SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - OHIO

  Shirwaynaha 2aad ee golaha masaajidda soomaalida America ee Columbus, Ohio,U.S.A. oo Qabsoomay Taariikhdu markey aheyd August 30-September 1, 2003.

Shirwaynaha waxaa ka dhacay 10 maxaadaro oo ay soo jeediyeen culumada ka soo qayb gashay shirka, iyadoo laga tixraacayo muxaadarooyinkii iyo kulamadii kala duwanaa ee saddexda maalmood ka socday Masjid Ibnu Taymiya ee magaalada Columbus, Ohio. Waxaa laga soo koobi karaa qodobada soo socda:

1. In dadka ku nool galbeedka ay ilaashadaan diintooda iyo dhaqankooda islaamiga ah kana digtoonaadaan waxyaabaha halista u ah arrinkaas gaar ahaan ubadka iyo haweenka iyo da'yarta.

2. Dadwaynaha soomaaliyeed iney naftooda ka badbaadiyaan cudurka qabyaaladda ee khatarkta ku ah bulshada soomaaliyeed.

3. In lagu baraarugo fadliga uu leeyahay barashada cilmiga sharciga ah, gaar ahaan qofku intuu dhalin yar yahay.

4. Dhibaatooyin weyn ayaa haysata qoysaska soomaalida oo burbur badani ka dhacay intii ummaddu barakacday, in labada is qabaa guriga burburka ka ilaaliyaan, mid walbaana ilaahay ka cabsado, waxa uu leeyahay iyo waxa lagu leeyahay.

5. Nolosha aduunka inaan lagu kadsoomin, lana xusuusto dhimashada, aakhirana indhaha lagu hayo, arrinkaasna qofka sacaadadiisu iney ku jirto.

6. Salaaddu waa tiirka islaamka, waa xiriirka qofka iyo Rabi ka dhexeeya, qofkii ka tagaana waa qof diintiisii dumiyey, Rabina xiriirkii uu la lahaa uu gooyey.

7. Dadka muslimiinta ah waxaa waajib ku ah inay qabsadaan sunada Nabi Maxamed calayhi salaatu wa salaam, kana digtoonaadaan bidcada oo ah shay kasta oo lagu cibaadaysto oon diinta asal ku lahayn.

8. Tarbiyadda caruurta iyo da?yarta waajib culus ayaa ka saran waalidiinta iyo bulshadaba, shir waynuhu wuxuu aad iyo aad ugu xeeldheeraaday in ilmaha lagula dadaalo tarbiyadda islaamiga ah

9. Tawxiidka waa asalka islaamka iyo asaaskiisa, sidaa darteed ayaa loo baahan yahay qof walba oo muslim ah in uu tawxiidka adkeeyo.

10. Dadka muslimka ah waxaa loo dardaarmayaa inay khilaafka iska ilaaliyaan.

11. Shir waynaha wuxuu baaq u diray shirka dib u heshiisiinta soomaaliyeed ee Nayroobi, in uu ku booriyo in shareecada islaamka loo noqdo, dastuur kusalaysanna ummadda loo dhigo wuxuuna ka digay jid kasta oo quraanka iyo sunnada ka fog in aan wanaag lagu gaarayn.

Arrimahaas iyo kuwa kale oo badan ayaa shir waynuhu ku falanqeeyey iyadoo cajlado maqal iyo muuqaal ahba, waxaa ka helaysaa meelaha cajladaha iyo webside-yada islaamiga ah sida: www.risaala.com, E-mail: webmaster@Risaala.com, Tell: (612) 455-2665, Cell: (612) 998-1485.

Ugu danbeytii shirka waxaa culumada la weydiiyey su’aalo aad iyo aad u muhiim ah, culumadana kheyr allaha siiyee waxey isku dayayeen su’aal walba oo la soo weydiiyo in sidey tahay uga qanciyaan ahelkeeda, oo ay jawaab sax ah siiyaan. Markii in muddo ah su’aalaha ay socdeen ayaa waxaa dad weynihii faraha badnaa oo ay tiradooda gaareysey qiyaas ahaan dhowr kun ayaa waxey culumada soomaaliyeed ka codsadeen in ay u duceeyaan, saa culumadii intey aqbaltu yiraahdeen ayey mudo u dhaw 30 daqiiqo u duceynayeen ummada islaamka dhamaantood, qaasatan soomaalida, gaar ahaan dadka qurbaha jooga in uu ilaahey diintooda ka fidneyn, oo caruurtooda ka habaabin, iwm.

Runtii aqristow waxyaabihii aan ku arkey shirkaas, iyo wax yaabihii aan ka faa’ideystey, iyo wax yaabihii aan kala kulmay shirkaas wax aan qoraal ku soo koobi karo ma ahan, laakiin waxaana nasiib laheyn qofkii awoodey inuu shirkaas ka soo qeyb galo oo aanan ka soo qeyb galin wahsi iyo aduunyo jaceyl owgeed, sidoo kale waxaa nasiib leh qofkii fursadaas dahabka ah ka faa’ideystey, oo la kulmey culumadii soomaaliyeed badankood intii qurbahaha joogtaye.

Culumada kheyr ilaahey ha siiyee waxey inoo sheegeen, oo ay inagula balameen in ay sanadkiiba hal mar la dhigi doono shirkaan oo kale, oo sanad kasta laga dhigi doono state………..state-kaasoo ka mid ah state-yada ay soomaalida dagantahay.

Ugu danbeytii waxaa walaalehey u dardaarmayaa u dhaqanka diinta islaamka meel walba oo ay joogaan, waxaana ku baraarujin lahaa in ayna sahlan oo ayna fududeysan shirkaas, ee ku dadaal in aadan ka baaqan kan soo socda insha’allah, una sii tabaabusheyso hadda, oo jadwal u sii dajiso, si aadan uga baaqan shirka.

Walaalayaal kanni waa walaalkiin oo idin leh waxaa inoo balana sanadka cusub, iyo shirka cusub, iyo state-ka cusub oo la iskugu imaan doono insha’allah, iyo walaalaha muslimaadkaa oo mar kale is arka. Wabilaahi towfiiq wajazaa kumu laahu kheyran. Shukran.

PS. Wali culumada inooma sheegin sanadka cusub state-ka uu shirka ka dhici doono, iyo waqtiga uu dhacaayo, ee sidaa ula soco.

Waa qoraalkaan idiin soo gudbiyey Osmanbilad @ Masjid Ibnu Taymiyah & Islamic Center, oo ku yaala magaalada Columbus, Ohio,. U.S.A. osmanbilad@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk Sept 3, 2003


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
 
Quraan 114 Suuradood ee Qur'aanka

 .... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

 

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis
mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...

XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD