SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - KENYA
SHIRWEYNAHA DIB U HESHIISIINTA SOOMAALIYEED, MBAGATHI, NAIROBI

CIDDAY KHUSAYSO

Nin Durbaan Tumay ilaaq Dalbay!

Tix raac warqadda ku taariikhaysan 30kii Ogos’03, oo uu ku saxeexan yahay Ibraahim Maalim Mohamed (Ibraahim ‘Xiirte’), loose yeeriyay.

Marka hore waa kuma saxeexuhu? Ibraahim ‘Xiirte’ waa nin ah qalin ay kuwo kale wax ku qortaan, hadba wixii ay iyagu ka dhowrayaan magacooda. Ibraahim ‘Xiirte’ wuxu qoraalka loo yeeriyay ku bixiyay digniin aan cid ay u socoto sheegayn iyo weliba haddidaad. Ciddii loo digayo ama la haddidayo, waxaa loo bahan yahay in loo jeediyo oo la yiraado war hebel iyo hebelow, ‘Xiirte’se awoodahaa ma leeyahay oo uu digniin iyo haddidaad ku bixin karo? Kuwaa ku adeegta Ibraahim ‘Xiirte’, wax ay halku dheg ka dhigteen in ay hadba markii ay dhiiqo galaan, ciddii dhiiqadooda aragtaba ku sheegan kuwo shirka fashilinaya. Marka hore aan isweydiine, yaa shirka laga fashilinayaa ama taabbo galkiisa looga ayaan roon yahay? Mase Ibraahim ‘Xiirte’ iyo kuwa asaga ku adeegta baa shirka keligood iska leh?

Qoraalka Ibraahim ‘Xiirte’ loo yeeriyay, waxaa ku sheegan wax lagu tilmaamay “Go’aan Taariikhi Ah, ee 5tii Luulyo 2003”. Waxaa kale oo ku sheegan in koox yar oo ka tirsanaan jirtay bulshada rayidka ah iyo kuwo kale oo iyaguna yar oo ay is bahaysteen, keligood diideen go’aankaa.

Marka hore aan weydiino Ibraahim ‘Xiirte’, kuwa asaga ku adeegtaa oo odhaadaa u yeeriyay way dhuumanayaan eh, waa kuwee cidda bulshada rayidka ah ka tirsanaan jiray oo aan hadda ka mid ahayn? Yaase awood u leh oo ka bixiyay ama ka bixin kara bulshada rayidka ah? Ma jirto cid awooddaa lihi, Ibraahim ‘Xiirte’ iyo ku-adeegtayaashiisa mid koodna.

Marka labaad, bulshada rayidka ahi wax ay ka kooban tahay ka-soo qayb

galayaasha shirka oo dhan, marka laga reebo kooxaha hubaysan (SRRC/G-8) iyo TNG. Qaybaha kala duwan ee bulshada rayidka ah waxaa hormuud u ah oo ugu horreeya madax dhaqameedyada ama Issimo, Duubab, iwm: Iimaano, Boqorro, Ugaasyo, Salaadiin, Islaano, Malaaqyo, Wabarro, iyo Odayaasha kale oo bulshada Soomaaliyeed aqoonsan tahay, sida Nabadoono, Cuqaal, Kaabbo-qabiilo, iwm. Waxaa kale oo ka mid ah bulshada rayidka ah: aqoon-yahannada iyo mutacallimiinta kale, haweenka, qorayaasha, weriyayaasha, fannaaniinta, siyaasiinta, diplomaasiyiinta, wakiillada Soomaalida dibedda ku nool (The Diaspora), iwm. Qaybahaa kala duwan oo dhan ee bulshada rayidka ah, kuwo badan oo ka mid ahi waa saluugsan yihiin, waana diidan yihiin go’aan ku-sheega 5tii Luulyo, oo ay faaninayaan Ibraahim ‘Xiirte’ iyo ku-adeegtayaashiisu. Goob-joogayaasha beesha caalamka oo shirka maal-geliyaana si cad bay uga marag kaceen saluugaa.

