka waqti yar joogtay , waxaana la sheegaa in hay’addu aanay ka helin deeq bixiyayaasha Dhaqaale Ballaadhan ee ay iyadu iskeeda si iskaa wax u qabso ah hawshan ku fulisay , waxaana dadku dhalliilaa Diakonia iyo Live and peace oo iyagu aan marnaba Nabadda wax kaga guulaysan iyagoo weliba ah kuwo isla Sweden ka hela Dhaqaale faro badan , balse aan Sida SOFIHA u hindisin inay wax lagu faano usoo hooyaan Hay’adaha Ka diiwaan gashan Dalkaasi Sweden oo ah Dalka saddexaad ee kaalmada adduunka bixiya .

Hadraawi sidii looga soo dhoweeyey Boosaaso...

Qore: Cawaale Jaamac Salaad
Bosaso, somalia
jamnaf87@hotmail.com 

Faafin: SomaliTalk.com | Sept 8, 2003 | 


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
 
Quraan 114 Suuradood ee Qur'aanka

 .... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

 

  Afeef: Aragtida qoraalka waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis
mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...

XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD