SOOMALI-NIMADU
MAXAY LA QEYMA TAHAY MAANTA?
QEYBTII LABAAD
QORE:
abdullahigulled@hotmail.com
Hubaal waxaa ah in ummad kastaa oo horumar
xaga dhismaha mujtmacooda ah gaartay ay daliishanayaan waxyaabo asal u ah
horumarka ay gaareen, waxaa sidoo kale lagu gartaa hadal heynta ay hadal hayaan
noloshoodii tagtay, iyo wixii ay soo mareen oo dhibaato iyo wanaagba ah. Waxaa
kaloo jirta hadal heynta noocaan ah ee la hadal hayo wixii la soo maray xiligii
tagay in iyana laga heli karo mujtamacyo bur buray sida somalida oo kale,
waloow ay dadka noocaan ahi ka sii qaadayaan niyad jab iyo kalsooni xumo ah in
ayan marnaba suura gal aheyn in waxwalba sidoodii ku soo noqdaan, marka loo
eego kuwa iyagu weli dhisan horumarkana sameeyey.
Hadaba maanta waxaan jeclaan lahaa in
qoraalkeygan aan ku bayaansho dhowr arimood oo aan is iri armay muhiim inoowada
yihiin, in aanu isu tebino isna wada gaarsiino, kaayaga ogsoon iyo kaan
ogsooneynba. Arimaha aan jeclahay in aan bayaansho waxaa ay u kala baxaan labo
qeybood kala ah dadkeenii somaliyeed iyo
dalkeenii somaliya.
A: Dadkeena somaliyeed waxaa ay ahaayeen kuwo
marxalada kala duwan soo maray, waxaana ugu badnaa saddex qeybood oo kala ah
Xoolo-dhaqato, Beeraley, iyo Magaalo joog. Muhimada aan ka leeyahay ma ah in
aan sharaxo sida ay kala yihiin saddexdaan qeybood, balse waxaan uga gol
leeyahay in badanaaba ummad kastaa oo caalamkan ku nool ay soo wada martay ugu
yaraan laba ama saddexda qeyboodba, iyada oo maanta labo kamid ahi ay yihiin
kuwo dhaqaale fara badan lagu baxsho si ayan u baabi’in, oo tartarkan cusub ee
nololeed oo maanta socdaayi ay ula saan qaadaan. Beeraha iyo xoolaha ayaa ah
kuwa noolaha ilaahay noloshoodu geliyey, waxaana lagu kala duwan yahay hadba
sida looga faa’ideysto, oo xooga loo saaro.
Soomaalidu waxaa ay tahay dadyoow iyagu
xooggoodu ilaah afka gashay oo hadalkoodu uu ka awood badan yahay nidaam kastaa
oo umad loo dejiyaa, si ay dantooda u wada ilaashadaan. Ceebeynta soomaalidu
ceebeyso xoolo-dhaqashada, iyo beerahaba, oo ay marwalbaa ka door bidi jireen
ku xirnaan-shaha wadamada dibeda oo ku cadaadiyey in dadweynaha somaliyeed ay
ka fogaadaan waxyaabaha waagii dambe loo baxshay wadani [waxyaabaha wadanka ka
baxa], ahna kuwo runtii caalamka aanu ku nool nahay heer sare uu ku gaaray iyo
nidaamkii xumaa ee dowladeed oo aanan haba yaraatee daryeel siin dadka aanan ka
quusan iyagu rajada beer-falashada, iyo xoolo-dhaqashada, ayaa la oran karaa in
ay hoos u dhigtay rajadii aheyd rabitaanka wadanka, iyo awoodiisa soo jiidasho
oo badanaaba dhalisa kal gaceyl dheeraad ah oo uu qofku u qaado wadankiisa
aaminana.
Hadaan tusaale u soo qaato, waxaa badanaaba
somalida ku nool qurbaha ay isweydiiyaan dhibaatada guud ee afrika ka wada
jirta awgeed, waxa soomaalidu ay mar walbaa u noqdaan kuwa ugu badan ee soo
gala europ-ta, amaba wadamada kale oo ay dunida islaamku ugu badanyihiin.
Hadaanu soomaali ahaan is bar-bar dhigno wadamada deriskeena ah, waxaa dhaceysa,
in almost la oran karo soomaalidu waxaa ay jebisay rekord-kii safarka umadi uga
baxdo wadankeeda, iyada oo badanaaba sababta koowaad laga dhigi karo dagaalka
sokeeye ee rajo darada dhigay in badan oo soomaalida ka mid ah.