Qoraalkaa loo yeeriyay Ibraahim ‘Xiirte’ waxaa lagu af-lagaadeeyay Wargeyska Kulmiye oo waajibkiisii gutay, eedda keliya oo loogu soo gabanayaana waa maxaad dhiiqada u aragtay? Warka uu Wargeysku ku soo saaray qoraalkiisii 25 Ogos’03, wuxuu ahaa mid run ah oo xaq ah, eex iyo hiil toona cid uma gelin. Laba beri kahor 5tii Luulyo, bulshada rayidka ahi kulan ay yeesheen waxaa lagaga dooday waxa ku soo bixi doona go’aankaa kor ku sheegan ee 5tii Luulyo. Aragtiyo kala duwan iyo talooyin isu-soo dhoweyn intaba lahaa baa madasha kulankaa laga soo jeediyay. Markaa kaddib, Guddoomiyihii baa loo wakiishay in uu isku soo dubbarido wixii ka soo baxay dooddaa, waxaana loo ballamay in kulan dambe bulshada rayidka ahi arrimaha ka yeelato. Weriyayaasha Wargeyska Kulmiye oo hadda la eedaynayaana goob-joog bay ahaayeen. Guddoomiyihii kulan dambe, sidii lagu ballabay, lama yeelan bulsha-weynta rayidka ah, oo intuu khiyaameeyay oo ka been sheegay rayi goodi, buu sidii uu doonay ugaga qayb galay meeshi lagu soo abaabulay go’aan ku-sheega 5tii Luulyo. Waana waxa shirka dhibaatada u keenay, oo ilaa maanta lagu muransan, horena loogu gudbiwaayay. Sidaa Wargeyska Kulmiye sheegay iyo hoggaamin xumaanta guddomiyihii baa keentay kala qaybsanaanta bulshada rayidka ah ilaa maanta.

Qoraalkaa Ibraahim ‘Xiirte’ loo yeeriyay waxaa kale oo lagu aflagaadeeyay Hay’adda Caalamiga ah ee NOVIB oo lagu eedeeyay in ay Shirka carqaladaynayso. Iyadana ma waxaa loogu soo gabanayaa oo loo haystaa maxaad dhiiqada u aragtay? Kaddib markii nin Sharci yaqaan ahi, oo magaciisa la yiraado Ababu Namwamba, uu hay’ddaa u soo diyaariyay warbixin uu ku duray Mashruuca Axdi Qarameedka loogu talo galay Jamhuuriyadda Soomaaliyeed ee mustaqbilka. Hay’ddaa NOVIB wax badan bay u qabatay ummadda Soomaaliyeed oo waxtarka u baahan, iyagaana ka marag kacaya wax qabadyada hay’addaa, waana gef, gunnimo iyo abaal ka dhac in maanta af-xumo loogu abaal gudo.

Mabda’a bulshada rayidka ahi waa in aanay kala raacin qaybaha kale ee shirka oo u tartamaya xukun doon, waase in ay intii karaan kooda ah isu soo dhoweeyaan afkaarta kala duwan ee qaybaha kale si loo gaaro dib-u-heshiisiin dhab ah, kaddibna Soomaalidu wax u wada qabsan karto, oo aan go’aanno si afduub ah loo soo abaabulay, oo aan berri shaqayn kari doonin lagu deg-degin.

Ayaan darro, guddoomiyihii bulshada rayidka ah, asaga oo ahaa nin loo han weynaa wuu ka leexday mabdaa kor ku sheegan ee bulshada rayidka ah, wuxuna la saftay qaybaha iska soo horjeeda midkood, asaga oo madax dhaqameedyadana quudhsaday oo ka dhigaya kuwo aan waxba ahayn, sidaana ugu tuntay dhaqanka Soomaaliyeed. Qaybta uu guddoomiyihii raacay iyo meesha uu hadda jiraba, sharaftiisiina amaahiyay wax ay si cad ugu qeexan yihiin Qodobka 4aad ee warqadda tixraacan oo loo yeeriyay Ibraahim ‘Xiirte’ oo uu ku saxeexan yahay. Hase yeeshe, qaybta dhexdhexaadka ah ee bulshada rayidka ahi marna ka leexan mayso kana daali mayso mabda’eeda kor ku tilmaaman.

GABAGABO:

Bulshada rayidka ahi, shalay tamar baan lahayn, maantana tubta toosan baan ku taagan nahay, berrina taariikhdaa noo marag furi doonta. Aflagaaddo iyo gafaf naloo geysto midna ugama tanaasulayno waajibaadka iyo mabda’ayaga toona, bulshada rayidka ah oo dhammina sidaas bay ku midaysan tahay.

Ka qayb galayaasha Shirweynaha Dib-U-Heshiisiiinta Soomaaliyeed iyo akhristayaasha kaleba dhammaan waa salaamantihiin.

Waxaa qoray Guddiga Qaybta Dhexdhexaadka ah ee Bulshada Rayidka ah.

Mbagathi, Nairobi, 3 Ogos 2003.

Qoraalkan waxaa lasoo gaarsiiyey SomaliTalk Nairobi maanta September 7, 2003.

Faafin: SomaliTalk.com | Sept 7, 2003 | 


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
 
Quraan 114 Suuradood ee Qur'aanka

 .... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

 

  Afeef: Aragtida qoraalka waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis
mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...

XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD