Warqad furan oo ku socota Md. Cabdirisaaq Xaaji Xuseen.
Qore: Axmed Xaaji Maxamuud |
Ahmedgiama@hotmail.com
Bismillahi Raxmani Raxiim,
- Md.Cabdirisaaqow arintu wey dhaafday
Baaqyo la soo saaro.
Md. Cabdirisaaq Marka hore waan ku salaanay, salaan
ka dib, waxaan ka mid nahay dad badan oo Somaali ah oo ku nool dalka gudahiisa
iyo dibadiisaba oo ka murageysan halista la soo gudboonaatay dalka Soomaaliya
iyo dadkiisaba, halistaasoo maalinba maalinta ka dambeysa sii kordheysa, haatan
dad badani ugu muuqato in ay halisba ku jirto jiritaanka dal lagu magacaabo Somalia,
oo aan noqono sida qowmiyado kale masiibooyin ku habsatay sida
Kurdiyiinta, Falastiin.
Somaalia maata waxey u baahantahay wiilasheedi iyo gabdha-
hedi daacadda u ahaa wadaniyiinta ahaa dantooda guud iyo tooda gaarka ah u kala soocantahay,
oo markasta hormariya danta guud,Qaran''nimo iyo qabiil aan marna isku khaldin.
Dadkani fiican aad iyo aad ayey u fara badanyihiin,waxaa ka
mid ah ganacsato, indheergarato,culumaaudiin, fanaaniin, dhalinyaro iwm, waxa ay
kali ah u baahanyihiin hogaamin si Qarankii Somaaliyeed loo badbaadsho.
Shirar badan ayaa hadda ka hor la isku dayay in Somaalida loo qabtay, kii u
dambeeyay waa kan haatan Mbegati ( Kenya ) ka socda wax rajo ahna loogama
fadhiyo, shirarkii hore meeshii ay mareen ayuu kanna mari. Qaw waan maqalnaa
waxse nalooma qabto. Sababtuna waxey tahay waa isla dadkii iyo isla dawladilii ayaa arinta
(Dibuhishiisiin iyo Dawlad Qaran)
laga sugayaa, oo horey wax u soo dhisiwaayay.
Waxaan soo xasuustay sheeko yar oo caruurta iskuulada hoosedhexe la barijiray
oo aheeyd mulkulaalihii isku qabsaday cadka farmaajada,kadibna ula yimid daanyeer si uu ugu qeybiyo.Danyeerkii miisaan ayuu
la yimid markaasoo farmaajadii (cheese) inta uu labo u kala jaray miistaankii saaray,hadba kii cuslaada sidii uu cad uga jarayay
ayuu farmaajadii gabiahaan dhameystay (cunay).
Hadda,mulkulaalihii labo kabadanyihiin oo waa inta Somaaliya arrimaheeda isku
haysta(Qabqableyaasha) daanyeerkana mid ka badan oo waxaan ku matalay Ethiopia, Kenya iyo Djibuuti. Dawladahani marna
marabaan in Somaaliya dawlad laga dhiso,qabqablana oo dakadiisi, garoonkiisi iyo suuqyadii canshuur kaguranaya marna marabo
in ladhiso dawlad.Md. Cabdirisaaq cidna uma maqna ceelna uma qodna umadda Somaaliyeed.
Marka,waxey inala tahay in abaa-
bul weyn lagalo,oo umadda lawacyigasho gudaha iyo dibadaba, arrimaha Somaaliya lala hoos galo dawladaha jecel in Somalia laga
dhiso dhabahaan dawlad. Ethiopia, Kenya iyo Djabuuti wax aan ka suganaa ma jirto, midkasta danaheeda u gaarka ah ayaa jira oo
ah marna in Somaali aysan dawlad yeelan, sharafteedi iyo qaran''nimadeedina la soo noqoto..
Umadda Somaaliyeed waxaan u shegeynaa in ay qabqable wax ka sugin kalsoonidana kala noqdaan,
Md.Cabdirisaaq iyo dadka lamid ahna ay abaabul adag u
galaan sidii Qaranka Somaaliyeed loo badbaadinlahaa, iyadoo laga faa''ideysanayo waayo aragnimadiina siyaasadeed, xiriirka
caalamka aad la leeyihiin iyo wadaniyadiinaba. Waxaa shaki ku jirin in umadda Somaaliyeed hadey aragto bidhaan yar in ay
boorka iska jafilaheed wadaniyadeedina la soo noqonlaheed iyo sharafteedi.-
Wabilahi Tawfiiq
Qore: Axmed Xaaji Maxamuud |
Ahmedgiama@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | Sept 3, 2003
....
Copyright
& Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
Kulaabo bogga hore ee
www.somalitalk.com
|