Tusaale kale ayaa laga hayaa madaxweynihii
kenya ee hore Daniel Arap Moi in uu yiri “Kenya waxaa xaq ku ah in ay u
fiirsato waxa somaliya ka dhacaya, soomaalidu waa ay isleysay, wadankoodana waa
ay burbursheen, waxaana ay haatan marti ku yihiin wadankeena, iyaga oo hela
dhaqaale kaga yimaada eheladooda oo dibedaha ka soo taakuleeya, la’aantoodna
waxaa ay soomaalidu ahaan lahaayeen sida kenya oo qaxday, inleyn cidna uma
maqna, wadankoodiina ka barakace”.
Tusaalaha iigu yaabka badan ee aan maqlay ayaa
ahaa mid uu ii sheegay nin oday ah oo u dhashay wadanka Brundi “kana mid ahaa
madaxdii xilka laga xayuubshay ee wadankaa inta dagaalka sokeeye uusan halkaa
ka dhicin” oo aanu Business school wax ka wada baran jirnay, in uu maalin
maalmaha kamid ah ku tilmaamay xaalada murugsan ee wadankiisa ka taagneyd mid
soomaali-garoowday inaga oo markaasi iskuulka wada
fadhina, kana hadleynay dhaqamada kala duwan.Ninkaan ayaan ka codsaday in uu ii
sheego sababta ku kaliftay in uu wadankeyga soomaaliyeed heerkaa gaarsiiyo,
maadaama aanu aheyn saaxiibo runtii aad isaga war haya, waxaa uu iiga
sheekeeyey in “xaalad soomaaliyowday” ayan aheyn mid uu isagu abuurtay, balse
ay tahay waxyaabaha hada lagu bartay luqadaha cusboonaaday ee siyaasada loo
adeegsado, waxaana uu ii sheegay in uu dhowr jeer ka maqlay idaacadaha afka
fransiiska ku baxa in ay aad u adeegsadaan kalmadaas iyo kuwo badan oo hada
cusub.
Akhristoow waxaa xiligaa intii ka dambeysay
aan aad ugu guda galay hab dhaqameedka somalida oo aan aniguba kamid ahay,
intooda badan ee qurbaha ku nool iyo sida ay u qaabileen kala duwanaanshaha
iyaga iyo wadamada ay ku nool yihiin. Waxaa badanaaba dhacda in soomaalidu ay
iyagu u arkaan in la dulminayo, hadaad u fiirsatana ay yihiin iyaga kuwa dadka
isku soo jeedinaya, waxaana lagu tilmaamaa in ay yihiin Very Conservative amaba
dad aad ugu dhaggan afkaartoodu in ay tahay mida ugu saxsan, qaladba haduu
jirana uu yahay midka iyaga lagu hayo, xaq maqana uu yahay mid xagooda ka maqan.
Aqristoow waxaad ogaataa in waxa soomaalida kala qeybiyey in ay kamid tahay
garasho la’aanta danta guud, iyo xaqdhowrka guud ee ku saleysan dantoodu in ay
tahay tan ummada iyo ilaalinta danta guud in ay tahay tan gaarka ah ee qof
walbaayi leeyahay.
Qofka somaliga ah waxaa uu matalayaa diintiisa
ka sokow wadankiisa, iyo muuqaalka ummada uu ka soo jeedo. Ilaalinta
arintaasina waxaa ay waxtar ku tahay dalkiisa iyo diintiisa iyo aaminka guud ee
wadankiisa laga qaadan karo. Waxaan ku soo qatimayaa arin kaloo iyaga yaabisay
subax aan u socday skoolka aan sare ku soo xusay ayaan ka dhageystay gaari aan
watay raadiyihiisa war bixin laga soo saaray ajaanibta guud, ee ku dhaqan
yurubta, sida ugu fiican ee ay u shaqeysan lahaayeen, ugana fogaan lahaayeen
waxa la yiraahdo social welfare amaba lacagta soomaalidu u bixisay ceyrta [ oo
ah magac runtii la asiibay]. Hadaba nin kamid ah ragii arintaa loo xilsaaray
baaristeeda ayaa waxaa uu waxoogaa dulmar ah ku sameeyey ajandaha ay hayaan
isaga iyo kooxdiisa isaga oo ku qanancsan howsha uu hayana waxaa uu yiri “
hadii howshani sida aanu uga soo shaqeynay loo hirgeliyo, aanan laga quusan
xili kastaa ha qaadatee, waxaan hubaa in cid walbaa ay jeclaan doonto shaqada
loo soo bandhigo xitaa somalidaba.”
Waa socotaa insha allah................
Walaalkiin
WADAN IY NABAD INSHA ALLAH
QORE ABDULLAHI GULLED ALI
E-MAIL
abdullahigulled@hotmail.com
QORAALADII HORE EE A. GUULEED
Faafin: SomaliTalk Sept 3, 2003
Afeef: Aragtida qoraalak waxaa leh qoraaga ku saxiixan
....
Copyright
& Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
Kulaabo bogga hore ee
www.somalitalk.com
|